Burburkii bulshada iyo Barakicii duuliyeyaasha/Qalinkii-duuliye sare: C/laahi Azhari

by admin | Monday, Apr 22, 2019 | 173 Shared

Burburkii bulshada iyo Barakicii duuliyeyaasha
Qalinkii Duuliye Sare C/Laahi Azhari

Xamar: Diseembar 1990

Waa subax Axad ah. Waa Diseembar 30, 1990. Dalku waa Soomaaliya, geeska Afrikada bari. Goobtu waa Mogadishu, magaalomadaxda Soomaaliya. Waxa ay kulaashaa badda Hindiya. Maalintaas, Diseembar 30, 1990, xaraaraddu waxay u dhaxaysay 28°C Ilaa 30°C.
In kasta oo Mogadishu dhul baraha u jirto in ka yar 460 km, oo mara magaalada Sanguuni ee degmada Kismaayo, haddana, marna xaraaraddu ama heerkulkeedu ma dhaafo 32°C. Meesha ay dunida kaga taal darteed, waxa ay heshaa naacawda ama dabaysha bad weynta Hindiya ka soo lasha (Sea breeze), balse waxay leedahay huur daran oo aad u sarreeya (high humidity), oo dhididku ku hoorayo.
Diseembar 1990 xusuus badan bay ii leedahay waana hubaa in aanan Buuggan ku uruurin karin.
Waa adduun iyo xaalkiise, maalintaas waan ka nasanayay Duullimaadkii xirfad iyo shaqaba ii ahaa. Diyaaradahii aan ku duuli jiray waxa ay kala aadeen Boosaaso iyo Boorama. Guriga baan ku barqaday. Badanaaba, maalmaha aan Duulista ka nasto xaaskayga Luul Xaaji Yuusuf waxay ku dadaali jirtay in aan la i toosi ilaa aan iskay u tooso ma ahee. Carruurta meelo aanan shanqartooda ku toosin karin bay ku maaweelin jirtay.
Waxaa Qoyskayagu ka koobnaa saddex carruur ah oo aannu dhallay oo kala ah Laba gabdhood iyo Wiil. Labadayada waalidka ah, waxaa na weheshay Safiyo Xaaji Yuusuf oo Luul ay walaale yihiin, oo markaas dhigan jirtay dugsiga Hoose. waxaa kale oo reerka tarraxay Aay Barreey oo ahayd islaan waayeel ah oo ay Macruufo qoys ahaayeen xaaskayga.
Subaxaas markii aan toosay waxaa sharqantaydii dareentay Luul, Waxay isla markiiba soo gashay qolkii aan hurday waxayna cod hooseeya ku tiri “Cabdullaahi ma toostay, waa kuu diyaar quraacdii.” Dhugasho naxariis leh kaddib waxaan, “iri mahadsanid gacaliso, Ilaahay ha ku xafido.” “See tihiin adiga iyo carruurtu walaal,” baan u raacshay.
“Aad baan u fiicnahay Ilaahay mahaddi,” bay tiri.
Luul waxay ahayd xaamilo sidkeedii dhammaaday. Waa qof karti badan oo siiba gaarinimo iyo nadaafad ku sifowday. Waxay u weyneyd toban Carruur ah oo ay hooyadeed iyo aabbaheed dhaleen. Waxay ku barbaartay taakulaynta hooyadeed iyo xannaanaynta walaalaheed ka yaryaraa. Mid iyo labo ma ahee, wiilal iyo gabdhoba way soo xambaartay. Luul waxay ahayd mid ay hooyadeed ku nasatay una ducaysay.
Inta labbistay baan u soo dhaqaaqay qolkii fadhiga iyo qadada. Albaabkii baan riixay. Waxaa i saaqay Sumbaax udgoon. Wax kale ma ahayne waxay ahayd khumkhum ay u shidday qolka. Ilaahay bay ahayd wax lagu mahadsho jawiga goobtaas ka muuqday.
Waan fariistay. Luul markii aan soo galayay qolka way i soo daba socotay. Isla markiiba waxay dhanka shishe ka martay miiskii cuntadu taallay oo fariisatay. Waxay u gashay aqool raashinkii ay diyaarisay waxayna iigu soo riixday mid-mid. Hadba midka ay isleedahay markaas buu u jecelyahay cunistiisa bay soo riixaysay. Waxaan laacay Tarmuuskii shaaha dabadeedna aan ka qaaday Daboolka. Gacanta bidix baan ku qabsaday koob dhoobay ah oo dhag leh. Inta horteeda dhigay baan ku iri, “walaal xoogaa yar oo caddays ah baan kuu shubayaa.” Luul waxay ka mid ahayd dumarka marka ay uur leeyihiin aan ku fiicnayn cuntada. Iyada oo qaddarinaysay go’aanka aan qaatay bay tiri, “Haye walaal in yar ii shub.”
Luul iyada oo ka faa’iidaysanaysay maalinta aan ka nasanayay duullimaadka iyo jawiga isla-jooggayaga maalintaas bay tiri:

Cabdullahiyow Magaaladu maalmahan waa kacsan tahay. Waxaan ogahay in aadan kaasha u hayn in aad wax badan ka ogaato xaaladda magaalada, gaar haan Nabadgalyada. Hooyo ayaa mar walba ila soo hadasha. Magaalada hub badan baa la soo gashay, gaar ahaan suuqa Bakaaraha iyo aaggiisa. Waxaa si weyn looga cabsi qabaa in dagaal ka qarxo magaalada goor aan fogayn.

Luul ma ahayn qof haweenka ku darsada oo sheekooyinka la wadaaga. Hooyadeed Maryan Shiikh Cabdi oo waalidnimada ka sokow ay yihiin saaxiibbo aad isugu dhaw baa u soo warrami jirtay. Laftigayga dhowr jeer bay taleefan igu weyday hooyo Maryan.
Waxaan deggenayn meel u dhexaysa suuqa Bakaaraha iyo baar Ubax, siiba jidka loo yaqaan Soddonka kolka laga aado xagga suuqa weyn ee waddada Hawlwadaag. Hooyo Maryan Shiikh Cabdi iyo carruurteedu waxay degganaayeen meel u dhexaysa suuqa ceel Ibraahim iyo Ceel Hindi ee degmada hawl wadaag.
Waxaan si fiican wax uga ogaa sida ay wax uga dhaceen magaalooyinka Hargeysa iyo Burco. Magaalooyinkaasi waxay noqdeen deegaanno haawanaya oo shicibkii degganaa ka qaxay. Goobo dagaal oo ay ku dagaallamaan jabhado iyo askar bay ahaayeen. Weerarku ma ahayn mid kala joogsada, labada ciidanna ma kala fogayn had iyo jeer.
Sidaas oo kale Berbera wax shacab ah oo badani kuma harin, dhaqdhaqaaq ganacsi iyo xafiisyo dawladeed oo toos u shaqaynayay ma jirin. Waxa kali ah oo ay ku dhaantay magaalooyinka kale ee aynu soo xusnay, magaalada dhexdeeda dagaal kama dhicin madaafiic burburisayna ma jirin.
Waxaan kale oo xog ogaal u ahaa intii aan u kala duulayay magaalooyinka dalka, in magaalada Gaalkacyo iyana laba jeer lagu kala qaxay. Mar waxaa la oran jiray qax kibir oo iyada oo aan dagaal weyni dhicin baa waqooyi iyo koofur shacabkii magaaladu u kala qaxay. Marna dagaal xooggan baa ka dhacay oo shacabka dhanka waqooyi dad badani kama qixin. Waxay noqotay magaalo shacabkii deggenaa ay qayb guryahoodii ka maqan yihiin oo aan nolosheeda loo dhammayn.
Beeluhu waxa ay ku dagaallameen baaddiyaha fog ee tuulada Bardagool ee degmada Gaalkacyo. sidaas oo kale waxaa darafta koofureed ee degmada Galdogob, gaar ahaan Galdhuumood dagaal xooggan ku dhexmaray Beelo gobolka wada dega.
In kasta oo kutirikuteen dawladda wax looga saarayay dagaallada gobolka Mudug wax cad oo la taaban karo ninna ma hayn. Waxaase hubaal ahayd in dawladdu u soo dirtay gobolka wufuud heer wasiirro ahaa si buuxdana u wada hadal siisay odayaasha beelaha. Dad badan baa si micno darro ah ugu naf iyo maalba waayay dagaalladaas.
Waxaa kale oo jiray in general Cabdi Cabdullaahi Cabdicaluuq, taliyihii ciidammada qaybta 21aad lagu dilay meel u dhaw magaalada Guriceel. Sidaas oo kale waxaa jiray ciidammo la magac baxay Daroogo ee uu watay Dhegobacayr oo lagu tilmaami jiray in ay geysteen dilal ka dhacay dhowr meelood Gobolka Galguduud. Ciidan hubaysan oo qaybta 54aad ka tirsanaa waxaa la goostay gaashaanle sare Cabdi Mahdi kuna biiray jabhaddii SPM ee Axmed Cumar Jees, oo markaa joogay Ethiopia. Mahdi waxa uu ciidankaas kala galay xadka dhanka Dhudub iyo Gallaaddi, asaga oo ku sii dhaxay habeen Ciidammo beeleedyo ku dagaallamayey xadka Somalia iyo Ethiopia midkood.
sidaas oo kale, waxaa isna ciidan iyo hub la goostay gaashaanle Bashiir Bililiqo oo ka tirsanaa ciidankii joogay Baydhabo ee ka mid ahaa taliska qaybta 60aad ee ciidanka xoogga dalka. Bililiqo ma aadin dhanka Ethiopia ee waxa uu u batay xaggaas iyo Afmadaw iyo Jubbooyinka. Waxaa soddog u ahaa Jenneraal Aadan Gabyow oo loo xiray markaas kacaan diidnimo
Jenneraal Mohamed Faarax Caydiid oo ahaa madaxa jabhadda USC, Cabdiraxmaan tuur oo ahaa madaxii jabhadda SNM iyo gashaanle sare Ahmed Cumar Jees oo isna ahaa madaxii jabhadda SPM waxay ku shireen, heshiisna ku gaareen Magaalada Mustaxiil 2/10/1990. Caydiid, intii uusan Jabhadda USC samayn ama uusan u aadin Ethiopia, waxa uu ahaa danjirihii u fadhiyay dawladda Soomaaliya Dalka India.
Ahmed Cumar Jees waxa uu horay uga tirsanaa ciidammada qaybta 26aad ee gobollada waqooyiga, oo isna u goostay dhanka Ethiopia. Niman ganacsato ah baa Iyana magaalada Mogadishu ka samaystay ciidammo aan dawli ahayn oo ay si gaar ah u lahaayeen. Waxaa lagu magacaabi jiray kooxda 4aad (group 4). Waxay ku diiwaansanaayeen ilaalada hay’adaha aan dawliga ahayn, balse waxaa farta loogu fiiqi jiray in ay hawlgalkooda wax u wehesheen.
Iyana waxaa soo baxay siyaasiyiin magac ku lahaa dalka, kuwaas oo 15- 05-1990 ku dhawaaqay kudlad lagu magacaabo Manifesto oo uu madax ka noqday nin la oran jiray Ismaaciil jimcaale oo muddo yar kaddib dhintay. Tiro ahaan waxay ka koobnaayeen 114 qof. Ujeedka kooxdu waxay ahayd in ay xilka ka tuuraan Mohamed Siyaad Barre. Indheergarad badan baa qabay in markaas taladu faraha ka baxsanayd, sidaas daraaddeedna aana wax qumman isbeddeleen. Maammulka kacaanku kolkii uu arko tillaab siyaasiyiin qaadeen, nooc kastaba ha ahaatee, dhegaha ayuu taagi jirey.
Sidii caadada u ahaydna maammulkii Askartu ama Kacaanku waa xirxiray raggaas badankoodii, balse muddo yar kaddib waa la sii daayay, culays weyn oo kaga yimid beesha caalamka awgeed. Burburka Gobollada waqooyi iyo culayska jabhadaha cusub ee koofurta iyo weliba hanqaltaagga siyaasiyiintii jirtay kacaanka ka hor, ee ku bahoobay dalladda Manifesto waxay keentay habacsanaan iyo kala-furfurasho Haya’dihii iyo waliba ciidankii dawladda.
—————————————————————————————————————————-
2
Dagaalkii 1977 ee Soomaaliya iyo Ethiopia dad badan oo jabhado lagu magacaabay iyo qabaa’illo baa la hubeeyay. Markii laga soo laabtay dagaalka, dadka badankoodii hubkii lagama uruurin e’ nin walba qorigii uu watay buu la aaday gurigiisii. Sidaas oo kale ciidammadii dagaalka galay markii ay soo laabteen qorshe iyo jahayn dhaqan celineed looma samayn. Taasi waxay keentay in xasilloonidii dalku faraha ka baxdo.
Doorashadii madaxnimada Soomaaliya intii kacaanku jiray waxay dhacday Dismember 23 -1986. Taas oo xisbigii hantiwadaagga kacaanka soomaaliyeed (XHKS) soo sharraxay Madaxweyne Mohamed Siyaad barre keliya. Xisbi kale iyo shaqsi kale oo la tartamaysayna ma jirin. Codadkii uu helayna sida la weriyey waxay ahaayeen sidan.
Mohamed Siyaad Barre:
Haa:
Diiday (Maya):
Wadar
4,887,592. Cod. 1,486. Cod.
4,889,078. Cod.

Doorashadaasi waxay reebtay Taariikh iyo murti nin laashin ahi ka tiriyay: “Nin dooran doorta xaw dhahdeen dadkaanse xaw dambaajisee.”
Sidaas oo kale, markii dhaawac culusi soo gaaray madaxweynihii dalka General Mohamed Siyaad Barre, May (5aad) 23, 1986, waxaa dhacday in uu xilkii u gudan waayo sidii hore oo kale. Arrintaasi waxay keentay in talada dalka ay gacanta la soo galaan dad aan xil ka hayn Dawladda, meelnana uga qornayn hoggaanka iyo Masiirka dalka iyo dadka. Waxaa dhammaan Waddanka ku fiday boob, musuqmaasuq iyo qabyaalad baahsan. Xubnihii Golihii sare ee kacaanka intii markaas joogtay waa kala furfurteen, iyada oo qaar la xirxiray sida Ismaacill Cali Abokar iyo Cusmaan Maxamed Jeelle. Meeshaas waxaa ka baxay oo wiiqmay xisbigii kaligi ka talin jiray waddanka XHKS (xisbiga Hanti wadaaga kacaanka Soomaaliyeed). Madaxdii hore waxaa ku abuurantay shaki iyo kalsooni darro. Nin walba waxa uu isku dayay in uu bulshada dhex galo garabsadana qabiil, si uu u badbaado haddii talo faraha ka baxdo.
Waxay ku hammiyeen in wixii dhacay oo dhan madaxa loo saaro Mohamed Siyaad Barre keligiis.
Waxaa wargeyskii la magac baxay OGAAL ee xisbigu uu lahaa lagu soo daabacay dhaliilaha kacaanka ayada oo ay tifatireyaal u ahaayeen rag magac ku lahaa xisbiga iyo laamaha kale ee dawladda dhexdooda. Sida:
1. Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab, oo mar noqday Duqa degmada Beledweyne.
2. Cabdi Shire. “xeebta-geerida.”
Xabsiyada waxaa laga soo daayay rag siyaasadda in badan u xirnaa, gaar ahaan kuwii ugu xabsiga dheeraa, sida:

1. Dr. Yusuf Cusmaan Samatar Bardacad.
2. Gaashaanle sare Jaamac Cali Jaamac.
3. General Maxamed Abshir Haabaan.
Si kastaba ha ahaatee, Luul, iyada oo iiga warramaysay xalaaddii colaadda iyo magaalada bay sii wadatay hadalkeedii. Waxay tiri, “Shalay Bakaaraha nin baa lagu dilay, guryaha dariskeenna ahna waa la baaray oo nin baa askartu kala baxday. “Ma aqaan waxa adduun noqon doono,” Cabdullahiyow bay sii raacisay. Inta istaagay oo u soo wareegtay dhankii ay ka fadhiday miiska baan madaxa gacanta midig ka saaray tan kalena dhamanka. Waxa aan kolkaas ku iri, “Luul walaal waa runtaa, Xamar waxay leedahay saansaankii Hargeysa iyo Burco. Ilaaheen baan talo saaranaynnaa.” Inta ay gacanteedii bidix soo qaaday bay gacantii aan dhabankeeda ku hayay kor saartay korna ii eegtay. Waxa ay tiri, waa run oo rabi talo ku filan. Kolleyba tanuse joogis ma leh.” “Kolleyba tanu joogis ma leh” baa dhowr jeer maskaxdayda ku soo laalaabatay. Waxaa dareenkayga ku wareegay sida hadal xaaskaygu runta u asiibayay.
Carruurtii oo yaacaysay baa qolkii noogu soo galay, iyaga oo lahaa aabbo! Aabbo! Hooyo! Hooyo! Waalidkood baa midba mid isku duubay. Axmed shan jir buu ahaa, Sagal 4, ta u yarayd ilmaha waa Faa’iso e’, waxay oggolayd Aay Barreey. 11 bilood bay jirtey. Aniga oo walwalsan oo fekerayay baan intaa mid-mid u dhunkaday Luul iyo carruurtii ku iri, “Waxaan soo fiirinayaa garoonka diyaaradaha iyo xafiiskii duulista Somali Airlines, “oo galay baabuurkaygii oo yiil guriga deydkiisa.
Luul waa iga soo daba baxday waxayna u gacan haadisay walaasheed Safiyo Xaaji Yuusuf oo damacday in ay Ganjeelka guriga iga furto oo tiri Safiyo walaal sug ha furin albaabka.
Qoorta ayey la soo gashay daaqadda Gaariga oo tiri, “Cabdullaahi, waddada dhanka Bakaaraha aada haka bixin dhanka jidka soddonka aad oo u sii raac dhanka tarabuunka. Waan qoslay anigoo aad raalli uga ah dadaalka iyo foojignaanta xaaskayga.

Safiyo intii Luul ay ila hadlaysay way xishootay oo way ka tagtay albaabkii, dabadeed Luul baa u dhaqaaqday in ay furto Albaabka markay weyday Safiyo, waan ka daba orday oo gacanta ka qabtay Luul oo iri maya! Maya! Walaashay anaa furayee sii daa, way ilka caddaysay oo igu eegtay indho leh mahadsanid. Ahmed iyo Sagal waxay taagnaayeen xatabadda Barandada iyaga oo ii gacan haadinayey oo leh Aabbe Jaw Aabbe Jaw, Luul carruurtii xaggoodii bay u dhaqaaqday oo ay la istaagtay. Waxay labadeeda gacmoodna saartay labadooda garab ayada oo dhexda uga jirta. Safiyo iyada oo diyaar garoobaysay in ay xirto albaabka bay meel laab ah naga ilbaadsanaysay. Markii aan dhaqaaqayna soo xirtay ganjeelkii.
————————————————————————————
3
Xaaladdii Gegida diyaaradaha

Jidkii ay Luul tiri mar baan maray ilaa aan ka gaaray gegida diyaaradaha. Wax dhib ah ama saansaan colaadeed ah ma arag intii aan waddada sii marayay.
Haddii aan galay xafiiskii Agaasinka Duulista, waxaan kula kulmay, Duuliye sare Qaasim Mohamed Abdi oo markaas fasax uga yimid dalka Talyaaniga. iyo dhowr qof oo kale oo shaqaale ah. Waxa uu xaafiiska u soo maray in uu ogaysiiyo in uu diyaar u yahay in uu dib u bilaabayo duulistii. Si caadi ah bay hawluhu u socdeen. Cabdullaahi Barkhadle oo ka tirsanaa shaqaalaha Agaasinka duulista, baa waxuu qorayay qorshihii Socdaalka (flight plan) Diyaaraddii Airbus ta oo u anba baxaysay Dubai. waxay horay uga timid diyaaraddu magaalada Rooma ee Caasimadda Talyaaniga. Isla markiiba, waxaa soo galay shaqaalihii ku duuli lahaa duullimaadkaas oo ka koobnaa, Duuliyeyaal, ingineerro, gabdho iyo wiilal isugu jiray gargaareyaasha rakaabka (flight Attendance), iyo raggii Nabadgalyada diyaaradda qaabbilsanaa. Shirkaddu waxay lahayd Astaan labbis. Waxaa ragga guud ahaan labbis u ahaa shaati cad, Surweel buluug madow xigeen ah. Duuliyeyaasha waxaa u weheshay koofiyad ka xardhan foolka hore.
Gabdhaha waxaa Astaan u ahaa Goonno jilbaha u joogta oo sida surweelka ragga u eg, kabo saaweeya goonnnada iyo shaati buluug ah oo ay ku xardhan tahay Astaanta Shirkadda Somali
Airlines.
Aasaaskii Somali Airlines iyo hay’addii duulista iyo Saadaasha hawada waxa ay ahayd 1963. Ra’iisul-wasaarihii Soomaaliya, Dr. Cabdirashiid Ali Sharmaarke ee xilligaas Allaha u naxariistee baa magaalada New York si gooni ah ula kulmay madax dhowr ah oo ka mid ahaa dawladaha reer galbeedka. Waxa uuna ka codsaday in laga caawiyo dhismaha Shirkad Diyaaradeed oo ay Soomaaliya leedahay iyo Aasaaska Hay’adda Duulista iyo Saadaasha hawada. Nasiib wanaag, Dawladda Maraykanku waxay ku yaboohday saddex diyaaradood oo DC3 ah. Dawladda Jarmalka galbeedna waxay

ballanqaaday tababaridda shaqaale isugu jira, Duuliyeyaal, Enjineerro, shaqaalaha qaybaha hagidda diyaaradaha (ATC), kuwa kale oo ku lug leh farsamooyinka iyo shuruucda Duullimaadyada hawada sare iyo waliba kuwa Saadaasha Hawada.
Dawladda Talyaanigu waxay ay iyana yaboohday shaqaalihii ka sii shaqayn lahaa hawlahaas inta ay soo tababaranayaan dadka loo dirayo Germanka Galbeed.
Duuliyeyaashii tababarkaas soo dhammaystay oo shaqada ka bilaabay Somali Airlines waxay ahaayeen:
1.Captain Abdi Rodol.
2.Captain Cawil Jaamac Mohamud.
3.Captain Jaamac Abdullahi Coofle.
4.Captain Ahmed Ismail.
5.Captain Cabdi Ali Obsiiye.
6.Captain Saciid Cabdi Ciise “Saciid karaaji.” 7. Captain
Mohamed Ibrahim Qalab jaan. 8.Captain Ismaaciil Xuseen “Ismail Baby.” 9.Capt. Mohamud Abdirahman Waraabe.
Enjineerradii lagu bilaabay shirkadda waxay Iyana ka mid ahaa. 1. Mohamud Cabdillaahi Sulub.
2. Mohamed Colujoog.
3. Mohamud Jama.
4. Cabdi Faarax Xasan.
5. Mohamud Haji Cabdi.
6. Abdisalam Haji Mohamed Siraad.
Madaxa Guud ee Duullimaadku waxa uu ahaa nin Talyaani ah oo la oran jiray. Capt. Rajani.
Raggaasi waxay ka mid ahaayeen 50-kii qof oo loo diray Germany oo soo dhammaystay waxbarashadii duuliyenimada. si kastaba ha

