Scroll to Top

Tanaadpress

Wargeyska Tanaad Press

Taliyihii Ciidamada Isku Dhafka ee magaaladda Galkacyo ayaa u geeriyooday dhaawac culus oo kasoo gaarey weerar toogasho ah oo ay dabley hubeysan xalay ku beegsatay. Gaashaanle Dhexe Khaliif Nuur Shiil ayaa la weeraray isaga oo kasoo baxay Masjid ku yaala xarunta gobolka Mudug, kaasi oo uu kusoo oogay Salaada Taraawiixda, sidda ay sheegeen goobjoogeyaal. Sidda ay xaqiijiyeen...

Maxkamada Darajada Koowaad ee magaalada Garowe ayaa saaka go’aan ka gaartay kiiskii kufsiga dilkii Caa’isha Ilyaas Aadan oo 12 sano jir ahayd , kana dhacay magaalada Gaalkacyo. Gudoomiyaha maxkamadda Sheekh Cabdinuur ayaa ku dhawaqay in maxkamaddu dil toogasho ah ku xukuntay 3 eedaysane oo lagu helay falkan, kuwaasoo kala ah: Cabdifataax Cabdirahman Warsame, Cabdisalaan...

Shan maalmood kadib shirkii wadatashiga Madaxda Dowlada Federaalka iyo Dowladda Goboleedyada ku yeesheen magaalada Garowe, wuxuu ku soo dhammaaday natiijo la’aan la isku mari waayey dhammaan qodobadii hor yaallay. Shirka ayaa u muuqday mid alifka ka wareeray markii uu isugu yeeray amdaxweynaha martida loo ahaa ee Puntland Siciid C/llaahi Deni, waxaana dhacday in ajendayaashiisa...

Mid kamid ah Mashriicda horumarinta degmada Galdogob – jidka laamiga ah ee dhexmari doona degmada Galdogob ayaa maanta la dhagax dhigay. Hoos ka daawo ...

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Warshadaha iyo Maalgashiga Puntland Cabdilaahi Cabdi Xirsi oo safar shaqo ku jooga dalka Mareekanka ayaa kulan la qaatey hoggaanka Nabad-galyada Gobolka Minnesota. Hoos ka daawo http://www.tanaadpress.com/wp-content/uploads/2019/05/Wasiirka-Wasaaradda-Ganacsiga-Warshadaha-iyo-Maalgashiga-Dowladda-Puntland-Ca.mp4 ...

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhaweyd gaaray magaalada Garowe caasimadda maamul goboleedka Puntland. Magaalada Garowe waxaa horay u sii joogay Raysal wasaare xasan Cali Kheyre oo ay wehliyaan qaar ka mid ah golahiisa wasiirrada iyo madaxda maamul goboleedyada. Waxaana berri oo Axad ah lagu wadaa in halkaasi uu ka furmo shir u dhaxeeya dowladda...

Boqorka dalka Thailand Maha Vajiralongkorn ayaa guursaday haweeney kamid aheyd ilaaladiisa gaarka ah, waxa uuna boqorka haweeneydaasi inta uusan guursan kahor ka dhigay Jeneraal ciidan . Halkan ka Daawo muuqaalka Suthida Vajiralongkorn Na Ayudhya oo horey uga mid aheyd adeegayaaha Diyaarada Thailand Airays ayaa boqorka dalka Thaliland aa uu ka dhigay taliye kuxigeenka...

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeeray xarumaha danta guud ee lagu dhisayo Barnaamijka Is-xilqaan ayaa ku ammaanay muwaadiniinteenna sida ay u soo ajiibeen baaqiisa ku saabsanaa in laga wada qeyb qaato Ololaha Isxilqaan ee dalka dib loogu dhisayo. Madaxweynaha ayaa dul istaagay shaqooyinka dib-u-dhiska iyo dayac-tirka ah ee lagu wado Tiyaaratka,...

Degmada Goldogob Koox dhalinyaraa ayaa Loo carbiyeeynayaa sidii ay ugudan lahaayeen waajibaadkooda shaqo Ee ku aadan dab daminta. Degmada Goldogob Oo horumar kala Duwan Oo baaxadwayn ku tilaabsatay Maalinba maalinta ka dambaysana ay sii kobcayaan Horumarada magaaladu ay gaarayso ayaa isku tashi Dadka Deegaanku sameeyeen bishii lasoo dhaafay waxay kusoo iibsadeen Dam damis...

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baran Oo dhacda dhanka bari Ee gobalka sanaag ayaa sheegaya in Mudaharaad xoogan maanta ka dhacay magaalada  kaasoo shacab caraysani ay ku joojiyeen isu socodka magaalada sidoo kalena waddooyika waawayn ku gooyeen dhagxaan kadib markii xalay kufsi loogu gaystay gabadh yar oo 9 jir ah miyi-ga magaalada Badhan.     Xaalada Gabadha...