Maxay kawada hadleen wasiirada arimaha Dibada Somalia iyo kan Qadar.

by admin | Monday, Apr 29, 2019 | 31 Shared

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa kulan laba dhinacle ah kula yeeshay shalay oo Axad ahayd (28 April) Magaalada Doha Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Qatar Mudane Mohammed bin Abdulrahman Al Thani.

Wasiir Axmed Ciise Cawad iyo Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Qatar  ayaa ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka iyo habkii looga horrumarin lahaa dhinac waliba, waxa ay sidoo kale isla faaqideen arrimaha gobolka iyo dunida.

Xiriirka saldhigan ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar waa tusaale iftiin badan oo  caddayn u ah xiriirka dheer ee taariikhda labada dal.

 

 

 

Like it? Share it!

Leave A Response