ahaatee, Somali Airlines waxaa dhismaheeda iyo duulisteedu hirgashay oo ay hawada gashay 1964.
Barkhadle markii uu ku wareejiyay qorshihii Duullimaadka iyo xogtii saadaasha hawada duuliyeyaashii Dubai u socday, buu xaggayga u soo dhaqaaqay, oo uu yiri, “Azhari, walaale waa ku salaamay, adiga iyo saaxiibkaa Sheegow berri waxaad ku qoran tihiin duullimaadka u baxaya Boorame. Sidaas oo kale, Cumar iyo Xaaji Faarax iyana waxay ku qoran yihiin Gaalkacyo.” “Waad mahadsan tahay Barkhadle,” baan ku iri Barkhadle.
Magaca Azhari oo bulshada badankeedu iigu yeerto ma ahan midka ii qoran ee waa mid ii baxay waayo dambe ee noloshayda. Dugsiga hoose-Dhexe ee Kaasaboobbalaare aniga oo dhiganaya baa macallinkii Diinta iyo Carabiga noo dhigayay nagu amray in aan akhrino qormo Carabi ah. Markii la i soo gaaray oo aan akhriskii dhammeeyey buu yiri, “Kani waaba Azhari.” Ardaydii baa mid-mid farta iigu taagay iyaga oo lahaa Azhari, Azhari, Azhari. Dabadeed, macallinkii haddii uu fasalka soo galaba waxa uu iigu yeeri jiray Azhari, Ardadiina way qabatimeen magacii. Sidaas baa ilaa maanta la iigu yeeraa Azhari oo aan ahayn midka ii qoran ee hooyo iyo aabbe ii baxsheen. Mararka qaarkood, bulshadu waxay iigu yeeraan Cabdullaahi Azhari. Sidaas oo kale, carruurtayda waxaa loogu yeeraa magaca Azhari.
Xaafiiskii duullimaadka baan weli joognaaye, rakaabkii Dubai u socday ayaa markaas diyaarintoodu ka socotay hoolka terminaalka Garoonka Mogadishu. Waxaa kale oo hadba soo degayay ama kacayay diyaarado u socda safaaradaha dalka ka hawl gala iyo hay’adaha aan dawliga ahayn. dadkooda Xamar joogay ka daabbulaayeen, ayaamahaas oo dhan bay ka dhoofayeen garoonka Mogadishu.
Intii aan la tukan salaaddii duhur baan isaga tagey garoonka. Km 4 markii aan marayay, waxaan ka sii aaday waddada Tarabuunka aadda waxaana uga sii leexday jidka Wadnaha. Markii aan la sinnaa meesha la yiraahdo Geedka Jacaylka baan xabbado ka dhacaya

aagga Bakaaraha ka maqlay. Dad baa ka soo yaacayey meesha. Boor iyo siigo baan jidadka qaar ka arkayay. Jidku ma gaadiid badnayn, balse dadka gooynayay oo baqada ahaa baa mashquuliyay, oo aan marba ka hakinayay gaariga. Dadku waa yabqayay iyaga oo cararayay. hadallo iyo warar bay isdhaafsanayeen iyaga oo isfeer ordayay. “War maxaa dhacay! war maxaa dhacay! baan ku iri,” islaan aan ka hakiyay gaariga. “Ma ogi, “bay iigu jawaabtay. Oday kale oo dhanka shishe ka xigay baa yiri, “Waa geedka jacaylka.” Hadal kale kasho uma uusan helin in uu yiraahdo. Islaantiina meel fog bayba sii maraysay markaas.
Sheeko laga sameeyay reer Gaalkacyo baan soo xusuustay. Waxaa lagu idaaceeyaa reer Gaalkacyo in ay hadal badan yihiin, oo ay sii cayiliyaan sheekada. Laba nin oo iswaraysanayay yaa mid waxa uu ku yiri:
“War xaafaddiina maxaa xalay ka dhacay? buu wayddiin ku yiri. “Laba tuug baa noo soo dhacday, “buu ugu jawaabay.
“Ma la qabtay?”
“Mid markiiba cagaha buu wax ka dayay.”
“Suu ye,” kii kalena?”
“kii kalaa!”
“Haa.”
“Oo kii kale waaba la gaari waayaye.”
Waa sidaas oo kale, islaantii markii bay cagaha wax ka dayday, odaygiina waaba la gaari waayay. Haddii aan sii socday waxaa iga hor yimid dhallinyaro u yaacaysay dhanka geedka jacaylka, oo ku dhawaaqaysay waa bilaabatay! waa bilaabatay!
Waxaan la leexday jidkii Siinaay oo Afka saaray jidka soddonka. Aaggaasi caadi buu ahaa oo wax colaad ah kama jirin. Waxaanse meelaha qaar ku arkaysay dad koox-koox u wada hadlayay. Jidkaas gaadiidka dad weynaha waxaa u qoondaysnaa in ay ka shaqeeyaan Baabuurta loo yaqaan Xaajiyadaha. Waxay u rakaabsanayeen si

caadi ah. Haddii aan ula leexday jidka 30-ka dhanka Baar ubax, dad baa iyana yoobsanaa, kuwana waxay u ordayeen jaha walba. sharqanta xabbadu wali waxay ka yeeraysay aaggii geedka jacaylka, waxayna u dhaaftay Siinaay.
Siinaay waxay ahayd meesha ugu weyn oo lagu gadi jiray qaadka waxay markii dambe ee qaadka la joojiyay, isu rogtay xarunta lagu kala iibsado hubka iyo rasaasta. Waxaa jirtay kaftan waayahaas ku batay bulshada oo nin weligi aan xabad ridin damcay in uu qori gato. Waxa uu ninkii qoriga ka iibinayay ku yiri, “Aryaa ii baroobee qoriga dhegaha weyn, minow qiiqaayana ma rabee Day he!” Ninkii qoryaha iibinayay waxa uu yiri, “Adeer qorigaas ma gadno. Qoriga haddii xabbadu ka dhacdo dabcan waa qiiqayaa.”
———————————————————————————————————-
4 Xalaaddii gurigayaga
Nasiib wanaag, aniga oo nabdoon baan albaabkii Gurigaygii gaaray. Luul iyo Safiyo oo u digtoonaa imaanshahayga baa markii ay maqleen guuxa gaariga si hal-haleel ah u furay Ganjeelkii. Labadii

gabdhood, midba qayb ganjeelka ka mid ah bay gacanta ku haysay isla markii aan soo dhaafayay, Luul inta soo dhaqaaqday oo furtay Albaabkii gaariga bay tiri, “Soo deg soo deg Cabdullaahi, ka soo gal xabbadaha guriga.” Markaas, xabbado goos-goos ah baa Jeho walba ka dhacayay. Luul waxay la orodday quful weyn oo ay ku jabisay ganjeelkii guriga.
Taleefan baa soo dhacay. Luul baa qabatay. “Hooyo nabad weeye, waa nabad hooyo,” bay tiri. “Hooyo iska joog! iska joog meel halkan loo soo mari karo ma lehee.” waxaa soo hadlayay waxay ahayd Luul hooyadeed oo maqashay in dhanka Bakaaraha iyo geedka Jacaylka dagaal ka socday. Hooyo Maryan waxay tiri, “Waan kuu imaanaynnaa aniga iyo Cabdinaasir Xaaji Yuusuf saan meesha carruurta uga soo wadno.” “Cabdullaahi maanta ma duulis buu lahaa oo waa maqan yahay miyaa?”, bay raacisay. “Maya, Cabdullaahi waa nala joogaa hooyo.” Luul xaggayga bay u soo jeensatay oo tiri, “Cabdullaahi waa hooyo,” oo taleefankii gacanta ku raaricisay. Waxaana u fahmay hoo oo hooyo la hadal in ay ku hammisay. Waa soo dhaqaaqay oo ka qabtay taleefankii. “Hello hooyo Maryan iska warrama waa Cabdullaahi.” “hooyo nabad ee see tihiin bay ku jawaabtay?” Intaa markii ay joogto baa waxaa bilowday madaafiic iyo hub culus oo la isweydaarsanayo. Jeho walba way isu dhaaftay.
Badanaa, hubka culusi waxa uu noo dhaafayay dhanka Bakaaraha iyo geedka jacaylka, waxa uuna ka soo dhacayay dhanka baar ubax iyo jidka warshadaha. Waxaa haddana ku xigay xabbado ka dhacayay qoryo fudud oo an islahaa ciidammo lug ah baa ishaleelay. Luul waxay aadday qolkii carruurta waxayna bilowday in ay alaabo culus ku tiiriso daaqadaha qololka. Markii aan maqlay qabta iyo qacda baan iri, “Hooyo Maryan aan kugu soo celiyo oo aan dhigay taleefankii.
Luul waa Culus tahay markaasna waxaa dhakhaatiirtu ku waanisaa hablaha uurka leh in ayna wax culus qaadin, jaranjarooyinka koriddooda iyo degistoodana badsan. Waxaan u tagay iyada oo ku

tiirtiirisay dariishadihii waxay alaabo heli kartay. “Bas! Bas gacaliso, inta hartay ii daa aniga, carruurta ka fogee dariishadaha iyo Albaabbada,” baan ku iri. Intii aan wax kala guuraynnay taleefanku waa iska soo daba dhacayay, balse kasho aan ku qabanno ma aanan hayn. Hooyo Maryan taleefanka wey ka maqlaysay diryaanka madaafiicda, waxaana shaki ku abuuray maqalka madaafiicda. Sidaas oo kale, waxaa walwal geliyey taleefanka oo dabadeed waqti dheer la qaban la’yahay.
Markii aan meel walba gufeeyay baan u soo dhaqaaqay qol ay fadhiyeen carruurtu. Balse waxaa meesha fadhiyay waa Luul, Safiyo iyo labadii u roonayd carruurta. Aniga oo yaabban baan ku iri, “Oo Luul aaway faa’iso yarey iyo Aay Barreey?”
“Waa kuwaas faa’iso iyo Aay Barreey ba.”
“Aaway waxba uma jeedee.”
“Ka fiiri Sariirtaas hoosteeda bay tiri iyada oo ilka caddaynaysay. Sariirtu waa goglanayd maro hoos u laadlaada oo wixii hoos ku jira aan la arkayn baa ku goglanayd. Islaanta iyo gabadhaba midna ma arki karin in aan marada faydana ilama habboonayn.
Labadii ilmood baan u yeeray una kaxeeyay qolkaygii hurdada. Haddii aan xoogaa joogay waxaan maqlay sharqan daydka dhexdiisa ka yeeraysay. Waan soo baxay mise Luul iyo Safiyo waxay dhaaminayaan fuustooyin oo biyo bay ku shubayaan. Fuustooyinka waxay ka dhaaminayeen khasabad ganjeelka u dhaw. Waa meel kor ka bannaan oo xabbadda wiiftada ahi si sahlan kuu haleeli karto. Carruurtii baa iga soo daba baxday. Ilmuhu way sasan yihiin oo jugta madaafiicda dusha naga maraysay darteed bay hadba jirka roorsanayeen.
Luul iyo Safiyo inta sakeel ka buuxiyaan biyaha bay fuustada ku shubayeen. Gabar Adeegto ahayd baa reerka joogtay. Batuulo baa magaceeda la oran jiray. Xaafad ka mid ah degmada Towfiiq bay ka soo shaqo tagi jirtay. Muddo saddex beri ah ma soo shaqo tagin.
Dagaalkii waa xoogaystay. Dad hubaysan baa dariiqa ganjeelka hortiisa marmarayay. Waa wada hadlayeen. Sidaas oo kale,

hadalkayaga iyo biyaha shalalaqdooda way maqlayeen. Luul iyo Safiyo baan u yeeray kolkii ay ii yimaadeenna gudaha guriga inay soo galaan baan kula taliyey. Luul waxay tiri:
Cabdullaahi waxaa suurtogal ah in biyuhu go’aan, oo awal baan ku talogalay oo Fuustooyinka midna shalay baa hooyo noo keentay midna maanta baan soo gaday. Waan ka xumahay in aan horay u dhaamiyo bay ahayd. Sidaas oo kale, dhuxul, caanaha ilmaha iyo timirba waa noo yaallaan.
“Ilaahay ha ku xafido gacaliso,” baan ku iri. “Bal aynnu sugno in xabbaddu qabowdo kaddibna aynu dhaansanno fuustada hartay,” baan ku iri. Bulaan iyo sheekooyin dhallinyaro koox-koox aan ku qiyaasay baan hadba jidka ganjeelka ka shisheeya ka maqlaynnay. Luuq-luuqa guryaha u dhaxaysana hadba dad baa dhex ordaayay, marna sida ay gabbanayaan bay dhaqaaq-joogsi ku marayeen. Waa isu yeerayeen. Kuwo hadallo nux-nux ah bay isweyddaarsanayeen. waxaad moodday kuwo in ayna dagaal ku jirine ay isleeyihiin luuq- luuqa ku gaara guryihiinnii ama kaga gabbada xabbadda.
Waxaa waayahaas jiray dhallinyaro la magac baxday Ciyaal Faay Cali, oo lagu tilmaami jiray dhaqanxumo, oo soo ifbaxday xilligaas. Waxay lahaayeen Af-garad iyo kelmado Luuqadda Soomaaliga ku cusub oo ay isla yaqaanneen. Waxaa jiray sheekooyin laga sameeyay sida tan soo socota oo kale.
Wiil ka mid ah ciyaalkaas baa soo booqday guriga gabar ay macruufo ahaayeen. Markii uu albaabkii garaacay baa waxaa ka furay gabadha aabbaheed. Markaas buu wiilkii ku yiri ninkii albaabka ka furay, “Siyo cusmaantii ma joogtaa?”
“Adeer halkan ma deggena Cusmaan,” buu ugu jawaabay. Dabadeed, gabadhii baa maqashay hadalka aabbaheed iyo wiilku islahaayeen. Kolkaas bay tiri, “Jirka waa joogaa” una sii wadday wiilkii xagga guriga. Dabadeed wiilkii baa gabadhii ku yiri, “Muxuu yahay dhoorrahani?” Waxay ugu jawaabtay “dhoorrahani waa aabbahay ee ka qallee nooh.”

Haddana waxay ku soo baxeen qof dumar ah oo dhar ku dhaqaysay daydka guriga. Kolkaas baa wiilkii yiri, “Aabbow! Aabbow! Jirkaanna ka warran!” inta gacan ku taagay qofkii dumarka ahaa. Markaas bay gabadhii tiri, “Jirkaani waa hooyaday ee ka gambiso nooh.” Ciyaal fay cali ha dhaqan xumaadeene iyagu lug kuma lahayn siyaasadda iyo colaadda.
Arrimaha dhaqanka silloon iyo anshaxa xun waxaa ku wajahnaa in ay la dagaallamaan ciidan la oran jirey Guulwadeyaasha.
Xirsi Boodo waxa uu ka mid ahaa Duuliyeyaashii Ciidanka Cirka. Waxa uu takhakhus u lahaa gaar ahaan Diyaaradda Dagaalka ee Miig 17. Dabadeed waxa uu ku soo wareegay Somali Airlines oo Diyaaraddii Fokkerta buu kabtan ka ahaa. Markii kooxdii aan ka tirsanaa ka ahayd fokkerta kaaliye kabtan (Co-pilot). Xirsi waxa uu ahaa gabyaa kaftanlow ah. Waan jeclaa maalinta aan kula qornahay Duulista. Marka aan maraynno deegaanka Nugaal oo uu ku dhashay, waxa uu oran jiray inta farta ku taago laba buuro oo kala yar, Buurahaas waxaa la yiraahdaa hal iyo nirig. Ayayday baa ku aasan ee faataxada u soo mara. Dooxadaas kalena waxaa la yiraahdaa Kalis waabaa hal Libaax nooga cunay. Buurtaa waxaa la yiraahdaa Xaliimo dheer. Awowgay baa ku aasan iyo wax la mid ah. Dagaalkii 1977 ee Itoobiya iyo Soomaaliya waxaa jirtey in ay diyaaraddiisii miig 17ka soo cayrsatay F5-tii xabashida. Labada diyaaradoodna waxaa casrisanayd ta Itoobiya. Xirsi in uu cararo una googooyo buu isku dayay. Markii uu cag kala bixi waayay buu isaga oo canaananayay diyaaraddii uu waday tiriyay gabaygaan:
Hohee gaabisidaa, Ma
gayrkaan ku galeyn. ma
gaaskaanan ku siin. Ma
gacantaydaa Alle goo ah.
ma gaalkii ku sameeyaa kaa goostay Gunnadii. Wixii aan gorgor jaan,
Oon dabeyluhu gaarin,

Kuugu gooddinnayay, miyaadan garanayn.
Hohee gaabisidaa,
Ma galaayuuska carruurta carradaas la gubaayo Ma wax baan kaa gelinoo, gadhiish kaaga ahayn. Hohey, hohey, gaabisidaa.
Gabaygaas oo intaa ka badnaa waxa uu ahaa mid ku caanbaxay ciidammada dhexdooda oo Xirsi Booddo lagu xusuusto. Waxaynnu ku jirnay sheekadii Ciyaal Fay Cali iyo
Guulwadeyaasha e’, habeen baa waxaa isa soo raacay Xirsi booddo iyo Cali Dalays oo isna ka mid ahaa duuliyeyaashii Ciidanka Cirka, dabadeedna u soo wareegay Somali Airlines. Waxay soo qaadeen Jidka warshadaha iyaga oo wata Volks waagentii Xirsi Booddo. Markii ay marayeen xeradii Guulwadeyaasha bay arkeen xaflad ka socda xerada.
Waxayba ahayd xuskii dabbaaldeggii Maalinta Guulwadeyaasha ee 18/08/1972. Waxay isku raaceen in ay xoogaa ku nastaan xafladda. Waa la soo dhaweeyay. Madaxweyne Mohamed Siyaad baaba joogay xafladda. Madaxweynihii markii uu arkay Xirsi Booddo iyo Cali Dalays oo hortiisa maraya buu u yeeray oo yiri, Xirsi diyaar garaw caawa waad ka gabyaysaa meesha e’.
Xirsi markii loo yeeray buu waxa uu tiriyay gabay uu ku ifinayey ujeeddadii Guulwadeyaasha loo aasaasay iyo meesha ay u leexsheen, gaar ahaan in laga filayay in ay ilaalshaan dhaqanka suubban, taageeraan dadka tabarta yar sida carruurta iyo haweenka. Sidoo kale in ay sugaan Nabadgalyada deegaannada. Taas baddelkeeda waxuu ku soo oogay in ay hadda geystaan Anshax xumo, dhac, kufsi iyo wax la mid ah. Waxa uu ku tilmaamay in ay u dhaqmayaan sidii ciyaal Fay Caliga oo kale. Inta laga xusuusto waxaa ka mid ahaa:
Guulwaduhu waa wada Waddani aan wahsi aqoone. Waa walaalo hawl u joog ah kuna wadeecaynin.

Iyagana waxaa iga wareershay oo ka wadi waayay. Akhlaaq xumada waa waalidkeed ee taas ha laga waansho. Tuugadana way isweheshadaan ee taas ha laga
waansho Duf ku baxa, haddaad aragto mid Guulwade ah waxaad arkaysaa mid tuug ah oo ag taagan.
Dabadeed madaxweynihii baa khudbaddii xiritaanka xafladda makaroofanka qabsaday. Waxa uuna yiri isaga oo xanaaqsan, “Wax Allaale iyo wixii aad caawa riwaayad, gabayo iyo khudbado halka ka soo jeediseen waxaa ka run ahaa inta Xirsi Booddo sheegay. Canaan iyo cagojuglayn buu khudbadiisii ku bilaabay kuna dhammeeyey. Meeshii laga sugayay in uu saraakiil dallacsiiyo, liis la soo diyaariyay oo qaar ciidanka ka tirsanaana lagu guddoonsiiyo abaalmarinno, buu inta xiray xafladdii ka baxay xeradii.
Xirsi Booddo iyo Cali Dalays meeshii baa looga tagay. Waxaa ku soo xoomay ciidankii oo caraysan. Meel ay ka baxaan iyaga oo la’ oo indhaha ka mirigmirig siinayay baa Cabdiraxmaan Guulwade oo ahaa taliyihii ciidanka Guulwadeyaasha soo gaaray markii uu sagootiyey madaxweynihii. Waxa uuna Booddo iyo Dalays ku daray saraakiil u sii galbisa guryahoodii.
Magaalada Xamar waxaa dagaalka sokeeye dhowr sano ka hor yimid wiil dhallinyaro ah oo la oran jiray Elman. Sida uu ii sheegay qoraaga ah Cali Maxamed Cabdigiir (Caliganay), magaca buuxa ee Elman waa Elman Axmed Cali waxaana lagu diley Xamar 3aad, 1995. Qoraa Cabdigiir waxa uu intaas raaciyey in Elman uu ka tegey murtida caanka ah ee: Qoriga dhig qalinka qaad.
Si kastaba ha ahaatee, Elman waxa uu ka yimid dalka Talyaaniga oo uu wax ku soo bartay. Waxa uu furay dukaan lagu iibiyo qalabka korontada. Dabadeed Uruurin buu ugu dhaqaaqay ciyaal derbijiif ahaa oo degmooyinka Xamar ku dacdarraysnaa. waxay u badnaayeen kuwa ay diloodeen koollada iyo qaadku. Waxa uu u fidiyey daryeel guud sida, xannaano, nafaqayn iyo jiif. Dabadeed, kii soo kabtaba waxa uu ka shaqaalaysiin jirey dukaan.

