Taliyihii hore ee Jeel Ogaadeeniya oo laga soo qabtay Galdogob loona gacan-galiyey Itoobiya

by admin | Sunday, May 26, 2019 | 71 Shared

Taliyihii hore ee Jeel Ogaadeeniya Xasan Ismaaciil Ibraahim [Xasan Dheere] ayaa lagu waramayaa in maanta oo Axad ah uu u gacan-galay dowlada Itoobiya.

Xasan Dheere ayaa xalay oo Sabti ahayd laga soo qabtay xadka Itoobiya la leedahay Soomaaliya, gaar ahaan magaaladda Galdogob, waxaana maanta oo Axad ah laga dejiyey magaaladda caasimadda ah ee Jigjiga, xarunta Soomaali Galbeed.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in howlgalka lagu soo qabtay sarkaalkaan ay ka qayb-qaateen ciidamada booliska degaanka iyo kuwa federaalka.

Korneylkaan ayaa xilkaasi wuxuu hayey mudadii uu xafiiska joogay Cabdi Maxamuud, kaasi oo haatan xabsi ku jira, wajahayana dacwad la xiriirta xadgudubyo ka dhan ah aadanaha.

Xasan ayaa loo haystaa tacadiyo ka dhan ah bini’aadamka oo uu geystay waqtigii uu taliyaha xabsiga Jeel Ogaadeeniya ahaa. Sidoo kale, wuxuu mar soo noqday taliyaha ciidamada Asluubta.

Xabsigaan oo la xiray bishii September 2018-kii ayaa la sheegay in in ka badan 1,000 maxaabiis oo ku jirtay lagula kacay gawood-falo isugu jira kufsi wadareed, jirdil iyo garaacis joogto ah.

Xeer-ilaalinta Itoobiya ayaa horey u soo saartay bawlo [warrant] lagu soo xirayo ku dhowaad 40 ruux oo maamulkii horey ka tirsanaa oo uu ku jiro Xasan, kuna eedeysan xadgudubyadaasi.

Like it? Share it!

Leave A Response