Taliyihii Ciidanka Isku Dhafka Galkacyo Oo Xalay Lagu dilay Gaalkacyo

by admin | Sunday, May 12, 2019 | 31 Shared

Taliyihii Ciidamada Isku Dhafka ee magaaladda Galkacyo ayaa u geeriyooday dhaawac culus oo kasoo gaarey weerar toogasho ah oo ay dabley hubeysan xalay ku beegsatay.

Gaashaanle Dhexe Khaliif Nuur Shiil ayaa la weeraray isaga oo kasoo baxay Masjid ku yaala xarunta gobolka Mudug, kaasi oo uu kusoo oogay Salaada Taraawiixda, sidda ay sheegeen goobjoogeyaal.

Sidda ay xaqiijiyeen saraakiisha amniga, gacan ku dhiigleyaasha ayaa durba ka cararay goobtaa kahor inta aysan soo gaarin ciidamada amaanka oo sameeyay howlgalo lagu ugaarsanayo raggaasi.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda falkaasi lagu beegsaday Marxuum Shiil, oo lagu wado in lagu aaso qubuuraha magaalada.Taliyihii isaga ka horeeyay (korneel Xoreeye)ayaa isagana sidaan oo kale loogu dilay Gaalkacyo sanad kahor.

Madaxda heer degmo ilaa iyo heer gobolka Mudug ee labada maamul Puntland iyo Galmudug oo tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada Marxuumka ayaa la filayaa in ay ka qaybgalaan aaska.

Ciidamada Isku Dhafka magaaladda Galkacyo oo ay aas-aasitaankooda door wayn ka ciyaartay Qaramada Midoobay ayaa loo sameeyay in ay ka qayb qaataan dadaalada nabaddeynta caasimad goboleedka Mudug.

Like it? Share it!

Leave A Response