Dukaannada waxaa la oran jiray Elman Electronics. Waxaa laga furay dhowr degmo oo ka mid ah xaafadaha Degmooyinka Xamar. Waxaa ka soo baxay dad xirfad sare u leh korontada. Waxay noqotay in uu kambanigiisu qaato qandaraasyo ku aaddan xagga koronto-gelinta guryaha. Sidaas oo kale, waxaa ka hawlgeli jiray kooxo loo carbiyey cilladbixinta korontada. Intaa waxaa u dheerayd iibinta qalab koronto oo tayo wanaagsan leh.
Dabadeed waxaa dhacday in kacaanku xiro Elman. Dhowr bilood kaddibna la sii daayo. Elman waxa uu soo siyaadshay horumar la taaban karo. Siyaasad iyo hawlaha kacaankana ma farogelin jirin. Halkaa waxa aad ka bidhaansan kartaa in Elman uu si tabaruc ah u hayay qayb ka mid ah waajibaadkii loo igmaday Ciidankii Guulwadeyaasha.
Aan ku soo laabanno sheekadii dagaalkee iyo meesha ay wax marayaane’, Taleefankii guriga yiillay waxaa ka gaabsanaa gambaleelka, si aan dibedda looga maqlin markuu soo dhacayo baannu u gaabinnay.
Maalintii oo dhan buu soo dhacayay. Dadkii deegaanka nagu ogaa ee magaalada daafaheeda joogay ee xigaalo, qaraabo iyo saaxiibbo lahaa baa na soo wacayey, gaar ahaan waxaa aan kala joojinayn soo-diriddiisa Luul hooyadeed. Waxaa hadalkayaga u dambaysay hooyo Maryan aan kugu soo celinayo iyo diryaanka madaafiicda oo ay ka maqlaysay taleefanka. Baroor bay ilaa intii ku jirtay, marna kuma ayna hammin in aan fayow nahay. Wali xaafaddoodii waa bad qabtay oo dagaalku ma gaarin. Deriskii iyo qaraabadii waxay isugu yimaadeen gurigii hooyo Maryan. Waxaa la isweyddiinayey haddii wax ku dhaceen reerkii oo madfac iyo wax ku habsadeen. Maxaa taleefanku u dhacayaa! Haddiise ay bad qabaan maxaa taleefanka loo qaban waayay? Sidaas oo kale, dad baa waxay taleefanka u soo dirayeen in ay xog ka helaan dagaalka aaggayaga ka socday.
Si kastaba ha ahaatee, hooyo Maryan waa is-helnay oo ka qabannay taleefankii. Iyada oo ooyeysay bay haddana nagu canaanatay oo tiri maxaad uga maqnaydeen taleefanka intaa, oo

iiga qaban weydeen. Oo haddana inta raacisay oo tiri, “See tihiin? Meel la idiin soo maro ama aad soo martaan ma helaysaan?” Hooyo Maryan waxaa ku jiray tarsaas iyo isxakamayn la’aan uu sababay walwalkii haystay intii aan kala maqnayn. Sidaas oo kale, haddiiba ay ogaatay in aan nool nahay waxna na gaarin, farxad-wareer baa ku jiray hadalkeeda. Luul baa la hadashay hooyo kuna tiri:
Waa ka xunnahay inta aan kaa maqnayn. Hooyo dhammaantayo waa bad qabnaa, balse meeshu waa goob dagaal. Meel nala ka xigana ma naqaan. Jeho walba xabbadu way ka dhacaysaa. Meel aad noo soo mari kartaan iyo meel aan soo marno wali nooma kala cadda.
Intaa markii ay tiri baa ganjeelkayagii la soo garaacay. Waxaan ku dhaqaaqay dhankii Ganjeelka. Luul baa markaas tiri, “Sug. Sug Cabdullaahi ha furin Albaabka.” Taleefankii bay dhigtay iyada oo aan hooyodeed oran kalmad kale. Maryan way maqlaysay erayada sug, sug iyo Cabdullaahi ha furin Albaabka. Waxaa ku xigay taleefankii oo la dhigay, shaki kale lee ahaa! Garaaciddii ganjeelku ma kala joogsan. Waa qof kaliya waxa garaacayay. Qofku ma hadlayn. Cod aan aad u dheerayn balse qofku maqli karo baan ku iri, “Waayo?” Qofkii baa hadlay oo yiri, “Waa aniga waa aniga Cabdullaahi ee iga fur Albaabka.” “Adigu waa kee,” baan ku ceshay. “Waa Muuse aadan shire. Waa Waardiyihii Bakhaarka Astur Cabdullaahi xaashi ee iga fur.”
Waa gartay waxaan u yeeray Luul oo iri, “Luuleey, Luuleey, waa Muuse Aadan shire, ee keen furihii ganjeelku waa qufulanyahee.” Muuse bakhaar kayd u ah bakhaarro kale oo iibiya qalabka korontada oo gurigayaga ka soo hor jeeda buu dibedda ka waardiyeyn jiray. Weesada iyo haddii uu musqul u baahdo xaafaddayada buu imaan jiray. Muuse waxaa caado u ahayd in uu dhammaan kor ka waardiyeeyo guryaha deriska la ah bakhaarka. Luul markii ay ka soo muuqatay xatabadda guriga baan aniga oo taagan ganjeelka agtiisa iri, “Gacaliso ii soo tuur furaha adiga oo

meeshaada taagan, si aaney kuu haleelin xabbadda wiifaysa. Muuse wax kasta oo xaaladdu ahaydba, sas iyo dhiillo cabsicolaadeed ahi kama muuqan. Labbis fiican oo culimmo astaanteed leh buu xirnaa. Waxa uu sitay salligiisii uu ku tukan jiray iyo caagaddii uu ku weesaysan jiray. “Maashaa Allaah, Maashaa Allaah,” buu dhowr jeer yiri. “Soo dhaaf soo dhaaf adeer Muuse,” baan ku iri. Guriga qol ka mid ah baan iri qolkan soo gal. Waa uu diiday waxa uuna doortay Meel barandada aqalka ka mid ah oo ayna xabbaddu meelna ka soo dusi karin. Waan la fariistay oo waraysi ugu dhaqaaqay. Intii aan waraysiga ku jirnay bay Luul noo soo dhigtay qado. Waraysiga iyo qadada waa isku wadnay. Diryaanka madaafiicda iyo xabbadaha qoryaha fududna si aan hakad lahayn bay u socdeen. Muuse waxa uu yiri:
Adeer anigu masaajidka xareed baan ka imid ilaa salaaddii duhurka waan ku jiray. Wax yar baa ka haray casarkii in la tukado markaas aan wada joognay aniga iyo Muuse. Dad badan oo culimmada u badan baa hadda ku jira oo meel ay ka baxaan la’. Dhaawacyo waxay yihiin aanan aqoon baa la keenayay masaajidka. Masaajidka ilaa hadda wax gaaray ma jiraan. Waxaa la sheegayaa in Carwo Iidko iyo aaggeeda dagaal culusi ka socdo. Sidaas oo kale, waxay leeyihiin makhaayadda Caynu Shamsi iyo inta u dhexaysa Carwo NBC dagaal lagu hoobtay baa ka socdo. Hotel salaamaa iyo Baar Ubax iyana dad baa lagu laayey bay lahaayeen. Intaas oo dhan Ilaah baa og wixii ka jira oo anigu ma tagin.
Maadaama aan dhankiisa war bidayey, waxa aan ku iri, “Adeer, ka warran suuq weynaha Bakaaraha?” Sidan buu iigu warramay, isaga oo yiri, “Wax war ah kama hayo, balse waxaa la sheegayaa in madaafiic ku dhacday meelo ka mid ah suuqa, dagaalkuna markii hore geedka jacaylka iyo iyada waa Bakaaraha e’ buu ka bilowday.”
Luul waxay ku mashquushay taleefan aan kala go’ lahayn iyo hawlo kale. Radio Mogadishu oo ahaa Idaacadda kali ah oo xilligaas Soomaaliya gudaheeda laga lalin jirey baan wax idaacad ka jirtay. Idaacadda Raadiyo Hargeysa baa wehelin jirtey, markii dagaalku ka

dhacay bayna hawada ka baxday oo muddo waa aammusnayd. Waxaase jiray BBC-da Afka Soomaaliga ku hadasha, oo ayna Soomaalidu marnaba gafi jirin dhegaysigeeda. waxaa kale oo jiray iddaacado kale oo Afka Soomaaliga ku hadla oo aan sidaa dhegaysigoodu u badnayn, sida Radio Moosko ee Raashiya, Radio Rooma ee Talyaaniga, Radio Addis Ababa Ethiopia iyo kuwa kale.
Waxaa ka baxayay raadiyo Muqdisho heeso waddani ah iyo Barnaamijyo Diini ah oo isugu jira Quraan iyo Wacdi. Haddii maqribkii la tukadayba rasaastii dhacaysay waa yaraatay. Meel magaalada ka mid ah oo nal ka ifayey ma jirin. In dhawaydba, magaalada badankeedu nal ma lahayn oo sicirbarar iyo shidaal la’aan baa jirtay. Guryaha dadka dabaqadda sare iyo safaaraduhu waxay shidan jireen matoorrada dabka dhaliya.
Luul baa ii yeertay oo tiri, “Cabdullaahi Abti baa kaa wacaya taleefanka.” “Ma Abti Bardacad baa?”
“Haa, haa waa Abti Yuusuf Bardacad.” Inta qabtay telefoonkii baannee “hallow Abti.” Markaas buu yiri, “Waryaa Cabdullaahi Maxaad taleefanka iiga qaban weydeen, tan iyo maantay baan idinka walwalsanayn waana ku daalnay soo wicitaankiinnee? Bal iska warrama? Waxaa na soo gaaraysa in xaafaddiina iyo meelo kaleba dagaal ka socdee.”
Dagaal culusi in uu meesha ka dhacay baan u sheegay. Waxaan kaloo ugu daray intii uu Muuse nagu kordhayay.
Dabadeedna waxaan iri, “Abti adinku iska warrama? Maxaa ka jira xaggiina?” waxa uu yiri, “Abti annaga wax shiddo ahi xaggeenna kama jiraan.”
Yusuf Cusmaan Samatar waa Abtigay. waxa uu u yar yahay intii ay dhashay Ayayday Abshiro Gallayr. Isaga ayaa i soo koriyey. Waxa uu iga soo waday hooyaday aniga oo jira 7 sano. Kolkii hore, waxaan dugsiga Quraanka iyo Iskuulka ka bilaabay Gaalkacyo. Waxaa gacanta igu hayay Abtigay kale, Xasan Xaaji Cusmaan, “Xasan Quruf”. Dabadeed waxaan u soo wareegay Mogadishu oo ay

hooyadii barbaarintii labaad ii noqotay Maryan Muuse Boqor oo ah Xaaska Yuusuf Bardacad.
Bardacad waxa uu dhashay 1932. Dugsiga hoose dhexe iyo sareba waxuu uga baxay Soomaaliya. Kaddib, waxa uu waxbarasho u aaday dalka Talyaaniga, magaalada Rooma oo uu ka bartay Cilmiga Siyaasadda “Political Science”. Haddana waxa uu bartay Sharciga oo uu ka qaatay shahaado sare. Waxa uu ku biiray Xisbigii SYL. Muddadii uu waxbarashada u joogay dalka Talyaaniga waxay isbarteen nin Talyaani ah oo ka tirsanaa xisbiga shuuciga ee Talyaaniga. Waxa uuna ninkii ku xiray xisbiyadii calancasta ee ka jiray waddamadii shuuciyiinta ahaa.
Aragtidii iyo aqoontii shuuciyadda uu soo qaatay buu dib u keenay Soomaaliya. Waxa uu wax ka aasaasay xisbigii la oran jiray Gareedka, SDU, Somali Democratic Union 1957, oo uu hortii madax ka noqday Xaaji Mohamed Xuseen oo ka mid ahaa 13kii SYL. Muddo yar kaddib Aasaasiddii xisbigii SDU ee Gareedka, Yuusuf Bardacad waxa uu noqday xoghayaha guud ee xisbiga. Arday faro badan oo aan kow iyo laba la oran karin buu u kala diray waddamadii shuuciga ahaa. dalka Raashiya ayaa Ardayda ugu badan loo diray. taageerayaal badan buu ku yeeshay xaafiisyada dawladda. Ka dib markay waxbarashadii soo dhammaysteen waxaa shaqo laga siiyay wasaaradihii dawladda. Doorashadii 1964-kii, 15 kursi buu xisbigiisu ku guulaystay.
Yuusuf Cusmaan Samatar (Bardacad) waxa uu ahaa xubin Baarlamaan (wakiil) ilaa 1969 kii. Kacaanku markii uu dhashay dibedda ayuu ku maqnaa oo kuma jirin raggii horraankii la xirxiray. Isla markii uu ka soo laabtay dibedda, kacaanku waxa uu ka codsaday in uu la shaqeeyo, balse Yuusuf Bardacad wuu ka cududaartay. Taasi waxay keentay in irdaha loo laabo Naadigii xisbiga SDU lana qarameeyo hantidii xisbiga, oo ay ka mid ahaayeen Madbacado iyo waliba qalabka beeraha sida cagaf cagafyo, kuwaas oo loogu talogalay in lagu tababaro Taageerayaasha Xisbiga. Sidaas oo kale xisbigu waxa uu lahaa, xafiisyo qalabaysan oo loogu bixiyo

tababarro kala duwan, si kor loogu qaado aqoonta tageerayaashiisa.
Si kastaba ha ahaatee, Yuusuf Bardacad waxa uu noqday ninkii ugu xabsiga dheeraa dadkii siyaasadda darteed loo xiri jiray intii kacaanku waddanka ka talinayey. Xabsiyada la geyn jiray waxaa ka mid ahaa, kii godka ee NSS (National Security Service) Hay’adda sirdoonka, xabsiga dhexe, Laanta Buuro, Labaatan jirow iyo kuwa kale. Markii u dambaysay waxa uu ku xirnaa muddadii u dhaxaysay 1975 ilaa February 1989.
Aynu meesheedii hore ka sii wadnee, haddiiba cishihii la gaaray, dagaalka Xooggiisii magaalada waa ka istaagay. Dad badan oo maanta guryahoodii shaqo ka aaday baa ku go’doomay xaafado kale. Mararka qaarkood waxaan dibedda ka maqlaynnay sharqan dad socda. Intii aannu ku mashquulsanayn telefoonnada iska soo daba dhacayay. Muuse waxa uu dhaaminayay fuustadii dhimmanayd.
Maalintii labaad, subixii hore wax shiddo ahi ma jirin. Dadku albaabbada buu furtay. Waa la isbariidiyay. Derisku waxa uu isweyddiiyay waxii ay Akhbaar ama xog isku dhaamaan, balse barqo hore haddii la gaarayba xabbaddii waa bilaabatay. Dariiqyadii xaafadaha baa la isku cayrsaday. Waxaan maqlaynnay sawaxanka Samaacado la saaray gawaari, iyo heesihii la qaadi jiray markii uu socday dagaalkii 1977 ee Soomalida iyo Ethiopia, sida Erya! Erya, taliska Nugulee niyad jabkaahee naf la caarigaa. Mararka qaarkood, gabdho baa qaylinayey oo guubaabinayey wiilasha kacdoonka shacabka la safnaa.
Taasi waxay i xusuusisay, beri hore oo ay isla dagaalayeen laba beelood. Gabdho baa sidaas oo kale ula kala saftay labadii beelood, oo ku qaylinayey erayo guubaabo ah. Dabadeed nin laashin ah (gabyaa ah) baa inta ka yaabay tiriyay Shiribkan.
Hoooooow. Ar hooooow.

Minay laba qabiil is qabdhaan. Ar minay laba qabiil is qabdhaan Qumanyo qaylisaan qabnaa. Qumanyo Qaylisaan qabnaa.
Isla maalintaas, waxaa bilaabatay dhaqdhaqaayo iyo isu socod siyaasadeed oo ay wadeen odayaal iyo siyaasiyiin caan ahaa. Madaxweyne Mohamed Siyaad Barre isna waa hadlay oo ku dhawaaqay in xabbadda la joojiyo. Odayaashii Maanafeesto iyana dhaqdhaqaaq xooggan bay sameeyeen, iyaga oo isugu tegayay waqooyiga magaalada Mogadishu. Cid kasta oo tala keentana cid u joojinaysay ma jirin. Si fiican bay isugu dhabaqday.
Boob iyo bililiqo loo geysanayo hay’adihii dawladda baa bilaabantay. Sidaas oo kale, waxaa loo dhacay Guryihii Safaaradaha oo aan waxba lagu reebin. Maalintaas iyada oo dagaalku socday baa bililiqaduna socotay. Waxaa loo badnaa bililiqada oo xaafado aan dagaal ka socon baa bililiqadu ka socotay. Dadka wax bililiqaysanayay koox kooxona waa u socdeen, qof-qofna waa lahaayeen. Kooxaha bililiqadu marar bay isku dhacayeen oo isku dagaalayeen meelaha sedka weyni yaal.
Weli teleefoonnadu waa noo shaqaynayeen maalintaas. Qaraabada, ehelka iyo saaxiibbadu ma kala joojinayn telefoonnada. Waxaa na soo wacay Yuusuf Bardacad. waxa uu yiri, “Sida la ii sheegay dagaalku subaxa hore, horay uma bilowdo ee haddii Ilaahay nabad idinku bariidiyo caawa, goor hore oo subax ah ilmaha soo qaad oo keen gurigaygii ay safaaradda Kuwait ka guurtay.” Dabadeed waxaan u yeeray xaaskaygii Luul oo aan u sheegay talada Abti. Waxaan isku raacnay in sida ay tahay aan u qaadanno taladaas. Luul hooyadeed iyo walaalaheed xaafaddii ay degganaayeen ee Hawlwadaag meelo ka mid ah baa haddana dagaalkii ku siqay. Wiilasha intii roon-roonayd waxay u qaxeen xaafadda Wadajir ee koofurta Xamar.

Luul Waxay u sheegtay hooyadeed Taladii aannu gaarnay ee ahayd in aannu bari fog u soo guuri doono guriga Abti Bardacad. Ilaahay ha idin soo uruursho adinku oo nabadda ah bay tiri hooyo Maryan Shiikh Cabdi.
Islaantii ay gabadhu oggolayd ee Aay Barreey waxaa u timid oo wadatay gabar ay hooyo u ahayd, oo subixii hore ee maalintaba maalintaas. Faa’iso yarey markii ay weyday islaantii oohin bay kala joojin waysay. Waayo cid kale oo aan Aay Barreey ahayn ma oggolayn. Suulka ayay nuugi jirtay oo marba haddii ay suulka iyo islaanta isku hesho cid kale kuma daqaqami jirin.
Luul, sida aan horay u sheegnayba waa Xaamilo sidkeedii maalmo un ka harsan yihiin. Waxaa maalintaas ka muuqday daal iyo oon badan. Waxaan ka walwalsanaa oo aan islahaa armay xilliga xaaladdanu saan u jirto foolataa. Haddiiba ay dhacdo in ay foolato ma filayn dhakhtar iyo ummuliso toona in ay noo soo gurmadaan. Waxaan soo xusuusanayey maahmaahdii ahayd “Haddii fooli timaado guda qarsiinyo dhinte.”
Beri baa waxaa dhacday in diyaaraddii Boing 707 ee Shirkadda Diyaaradaha oo u socotay Jedda ee Sucuudi Carabiya ay ku dhex foolatay gabadh Rakaabka diyaaradda saarnaa ka mid ahayd. Kabtankii diyaaradda baa makaroofanka kala hadlay Rakaabka oo yiri, “Gabar baa diyaaradda dhexdeeda ku foolanaysa ee rakaabka wax ummulisa ah haddii ay ku jiraan fadlan gargaar degdeg ah baan uga baahannahay. Haddii rakaabkii la dhex maray lagama helin ummuliso. Dabadeed mar kale buu Kabtankii hadlay oo baahiyey in haddii dhakhtar arrinta naga caawin karo uu jiro in uu la xiriiro gabdhaha Gargaarooyinka rakaabka. Haddana lama helin wax dhakhtar caafimaad ah oo markaas saarnaa diyaaradda. Mar saddexaad buu hadlay Kabtankii oo baafiyey haddii ay diyaaradda saaran yihiin wax haween ah oo horay u soo dhalay, oo gacan ka geysan karaa arrinta. Iyana waa la waayay. Nasiib wanaag gabadha foolanaysa ayaa da’ horay u soo dhashay waxayna la wareegtay Amarkii iyo taladii foosheeda. Waxay u tilmaantay

gabdhihii gargaarooyinka ahaa in ay raacaan wixii ay u sheegto oo kaliya. Waxay tiri, “Lugtan qaada, tan kalena ka fogeeya, Garbaha i qabta, kor ii haya. Gacanta hoos iga gesha. Tartiib u soo jiida ilmaha ilaa ay ka dhashay wiil loo bixiyay Dayuurad.”
Luul waxay ahayd hooyo saddex ilmood horay u soo dhashay. Waxaan islahaa sida gabadhaas bay kuu tilmaami kartaa, adigana nin baa Alle kaa dhigay.
“Ballan fiidnimo jarmaado Arooryo ayay leedahay,” waa maahmaah qoto dheer oo Soomaali ah. Reerku haddii uu guurayo, caweysinka hore ee habeennkaas baa la tashadaa. Marka hore waxaa la isweyddiiyaa bal in wax baadi ahi Reerka ka maqan yihiin iyo in kale, in biyo lagu tub mari karo la haysto, in xargihii iyo yeeshii loo baahnaa dhan yihiin, iyo in meesha loo guurayo horay loo sahamiyey ama cid loo qaateen ahi tala ka soo bixisay in loo guuri karo
——————————————————————————————————
5

Qaxii 1aad ee gurigayga.
Koobane (rati magaci) kal baa galay. Kalka Geeddi baa galay.
Kulayl bayna soo galay.
Juuw Juuw.
Waxaa guriga dhexdiisa noo yaalley Baabbuur Toyota corolla ah oo aannu ku qaxi karno. Waxaa walwal naga haystay haddiiba gaarigu yaalley muddo ku dhaw 72 saac oo aan la kicin, in Batarigu dhacay iyo in kale. sidaas oo kale waxaan ka cabsanaynney haddii aan shidno oo tijaabinno in guuxiisa dibedda laga maqlo oo nala soo hungiriyeeyo. Galabtaas waxaa go’ay oo khadka ka baxay Taleefankii. Ma ogayn annaga kaliya in taleefanku naga go’naa iyo in magaalada oo dhammi taleefan la’aan tahay. Cid aan wax weyddiin karno ama xiriir la samayn karno ma jirin.
Waxa ay noqotay Inta qorraxdu soo jeeddo in aan baabbuurka saarno gogol iyo maacuun waxa uu qaadi karo. Haddii habeen la gaaro feynuus iyo toosh meesha ay ka big leeyihiin cadow baa loo ahaa, oo waxay ahayd bar tilmaameed. Sidaas oo kale, ma kala dooran karin Alaabta aan u baahan nahay iyo tan kale goorta ay mugdiga noqoto. Haddana waxaaba iska yaraa waxii gaarigu noo qaadi karey. Reer guuraagu ratiga kolka uu rarayo waa u heesaa. Waxaa ka mid ah:
Koobane (rati magaci) kal baa galay. Kalka Geeddi baa galay.
Kulayl bayna soo galay.
Juuw Juuw.

