Scroll to Top

Tanaadpress

Wargeyska Tanaad Press

Sarkaalkii ugu sareeyay ururka Al-Shabab oo ka tirsan Golaha Sare ee Shuurada Alshabaab ayaa isu dhiibay dawladda Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Gedo, iyadoo loo duuliyey magaalada Muqdisho. Sarkaalkan oo lagu magacaabo Aadan Cabdi Maxamed (Aadan Coobbe) ayaa wadahadal kula jiray dowladda Soomaaliya, waxaana la sheegay inuu khilaaf kala dhaxeeyay amiirka iyo madaxda sare...

Waxaa saaka oo Sabti ah magaaladda Garowe ku geeriyoodey gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka dowladda Puntland, C/rashiid Maxamed Xirsi. Allah ha u naxariistee C/rashiid ayaa xilal kala duwan kasoo qabtey labadii dowladood ee ugu dambeysay ee Puntland, iyadoo maamulkii Farole soo noqday Gudoomiyaha Baarlamaanka 2009-2013. 1976 ayay aheyd markii iigu horeysay ee uu noqdo agaasimihii...

R/Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa maanta tababar usoo xiray ururka Gorgor oo qayb ka ah ciidanka Kumaandoosta ee DANAB. Ururka Gorogor ayaa ah ururka koowaad ee DANAB ee Turkigu tababaraan, qaybna ka ah shan kun oo ciidan ah oo dawladda Soomaaliya ay kula heshiisay dawladda Turkigu in ay u tababarto. Ciidamadan ayaa waxa ay tababarkooda kusoo qaateen xerada...

Allaha u naxariistee C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa sanadkii 1956 ku dhashay magaalada Jowhar isagoo bilowgii waxbarashadiisii ku soo qaatay magaalada Jowhar, wuxuu shahaaddada koowaad ka qaatay Jaamacadda Toronto, isagoo diyaariyay Cilmiga Sociology-ga, kadibna wuxuu cilmiga Sharciga ka diyaariyay Iskuulka Osgoode Hall Law School ee jaamacadda York ee ku taalla Toronto,...

Degaanka Qansaxle oo ah magaalo facweyn oo hoostimaada degmada Galdogob ee gobolka Mudug, ayaa waxgaradkeedu waxay si aad ah uga cabanayaan Adeegga isgaarsiinta Somtel. http://www.tanaadpress.com/wp-content/uploads/2019/02/qansaxle.mp4 ...

Degaanka Qodgaashaan oo u dhexeeya degmada Galdogob & Gaalkacyo ayaa waxaa gaaray wafti uu hogaaminayo Duqa degmada Galdogob Xasan Faarax Ayaxle . Wafdigaan ayaa u tagay degaankaasi inay u sameeyaan Plan iyo jidad ay Qod gaashaan yeelanayso & dhagax dhigga adeegyada asaasigaa sida waxbarashada , caafimaadka iyo biyaha. Hoos ka daawo ...

kastamka Tuur dibi oo dhaca bar-xuduudeedka Somaliya & Itoobiya ee duleedka degmada Galdogob ee Gobolka Mudug, oo ay u dhan yihiin dhammaan adeegayadii uu u baahnaa oo halkaasi lagu diyaariyay muddo ka badan 2 sano ayeysan suurto galin inuu si rasmi ah u hawl-galo. Hadaba Xiriiriyihii Mashruuca dhismaha kastanka Tuurdibi Mahad Yusuf ayaa ka waramaya cidda hortaagan...

Yaxye Daahir waa 24 jir, haweenayda uu caashaqayna waxaa lagu magacaabaa Barni Cali Salaad waana 50 jir. Lamaanahaan ayaa arooskoodu ka dhacay Magalaada Godinlabe ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Lammaanahaan ayaa in muddo ah ay soo wada Socdey Jaceelna Uu Ka dhaxeeyay labadoooda iyagoo ugu danbeyntii ay is guursadey. Dadka ayaa ku micneeyay arooskaan iyo...

Iyadoo ay dood badani ka taagneyd tartanka kursiga degmada Galdogob ee beesha Muumin Aden(Leelkase) ee doorashada xubnaha barlamaanka Puntland 2019, ayaa waxaa iska soo daba dhacaya Hambalyada ragga la sheegay inay ku guulasyteen kursigaasi. Goor sii horaysay ayaa waxaa soo baxay warar sheegaya in kursigaasi uu helay ninka ay sida weyn ugu ololaynayaan maamulka Puntland...

Haweeney u dhalatay dalka Masar oo wareysi siisay Wargeyska The Washington Post ayaa sheegtay inuu si qarsoodi ah u guursaday Saxafigaasi, dhowr bilood ka hor inta aan la dilin. Haweeneyda oo magaceeda ku soo koobtay H. Atr ayaa intaas ku dartay in munaasabadda Nikaaxa si qarsoodi ah loogu qabtay Washington, iyadoo aysan ka warqabin Xaaskiisa cusub ee Turkishka Khadiija...