Faaqidaad Shirka Garoowe Uga Furmay Dowladda Federaalka & Maamul Goboleedyada

by admin | Saturday, May 4, 2019 | 43 Shared

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhaweyd gaaray magaalada Garowe caasimadda maamul goboleedka Puntland.

Magaalada Garowe waxaa horay u sii joogay Raysal wasaare xasan Cali Kheyre oo ay wehliyaan qaar ka mid ah golahiisa wasiirrada iyo madaxda maamul goboleedyada.

Waxaana berri oo Axad ah lagu wadaa in halkaasi uu ka furmo shir u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada.

Madaxweyne Farmaajo marka uu ka soo dagayey gigada diyaaradaha ee magaalada Garowe waxaa halkaasi ku soo dhaweeyey Ra’isal wasaare Kheyre iyo Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni.

Shirkan ayaa dhawaan waxaa ku baaqay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Deni, xilli uu ka soo laabtay booqasho uu ku tagay waddamada Kenya iyo Imaaraadka Carabta.

Deni ayaa xilligaasi sheegay in khilaafka dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada uu halis ku yahay mustaqbalka dalka.

Siciid Deni ayaa sheegay in intii uu safarrada shaqo ku jiray uu magaalada Nairobi kula kulmay madexweyneyaasha maamul goboleedyda Jubbaland iyo Galmudug, kuwaasi oo ay ka wadahadleen waxa uu ku sheegay wadashaqayn la’aanta muuqata ee Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul goboleedyada.

Hase yeeshee waxaa jira Saddex Arrimood oo jebiyey ajandihii shirka Garoowe, kuwaasoo kala ah:

1 – Ajandaha uu lahaa kulanka Garoowe ayaa ahaa in ay madaxdu ka wada hadlaan sidii loo caddaynlahaa mawqifka doorashada soo socota ee dawladda soomaliya iyo hannaankeeda.

In kasta oo markii shirka la shaaciyay aysan jirin hannaan sax ah oo loogu taloagalay doorashada soo socota, haddana waxaad mooddaa in ay madaxda dawladda federaalku jawaab ka dhigeen meel marintii ansixinta golaha wasiirradu ansixiyeen hannaanka xisbiyada iyo doorashada.

Meel marinta sharcigan ayaa guud haan bedelay ajandihii shirka amase ka dhigay mid yareeya gaashaankii badnaa ee dawlad gobolleedyadu u siteen dawladda dhexe, waana macquul in ajande kale uu shirku isu bedelo.

2 – Arrinta kale ee lama filaanka ahayd ayaa ah in ra’isal wasaare Khayre uu Garoowe ka degay isaga oo aan wadan wax ciidan ah, balse uu door biday in uu amnigiisa u dhiibo ciidanka Puntland.

Tan ayaa noqonaysa hal-qabsi weeyn oo uu ra’isal wasaaruhu ku hal-qabsan doono, tusinna doono maamul gobolleedyada in uu waajib yahay hirgalka nidaamka federaalku, sababta uu ciidanka isugu aaminayna ay tahay mid u ku caddaynayo in aysan jirin kala fogaansho siyaasaddeed, si taas la mid ahna uu madaxda maamul gobolleedyada ka codsado in ay sidaas mid la mid ah isugu soo aamminnaan ciidanka soomaliya oo ay yimaaddaan muqdisho iyaga oo aan wax baahi ciidan ah u baahnayn.

3 – Oggoolaanshaha bilaa shuruudda ah ee madaxda dawladda federaalku si wada jir ah uugu tageen Garoowe ayaa iyana ah mid si weeyn u bedelaysa fikirkii ahaa “mindi-mindi ku taagta” ee ay maamul gobolleedyadu ku hayeen dawladda dhexe, waana tallaabo la dhihikaro dawladda dhexe waxay tusaysaa bisayl siyaasaddeed.

Kulanka Garoowe waa mid dawladda hadda jirta u ah sahan siyaasaddeed  oo ay ku doonayso meel marinta doorashada soo socota, waana tallaabo laga yaabo in ay ku doonayso xod-xodasho ay ku xod-xodato siyaasiyiin muhiim ah, taas oo ay kaga dhaadhiciso meel marinta qorshaha doorasho ee ay dawladdu soo jeedisay taas oo ay macquul tahay in ay hadhow sahasho muddo kororsiga dastuurku oggolyahay.

Si kasta kulanka Garoowe waa mid uu bedelmay ajandihii la shaaciyay, waana mid ay macquul tahay in meesha la keeno qorshayaal hore kulankoodu u baaqday taas oo ay dawladda federaalku wadatay.

 

Like it? Share it!

Leave A Response