Hees-awreedka waxaa la yiraahdaa ‘SalSal’. Haddii aan si kale u niraahnana, ninka ratiga rarayaa waxa uu ula hadlaa ratiga sidii uu maqlayo, ama uu garanayo waxa uu leeyahay. Ninku salsalka uu leeyahay waxa uu ku saleeyaa xaaladda markaas lagu jiro. Sida kuwan hoos ku qoran oo midba ka hadlayo marxalad gooni ah.
1. Afartii laguu tolay yaa kaaga toog roon ood kaga tegeysaa.
2. Halaqhalaq u rooraaye hala dhalay irmaaneeye halaq hoose
kuma cuno.
3. Saarsaar wanaagsane, saarsaar wanaagsane, waxba kaa ma
saarnee iska saar ma lagu yiri.
4. Sida caynku kuu gubay, sida Caynku kuu gubay yay cagtu ii
dalooshaa.
Hor ayaa Dhakhaatiirtu uga digtey in ayna hooyooyinka uurka lehi marnaba qaadin wax culus, sidaa darteedna Luul boos kuma leh raridda gaariga. Waxaa heeggan u ahaa in uu hawsha wax ka qabto Muuse.
Markiiba waan ku hilnay gaariga rarkii. Muuse waxa uu bilaabay in uu gaariga sidii uu yahay Rati u Salsaliyo waxa uuna cod gaaban oo aan dibedda laga maqli karin ku lahaa:
Koobane kal baa galay. kalka Geeddi baa galay. kulayl bayna soo galay. Juuw Juuw.
Anna waxa uu yiraahdaba waan ka daba jiibinayay ilaa aan ka bognay rarkii uu qaadi karay gaarigu.
Kolkaasi waa Casar gaaban oo ayna wali qorraxdu dhicin. xabbado dagaal oo markaa aaggayaga ka socday ma jirin, waxaanse maqlaynnay diryaanka madaafiic meelo fog-fog ka dhacayay. Qaar

waxaan ku qiyaasaynnay dhanka madaxtooyada, qaarna dhanka waqooyiga naga ah ee jidka warshadaha. Galabtaas waxaa naga go’ay biyihii, balse Ilaahay mahaddi laba fuusto baa noo dhaansanaa.
In yar haddii aan joognay, waxaa la soo garaacay ganjeelkii guriga. Muuse oo barandada gogoli u tiil baa haabhaabtay furihii ganjeelka oo uu horay u hayay, anna waxaan ka soo booday qol aan la joogay Luul iyo carruurtii. Luul dhankayga bay u soo laba lixaadsatay oo tiri, “Sug! sug Cabdullaahi aynu hubsanno qofka e’.” Haye! Haye gacaliso. Carruurta ku celi qolka.” qofkii waa hadlay oo yiri, “Cabdullaahi! Cabdullaahi! Adeer iga fur albaabka. Waa Adeer Xuseen Cabdulle Qaamuus e’.” Muuse waa gartay oo si degdeg ah u furay Albaabkii.
Haddiiba uu soo galay xuseen gurigii, isla markiiba waxa uu si xoogaa didsanaan ahi ku jirtay u yiri, “Adeer Cabdullaahi see tihiin? Ka warran Luul iyo carruurtii.” Intaa markuu yiriba carruurtii baa ku soo yaacday kuna hadaaqday Awoowe Xuseen awoowe Xuseen, carruurtii buu isku duubay oo mid-mid u dhunkaday, oo haddana inta madaxa kor ula kacay ku yiri Luul oo taagan xatabadda barandada, Adeer tan iyo maantay baan soo garaacaynnay taleefanka ee maxaa idiinkaga dhacay taleefanka? “Adinka hadda waa idin arkaa oo waad nabdoon tihiine,” buu raaciyay.
“Adeer xuseen ma naqaan wax ku dhacay taleefanka, sidii uu u joogay buu hal mar sam yiri,” bay ugu jawaabtay. Xuseen Cabdulle waa Adeerkay Gu’yaal iga yar. Waxa uu ka mid ahaa dadkii aan hadba iswacaynnay oo ehelka ahaa inta taleefanku shaqaynayay. Waxa uu degganaa oo ka yimid markaas galbeedka Suuqa Bakaaraha. Waxaa caddaatay in taleefanku uuna magaalada oo dhan ka go’nayn ee wax un ka khaldan yihiin kaayaga cid wax la qabtaba. Xaaskii iyo wiilkii uu dhalay Xuseen waxa uu horay ugu diray magaalada Baraawe.
Haddii aannu si hoose waraysigii isugu dhignay, waxa uu ii sheegay in gurigiisii la bililiqaystay shalay mar uu soo booqanayay carruur uu

sidaas oo kale hooyadood Adeer u ahaa. Waxa uu Aad uga tiiraanyaysnaa oo hadba ku soo celinayey ka sheekayntooda qoraallo iyo sheekooyin uu qaarna dhammaystiray qaarna uu markaas farta ku hayay oo raacay bililiqadii Alaabada gurigiisa tiil. Xuseen waxa uu jeclaa in uu wax ka qoro sheekooyin gaagaaban ee horay u dhacay. Dadku waxay ugu yeeri jireen Xuseen qaamuus. Sheekooyinka uu jeclaa oo uu hadba hifanayey waxaa ka mid ahaa, qormo la oran jiray “Doobbo-haan ma dheelliyo” ee ku socotay Rati ay lahayd islaan lexejeclo badnayd. Sidaas oo kale, waxa uu hadba soo qaadayay qaabkii ay u qornayd iyo sida uu u tifatiray qormadii uu ka diyaarshay Cishqigii haleelay nin da’ ahaa oo la oran jiray Diiriye Dige.
Si ay ahayba, markii ay noqotay fiid dambe baan uga sheekeeyey qiso dhex martay Nin la oran jiray Fakad iyo islaan.
Fakad waxa uu ahaa Fuundi guryaha ka dhisa tuulo la yiraahdo Roox ee degmada Gaalkacyo. Islaan buu u dhisay guri cariish ah oo laba qol ka kooban. Dabadeed waxaa da’ay Roobkii dayrtii Yaxoob-Dheere (Yaxoobdheer iyo Biyobadan labodaba waa loo yaqaan), ama biyo badan ee 1962. Tog tuulada agteeda mara oo la yiraahdo Dhoosaalli baa ku soo rogmaday oo qaaday dhismihii gurigii. Islaantii waxay saartay eeddii Fakad oo ku eedaysay in uusan guriga si fiican dhulka ugu adkayn. Waxa ay tirisay tixdan.
Allow Fakadoow lugaha luudi kaaga dhaco. waxuu laalaabay baa maanta luri ka timid.
Fakad isaga oo Eedda iska rogayay oo naftiisa difaacayay buu ugu jawaabay tixdan.
Naa Sideeda Rajoone baa saakay rabash ka dhacay. Dad baa Rako saaran oo Ruuxu dhibahayaa. Rukummada u xiray oo waa isku wada rakibay. Ee risiqa Rabbi keenay iyo Roobka haygu galin.

Xuseen Qaamuus inta qoslay oo fariistay oo haddana i salaamay buu yiri, “Adeerow Fakad iyo islaantaaba mudan in buug laga qoro.” Buraanburka la isweydaarsaday siiba kan qaybta Fakad, waxaan ka dheehan karnaa in 1962dii ay gobollada dalku ahaayeen 8, halka 1991 ay ahaayeen 18 gobol, waxaana magaalo Madaxyo u ahaa.
1. Hargeysa.
2. Burco.
3. Boosaaso.
4. Gaalkacyo.
5. Beledweyne.
6. Baydhabo.
7. Kismaayo.
8. Mogadishu.
Xuseen waxa uu talo ka bixiyay habeenkaas sida aannu berri
meesha uga baxaynno iyo meelaha fariisimaha u ah ciidammada isdagaalayay, sida warshadda Caanaha, xaafadda Xero Ruush, Taleex, xaafadda Afrika (African Village) iyo saldhigga Booliska Degmada hodan. Waxa aan ku tashannay in aan meel laami ah la marin. Isla markaasna laga fogaado suuqa Bakaaraha.
Muuse waxa uu ku khasbanaa in uusan subaxaas na raacin, waayo bakhaarkii uu waardiyeynayey kama tagi karin. Waxaa kale oo aan ku tashannay in uu fureyaasha gurigayaga la wareego oo uu gurigu hoy u noqdo iskuna ilaasho guriga iyo bakhaarka. Luul waxay ku wareejisay muse timir, Daasado caano boore ku jiraan, raashin kale oo qallalan iyo waxii kale oo guriga yiil. Laba fuusto oo biyo ahna waa u dhaansanaayeen.
Waa adduun iyo xaalkiise, waxaan ka qaxaynnay waa gurigayagii. Waa xaafad ka mid ah magaalo madaxdii dalka, Waa meeshii aan ku barbaaray. Waa meeshii aan Dugsiyada hoose,

dhexe iyo Sareba ku dhameeyey. Waa meeshii aan ku lahaa saaxiibbada soo- jireenka ahaa. Waa meeshii aan ku guursaday. Waa meeshii ay noogu dhasheen carruurtaydu. Xaaskayga qudheedu Deegaanka Xamar ee aan ka qaxaynnay bay ku dhalatay.
Xamar oo ah Caasimadda Soomaaliya. Waa meeshii ugu bilicda samayd waddanka. Waa meeshii la geshay 90% dhaqaalihii iyo hantidii waddanka. Waxay ka mid tahay oo ugu horraysaa meelaha ugu Cimilada wanaagsan dalka. Waa meesha Macdanta ku jirta biyaheeda ay ugu habboon yihiin cabbitaanka oo ay sixadeedu sarrayso.
Burco waa gubatay. Hargeysa waa bas beeshay. Gaalkacyo waa lagu kala guuray. “Nin Adduunka joogow maxaa Aragti kuu laaban” bay arrintu taagnayd. In aan qaxno ma ahee maalintaas fursad kale oo noo furnayd ma jirin. Bal aynu isxasuusinno macaanka Nabadda iyo hees u qaado Ahmed Mooge Liibaan.
Waa qaali Nabadduyee waa qaali Nabadduyee Nin qummaati ugu laday Oo qushigii u meel maray Oo qushigii u meel maray Idinkuba qiyaaso
Haddii aan qallooc jirin
Miyaad qiri lahaydeen
Waa qodob su’aaloo
Qof waliba siday tahay
aan ha u qaato leeyee.
Nin qabweyn iyo, nimaan uba qabin Isqaniinee hays qaddariyeen.
Aroortaas, wax sawaxan rasaaseed ah oo aaggayaga ka dhacayay ma jirin. Dad baa dariiqayada soconayey. Waxaannu dhaqdhaqaaqa dadka ka qooraansanaynnay Ganjeelka.

Yeelkadeede, Luul iyo caruurtiiba ugu danbayntiiba waa saarnay gaarigii. Xuseen iyo aniguna waa ka daba galnay. Nasiib wanaag waa noo shidmay gaarigii annaga oo ka shaki qabnay in Batarigu wali shaqaynayay iyo in kale.
“Adiguba caqlaad leedahee carar maxaa dhaama” Sayid Maxamed Cabdulle Xasan baa lagala haray. Cagta ayaan saarnay waddada. Si caadi ah baa dadku meelaha qaar u soconayay. Waxaannu arkaynnay ciyaal hubaysan oo laba-laba iyo ka badanba hadba dhan u socday. Qaarkood waa noo gacan haadinayeen, salaan iyo farxad bay ka ahayd. Kuwa waxay lahaayeen gudba! gudba. Meelaha qaar dhib baan ku maraynnay oo gaarigu bacaad buu ruubanayay. Dad baa na caawinayay, oo noo riixayay gaariga. Kuwo ayaa na sii tilmaamayey oo lahaa dariiqaas dhankiisa ha aadina ee xaggaas kale ka leexda. Waxaan wadnaha farta uga haynnay oo aannu ka walwalsanayn in taayir naga banjaro bacdamaa meeshu bacaad ahayd oo ay ku duugnaayeen silig iyo masaabiirba.
Dhallinyarada markaas dagaallamaysay waxay ahaayeen kuwii magaalada Xamar horay u joogay. Askar iyo dawlad la dagaal ma ahee qabyaaladi kuma badnayn, waxaana aad u liitay hawlgelintooda. Ma lahayn tirokoob, jeheyn iyo hawlgelin fiican. Isxukun dhexdooda ahi ma jirin. Ma aqoon dadka madaxda ah ee dagaalka waday kuwii ay ahaayeen. Waxaan arkaynnay dad alaabo bililiqo ah wata. Ciyaal yaryar oo wiilal iyo gabdhoba leh bay ahaayeen. Meelaha qaar waxaan arkaynnay guryo aan badnayn oo dad ku xoonsan yahay. Ma dhaawac baa la keenay! Ma dad baa lagala baxayay! Ma dumar baa lagu kufsaday! Kolleyba wax baa ka jiray, annaguse kasho uma aannaan hayn. Taayada baan u meel la’ayn.
Waxaan hadba dariiq ka dusnaba waannu nabad tagnay gurigii. Wax yar ka dib markii reerkii degay waxaa noo yimid Luul hooyadeed iyo islaan kale oo ay deris ahaayeen, waxay soo mareen suuqa Siigaale oo ay ka soo adeegtay, waxaa u rarnaa gaari gacan
Burburkii bulshada iyo Barakicii duuliyeyaasha 47
ay saarnaayeen laba jawaan oo dhuxul ah iyo jeerigaannada biyaha lagu shubto, sidaas oo kale waxay waday wax yaallo saaweeya qalabka guryaha looga adeegto oo ay ka mid ahaayeen maacuun iyo faynuusyo.
Maryan Shiikh Cabdi waxay ahayd qof dhaqanka soomaalida ku fog, tixgelin xididnimo iyo soddoheedba leh. Waxay ku dhalatay kuna qaangaartay degaanka Somali galbeed, siiba degmada Qarinjiqood. sidaas oo kale, Xaaji Yuusuf Cali Yuusuf Keenadiid, aabbaha Luul Xaaji. Waxa uu ahaa Qaalli, ama garsoore dhaqanka diinta Islaamka aad loogu tix geliyo, kuna Sifoobay garsoor wanaagsan iyo daacadnimo. Waxa uu ku dhashay magaalada Hobyo, balse waxa uu ku barbaaray Xamar.
Isla markiiba waxaan lug ku aaday gurigii uu degganaa Yuusuf Bardacad. Markaas waxa uu degganaa xaafadda Waaberi siiba guri u dhaw ka soo horjeedka makhaayadda Cali Mahdi ee jidka Maka Al Mukarama. Wadooyinka Maka Mukarama iyo tan kiiloomitir 4 waxaa xawli ku marayay gawaari land kuruusarro u badnaa oo qaxayay oo u jeeday dhanka Afgooye. Sidaas oo kale, dad badan baa u lugaynayay dhanka Afgooye. Qaar baa gacmaha alaabo fudud ku watay.
Ciidammo labbisan baa marar lagu arkayay jidka ayaga oo lugaynayay, ama saaran gawaari. Waxaa kale oo aaggaas lagu arkayay kuwo hubaysan oo dhar caadi ah watay. Si kastaba ha ahaatee, waan gaaray gurigii Reer Bardacad. Waxaa iga furtay Hooyo Maryan Muuse Boqor oo ah, Xaaska Yuusuf Bardacad. “Alleylehe waa Cabdullaahi, soo gudub, soo gudub hooyo u tag Abtigaa waa kaa quraacanayee,” bay raacisay. “See tihiin hooyo Maryan,” baan iri aniga oo sii gudbayey. “Nabad! Nabad hooyo ee sii dhaaf,” bay haddana tiri oo xirtay albaabkii.
Yuusuf markii uu maqlay hadalkayagii buu inta is-hayn waayay farxad darteed ka soo baxay qolkii uu ku quraacanayay oo cod dheer ku yiri, “Waa Ilaahay mahaddi haddii aad ka soo badbaadeen waxii ka dhacayay Bakaaraha iyo aaggeeda.” “Ma

geysay carruurtii,” buu ku sii daray inta i salaamay oo isaga oo weli gacanta i hayay ii taxaabay miiskii uu ku quraacanayay. “Haa, Abti Al xamdulilaah waa geeyay.” Haddii aan fariistayba Maryan waxay ii soo dhigtay quraac oo ag fariisatay saygeedii. “Oo hooyo Maryan meeye Duullane iyo Cartan,” baa iri. “Mar shalay xabbaddu nagu soo dhawaatay baan u diray gurigii awowgood Xaaji Muuse Boqor ee lambar 4 ku yaalley.” Duullane iyo Cartan waa labada ilmood ee ay isu lahaayeen Yuusuf Bardacad iyo Maryan Xaaji Muuse.
Waxaa kale oo jiray laba wiil (Liibaan iyo Mahad) iyo gabar (Libin) oo ay u dhashay Saynab Maxamed Saalax oo markaas mootanayd. Maryan waxay tiri, “Cabdullahiyow, adduun waxa uu noqon doono lama oga, wax kastana waa dhici karaan e’ Abtigaa sii wad oo gurigii aad carruurta geysay gee.” “Waa runtaa,” baan ugu jawaabay.
“Waxaa la ii sheegay daartii la oran jirey Oto Oto oo aan waxba idiin jirin in ay saakay ka bilaabatay xabbadu.” “Waa saad tiriye waxay ila tahay in aan loo fadhin,” baan ku sii daray. Maryan inta ku jeensatay odaygeedii bay tiri, “Yuusuf haye ka warran.” Inta uu miiskii gacmaha ka qaaday oo dib ugu liicay kursigii uu ku fadhiyay buu yiri, “Maryan iyo Cabdullaahi aniga cid wax igu falaysaahi ma jirto dhibna hadda ii koow ma aha.”
“Abtiyow waxaa jira ciyaal yaryar oo aan waxba kala ogayn oo qof walba halis u ah. Waxaa jira xabbado wiifto ah iyo madaafiic aan lahayn jiho ee xisaabtan ku dar.” Maryan si ay u xoojiso taladayda bay te, “waa run, ciyaalka iyo askartuba wax kastaa laga filan karaa.” Inta uu na dhugtay oo qoslay buu ye, “Xabbadda wiiftada ah iyo madfaca dhacayaahi meesha aan joogno iyo guriga aad leedihiin aad saakay waa u siman yihiin.”
Waxaan soo xusuustay waayihii kacaanka barakaysani waday barnaamij la oran jiray “Maxay qabatay Tawraddu” oo jidad laami ah loogu samaynayey magaalada Xamar, ayaa Faarax Gololley oo ahaa siyaasi caan ah, ahaana xildhibaan dawladdii kacaanka ka horreeyay. lagana soo dooran jiray degmada Balcad, nin u yimid oo

yiri, “Al xamdulilaah jidkii gurigayga ma jabin oo waa ka badbaaday.” Faarax baa markaas ninkii inta dhugtay ku yiri, “Ar heey Minuu jidku ku daayo Jardiinaan ku daynaynin.”
Sidii bay noqotay oo jidkii markii uu dhammaaday baa la yiri, “Jardiinooyin ha la sameeyo, ninka gurigiisiina waxa uu noqday jardiino ka mid ah meesha loo yaqaan Afarta jardiino ee Xamar. Waxaa la mid ah, haddii wiilasha iyo wiiftadu ku daayaan madfaca aan jehada la hayn baan ku deynayn. Waa meeshii laga yiri “Falaartii cirka loo ganay, nin walbow filo.” Waannu ka caal weynay Yuusuf Bardacad maalintaas.
Harsimadii maalintaas waxaa la ii sheegay in uu xanuunsan yahay nin Adeerkay ah oo la yiraahdo Muuse Neero, asaga iyo carruurtiisiina u qaxeen xero galbeedka Xamar ku taal oo la yiraahdo Siisii, ee aagga Degmada Dayniile. Lug ma ahee gaari lagu haweysan maayo in lagu tago Siisii. Meesha aan joogno iyo xerada waxaa u dhexeeya dhul aan la deggenayn oo jiq ah iyo meelo goofaf ah. Waa meel halis ah oo la isu geli karo. Waddooyinkuna waa bacaad gaarigu ruubanayo. waxay noqotay aniga iyo Xuseen qaamuus in aannu cagta maalno oo aannu soo eegno Muuse.
Muuse Neero waxa uu ka mid ahaa kornayladii hore ee Booliska. Waxa uu wax ku lahaa korriimadayda. Maalintii aan waxbarashada ugu Anbbabaxayay dibedda, waxa uu i geeyay gegida diyaaradaha. Waxaa cillad farsamo awgeed dib u dhacday diyaaraddii aan raaci lahayn. intaa waa ila joogay. Waa i waaninayay. Kolkii qadadii la gaaray, waxa uu ii waday magaalada oo iga soo qado siiyay. Haddii uu i soo ceshay oo an saf u galnay fuulistii diyaaradda, inta soo noqday oo igu soo dhaqaaqay buu yiri, “Waryaa Cabdullaahi ma xusuusataa intii wax lagu soo baarayay iyo waxii korriimadaada laga soo maray.”
“Haa adeer,” baan iri. Inta uu farta igu soo taagay buu yiri, “Ogoow waxbarashaa laguu diraye adoo khamro soo bartay oo dhacdhacaya ha ii imaan.” Waxaan u gartay in hadalkaasi ahaa mid uu maanta oo dhan igala xishoonayey, kuna weynayd in uu dardaarankiisa ka mid

