Qaybo kamid ah Horumarka Ay ku Talaabsatay Degmada Goldogob.

by admin | Thursday, May 2, 2019 | 89 Shared

Degmada Goldogob Koox dhalinyaraa ayaa Loo carbiyeeynayaa sidii ay ugudan lahaayeen waajibaadkooda shaqo Ee ku aadan dab daminta.

Degmada Goldogob Oo horumar kala Duwan Oo baaxadwayn ku tilaabsatay Maalinba maalinta ka dambaysana ay sii kobcayaan Horumarada magaaladu ay gaarayso ayaa isku tashi Dadka Deegaanku sameeyeen bishii lasoo dhaafay waxay kusoo iibsadeen Dam damis si Uu uhaqab tiro baahiyaha Degmada Hadii Uu meel dab qabsado,

Horumarka Degmada Ee dhawaan lafilayo waxaa ka qayb ah dhisida Laami laga hirgalinayo jidka wadnaha magaalada mashaariic iyo suuqyo waawayn Oo ay xariga ka jareen
Dawlada Dhexe iyo Maamulka puntland iyo hay’do caalimya Oo isagana dhawaan bilaabanaya.

Goldogob waa Degmada Labaad Ee Gobalka Mudug Ugu baaxadwayn kuna xigta magaalada Galkacyo Dadka Ku Nool gudaha Degmada ayaa gaaraya qiyaas ahaan 90,000 90 kun Oo Qof halka wadarta  Guud Dadka kunool deegaanada Hoos imaadana ay 80,000 gaarayaan taasoo tirada Area ay noqonayso 170,000 kun Boqol iyo todobaatan Kun  Kobca Degmada Ayaa marba marka Kadanbaysa sii fidaya ayadoo ay ku fadhiso dhul badkiisu qiyaas ahaan dhanyahay ( 13 Km2 ) 13 Km iskuweer Tuulooyinka iyo deegaanada Hoos yimaada Degmada ayaa dhan qiyaas ahaan 60 Deegaan Oo ka kala xiga afarta jiho.

 

Like it? Share it!

Leave A Response