MD Farmaajo & MD Eritaria Oo Ethopia u heshiiyay.

by admin | Monday, Apr 29, 2019 | 113 Shared

Madaxwayne Dawlada Fedraalka Somalia Mudane Mohamed Abdalla Farmaajo iyo dhiigiisa Eritaria asaisa afwerki ayaa uheshiiyay ineey meel uga soo Wada jeesadaan Dawlada Ethopia  maadaama ay qosol kore iyo waji fur furan iyo qamuunyo hoose ama shirqoolo ka dhan ah bada Somalia ay wadaan.

 

 

Madaxwayne Afwerki ayaa walaac Xoogaa kamuujiyay kuna tilmaamay dhismaha ciidamada Badda Ethopia  asagoo sheegay ineeysan Caalmka ka jirin dal bilaa bad ah Oo dhahaya Ciidan bad ayaan samaysanayaa waxa Uu sheegay Hawshani ineey khatarteeda leedahay Loona baahanyahay inuu Madaxwayne Farmaajo dhexdhigo Guud ahaan Madaxda iyo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

 

Afwerki waxa Uu u cadeeyay in Eritaria wakhti xaadirkan ay iskaga filantahay damaaci iyo duulaan ka dhan ah Badda Eritaria Oo ay ku soo qaado Ethopia waxa Uu ku andacooday in Eritaria ay leedahay Ciidan ka awood badan kuwa Ethopia military manaxayaal ah Oo aan dib usoo jeesan afwerki ayaa hadalkiisa kusii daray in Walaac kaliya Oo haystay ay ahayd Cunaqabatayntii Hubka Taaasoo laga qaaday Da’daalkeedana Oo qayb libaax ka qaatay Madaxwayne Farmaajo.

 

Madaxwaynaha Eritaria ayaa ucadeeyay Madaxwayne Farmaajo duulaan ka Badda Ee Ethopia halka Uu ku wajahanyahay ineey tahay Somalia ayadoo ay Ethopia ka faaidaysanayso burburka siyaasadeen iyo khilaafka hareeyay Madaxda Soomaaliyeed kaasoo hogdheer ku riday  mustaqbalkii wadanka Somalia .

Halkaan ka Daawo muuqaalka iyo faahfaahinta

 

 

 

 

Kulanka labada Madaxwayne ayaa kusoo beegmay ayadoo mid kamida Hogaamiyaasha Ugu sareeya saraakiisha Ethopia Oo lagu magacaabo Jenaral Brahino ay Ethopia Meel fiican marsiinayso dhismaha Ciidamada Badda kuwaanoo ka hawl gali doona Bad waynta hindia iyo Badda cas Taasoo daboolka ka qaadaysa ineey Ethopia kusoo wajahantahay  Badda Somalia

 

 

 

Warkii ama Xogta Uu bixiyay Jeneral Brahino Ee siiyay mid kamida wakaaladaha wararka Ethopia

(Tanaadpress.com) Hogaanka Militariga Itoobiya ayaa sheegay in dib loo dhisayo ciidanka badda Itoobiya oo la burburiyay 1996-kii kadib markii ay Eritrea ka go’day dalka Itoobiya sanadkii 1991-kii.
Wixii waqtigaa ka danbeeyay Itoobiya waxa ay noqotay wadan aan heysan bad saldhig u noqota ciidanka badda Itoobiya.

Isbuucii tagay mid kamid ah hogaanka ciidamada xoogga dalka Itoobiya oo lagu magacaabo Jeneraal Berahino ayaa warbaahinta Addis Standard u sheegay in ay laga maarmaan tahay in dib loo aasaaso ciidanka badda Itoobiya.
“Waxa aanu la tashanay dalal kale, marka ay timaaddo qaab dhismeedka ciidamadeenna badda, xajmiga iyo dib u howlgelinta” sidaa waxaa yiri Jeneraal Berahino Juula, Abaanduula xigeenka ciidanka xoogga dalka Itoobiya oo la hadlay Addis Standard.

Abaanduulaha oo hadalkiisa sii wata ayaa ku dooday in dalal kala duwan oo fara badan ay meelo kala duwan uga yimaadaan si ay u u muujiyaan ama u abuuraan awoodooda dhinaca badda sidaa darteedna aysan jirin sabab ay Itoobiya bad la’aan usii ahaato.

“Waa in aynu muujinnaa saameynteenna badda, dalal kale duwan oo badan baa meelo aad u fog uga imaanaya in ay saameyntooda badda ka muujiyaan, wax aan nahay dal weyn oo ay degan yihiin dad ka badan 100 milyan, mana jirto sabab ay Itoobiya usii ahaato bad la’aan” ayuu ku dooday Jeneraal Berahinu Jula.

Raiisul wasaare Abiy Axmed ayaa horaantii bishii Juun ku dhawaaqay damaca dalkiisa ee ku aadan ee dib u howlgelinta ciidamada badda Itoobiya.

 

Like it? Share it!

Leave A Response