noqdo. “Waa yahay Adeer. Waa yahay Adeer igu hallee taas,” baan ku iri.
Waa adduun iyo xaalkiise, markii aan waxbarashadii soo dhammaystay, baan waxaan u soo diray Telegram uguna soo sheegay maalintii, saacaddii iyo diyaaraddii aan la imaanayey.
Maalintii aan Xamar ku soo laabtay ayaan u imid isaga iyo Maryan Muuse boqor, xaaska abtigay Bardacad oo jaranjarta diyaaradda hoose taagan. Salaan baan inta u soo taagay ku iri, “Adeer waxbarashadii waa soo dhammaystay Khamrana ma soo baran.” waa isku kay duubay oo kor ii qaaday oo i sii dayn waayay iyada oo ay joogeen dad badan oo ehel ahaa oo in aan salaamo ay ahayd. Waxaan is-iri waxaa la weynayd oo qiimo u samaysay in aan xusuusnaa dardaaran kiisii isla markaasna aan fuliyay.
Waayadii hore, ardayda waxbarashada loo diro, in ka mid ah baa lagu xaman jiray in ay cabbidda Khamrada soo bartaan.
Ciidanka cirka Duuliye ka mid ahaa oo lagu xaman jirey in uu cabbo khamriga, baa galab diyaarad Miig 21 ah soo tijaabi la yiri. Diyaaradda marka ay soo degto waxaa suga koox injineerro iyo farsamo yaqaanno ah, oo looga baahan yahay in ay hubiyaan wax cillad ihi in ay ku soo korortay diyaaradda iyo in kale. Waxaa kale oo farsamo ahaan loo baahan yahay in wax laga qabto waxyaalaha ay ka miid yihiin.
1. Cillad Farsamo oo ku soo korortay.
2. In shidaal lagu shubo.
3. In haddii loo baahan yahay xabbado lagu cabbeeyo.
4. In dabaysha laga gufeeyo ama taakooyin loo dhigo.
Duuliyihii waa uu soo daahay galabtaas, Salaaddii Makhribna waa soo gashay. Kooxdii waxay talo ku gaareen in ay iska tukadaan waxaana iimaan ka noqday nin Injineer ahaa oo la oran jiray nuur geeddi. Markii ay xirteen salaaddii baa duuliyihii cagaha soo dhigtay. Isaga oo aan damin Matoorradii diyaaradda buu inta ka soo

booday diyaaraddii safkii Salaadda galay oo yiri, “Nuuroow waan kugu Xirtay”. Nuur Geeddi waxa uu akhriyey Suurad dheer Faataxadii kaddib. Duuliyihiina waa sugi waayay in uu ku sii jiro salaad sidaas u dheer. Dabadeed waxa uu yiri, “Nuuroow waa kaa goostay.” Markaas kaddib, sida la sheegay Nuur Geeddi isaga oo salaaddii ku jira buu u jawaabay Duuliyihii oo yiri, “Muggii horeyba ma jirin Salaad aad ila Tukanayso”.
Aniga iyo xuseen markii aan gaarnay xeradii waxaan u tagnay Muuse Neero iyo labadii wiil ee u yarayd Wiilashiisa, Warsame iyo Liibaan, oo geed hooski fadhiyay. Allaylehe waa Cabdullaahi iyo xuseen buu inta na salaamay yiri, xanuun badan kama muuqan in kasta oo uu daallanaa. Waxaa isla kolkiiba noo timid afadiisii Sahro Xasan. Sahro waxay ka mid ahayd xubnaha sarsare ee Xisbigii hanti wadaagga kacaanka soomaaliyeed.
Waxay deggenaayeen xaafadda Towfiiq oo ay dagaalladu ku horreeyeen, waxayna ku khasbanaayeen in ay qaxaan ka-mid ahaanshaha ay Sahro ka mid ahayd hawlwadeennada xisbiga kacaanka awgeed. Haddii aan iswaraysannay, Muuse waxa uu yiri, “Adeer waa Casar dambee kaca aada carruurtii.”
Subaxii xigay waxaa gurigii nala soo degay qoys ballaaran oo ay hooyo u tahay Khadiijo Xaaji cali mire oo uu dhalay Abtigay, waxaa kale oo aan soo waday “Sacdiyo Cabdirisaaq Cilmi xaashi. Oo ah gabar ay dhashay walaashay ka maqnayd waddanka.
Barqadii markii ay ahayd waxaa ii bixi waayay taleefankii Reer Yuusuf Bardacad. Meesha aan joogay markaas teleefoonnadu waa shaqaynayaan. Suurtogal ma ahayn in aan sii dhawrto taleefan dambe oo xaggooda iiga baxa. Xuseen Qaamuus waa iga tagay. Lug ma ahee baabbuur laguma haweysan karin aadista xaafadda ay deggen yihiin.
Luul oo iyada laftigeedu hadba taleefanka garaaciisa ku celcelinaysay baan ku iri, “Luuley, ma dhawran karo in aan iska joogo anigoo oo aan ogaan waxa Abtigay iyo xaaskiisii nolol iyo geeri ku sugan yihiin. Luul intay laba tillaabo xaggayga u soo qaaday bay

tiri waa run Cabdullaahi, gacaliye ka tag meesha inta aan Casarka la gaarin.
Cagta ayaan wax ka deyay, haddii aan ilaa laba jid oo xaafadda ah sii gooyey waxaa arkay dad hadba koox-koox madaxyada iskula jira, meeshu ma ahayn meel dagaal iyo colaadi ka jirto balse dhiillo iyo dareen daran baa ka muuqday. Dabadeed koox baan ku leexday oo aan is-iri bal wax ka ogoow waxa jira. Haddii aan ku soo dhawaaday dadkii, intay i dhugteen bay kala dareereen. Dad xaafad ahaan isku garanaya bay ila ahaayeen balse aan aniga aqoon ii lahayn, shaki iyo baqdin baa i gashay.
Waxaa igu soo leexday nin dhallinyaro ah oo markaas i garanayay. waxa uu yiri, “Waa ka xumahay Cabdullaahi. Waxaa goor dhaw la dilay Xaaji Muuse Boqor iyo Xaaji Xaashi Weheliye.”
Inankii, isaga oo aan eray kale oran ayuu iga dhaqaaqay. Muuse iyo Xaashi waxay ka Mid ahaayeen Siyaasiyiintii dhidibbada u dhigay Ururkii Maanafeesto, Xaashi Weheliye waxa uu ahaa Ganacsade caan ah iyo siyaasi. Bulshada Soomaaliyeed dhexdeedana aad looga qaddarin jirey.
Xaaji Muuse Boqor waxa uu ahaa siyaasi ruug caddaa ah. waxa uu ka mid ahaa raggii tiirarka u ahaa Xisbigii SYL, isaga oo haddana ka mid ahaa dadka wax laga weyddiiyo siyaasadda Soomaaliya. Waxa uu ahaa Xubin Baarlamaan oo an marna dhicin kacaanka ka hor. Nin Xikmad badan oo xeerarka iyo dhaqanka aad ugu fog ayuu ahaa.
Dhimashada Xaaji Muuse boqor waxay u ahayd qoyska reer Yusuf Bardacad dareen weyn oo soo wejehdey, waa arrin laftigayga i saameysa. Maryan Muuse Boqor waa hooyadii labaad ee koriimadayda kaalinta weyn ku lahayd. Waxaan is weyddiinayay hadba inta aan sii lugaynayay xaaladda ay ku sugnaan karto dilkii aabbaheed ka dib, waxaa is lahaa guriga ma ugu tagi doontaa. sidaas oo kale waxaa igu soo dhacaya waxa kulmiyey taleefanka go’an iyo dilka Xaajiga.

Waxaan sii maray jidadkii aan maalintii hore sii maray ee Kiilomitir 4 iyo ka Maka Almukarama dabadeedna uga leexday xaafadda Waaberi jidadkeeda bacaadka ah. Maalintaas dadka qaxayay waa ka sii badnaa kii maaalintii hore. Baabuurtu sidaas oo kale aad bay u badnayd, balse waxaana arag ciidan labbisan. Dad dharcad ah oo hubaysan waa jireen.
Fekerka iyo dhiillada aan qabo awgeedna maalinkaas ma qiimayn karin waxa ka dhacaya hareerahayga. Balse goor aan marayay daarta Saddexda dabakh loo yaqaan. (Tire biano) baa gaari land kuruusar ah oo xawli ku socday Joodari korkiisa ka biibay, dabayl baa kor u lalisay inta uunan dhulka soo gaarin baa nin hawada ka qabsaday. mid kale oo hareer socday baa inta usha iyo seefta is gala kala siibay u taagay, kii joodariga qabsaday inta joodarigii u dhiibay kii seefta watay buu yiri. Heee in aan khaadanaayo maa u mooday, Adlee kuu soo wadey.
Ugu dambayntii, si nabad ah baan ku gaaray gurigii reer Yuusuf Bardacad. Waxaa Albaabka iga furtay Canab, oo tiri Abboowe Cabdullaahi see tahay soo dhaaf. eeddo Canab anigu waan nabdoonahay ee see tihiin adinku baan ku iri. Intayada halkan joogta waan nabdoonahay, Ilaahay mahaddi, bay iigu jawaabtay. Waxay iigu sii dartay, “Hooyo Maryan markii ay maqashay geerida Aabbaheed bay gurigii reer aabbaheed ku carartay, Abtigaana waxa uu ku jiraa Laybareeriga.”
Haddii aan hore u sii dhaafayba, way iga daba qaylisay oo tiri, “Cabdullaahi, Maryan farriin bay iigu kaa dhaaftay, oo ah: Hadddii uu Cabdullaahi yimaado illaa waa illaa yuusan ka tegin Abtigi. Ha isu raacaan gurigii uu ilmaha geeyay, haddii xaaladdu nagu adkaatana waannu ka dabo imaanaynnaa.
Eeddo Canab waxay ahayd gabar markii hore Shaqaale ahaan qoyska ku soo gashay, balse muddo markii ay joogtay ku yeelatay cod iyo taloba Reerka. muddo 18 sano ah bay markaas reerka joogtay. Cartan Yusuf Bardacad oo ugu yaraa qoyska baa xushmad

ahaan qof walba oo guriga jooga magaciisa ugu lammaanin jiray weedho kale oo uu isleeyahay waa kaa mudan yahay. Tusaale:
1. Canab waxa uu ugu yeeri jiray eeddo Canab.
2. Aniga waxa uu iigu yeeri jiray Abboowe Cabdullaahi.
3. Faadumo Xasan Cusmaan “Quruf” Abbaayo Faadumo.
Sidaas oo kale, aniga qudhaydu waxaan ugu yeeri jiray Maryan Muuse, “Hooyo Maryan.” Dhaqankaas waxaa dhowr jeer igu khilaafay Abtigay oo oran jiray, “dhaqan ma ahan arrintaasi.” Balse waxaan ku oran jiray “waa hooyadaydii korriimada iyo Barbaarintayda waana ku faraxsanahay. Waxaana qabaa in ay iga mudan tahay in aan iraahdo hooyo.”
Magacyadaasi iyo weedho xushmadeedka lagu lammaaniyay waxay ahaayeen kuwo ka hirgalay qoyska dhexdiisa ilaa haddana intii is-aragtaa weli way isugu yeertaa. Salaanta hore ee aniga iyo Canab aannu isdhaafsannay, waxay tiri, “Abboowe Cabdullaahi anna waxaan iri eeddo Canab.” Ma jiraan laba qof oo isu wada ah Abboowe iyo eeddo ee waa hab laga soo xigtay Cartan.
Waxaan u sii dhaafay qolkii Laaybareerigii (Kayd-akhris), ama maktabadda. Laybareeriga waxaa ka buuxay buugaag u badan kuwii ay qoreen madaxdii Xisbiyadii iyo Dawladihii shuuciga ahaa. Sida Angels, Vladimir Lalin, Marks, Mao Zedong iyo kuwa kale. Derbiyada waxaa surnaa sawirradooda iyo kiisa. qaar waxa uu la Sawirnaa isaga oo kala qayb galaye Madaxdaas Munaasabado. Intii aan kacaanku dhalan, buugaagtu waxay ku rasnaynaan jireen Armaajooyin muraayado ah. Cutub-cutub bay isu korsaarnaan jireen. Waxaa ku qeexnaa falsafaddii Hantiwadaagga Cilmiga ku dhisan ee shuuciyadda. Waxaa kale oo jiray kuwa badan oo ka hadlaayay waxyaalo saaweeya shuruucda iyo Siyaasadda.
Yuusuf Bardacad waxauuaaduguxeeldheeraaqoraallada iyo wax akhriska. Waxa uu wax ku qori jiray afka Talyaaniga, halka uu Carabiga wax ka yaqiin, balse kuma xeel dheerayn. Dhowr sano

iyo bilo, intii kacaanku jiray, ama uusan xabsiga ku jirin, waxaa u furnaa Xaafiis qareen oo uu ku shaqayn jiray. Badanaaba dadka waxa uu ugu shaqayn jiray tabaruc iyo lacag la’aan.
Maalintaas, Maktabaddu ma ahayn sidii hore, buugaag badan baa miiska korkiisa firirsanayd. Qaar baalashoodu waa furnaayeen qaarna waxay ku dayacnaayeen qolka dhexdiisa. Waxaan isleeyahay hadba mid buu inta akhriyo mid kale soo rogayay isaga oo aan kii hore meeshiisii ku celin. Jawiga uu ku jiray markaas, ma ahayn mid deggan.
Waxaan u galay isaga oo buugaagtii mid ku foorara. Kor buu ii eegay markii aan salaamay kaddib oo aan fariistay kursi u dhawaa. “Cabdullaahi ma cid baa kula socota,” buu yiri inta salaantii iga riday.
“Maya Abti. keligay baan ahay, adigaana ku
raadinayay.” “Ma arrintii shalay baad weli daboda ka
waddaa?” “Haa Abti baan ugu jawaabay”.
“Meeday Hooyadaa, weli ma timid?”
“Maya Abti, gurigii reer aabbaheed bay jirtaa. Farriin bayse iigu dhaaftay Eeddo Canab. “Oo maxay tahay farriintu?”
“Haddii Cabdullaahi yimaado, isaga iyo abtigiis ha isu raacaan gurigii uu carruurta geeyay, haddii xaaladdu nagu sii xumaatana waan ka daba imaanaynnaa. Illaa waa illaa yaan Cabdullaahi tegin isaga oo ayna abtigi israacin.”.
Aniga oo hadalkaas adkaynayey baan iri, “Waxay aniga ila tahay in ay sidaas ku saxsan tahay. Xaaladdu meeshii ay shalay joogtay maanta ma joogto.” Kolkaas buu yiri, “Aniga taladu meesheedii bay ii taagan tahay, balse waad i khasbaysaane ina wadi Cabdullaahi.”
Farxad iyo rayrayn baa inta i qaadday baan isku duubay oo dhunkaday. “Waad mahadsan tahay Abti,” baana u raacshay. Eeddo Canab waxa ay noo keentay shaah. waxaan iri, “Eeddo Canab aniga iyo abti waa baxaynnaa ee meeyey wiilkii darawalka ahaa?”.

“Wiilkii lama arag sidii uu dagaalku u qarxay, baabbuurkiina waayadanba garaashkan noo dhow buu dhigi jiray, garaashkiina ma yaal. Allow sahal Ammuuraha bay sii raacisay jawaabteedii”.
—————————————————————————————————————-
6
Qaxintii Yuusuf Bardacad.
Waxa ay noqotay in aannu u lugaynno xaafaddii ilmuhu joogeen oo qiyaastii noo jirta hal kilo mitir iyo wax weheliya. xoogaa dhar ah bay noogu ridday Boorso jilicsan. Madaxaan saartay Boorsadii, waannu isdaba soconnay.
Xabsigii ugu dambeeyay, waxa uu Yuusuf xirnaa 14 sano. Hal qol buu ku jiri jiray, socod iyo dhaqdhaqaaq looma oggolayn, cid aan askarta waardiyeynaysa ahayn ma arki jirin. Raadiye iyo wargeys mamnuuc bay ka ahaayeen, Cartan oo ilmihiisa u yaraa 4 sano buu jiray markii dad ugu dambaysay. Waxaa la soo daayay isaga oo jira 18 sano. Sidoo kale Kolkii xabsigii dambe la xiray anigu

waxaan dhiganayay fasalka 2aad ee Dugsiga sare. waxaa la soo daayay aniga oo Dhameeyey Dugsigii, dabadeedna waxbarasho dibedda ugu baxay oo soo dhammaystay, haddana shaqaystay, guursaday, Saddex carruur ahina ii joogto.
Muddodaasi waxay ahayd intii u dhaxaysay 1975-1989. Xabsiyadii ka horreeyay waxay isugu jireen kuwo uu dad badan la xirnaa iyo kuwo uu kali ahaaba. Waayadii hore oo uu ku xirnaa xabsiga dhexe iyo xarunta nabadsugidda, mararka qaarkood waxaa loo oggolaa in aan raashinka guriga uga qaadno, maalmo cayiman Toddobaadkii. Maalinta Arbocada ah baa loo oggolaa in Raashinka loo geeyo xabsiga Laanta buuro.
Sida loo joogo baa marar xabsigii uu ku xirnaa laga waayi jiray. Waxay u badanad in la geeyay sheelada, ama xabsi kale, sida ka labaatan jirow ama Baraawe. Mararka aannu raashinka u geynno, si ay noqotaba waa uu nala soo xiriiri jiray. Alaabta raashinka lagu keenay marka la soo celinayo buu xaashiyo wax ku qoran yihiin meel qarsoon noogu soo ridi jiray. Qolofta ama Baakadka saabbuunta aannu u geynno baa xaashiyo u ahaa. Dharka siiba go’yaasha marka laga soo dhaqayo buu korkooda farriimo noogu soo qori jiray.
Kolka weelasha laga soo celinayo, askarta soo qaadaysa weelka qaarka uu ku kalsoon yahay buu farriin kalmad ama laba ah noo soo fari jiray. Mararka qaar askarigu nama soo gaarsiin jirin farriinta. Waa marka uusan naga fogayn kan iridda hore nala jooga. Kacaanku marnaba uma oggolaan jirin in uu la kulmo Xaaskiisii iyo Carruurtiisii siiba intii u dhaxaysay 1975 ilaa 1989. Intaa uu xirnaa marna ma jirin maxkamad la geeyay oo xukun ku ridday. Haddii uu xanuunsado looma oggolayn in aan dhakhtar u geynno iyaguna dhakhtar khibrad leh uma geyn jirin. Kiiska loo haysto ma ahayn mid la yaqaannay. Waagaas waxaa jirtay wax la yiraahdo ii hay, iyada oon la aqoon cidda loo hayo ama kan mudiciga ku ah.
Si kastaba ha noqotee, waan iska sii luudnay. Surinba mid baan uga dusnay. Dad badan oo qaarba dhinac u socday baan is

dhaafaynnay. waxii xaafadaha Xamar ka mid ah u kala qaxaya ma ahee, dadku waxuu ku wajahnaa laba jid oo kala aada Afgooye iyo Balcad. Xoogaa xuurto ah baa marar qabanaysay odayga. Neef aan halis ahayn buu ka soo qaaday xabsiga labaatan jirow. Aniga laftigayga culayskii dharkii madaxa ii saarnaa waa i soo karay. Marar baan istaagga ku nasanaynnay. Ul matoobbo ah buu isaga oo istaagsan ku tiirsanayay.
Dadka dariiqa marayay waa dhiillaysanaayeen. Wax wada hadlaya waa ku yaraayeen. Sheekooyin hoose iyo nuxnux baa marmar la maqlayay. Islaan gurigeeda geed hortiisa ku yaal dhar ku dhaqanaysa baa aragtay mid sidayda alaab madaxa ku sida. Kolkaas bay tiri, “Abaay Biibi Mudey! xaggee adna u socotaa?”
“Waa qaxaa,” Abaay. Bay ugu jawaabtay. Tii kale baa tiri, “Xaggee adna u qaxee Macbuudkee”
“Abbaay Shalaanbood baan iska Aadsaa, meeshaan waa laysku Qararabsanaa. Xaajiyaashii dhan waa la laayey. Maxaan ka sugaa!”
Intaa markii ay maraysay baan socodkii hakinnay annaga iyo dad kale oo dariiqa marayayba, si aan u helno akhbaar dheeri ah. Biibi Mudey way sii wadatay hadalkii oo tiri, “Xaaji Muuse Bokhor iyo Xaaji Xaashi Weheliye waa la dilay. Ciyawdaanna isna waxaa la dilay Faannaankii caanka ahaa oo ii sheeg, Heesaha waddaniga ah dhan tiriyay.”
“Waa kee fannaankaasi,” bay tiri islaantii dharka dhaqanaysay?”
“Abdi Bashiir Indhobuur waaye ma kasaysid miyaa! Maxaan ka suganaa Ilaahaa joogee bay ku dartay.” Tii kalaa tiri, “Naa adiga ninna wax kuma yeelayee iska joog.” Biibi waxay tiri, “Adiga iska joog madfac geedka hoostiisa ha kuugu yimaadee.”
Hadalkii ma joogsan ee waa isu sii naqsadeen. Biibi waxaa lagu yiri, “Ma iigu imaanaayo, warkana ha igu soo qalloocin haddii kale saabbuuntaas baan indha shab kaaga siinaa.” Biibi waa xanaaqday waxayna tiri, “Ma iiga siin kartid, wejigeeda lee fiiri saas u yaal.” Intaas kolkii ay afkeedii ka baxeen bay haddana hore ugu boodday oo timaha qabsatay. Dadkii meesha marayay baa kala

qabtay. Arrinta dhex martay labada islaamood waxaan ka ogaannay in ay bilaabatay beegsiga dadka wax ku oolka ah. Ninkii qayrki loo xiirayow soo qoyso adiguna. “Wadeeco Allaah”.
Hadba waxa aan xuurto tirannaba, waannu nabad tagnay. Si diirran bay noo soo dhaweeyeen dhammaan dadkii ehelada ahaa ee ku soo qaxay guriga. Si gaar ah baa Luul noogu sii galbisay qol ay sii gogoshay oo ku yaalla dabakha hoose ee guriga. Biyo iyo shaah bay ayada iyo Safiyo noo keeneen.
Xoogaa haddii aan nasannay, waxaa noo yimid Jaamac Aadan Cusmaan oo uu dhalay Abtigay kale. waxa uu ka yimid gurigii aan ka soo tagnay ee reer Bardacad. waxay isku soo arkeen hooyo Maryan Muuse oo dabadayo timid. Maryan waxay u soo dhiibtay Gogol caan ahayd oo uu lahaa Yuusuf Bardacad. Waxay ahayd gogal aan darinna ahayn joodarina ahayn. Waxay ka samaysnayd maro adag oo hoos looga cufeeyay wax aad mooddo suuf. Darafka sare waxay ku lahayd in yara kuusan oo aad mooddo barkin. Marka aad jiifka ka bogatona way isku laabmaysay, waxayna lahayd faraqyo la isku xiri karo. Marka Yuusuf uunan xabsiga jirin inta la isku laabo baa meel lagu tiirin jirtay. Gogoshaas waxaan ugu, yeeri jirney “koortii Yucub”.
Sidii koortii Yucub oo la suray Korommo buubbaal ah.
Ama beelo kaynaan ahoo
Kor u hayaamaaya
Xalay kolo lo’aygii ma ladin Kaamil reeruhu e’.
Raage Ugaas
Noocyo kala duwan oo geedo ah baa laga qoraa Koorta, waxaase loogu jecelyahay geedka Yucubka ah. Koorta Yucubku way ka dhawaaq dheer tahay kuwa geedaha kale laga qoro. Gogosha

