Ilaaliso isku badashay Meeqaamka Boqornimo dhacdo Cajiib ah

by admin | Thursday, May 2, 2019 | 67 Shared

Boqorka dalka Thailand Maha Vajiralongkorn ayaa guursaday haweeney kamid aheyd ilaaladiisa gaarka ah, waxa uuna boqorka haweeneydaasi inta uusan guursan kahor ka dhigay Jeneraal ciidan .

Halkan ka Daawo muuqaalka

Suthida Vajiralongkorn Na Ayudhya oo horey uga mid aheyd adeegayaaha Diyaarada Thailand Airays ayaa boqorka dalka Thaliland aa uu ka dhigay taliye kuxigeenka ciidanka ilaalada u ah.

Boqor Maha Vajiralongkorn ayaa dhaxlay boqortooyada Thailand kadib markii uu geeriyooday aabihiis oo Boqor ahaa, waxa uuna boqorka horey u soo guursaday xaasas badan , waxaana u joogta 7-caruur ah.

War saxaafadeed kasoo baxay Boqortooyada Thailand ayaa lagu sheegay in Boqor Maha uu go’aansaday inuu dalacsiiyo General Suthida Vajiralongkorn ,oo uu boqorad ka dhigo, waxa ayna Haweeneydan hada kadib la maqaam noqon doontaa qoyska reer boqor.

1140486229

Like it? Share it!

Leave A Response