Koorta Yucub ee reer Bardacad Meel u gaar ah oo ay taal oo lagu ogyahay baa jirtay, iyada oo aan la raad-raadin baa marka ay askartu timaado laga soo dhifan jiray.
Badanaaba, marka la xirayo Yuusuf Bardacad, Askartu waxay imaan jireen guriga 3da ilaa 4ta Submaxim, Si kadis ah bay ku imaan jireen. laba gaari oo ciidan dharcad ah bay ugu yaraan inta ishu qabanayo ka koobnaan jireen. Si aan buuq iyo xasarad lahayn bay guriga u geli jireen. Qaar hareeraha bay guriga kala laaban jireen. Kuwo gaariga kama soo degi jirin. Kolkii guriga laga furo, si caadi ah bay u soo geli jireen. Wayna salaami jireen. Hadal badan nalama yeelan jirin ilaa ay odayga u tagaan. Guriga oo ka koobnaa laba dhisme oo hal dayd iyo hal Ganjeel lahaa way yaqaanneen midka u seexdo.
Mararka qaar derbiga ayay ka soo boodi jireen. Kolkaas intay iskood u furaan ganjeelka bay beegsan jireen qaybta uu deggan yahay Yuusuf. Taliyaha ciidanka wata waxay u badnayd in uu Yuusuf yaqaanno. Waxay oran jireen Yuusuf ina keen. dabadeedna Maryan ayada oo aan laba Cali isdhugan waxay soo bixin jirtay Koortii Yucub oo horay u sii diyaarsanayd iyo go’ Shaal ah. Waxay ka gaarsiin jirtay oo ay diyaarin jirtay cadayo, saabbuuno iyo wax la mid ah.
Askartu waxay siin jireen Yusuf daqiiqado yar oo uu ku labbisto. Taliyaha iyo ugu yaraan askari baa la joogi jirtay inta uu labbisanayo. Taliyaha iyo ciidanku meesha ay gaynayaan nooma sheegi jirin, waxna lama wayddiin Karin.
Marka la soo daynayo waxaa la soo marsiin jiray Madaxweynaha, general Mohamed Siyaad Barre. xabsiyadiisii ka horreeyay 1975 marar baa inta xabsiga laga soo wado loo gayn jiray Madaxweynaha dabadeedna lagu celin jiray Xabsiga. Waxay u badnayd markaas in ay isfahmi waayeen.
Aynnu meesheedii ka sii wadnee, Jaamac waxaa kale oo uu noo sheegay in uu reerkiisii geeyay Xaafadda Wadajir. Kolkaas waxaan joognaa casar dambe. Jaamac waxa uu yiri:

Walaal Cabdullaahi fadhi iima yaal in kasta oo ay Wadajir tahay nabad oo ayna xabbadi ka dhacayn. Wax kasta waa laga filan karaa. Waxaan ku cararayaa ilmihii ee hoo Bastooladdaan isku ilaasha. Waxaa la yiraahdaa Dhabannacas. Ma kaddibto, kiishkaanna waxaa ku jira xabbadaheedii ee isku daafaca, haddii la idin soo weeraro.
Waa isdhugannay aniga iyo Yuusuf Bardacad, oo haddana dib u eegnay Jaamac. Bardacad baa kolkaas yiri:
Adeer Jaamac maanta aniga la igu waardiyay mayo Bastoolad iyo qoryo kale midna. Cabdullaahi isna maba ridi yaqaan. Waan ogsoonahay in aad xil iska kay saarayso balse adeer dhaqankaasi aniga mid ii dhadhamaya ma ahan waadna mahadsan tahay.
“Weedha ah Cabdullaahi isna maba ridi yaqaan” waxay i soo xusuusisay waagii qaadka la joojiyay baa Magaalada Hargeysa waxaa yimid nin Xaaji ah oo muddo badan ku maqnaa waddamadii Khaliijka iyo xaaskiisii. Ehelo, qaraabo iyo saaxiibbada martiqaadyo badan baa loo sameeyay Xaajigii.
Samannadaas waxaa caado noqotay in haddii qofka la martiqaado, haddana qaad iyo sheeko loogu daro, haddii kale martiqaadku ma dhammaystirna. Maalintii dambe baa Xaajigii la soo qabtay isaga oo inta la martiqaaday, qaadkii u goglan yahay. Maxkamad baa la keenay. Qaalligii baa waxuu yiri, “Xaaji waxaa lagugu soo eedeeyay, adiga oo maalin, xaafad, qaad ku cunaya ee maxaa ka leedahay eedayntaas?” Xaajigii inta uusan hadlin baa islaantiisii oo kuraasta dhagaystayaasha dadweynaha fadhiday, inta farta taagtay, oo boorso garab u saarrayd kan kale u wareejisay tiri, “Qaalli, “Xaajigu qaadka ma cunaa lagaa yiri.” Dadkii maxkamadda joogay baa qoslay, qaalligiina Dubbihii, (Burriskii), buu miiska ku garaacay oo yiri, “Aammusa! Aammusa. Dhammaan dadka maxkamadda jooga qof aan wax la weyddiin ma hadli karo.”
Kolkii ay intaa marayso baa qaalliyaashii isku jeesteen oo isweyddiiyeen qofka dumarka ahi waxay tahay. Waxaa la ogaaday

in ay tahay afadii Xaajiga. Qaalligii dib buu u furay maxkamaddii oo yiri, “Xaaji ka jawaab su’aasha Maxkamaddu ku weyddiisay.” Xaajigii inta istaagay buu yiri, “Qaalli dee Xaajiyaddaa kuu jawaabtay e miyaan iska feedh hadalnaa,” oo fariistay. Haddana dadkii qosol bay isku hayn waayeen oo qosleen. Qaalliga laftigiisii baa qoslay. waxaa caado u ah maxkamadaha in dembiyada qaar la khafiifiyo haddii dadka jooga maxkamadda ay qoslaan.
Dabadeed Qaalliyaashii qolka wada tashiga bay galeen oo la isweyddiiyay bal horta qoyskani waxa uu yahay iyo xaajadan salkeeda, waana la iska sii daayay markii la ogaaday in xaajigu uusan iskiis u galin dambiga.
Haddii la eego xaaladda markaas jirtay, Jaamac waa uu dadaalay, oo isxilqaan weyn buu sameeyay intii tabartiis ah, balse ma uunan ogayn in Adeerki Yuusuf baryo looga soo waday gurigiisii. Saan gaar ula faqo Jaamac, baan inta gacanta qabtay iri, “Walaal Jaamac bal ina keen.” Waxaan u sheegay waxii aan ka soo marnay keeniddiisa meeshan iyo in uusan marnaba qaadanaynin in hub lagu ilaasho. Jaamac waa uu garwaaqsaday waxa jiray, dib ayuuna u raalli geliyey Adeerki. Jaamac waxaa uu la shaqayn jiray ciidanka xoogga dalka Soomaaliya qaybta dhismaha ee “Damaanyo”. Waxa uu ahaa shicib xirfaddiisu tahay koronto yaqaan. Saaxiibbo buu saraakiisha dhexdooda ku lahaa. Waxaan filayaa in ay Bastooladda saaxiibbadi siiyeen.

7
Ku-bulaankii Madaxda iyo Salaadda Jimcaha
Bishii Jannaayo 4, 1991, waxay ahayd maalin Jimce ah. Salaaddii jimcaha waxa aan ku tukaday Masaajidka Cabdirashiid Ali Sharmaarke AUN oo noo dhawaa. Waxaa nala Tukanayay dhowr nin oo siyaasiyiin ah. Waxay u badnaayeen siyaasiyiin ka tirsan Maanafeesto. Inta aan ka xusuusto, Jeneraal Mohamed Abshir Muuse, Cali shiddo iyo Cumar Carte Qaalib baa ka mid ahaa. Dhammaantood waxay deegaan ahaan ka ag dhawaayeen Masaajidka.
Markii la tukaday baa dadkii bulaamay. Sheeko hoose iyo nuxnux baa bilaabatay. Waxaa dadku farta ku fiiqayeen siyaasiyiinta. Waxay lahaayeen wax noo sheega, xaggee wax marayaan. Waxay damceen in ay ka cududaartaan wax-sheegga waqtigan ah, balse dadkii masaajidka joogay kama siisan.
Waxaa istaagay Cumar Carte. Hadallo waano u badan buu isdhaafiyey. Waxa uu yiri, “Dadaallo badan baa socda. In wax walba hagaagaan baa la filayaa. Kamana hor dhici karno oo waxaani waa siyaasad” buu hadalkiisii ku koobay. Dabadeed, dadkii waxay ku jeesteen Jeneraal Maxamed Abshir. Jeneraalku waxa uu ku bilaabay hadalkiisii Quraan iyo Xadiis ka hadlaya in aan la isdilin. la isna dhicin, oo dhiigga iyo hantida dadka aan la bannaysan.
Dabadeed, dadkii waxay ku jeesteen Ali Shiddo. Waa uu ka cududaartay in uu hadlo balse, dadkii baa ka diiday ilaa ay garbaha qabteen, oo yiraahdeen waxaad ogtahay noo sheeg. Cali shiddo, hadallo waano u badan buu jeediyey. Waxa uu ka hadlay qaxa iyo barokaca dadka. Waxa uu ku boorriyey dadka in aan laga qixin guryaha. Waxa uu aad ugu nuux nuuxsaday in ay qabyaaladdu tahay wax xun ee laga fogaado. “Ilaa

hadda dagaalku waxa uu ku egyahay oo uu u dhexeeyaa dawladda iyo dad kacdoomeyaal ah ee yaan magaalada laga qaxin buu ku soo gabagabeeyay.”
Intaa markii uu marayo baa nin bidaar lehi istaagay oo yiri, “War Soomaaliyeey, ma jirto ninkaan waxa uu sheegayo. Qabyaalad baa jirta, aniga gurigaygii oo xaafadda Kaaraan ku yaal baa la iga soo qaxiyey.” Dabadeed, dadkii masaajidka joogay isma dhugan. oo waa kala dareereen.
Maryan waxay ahayd Curaddii Xaaji Muuse Boqor Cusmaan. Xaafadda Xamar Weyne ee magaalada Xamar bay ku dhalatay. Hooyadeed, Jawaahir Cusmaan Sharmaarke waxay dhimatay iyada oo 6 jir ah. Waxaa soo korisay Ayeydeed Xirsiyo Islaan Aaden oo degganayd xaafadda isku raran. Quraanka waxay ay ka gashay Dugsi ay hayn jirtey habaryarteed, oo ku yaalley isla xaafadda Iskuraran. waxay waxbarashada ilaa Dugsiga sare uga baxday magaalada Xilwaan oo u dhow Qaahira ee waddanka Masar. Waxa uu ahaa dugsi gabdho kaliyihi dhigtaan oo jiif iyo waxbarashaba isugu jira (boarding School).
Dabadeed, Waddanka Marooko bay waxbarasho u aadday, oo ay ku soo baratay sharciga. Markii ay ku soo noqotay Mogadishu, waxay gashay Machad lagu barto Macallinnimada. Waxay noqotay macallimad barta ardada Luuqadda carabiga. Saygeeda Yuusuf Bardacad waxay isku barteen Qaahira—halka curadkeeda Duullane uu dhashay dabayaaqadii 1968. Waxa ay haddana dhashay Cartan 1971kii. Intaas muddadii ka dambaysay Maryan iyo Yuusuf waqti isuma helin, calafse waa halkiis.
Waxaan horay u soo sheegnay in Maryan saygeeda, Yuusuf Bardacad uu ahaa ninka ugu xabsiga dheeraa siyaasiyiinta Soomaaliya muddadii kacaanku dalka ka talinayey.
Haddana aabbaheed Xaaji Muuse Boqor waxa uu ka mid ahaa rag kale oo siyaasadda hadba loo xiri jiray. Cabdullaahi Muuse Boqor oo da’dii ka yarayd Maryan ahaa isna waa la xiray in kasta oo uu isaga tagay waddanka markii dambe. Maryan dhanna uma fayoobayn, waxaana khasab ku noqotay in ay isaga tagto shaqadii ay haysay.
Dareenkeedu waa siin waayay in ay Ardayda iyo shaqaalaha kale la qaaddo heesaha kacaanka siiba heeska Guulwade Siyaad, Aabbihii garashada Geyigayagoow iyaga oo ay xabsiyada ku jiraan saygeedii, aabbaheed iyo weliba walaalkeed. Akhristeyaasha aan goobjoog u ahayn dhaqankii dawladdii Maxamed Siyaad Barre hoggaaminayey waxa aan

xusuusinaynnaa in ay jireen dad muddo dheer u xirnaa aragtida siyaasadeed oo ay kacaanka ku diiddanaayeen—amaba waxa ay ahaayeen siyaasiyiin door weyn ku lahaa dawladdii shacabka ee afgambiga lagu sameeyey.
Waa adduun iyo xaalkiis e’, Maryan iyada oo aan ninna ruqsad weyddiisan bay kolkii dambe shaqada ka tagtay. Waxaa dhadhan xun la yeelatay in hadba xaafiis lagu arko, oo qaarkood lagu ilhaaneeyo. Soomaalida dad damiir leh baa ku jira e’, sannado kaddib baa xaaladdeeda dib u eegid lagu sameeyay oo la iska ruqseeyay.
Waxay guntiga u xiratay in aan gurigeeda iyo inta ay masuulka ka tahay aan marnaba laga dareemin isbeddel iyo muuqaal fool xun. Maryan waxay ahayd qof aad u xikmad badan. Marka ay hadlayso waxay sheekadeeda ku fariisin jirtay maahmaah ama Masallo horay u dhacday. Xeel iyo aqoon dheer bay u lahayd gabayadii Carabtu hore u tirisay iyo kuwa khuseeyay dhaqanka Soomaaliga. Waxay ahayd qof feejigan oo dareen leh, oo iska ilaalisa dhacdhac.
Sannadka u dambeeya Dugsiga sare ee dawladda waxaa la qaadi jiray imtixaan midaysan dhammaan Gobollada waddanka. Luuqadda Carabigu way ku adkayd ardayda, qaar baan geli jirin xisada carabiga. Saas oo ay ahayd, dhibcaha aad ka hesho imtixaanka mar walba wadar guud baa loo xisaabi jiray. Oo maaddo kasta dhibcaheeda ayaa laga rabay ardayga, si uu ugu yaraan u helo. 60% waxii ka sarreeya baa jaamacad loo oggolaa. Waxii u dhexeeya 50% ilaa 60% shaqo ayaa loo oggolaa oo xaafiisyada dawladda baa laga shaqaalayn jiray. Waxii ka hooseeya 50% waxaa loo tirin jiray dhacitaan.
Sanad kale buu ardaygu dib ugu laaban jiray fasalkii uu imtixaankiisa ku dhacay. Waxaan ka baxay Dugsiga sare sannad Dugsiyeedkii 1977-1978. Maryan waxay aniga iyo dhawr arday oo aannu saaxiib ahayn guriga ugu akhrin jirtay Luuqadda Carabiga, siiba Naxwaha iyo gabayada khuseeyay fasalka afraad ee dugsida sare. Waxay noqotay in ay ardaydii isu sheegaan aqoonta iyo codka fasiixa ah ee Maryan, dabadeedna qaybo kalaa nagu soo biirtay. Ardayda waxaa ka mid ahaa kuwa aan geli jirin xisada carabiga. Taasi waxay dhalisay in aan u tagno maamulihii Dugsiga Banaadir oo aan ka codsanno in fasallada naloo oggolaado in aan wax ku baranno galabtii. Cabdirasaaq Warsame indhoole (Cabdirisaq Garweyne) baa maammule ka ahaa xilligaas waa uuna soo

dhaweeyay codsigayagii. Waxayna Maryan wax-bariddii afka Carabiga nooga sii waday Dugsiga Banaadir sare.
Ardaydii dugsiga sare ee Banaadir waxaa loo sheegay in Imtixaanka Qalinjebinta ay ku gelayaan Dugsiga sare ee Hawlwadaag. Imtixaanku waxa uu soconayay toddoba bari. Cabdirisaaq shoole waxaannu ahayn isku fasal. Waxa uu ka mid ahaa ciidanka Asluubta. Waxa uu ka shaqayn jiray xarunta dhallinta kacaanka ee Lafoole. Nin xoogaa naga da’ weyn buu ahaa. Xaas iyo Carruur buu lahaa. Ardaydu kuma darsan jirin. Dareenkoodu waxa uu ku wajahnaa xagga da’da iyo midda uu ka tirsanaa ciidanka xabsiyada. Balse isaga ayaa ahaa nin furfuran oo aan ninna u joojin. Waa uu kaftami jiray. Ardaydii aan geli jirin xisada carabiga buu ka mid ahaa, balse markii dambe nagu soo biiray.
Cabdirasaaq goor galab ah buu iigu yimid guriga. Waxaan wada fariisannay meel guriga deydkiisa ah. Waxa uu igu yiri, “Azhari, waad ka war qabtaa in usbuuca dambe lagu gelayo Dugsiga Hawlwadaag Imtixaankii kama dambaysta ahaa ee sannadkan. Lafoole waxaan uga imaadaa baabbuur ciidanku leeyahay oo maalin walba adeeg u soo doona dhallinta kacaanka Lafoole. Saacad go’an buu uga soo baxaa xarunta Lafoole. Km 4 baan uga degaa 7:30 subaxnimo. Saad ogsoon tahay imtixaanka waxaa loo fariisanayaa subax walba 7:30 kamana gaaro hawl wadaag waqtigaas. Waxaan ku soo tiir iyo tacab beelayay 7 bari baan ku khasaarinayaa. Waxaan kuugu imid waqtigan in aad arrintan wax igala qabato.” Cabdirisaaq waxa uu lahaa wax igala qabo weli ma ogeyn, balse dareen ku aaddan cabashadiisa baa qalbigayga ruxay. Xil loo baahan yahay in aan guto baan maankayga galiyay.
Intii aanan waxba weyddiin buu hadalkii inta boobay yiri, “Waxaan kaa rabaa meeshaan jiifsan lahaa iyo weliba oo hakaday. Intaa markii ay maraysay baa Maryan agtayada soo martay. Way na salaantay. Waxay u yeertay Eedo Canab. Cod gaaban bay ku tiri, “Maxaa Cabdullaahi iyo saaxiibki loogu geyn waayay shaah,” oo ma dhowrine inta jikada xaggeeda u dhaqaaqday noo keentay shaah. Maryan ardayda aan iskuulka wada dhigan jirtay mid-mid bay u taqaannay oo waa kuwa Naxwaha iyo shicirka qaybsiin jirtey. Cabdirisaaq si gooni ah bay u taqaannay oo waxa uu ka mid ahaa kuwii ay Luuqadda Carabiga ku soo dabbaashay in ay bartaan. In uu yahay askari ciidanka Asluubta ka tirsan hore bay u ogayd. Dareenkeedu waa ka duwanaa kuwa ay ardadu ka qabeen. Waxay u arkaysay nin

dadaalaya oo in la baritaaro ama taakuleeyo u baahan. Waa fahmay ujeedka Cabdirisaaq waxaana u qaatay toddobada bari waxaad qabto baan anna kula qabayaa. “Nin rag ah looga roon in la yiraahdo ilkahaaga duu aan tirshee” waa maahmaah Soomaaliyeed.
Hase ahaatee, xaggayga wax yar baa ka jirey in kasta oo ayna dadku isku wada mid ahayn. Ciidammada Asluubta shaki iyo madmadow baan ka qabay, oo marka aannu tagno xabsiyada, ama aannu ku soo booqanno Yuusuf Bardacad qaar baa si aannaan jeclaysan noola dhaqmi jiray. Kuwo naxariis daran baa ku jiray oo maalinta ay shaqada leeyihiin noo jir iyo Af xumayn jiray. Waxaan is lahaa Maryan iyo dadka guriga jooga oo dhammi waa kula qabaan dareenka.
Nolosha, kolka arrin qallafsan soo gasho, dadka qaarba si buu u mareeyaa. Maryan Xaaji Muuse, waa noolayd waxayna gacanta ku haysay reer dhan. Odaygeedii iyo aabboheed waa xirnaayeen, haddana, marna lama geyn garsoor loomana sheegin gafka ay u xirnaayeen. Haddana, waxa ay muujin jirtey Soomaalinimo iyo qofnimo aan dad badan laga heli karin.
Si kastaba ha ahaatee, Cartan baa ii yimid. Abboowe Cabdullaahi Taleefan baa kuu soo dhacay buu igu yiri. Sidii aan horay u xusnay gurigu laba qaybood oo hal dayd ka dhexeeyo buu ahaa, taleefanku waxa uu yiil dhanka dhismaha hooyo Maryan deggan tahay. Maryan waa qof dareen foge lehe, waxay aragtay in xaaladi aloosan tahay. kolkaan soo bogtay taleefankii oo aanan ka soo dhammaan gurigii bay ii yeertay oo tiri, “Cabdullaahi ma wax dhib ah baa jira?” Dabadeed codsigii Cabdirisaaq baan u sheegay. Iyada oo aan wax kale oran bay u yeertay Eedo Canab oo tiri, “Sariirta Cartan jimcaha soo socda ha la geeyo qolka Cabdullaahi, gogol fiicanna ha la saaro.” Waxaan iri, “Hooyo Maryan Allaha noo kaa daayo.” Soo-noqod kaygii baan u sheegay Cabdirisaaq in ay Maryan soo dhaweysay Codsikiisii. Cabdirisaaq inta qosol iyo farxad isla hayn waayay buu yiri, “Waa ka filayay Maryan in ay Codsigayaga tixgalinayso.”
“Hadda waa goor dambe waxaana rabaa in aan dheelmado ee waa noo jimcaha,” Cabdirasaaq baa yiri horayna wuu ka baxay isaga oo aad u riyaaqsanaa. Sidaas waxa aan ku galnay tijaabadii kama-dambaysta ahayd ee dugsiga sare.
Laba bilood kaddib baa taleefan ii soo dhacay. Waxa uu ahaa saaxiibkay Faarax Ahmed Mohamed (Faarax dalxiis). In natiijadii

imtixaankii la soo dhejiyey buu ii sheegay. Meeshii baan ka orday. Waxaan tagay Ardaydii oo derbiyada xaashiyo lagu dhejiyey ku xoonsan. Waxaa ii dhawaaqay saaxiibkay Cabdiqani Cali Salaad oo yiri, “Azhari hambalyo, dhibco fiican baad ku gudubtay.” Waxaa ugu dambaystii yimid Cabdirisaaq warsame shoole. Waannu isla dilaannay. Waxaan tagnay meel macmacaan ahayd oo ku taallay dhismaha shineemo Equatoore. Wax qabow baan ka cabnnay. Waa isu hambalyaynnay. Dabadeed aniga iyo Cabdirasaaq waxaan isu raacnay gurigii. Waxa aan mahad aan erayo lagu cabbiri karin u celinnay hooyo Maryan waxaana bilownay in aan damaashaadno.
Cabdirisaaq Warsame, kolkii aan dugsiga sare ka baxnay kaddib, waa is-arki jirney. In kasta oo waayuhu labo hawlood noo kala walwaalay oo aan tabobar duuliyenimo helay, haddana, waxa uu ahaa nin abaal guda haddii looga baahdo.
Aynu meesheedii ka sii wadnee, maalintii xigtay waxaan aaday gegida diyaaradaha, si aan wax uga ogaado xaaladda guud ee shaqadii iyo shaqaalihii aan wada shaqayn jirnay. Waxaan ku aaday gaarigaygii, wax dhib ahna ma arag intii aan jidka sii socday. Iridda gegida diyaaradaha waxaa tubnaa dad badan. Waxay ilbaadsanayeen diyaarad soo degta oo ay ku cararaan. Waxaa hor joogay ciidammo cusub iyo tiro aan badnayn oo ciidankii Booliska garoonka diyaaradaha horay u joogi jiray ka mid ahaa. Haddii aan hore u sii dhaafay shaqaalihii Somali Airlines, in farsamo yaqaannadii u badan baa joogtay. Diyaaradihii aan ku duuli jiray waxay ku xaraysnaayeen Garaashka (hanger ka).
Dabadeed waxaan u sii dhaafay dhismihii Agaasinka waaxda Duulista. Waxuu ahaa dhismuhu mid cidlo ah oo uuna qofna joogin. Dabadeed waxaan u soo noqday qaybtii farsamada. Dhawr engineer iyo farsamo yaqaanno baa diyaaradaha ag-joogtay. haddii aan isa salaannay, waxay ii sheegeen in la dilay Captain: Mohamud Nuux (Guray), madaxii Duuliyeyaasha Ku duula Diyaardaha fokkerta. Waxaa kale oo ay ii sheegeen in Diyaaraddii Airbustu say Dubai u aaday ayna soo laaban, war iyo wacaalna aan laga hayn.
Waxaan weyddiiyay Duuliyeyaashii siiba kuwii aannu wada duuli jirnay in ay cid ka arkeen iyo in kale. Waxay yiraahdeen sidii dagaalku u bilowday, waxaa garoonka imaanayay diyaarado daad guranayey dadkii Ajnabiga ahaa ee ka shaqayn jirtay hay’adaha aan dawliga ahayn iyo

Safaaradaha. Dad badan baa raacay, shaqaalihii Somali Airlines, iyana dad badan baa ka mid ahaa kuwa raacay. Goor aan fogaynna waxaa naga tagay Captain Sheegow iyo kuwa kale oo ay wada socdeen. Markaas kaddib, waxaan aaday qaybta hoggaamisa diyaaradaha (air traffic Controls ATC), si caadi ah bay u shaqaynayeen oo u hoggaaminayeen Gaadiidka Hawada sare ee Soomaaliya marayay, in kasta oo Duullimaadyada qaar ka leexday hawada sare ee waddanka.

8
Xamar: Xaaladdii Gegida Diyaaradaha oo sii Xumaatay
Bishii Marso 2013, waxaan ku baahinnay Shabakado ama mareego ay ka mid yihiin, Hiiraan online, Raxanreeb iyo kale Qormo la yiraahdo, Cirka Somalia: Reer Ba’ow yaa ku leh, oo an uga faallooday sida silica iyo boobka loogu geystay Hawada Sare ee Somalia. Haddaba aynu in yar ka soo qaadanno waxaan ka niri:
Ilaa iyo hadda, inta dadku ogyahay, cirku ma laha derbi la soo taaban karo oo aan laga gudbi karin. Haddii aan xogtaas sida ay tahay u qaadanno, dawladaha dunidaan la yaqaan ku sugan ayaa ku heshiiyey in cirka ilaa xad la kala lahaado. Arrintaas haddii aan rumaysanno, dawladaha adduunka, mid walba waxaa loo qoondeeyey cir (Airspace) ku aaddan dhulka iyo badaha ku xayndaaban inta looga qoondeeyey ee Khariiraddada Waddankaasu ku fadhido. Sidaas awgeed, dawlad kasta waxa ay maamushaa dhammaan gaadiidka cirkeeda mara. Waxa ay siisaa hoggaamin iyo kala-jehayn. Sidaas oo kale, waxa ay bixisaa xog/akhbaar ku aaddan xaaladda saadaasha hawada sida Cimilada iyo Gegooyinka diyaaradaha. Habkaas maamulka cirka

ku saabsan waxaa loo yaqaan: Flight Information Region Boundary (FIR Boundary).
Badanaaba, maammulidda cirka ee dawlad walba waxaa loogu magac daraa magaalo-madaxda dalka, taas oo noqonaysa xarunta laga hago gaadiidka cirkeeda isticmaala, sida Muqdishu FIR, Nairobi FIR, Cairo FIR etc. Waddamada leh dhulka baaxadda weyn, sida Maraykanka, waxa ay leeyihiin dhawr xarumood oo gaadiidka cirka laga hago (FIR Boundary). Haddana, dhammaan xadka cirka Waddamada deriska ah waxaa ka dhexeysa wadashaqayn. Maadaama dunidu isku wada xiran tahay, dalalku waxa ay isu gudbiyaan hagidda gaadiidka u kala gooshaya cirarkooda, si midiba tan kale ula socodsiiso gaadiidka xadkeeda soo gelaya ama ka baxaya. Waxaa markaas dawlad walba xeer caalami ahaan waajib ku noqonaysa dhammaan waxyaalaha gaadiidka cirkeeda marayaa u baahan yahay, sida nabadgelyada, gegiyada diyaaradaha, saadaasha hawada iyo wixii soo raaca. Gaadiidka soo gala wadan xadkiisa cireed waxa uu kala baxaa labo, mid dalka gegooyinkiisa ku dagaya iyo mid meel kale ama wadan kale u sii dhaafaya.
F.G. qormadan oo dhammaystiran waxay ku lifaaqan tahay buugga dhammaadkiisa.
Aynu meesheedii ka sii wadnee, shaqaalaha garoonka joogay ee isugu jiray kuwii Wasaaradda Gaadiidka, Duulista iyo saadaasha Hawada, iyo kuwa kale ee shirkadda diyaaradaha, markaas waxay ahaayeen kuwa aan dhanna uga bixin garoonka sidii dagaalku u qarxayba. Haddii aynu si kale u dhignana, waxay ahaayeen kuwa qabtu meesha ugu dhacday.
Waxa aan aaday guriga Sheegow oo aan ka fogayn garoonka. Waxaan ugu tagay xaaskiisii iyo carruurtiisii, waxayna ii sheegeen in asaga iyo Duuliyeyaal kale oo ay wada socdeen u dhaqaaqeen dhanka guri Abdullahi Ahmed Salxaan walaashi leedahay oo aan ka fogayn. Waxaan u tagay iyaga oo dhex taagan deyrka guriga. Way wada doodayeen. Waxay ahaayeen afar duuliye oo ay weheliyaan xaaskii Duuliye sare Cumar Shiikh Cabdi iyo gabar yar oo ay dhashay. Markii aan soo galay guriga, way igu soo dhaqaaqeen. soo dhawayn iyo salaan farxad leh bay igu boobeen.

Wax dhimasho ah waxay ii sheegeen Mohamud Nuur Gurey. Waxaa kale oo ay ii sheegeen in Cumar Shiikh Cabdi shalay gaarigiisiiba laga bililiqaystay, haddana uu doonayo in uu u lugeeyo Afgooye. Waxaan kula talinnay in uu iska joogo, oo waxa aan qabno uu nala qabo. Cumar waa diiday taladaas. Gurigii uu markaas deggenaa oo aan meesha ka fogayn waa uu ka soo ambabaxay. Isaga iyo xaaskiisu waxa ay wateen Alaab waxii ay qaadi kareen. Dood dheer kaddib, waxaa taladii lagu gorfeeyey, in Cumar maalintaas inta ka hartay iyo caawada xigta iska joogo, berri waxii loo gaarana aynnu qiimaynno xaaladda dagaalka.
Bishii Jannaayo 7, 1991, Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, waxa uu magacaabay guddi la magac baxay Sulux, oo 75 qof ka koobnaa. Guddigaas waxaa laga soo xulay Bulshada dhexdeeda. Waxa uu Ra’iisu Wasaare u Magacaabay Cumar Carte Qaalib. xil waajibaadka kooxda Sulux iyo Ra’iisu wasaaraduhuba waxa uu ahaa in ay dhex dhexaadiyaan isaga madaxweynaha ah iyo Mucaaradka.
Dhowr jeer bay madaxtooyada ku shireen. Waxay isu soo dhawaansho ka dalbeen Mucaaradka. Waxay la yeesheen fadhiyo kala duwan, balse fadhiyadaasi miro dhal ma noqon.
Mucaaradku laba garab buu kala ahaa. Kuwo waxay ahaayeen Kuwa hubaysan, oo go’aan iyo heshiis ku soo kala qaatay Mustaxiil. Kuwana waxay ahaayeen kudladdii Maanafeesto. Labada garab waxay ka midaysnaayeen in Maxamed Siyaad dalka isga baxo. Waxii intaa ka soo hara iskuma raacsanayn. Qolo walba iskeed bay u rabtay in ay iyadu kursiga Siyaad Barre ku fadhiyo hanato.
Si kastaba ha ahaatee, awooddii iyo xukunkii Mohamed Siyaad Barre waxa uu ku soo koobmay Madaxtooyada iyo Radio Mogadishu. Bililiqadiina waa sii badatay. Dad la yaqaan baa samaystay ciidammo beeleedyo hadba meel dhacayay. Dahabkii Xamar weyne way ka hodmeen. Bakhaarradii waaweynaa baabbuur baa dabada loo gashay. Mooryaanta qaarna waa xammaalayey alaabta qaarna waa difaacayay. Darbiyada ayey ku nabnaayeen. Kuwii lahaa hantidaas ayaga oo indhahoodu shan yihiin baa la daldalanayay xoolahooda. Qaar waa lagu dilay oo meydkooda ayaa looga tagay iyaga oo yaalley bakhaarka hortiisa. Magaalada oo markii dambe u qaybsantay laba aag, dhacaasu meel walba waa ka saameeyay.

Waxaa islaamka u caado ah in haddii wax dhacaan loo irkado xagga Culummada. Intii dagaalka iyo bililiqadaasu socotay weli lama arag culimmo is-abaabushay oo tiri war ka daaya. Bulshadu waxay weli isweyddiinaysaa in ay cabsadeen iyo in ay beelo kala raaceen iyaguna.
Dufcaddii labaad, duuliyeyaashii Soomaali Airlines oo ay Lufthansa tababartay, waxay ahaayeen Duuliyeyaal Rayid ah (Airline Commercial Pilots). Waxay ka soo baxeen Akadamiyada Shirkadda Lufthansa ee Germany. Waxay tababarka ku soo qaateen Germany iyo USA. Waxa ay magacyadoodu kala ahaayeen:
1. Captain Abdullahi Ahmed Salxaan.
2. Captain Abdullahi Ahmed Abdulle (Azhari).
3. Captain Ahmed Haji Elmid Guure.
4. Captain Farah Ahmed Mohamed (Faarax dalxiis).
5. Captain Ibrahim Abiikar Nuur.
6. Captain Mohamed Haji Farah (Xaaji Faarax).
7. Captain Omar sheikh Abdi.
8. Captain Qaasim Mohamed Abdi.

Shaqada Shirkadda diyaaradaha waxaan ku bilownay Diyaaraddii Fokkerta. Soomaali Airlines waxay ahayd shirkad leh Qaanuun lahaansho gaar ahaaneed, sida kuwa Waddamada dunida ka jira. Waxay sidatay ama ku astaansanaa Calanka Qaranka (National flag carrier) Shirkad aan Somali Airlines ahayn oo gegi waddanka dhexdiisa ka kacda kuna dhegta gegi kale oo isla waddanka ah lama oggolayn, Dhaqankaas ma ahan mid ku kooban Soomaaliya kaliya ee waxaa caalami. Duullimaadyada Shirkadaha Rayidka ah waxaa Waddamada dunidu isu dhaafsadaan sida ay safaaradaha isu dhaafsadaan.
Waxaa jirtay shirkad la oran jirey Muri oo hal diyaarad lahayd, balse u diiwaansanayd Lahaansho mulkiyad saqsi Soomaaliyeed. Ciidanka Booliska waxay lahaayeen diyaarad. Sidaas oo kale Ciidammada Cirku qaybta xammuulku waxay lahaayeen Diyaarado.

1987, waxaan Germany u joognaa 15 bari oo takhakhus ah barashada Dornier 228.
Midigta masawirka Cabdullaahi Azhari, Cumar sh. Cabdi Iyo Axmed Xaaji Cilmi guure
Waayadii dambe oo ay soo bateen, shirkadaha Shidaalka baara iyo kuwa hay’adaha aan dawliga ahayn waxaa loo baahday diyaarad ka fudud Fokkerta oo fulisa baahidooda. Waa sharci caalami ah, in haddii diyaaradi ay dibedda waddan uga imaanayso ay ku soo horreyso Garoon ay ka hawl galaan, waaxda Jinsiyadaha iyo Baasaboorrada (immigration department) iyo waaxda Canshuuraha (customs), si loo ogaado dadka ay sidaan waxay yihiin iyo Alaabta ay sidaanba. Shirkadaha iyo hay’adaha shidaalka baara marka ay diyaarado waaweyn ku keenaan qalab ay tahay in loo gudbiyo xarumaha ay ku leeyihiin dalka gudihiisa, amaba ay kormeerayeen goobaha shaqada waxay u baahdeen diyaarad fudud.
Haddaba, iyada oo Somali Airlines ka faa’iidaysanaysa fursaddaas, waxay heshiis la galay Shirkadda Diyaaradaha Dornier’s samaysa oo laga leeyahay Germany. Waxaa la wada iibsaday laba diyaaradood oo ah

Dornier’s 228 ah, oo leh Saddex saami (shares). Saamiga waxaa kala lahaa:
1. Somali Airlines.
2. Dawladda Soomaaliya.
3. Shirkadda Dornier oo Germany laga leeyahay.
1987 baan takhakhus ku saabsan diyaaraddaas 15 bari u aadnay Germany. Intayadii ay Jarmalku horay wax u soo bareen waxaa ka maqnaa Ibrahim Abiikar. Ibraahim waxaa uu markaas la shaqaynayay hay’addii Talyaaniga ahayd ee FAI ee dhisaysay Jidka isku xira Garoowe iyo Boosaaso. Waxa uu ku duuli jiray diyaarad kale.
Tababarkaas waxaa nagu weheshay:
1. Captain Maxamed Weheliye Sheegow. 2. Captain Caydaruus Axmed Kaahiye.
Muddo kaddib, waxaa dib nooga soo biiray. Captain Shahar Cabdi Afrax. Captain Sheegow waxa uu ka yimid oo ka mid ahaa Ciidanka Cirka waxaa uuna ku duuli jiray Miig 21. Gaashaanle saree ayuu ahaa. Waxa uu noqday Abbaan duulaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed. Sidaas oo kale Shahar Cabdi Afrax waxa uu ahaa gaashaanle sare Ciidanka Cirka laga soo wareejiyay.
Captain Caydaruus Ahmed Kaahiye waxa uu isna ka soo wareegay sidoo kale Ciidanka Cirka. Intaan dagaalku bilaabmin muddo ku siman 9 bilood waxaa naga sii maqnaa oo waddanka ka tagay Ahmed Xaaji Cilmi Guure.
Sidaas oo kale, Abdullahi Ahmed Salxaan Xaaskiisii dhowr bilood bay sii maqnayd. Shahar Cabdi Afrax waxa uu deggenaa guryaha Ruushka ee loo yaqaan xero Ruush. Waa goobihii dagaalku ku horreeyay. Lama Suurayn karo in uu weli ku negi yahay iyo in kale, annaguna in aan aadno kuma dhaci karin.
Maalintii xigtay waxaan isugu nimid Gurigii reer Salxaan ee Buuloxuubay. Afar duuliye baan isku helnay. Waxaan aadnay gurigii Cumar Shiikh. Waxaa dad ay deris ahaayeen noo sheegeen in Cumar iyo xaaskiisii

ka tageen Guriga salaaddii hore ee maalintaas. Cumar waxaa uu ahaa nin aad bulshay u ah. Kaftanlow buu ahaa. Intii aan waxbarashada ku jirnay, heeso ayuu qaadi jiray. waxa uu lahaa Kaman uu si fiican uga dananiyo. Mar walba nin faraxsan buu ahaa, wuu na wada xifaalayn jiray. Saas oo ay tahay, xaafidul quraan buu ahaa. Nin aannu mar walba towno buu ahaa haddii uu maqan yahay. Waannu u ducaynnay maalintaas in Ilaahay nabad yeelo.
Haddii aan gurigii ku soo noqonnay, waxaan ka faalloonayo xaaladda iyo sida wax u socdaan. Ugu dambayntii, Maxamed Weheliye Sheegow baa waxa uu yiri, “Niman yahow wax walba waxaa inoogu daran xaaska Azhari oo in ay foolato dhawaan la filayo. Maanta meel la isku hallayn karo oo nabad loo hurdi karo magaalada Xamar ma leh. Si aan yeelnaba waa in aynu meel nabad ah geynno xaaska Azhari iyo carruurtaba.”
Cabdullaahi Salxaan baa yiri, “Waa kugu raacsanahay Sheegow, fur iyo xanjaba aynu isku dhajino oo aynu talo u helno arrintan.” Intaa markii ay marayso, oo aniga iyo Farax dalxiis aannu hadlin, buu yiri, “Sheegow ina kiciya hadal badani wax tari mayee” waana istaagay. Sheegow go’aan adag buu qaatay laakiin Intayada kale ma ogin go’aanku waxa uu yahay. Waxa uu yiri, “Waxaan aadaynaa guriga guddoomiye ku xigeenka dhammaanteen.” Waxaan weyddiisanaynnaa in diyaaradda ilmaha aan ku geynno Gaalkacyo.” Talo aad u wanaagsan iyo fursad muhiim ah bay ahayd.
Guddoomiye xigeenku waxa uu ahaa Cali Suudi AUN. Waxa uu ahaa nin aad u af gaaban oo aan dhicdhicin. Shaqaaluhu uma kala lahayn summad. Nin dadka qaddariya buu ahaa. Xilligaas guddoomiyaha Shirkadda Somali Airlines “Cabdullaahi Salaad warsame” waddanka waa ka maqnaa.
Si kastaba ha ahaatee waxaan u jahaysannay gurigii guddoomiye xigeenka. Waxa uu deggenaa guryaha madaxda Somali Airlines deggen tahay oo garoonka u dhaw. Aaggaas baabuurtu si caadi ah bay u maraysay wax colaad ahina kama jirin. Gaarigaygii baannu ku tagnay. Si diirran buu noo soo dhaweeyay. Waxaa naloo keenay shaah iyo cabbitaan qabow. Waxa uu yiri, “Kolley maqlay dhimashadii captain Gurey ee maxaad kale oo aad ka maqasheen shaqaalihii.” Captain Sheegow baa u jawaabay oo yiri, “Guddoomiye cid kale oo shaqaalaha ka mid ah oo wax gaareen ma

aannaan maqal.” Intaa markii ay marayso baa Sheegow hadalkii ku laabtay oo yiri, “Guddoomiye intayadan waxaa gurigaaga na keenay arrin nagu cuslaatay oo aannu doonayno in aad nala xalliyo.”
Cali Suudi waxa uu ku jawaabay, “Intiinaan arrin idinku Cuslaatay oo aad gaar ahaan u xallin weydeen, oo aniga la iiga baahday in aan wax ka xalliyo, haddii ay jirto, intii awoodayda ah waan idin la xalin.” Mahad celin kaddib, Sheegow waxa uu yiri, “Hadda waxaan ka nimid gurigii Cumar Shiikh Cabdi, isaga iyo xaaskiisii waxay u lugeeyo Afgooye. Gaarigiisii waa la bililiqaystay. Cabdullaahi Azharina waxa uu ka soo qaxay gurigiisii oo ku yaal Bakaaraha, meel Dugsiga sare ee Banaadir u dhaw buu keenay, Nabaddeeda na la iskuma hallayn karo. Islaantiisu waa Xaamilo Sidkeedii dhammaaday. Sidaa darteed, waxaan Guddoomiye intayadaan kuugu nimid in diyaaradda la siiyo Duuliyaha oo carruurta iyo xaaska la geeyo Gaalkacyo.
Intaa markii ay marayso buu Cali Suudi dhammaantayo isha nala raacay oo haddana il gaar ah igu eegay oo aammusay in cabbaar ah. “Waa Khayr waa Khayr buu dhawr jeer inta ku celceliyey” yiri, “Yaa raacaya Azhari.” Afartayadii waan is dhugannay. Waxaa horay noogu qoondaysnaa oo an isku ogayn ma jirin.
Balse farxad iyo kalsooni in Guddoomiyuhu diyaaraddii noo oggolaaday baa niyadayada gashay. Captain Faarax dalxiis baa yiri, “Guddoomiye anaa raacaya.”
“Goormaad baxaysaan buu yiri?
“Guddoomiye berri haddii Alle idmo.” Baan ugu jawaabay.
“Hawshiina waa idinka yeelayaa ee intiinaan ha israacina, tuhun iyo shaki baa ka imaan kara intiinaan oo wada duulaya ee Azhari iyo Faarax ha geeyeen xaaska iyo carruurta. Haddana waxaan idiin raacayaa garoonka si aan amar u siiyo Shaqaalaha.”
Waxaan tagnay xafiiskii hawlgalinta Diyaaradaha iyo Shaqaalaha ku Duula oo aan qofna joogin, dabadeed waxaan tagnay qaybta farsamada. Cali Suudi waxuu u yeeray Laba Injineer, Gees buu ula baxay oo ku yiri, “Ha la diyaarsho diyaaradaha middood oo haddii aan Arin qaranku u baahan yahay ayna imaan ha la siiyo Duuliyaha berri.”
Shirkaddu waddanka gudihiisa waxay ku lahayd faracyo ama xarumo ay toos u maammusho waxaa ka mid ahaa Hargeysa, Burco, iyo

Kismaayo. Ceerigaabo waxaa wakiil u ahaa nin ganacsade ah. Boosaaso iyo Caluula Bangi dhexe baa wakiil u ahaa.
Si kastaba ha ahaatee haday dhacdo in diyaaraddu ku degto meel aan shirkaddu ka hawl galin ama wakiil u joogin, adeegna ay u baahato, waxaa uga wakiil ahaa Bangiga Dhexe. Waayadii dambe Magaalooyinka Gaalkacyo, Boorame, Garbahaarrey iyo Baardheere Duullimaadyada aada waxaa lagu dari jiray Nin garraani ah oo tigidhada u soo jara Rakaabka. Diyaaradda Nabadgelyadeeda inta ay garoonka fadhido waxaa wakiil ka ahaa Booliska Soomaaliyeed. Si guudna Diyaaradda iyo shaqaalaheedaba waxaa xil ka saarnaa Gudoomiyaha Degmada garoonka ay fadhido.
Sannadihii dambe waxaa dhacay sicirbarar baahsan, gaar ahaan waxaa qiimo kala yeeshay Lacagta, waxaa qiimo dhacay wixii kun ama shan boqol ka hooseeya, gaar ahaan Somali airlines waxay arrintaas u keentay xaalad cusub. Magaalooyinka ay tahay in garoonka lagu jaro tigidhada, rakaabku waxa ay soo qaadan jireen lacagta culus oo markaas la magac baxday Qadhaadhaa, Afar tigidh baa waxay buuxinaysay Jawaan ilaa 50 kg ah. Saddexdii jawaan oo lacag ah waxay la miisaan noqdeen laba qof. Waxay noqotay meeshii rakaab laga qaadi lahaa in lacag iyo rakaab la qaado. Markii dambe waxay Somali airlines go’aansatay in tigidhka kala bar laga dhigo lacag fudud oo markaa loo baxshay Filibiin.
Xaaji Cabdullaahi Xasan Bucul, waxa uu ka mid ahaa shaqaalaha wasaaradda gaadiidka Gaalkacyo, nin oday ah oo Nabadgalyada diyaaradda si isaga xil saara buu ahaa, waxay saaxiib iyo sheeko wadaag ahaayeen Captain Sheegow, way kaftami jireen, waxuu ugu yeeri jiray Sheekeeye, haddii loo saxana oo la yiraahdo sheekeeye ma ahee Sheegow dheh, war heedhahaya Afkaygaa bartay ee waan ogahay in uu sheegaw yahay buu oran jiray.
Markii la soo rogay amarka lacagta kaddib, yaa maalin, diyaaraddii oo uu noo shidan yahay hal matoor, yaa daaqadda Kabtanka waxaa ul matoobbo ah garaac fudud gaw-gaw ku siiyay Xaaji Cabdullaahi. Sheegow inta isoo dhugtay isaga oo qoslaaya buu yiri Azhari, fiiri Xaajigii, inta qoslay baanne ka fur daaqadda bal waxuu wado aan ogaannee, daaqaddii haddii la furayba Xaajigii waxuu yiri, war sheekeeyee, sheekeeye, diyaaradda demi oo gar baannu qabnaaye geedkaas isugu keen keena. Sheegow waxa uu yiri, “Gar haddaanaa,” oo qoslay. Xaajigii waxuu yiri, “Haa, maanta loo kala dareeri mayo in gartaa la gooyo ma ahee.” Waxa uu farta ku sii

fiiqayey dad geedka sii tagay iyo kuwa u sii socday. Sheegow waxuu yiri Xaaji maad mar kale nooga dhigtaan garta. Odayaal baa xilo dalaaqay oo aan maanta ku laabanayn guryahoodii in gartaa la qaado ma ahee buu yiri. Captain Sheegow waxuu yiri, waa yahay, balse diyaaradda la damin mayo anaana ku raacaya.
Haddii geedkii la isugu tagay, Xaajigii waxa uu ku yiri, “Dadkii saddex qof baa idiin hadlaysa ee gartiinna sheegta.” Dadkii waxay ka dacwoodeen go’aanka cusub ee Somali airlines. Captain Sheegow waxa ugu soo koobay, in aan lacag la diiddanayn ee miisaanka dartiis loo qaatay go’aanka. Oo aan lacagta culus iyo rakaabka ayna diyaaraddu la wada kici Karin. Dad badan baa u baahnaa in ay diyaaradda u raacaan Xamar oo markaas jidka waddanka isku xiraahi waa soo xumaanayay. Hadalka Sheegow way ku qanceen reer Gaalkacyo, gartiina halkaas bay ku dhammaatay.
Aynu meesheedii ka sii wadnee, dhawrkii bari ee ina soo dhaaftayba Cabdullaahi Salxaan iyo Faarax dalxiis waa wada degganaayeen, Faarax xaas ma lahayn. Waxaan ku ballannay in ay subaxii ii yimaadaan oo ilmaha ila soo qaadaan. Sii socodkaygii maalintaas markaan marayo Km 4 waxaan arkay nin aan saaxiib nahay oo la yiraahdo Ahmed Huruuse “Faadhigo”. Horay baan u sii qaaday. Ahmed waxuu deggenaa guri u dhaw garoonkii ciyaaraha ee staadiyo Moqdisho, waxuu ii sheegay in sidii xabbaddu u bilaamantay uu nan tagin gurigiisii. Waayo xabad baa hareeraysay aaggaas. Waxuu kaloo ii sheegay in uu arkay Muuse Aadan shire oo aan gurigaygii Bakaaro uga soo tagay. Waxuu yiri, Muuse waxuu ii sheegay in Bakhaarkii uu waardiyay jiray iyo gurigaygii wixii yiil la bililiqaystay, isaguna khatar galay oo dadkii deriska ahaa u soo gurmadeen, say u badbaadiyaan nafsaddiisa.
Luul oo iga walwelsan ina raagsatay baan gurigii tagay. Waxaa la joogtay Hooyadeed Maryan. “Cabdullaahi soo dhaaf, yaa kula socda?” bay tiri. “Axmed Faadhigo baa ila socda.” “Hooyo Maryan baa nala joogta, Abtina qolkiisa ayuu ku jiraa waana qadeeyey markaan ku weynay,” bay tiri. Carruurtii baa igu soo yaacday aabbe! Aabbo! Oo mid-mid hab ii siiyeen. “waa Ilaahay mahaddi haddii hooyo joogto,” baan ku xiray hadalkii.
“Hooyo Maryan iska waran.” “Nabad Cabdullaahi,” bay tiri. “Waan idiin soo laaban,” baan ku iri, “ee bal marka hore aan soo arko abti.” Aniga

iyo Faadhigo horay baan ugu sii dhaqaaqnay qolka uu joogay. Iddaacad ayuu dhegaysanayay. Bardacad iyo Axmed Faadhigo waxay ahaayeen qaraabo aan horay isu arag. Dib baan u soo laabtay markii aan isbaray.
Waxaan u sheegay Luul iyo hooyadeed in gurigii aan ka soo guurnay wixii yiil la bililiqaystay, sidoo kale waxaan u sheegay in Bakhaarkii Astur in aan waxba lagu reebin, fara cidi lehna uu ku baxsaday Waardiyihii Muuse aadan.
Sidaas oo kale, waxaan iri, “Luul berri subax baynnu baxaynaa, diyaarad baa nala siiyay aad adiga iyo ilmuhu ku tagtaan Gaalkacyo.” “Adiguna Cabdullaahi,” bay tiri. “Luul, horta idinka aan geyn diyaaraddana waa in aan soo celinnaa aniga iyo Faarax. Dabadeed, si aan yeelaba waa in aan idiin imaado adiga iyo carruurta.” Talada tagitaanka Gaalkacyo horay ulama wadaagin Luul. Waxay ahayd talo ka timid saaxiibboday, gaar ahaan Sheegow, markii uu qiimeeyey xaaladda qoyskaygu ku sugan yahay.
Maryan Shiikh Cabdi baa tiri, “Cabdullaahi waa arrin wanaagsan, waxaanba ka baqayaa in ay caawa dhasho ee haddii Alla idmo hooyo bari taga.”
“Hooyo Maryan adiga iyo carruurtuba maad israacdaan inta xaaladda Xamar meel u dhacayso,” baan iri. Luul baa soo booday oo tiri, “Hooyo carruurta iyo adiguba ina keena ha naga harinee”. Maryan Shiikh waxay ahayd qof dhaqanka ku fog oo xishood badan oo ka war-wareegta Xididka. Waxaa ka soo bixi waayay eray. Markii aan arkay xaaladdu meeshii ay maraysay baan ku iri, “Ugu yaraan labada ilmaha ugu yaryari waa in ay na raacaan.” Waana isu daayay si ay u dhammaystiraan sheekada inteeda kale.
Waxaan dib ugu laabtay qolkii Yuusuf Bardacad. Waxaan u tegey iyaga oo qosol iyo kaftan dhex marayo. Faadhigo waxa uu ahaa nin bulshay ah. Ardaydii wax ka baratay kulliyadda Gahayr buu ka mid ahaa. Intii aan ka maqnaa buu u sheegay in ay carruurtu berri baxayaan iyo bililiqadii loo gaystay gurigii aan ka soo guuray. Sidaas oo kale, waxa uu u sheegay in aan soo noqon doono berri isla galabtiiba.
Intaa markii aan ogaaday baan u tagay Khadiijo cali mire, gabadha kale ee guriga wax ka soo degtay ee uu dhalay Abtigay, waxaan u sheegay in ay ilmuhu bari subax baxayaan, aniguna aan galabnimadii soo noqon doono. Waxaan u sheegay in Yuusuf Bardacad iyo Faadhigo Huruuse ay guriga ku harayaan.

Intii aan gelinkii hore ku maqnaa garoonka diyaaradaha yaa waxaa yimid xaafadda Maryan Xaaji Muuse iyo Eedo Canab, si ay wax uga ogaadaan xaaladda uu ku suganahay Yuusuf Bardacad.
Luul iyo hooyadeed, dood dheer kaddib waxay ku heshiiyeen in labada ilmaha u yar-yar ay raacaan iyada iyo carruurta. Waxay ahaayeen wiil iyo gabar, Cabdirashiid Xaaji Yuusuf iyo Faa’iso Xaaji Yuusuf. Safiyo Xaaji Yuusuf, iyadu horay xaggayaga u jirtay.
———————————————————————————————————
9 Qaxii 2aad
Saarsaar wanaagsane Saar-saar wanaagsane waxba kaama saarnee iska saar ma lagu yiri!

Qaxii labaad baan bilownay. Waxaa nagu soo biiray Cabdullaahi Salxaan iyo Faarax Dalxiis oo laba gaari kala wata. Inta markaas tegaysay waxay ahaayeen siddeed qof oo kala ah Luul, saddex aan dhalnay, saddex Luul la dhalatay, iyo gabar aan abti u ahay.
Diyaaraddii oo dibedda looga saaray garaashkii baan u tagnay. Sheegow iyo labadii Injineer oo uu guddoomiye ku xigeenku la ballamay oo ag taagan baa meel u dhaw nagu dhawrayay. Waxaa isna gaari ka degay Daahir Raadiye oo ka mid ahaa ciidanka nabadgelyada ee diyaaradaha raaca oo aan horay ula ballamay in uu nagu weheliyo Duullimaadka Gaalkacyo. Garaashka Diyaaradaha lagu xareeyo meel u dhaw waxaa tubnaa dad fara badan oo doonayay in ay raacaan diyaaradda.
Haddii diyaaradda lagu shubo shidaal sii socod iyo soo socod ah, rakaab badan ma qaadi karto, ciidan daacad loo yahay oo wax kala xallin kara markaas ma joogin garoonka. Waxa ay noqotay in carruurtii iyo xaaskiiba looga hor maro diyaaradda gudaheeda. Cabdullaahi Salxaan baa yiri, “Ina keena oo dib u soo cesha carruurta. Waxaan soo laaban doonnaa saddexda galabnimo,” galabtii waa xilliga badankoodu kala hoydaan,” buu yiri.
Waxaan geynnay xaaskii iyo carruurtii guri ku dheggan Cabdullaahi Salxaan kooda ee xaafadda Buuloxuubay.
Galabtii haddii aannu soo noqonnay waxaa joogay dad yar oo qaarkood ayna doonayn in ay aadaan Gaalkacyo, balse il baadsanayay diyaarad kale oo meel kale u socda.
Markii aannu hal matoor daarannay baa waxaa yimid Cabdullaahi Ciise Doobi oo ahaa Agaasimaha Maaliyadda ee Shirkadda Somali airlines. Waxuu ka mid ahaa shaqaalaha Aqoonta xaggeeda ugu roon roonaa oo shirkadda in badan ka shaqaynayay, waxay oran jireen, waa reer Cadmeed, Cadan wax ku soo bartay.
Agaasimihii inta hor istaagay diyaaraddii, buu fartiisa midig ruxruxay. Sheegow iyo Cabdullaahi Salxaan baa u tagay oo u sheegay micnaha safarka iyo in aannu oggolaansho ka haysanno guddoomiye xigeenka. Agaasimihii waa diiday wax kastoo loo sheego. Waxaa isna noo yimid Agaasinkii lacagta Xasan Cabdalla, waxuu doonayay in uu na raaco, waa uu soo daahay, waxa uu ku leexday Agaasimaha diyaaradda hor taagan, hal kaa markay marayso baan inta degtay u tagay labada

agaasime, Xasan waa xanaaqsan yahay markaa, waxuu leeyahay Ari Hus qad tag bax war doono.
Sheeko yar baa igu soo dhacday. Ayaan baan aniga iyo Shahar Cabdi Afrax tagnay Caluula. Nin rakaabka ka mid ahaa baa waxaa ka luntay Shanddaddiisii. Waxay ku hartay Boosaaso oo aannu ku horreeynay, Shahar baa u sheegay in jimcaha xiga Shanddaddiisii la soo saari doon diyaaradda. Ninkii waa qanci waayay, shaharna waa xakamayn waayay xanaaqiisii, intaa markii ay marayso baa ninkii shanddaddu ka maqnayd yiri Ari Dhiig kar baa la iga helee kay iska ilaali. Shahar baa kaddib yiri, “Minaad Dhiigkar qabto hadalka badan walba ma iskala aashidoo, Bishimihiisa day saw u lux luxaayo, ad moodo islaan luqluq tufaysa. Maalinta jimcaha ah bay Diyaaraddu isu mari jirtay Boosaaso iyo Caluula, rakaab aan badnayn iyo warqadaha Boostada baan la geyn jiray. degmadu waxay caan ku ahayd kalluunka siiba Toonnada, waxaa ka ag dhawaa warshado kalluun sida Booli moog iyo xaabo. xagga is gaarsiinta dhulka way ka liidatay degmadu, aalaaba waxaa lagu aadaa doonyo.
Laba nin oo reer Caluula ah oo safar isu qaban qaabinaya baa laga sheegay, “Boowe ma Badda ayaan ku tay siinaa, mise Ilaah baan tawakalnaayoo birrigaynnu marnaa”.
Degmada Caluula waxaa bisha Oktoobar yimaada shimbiraha loo yaqaan Coofeey. Waxay ku nastaan xeebta saddex bilood, dabadeed waxay aadaan dhulka Carabta siiba Yemen iyo Sucuudiga. Shimbirahaasi khatar bay ku yihiin Diyaaradda, Xeebta iyo garoonka oo isu dhaw awgeed. Haddii ay ku dhacaan diyaaradda oo ay matoorka ama meel muraayadda ka haleelaan khatarteeda lahayd.
Agaasinka lacagta, mudo dhaw baa laga soo gooyay Agaasinka Maaliyadda, oo markii hore Xasan waxuu hoos tagi jiray Cabdullaahi Ciise. Haddaan toos ula hadlay Agaasimihii na hor taagnaa, waxuu yiri marka hore demi matoorka daaran, dabadeed aynu wada hadalno. dadkii waxay isugu yimaadeen goobta uu taagnaa Agaasimuhu. Haddii diyaaradda la demiyo Batarigu dib matoorka uma daari karo, waa cillad u gooni ah diyaaradaha qaarkood, Batariga waxaa dib ugu soo celin kara dabkiisii generaytarka oo Quwad ka hela matoorka oo shidan mudo dhan 30 daqiiqo.
Mogadishu iyo Hargeysa waxaa yaalley, bateri iyo matoor iswata (Ground power) oo lagu kicin karo diyaaradaha marka ay dhulka joogaan.

Cusmaan Ganay waxa uu ka mid ahaa, farsamoyaqaannada shirkadda. Gacanta ayuu i qabtay oo dadkii igala dhex baxay, oo yiri, Azhari demi diyaaradda waxaa inoo shaqaynaya matoorka dhulka ee’.” “Waad mahadsan tahay Cusmaan,” baan inta iri, u baaqay Faarax oo iri demi matoorka.
Ciidammada meesha joogay waxaa loo sheegay in shirkaddu dhexdeeda iska haysato oo aan la dhex galina. Agaasimihii meeshiisii kama dhaqaaqin, ballantii uu qaadayna ma oofin. Cusmaan ganay baa ii baaqay oo yiri Azhari gal diyaaradda, waxuu ku dhaqaaqay meeshii uu yaalley generaytarku. Wuu soo kiciyay oo suray meeshii loogu tala galay fiilooyinlka dabka.
Markii aan labadii matoor daarannay, buu inta matoorkii meel soo dhigay, Agaasimihii oo weli diyaaradda horteeda taagan ku soo dhaqaaqay. Qoorta ayuu qabtay, oo takhantakheeyay. Labada gacmood buu inta qabtay oo isku duubay buu na yiri, “Socda.” Dadkii dhulka joogay baa sacab bilaabay. Annana waa ka huleelnnay.
Xamar iyo Gaalkacyo waxaa loo kala socdaa 1:35 hal saac iyo soddon iyo shan daqiiqo, markay qorraxdu jirto dhanka Cirifka koofureed, qorraxdu waxay ka dhacdaa.
1. Mogadishu. 5:50. 2. Gaalkacyo 5:45. 3. Hargeysa 5:35. 4. Caluula 5:30
4:30 galabnimo baan Xamar ka kacnay. Waxaa loo baahnaa ugu dambayn in aan kacno 4:10 waxaan daahsan nahay 20 daqiiqo. Balse Ilaahay amarki dabayshu waxay nooga soo dhacaysay dhanka dambe, waxaan heli karnay ilaa 10 daqiiqo oo dheeri ah.
Cabdullaahi food oo ahaa Taliyaha isgaarsiinta Booliska Gaalkacyo oo aan saakay war gelinnay baannu markaan kacnay la hadalnay, waxuu noo sheegay in ilaa maanta nala sugayay, oo madaxdii gobolku garoonka joogaan.
Qorraxdii waxay magaalada Gaalkacyo ka dhacday annaga oo aan gaarin, laakiin joogga aan ku duulaynnay kama dhicin, kala sarraynta annaga iyo dhulka awgeed. Waxaan Baashayada bidix nooga muuqday,

tuulada faca weyn ee Dagaari. Waxaa noo dhimman in aan ku degno garoonka ilaa toban daqiiqo. shaki kama qabno aragtida, in kasta oo ay himhimmow ahayd waa lagu degi karay aragtida intaa le’eg.
Dabayl aan badnayn baa gadaal nooga soo dhacaysay. Kicidda iyo degidda gaadiidka cirka waa muhiim in dabayshu meesha ay ka soo dhacayso loo dego ama loo kaco, balse habeenkaas waannu iska indha tirnay, waayo waxay nagu qaadan lahayd ugu yaraan 4 daqiiqo in aan ka soo wareegno dhanka waqooyiga. 4 daqiiqo waa ku badan tahay Duulista. Waxaa kale oo aan kala doorannay Mugdi iyo dabayl, mugdi baana noo darraaday. Waxaan aamminsanayn haddii aan la dagaallanno dabaysha in aan ka guulaysanayno. Si fiican bay noogu muuqatay magaaladii, waxaa ifayay Nalalkii magaalada.
Magaalada ayaannu dul marnay, dhanka waqooyi iyo galbeedku nalku waa ifayey. Haddii aadse eegto dhanka koofur iyo bari way dansanayd, oo iftiin iyo laydh ma lahayn. Bulshadii degganayd 80%-way ka qaxeen dhowr bilood ka hor. Dagaal beeloodyo isdaba jooga baa ka dhacay. Waxaa la isla gaaray tuulooyin ay ka mid ahaayeen Wargalo iyo Docol. Waxay ahayd xaafaddii Baraxlay oo caanka ku ahayd ganacsiga badeecooyinka kala duwan iyo adeegga guud ee magaalada. waa meeshii bulshada gobolka Mudug u soo dukaamaysan jirtay. Guryaha qaar baa la fiiqday oo alwaaxdii iyo tarniiggii laga fuqsaday.
Magaaladu colaad kale bay rimmanayd. Bal an eegno uuraysataye waxay ummuli doonto. Xamartii aan ka soo raray ilmaha iyo Gaalkacyo markaas waa Kud ka guur oo Qanje u guur. Guud ahaan, bulshada gobolka Mudug waxaa lagu tilmaamaa bulsho dhib badan. Mar kasta dagaal baa ka jira gobolkaas. waxaana jirtay kaftanno badan oo laga sameeyay dhacdooyin hore. Waxaa ka mid ahaa.
Markii xornimada la qaatay baa laba nin oo Xamar ku dhashay, waxay goosteen in ay soo booqdaan Hargeysa. Waxay maalmo ku nasteen Gaalkacyo. Waxaa loo sheegay in ay magaaladu leedahay garoon kubadda cagta lagu ciyaaro oo la yiraahdo Yoolguduud. Galabtii dambe bay aadeen garoonkii. Garoonku waxa uu ku yaalley meel ka baxsan magaalada. Intii aysan gaarin garoonkii waxay ku arkeen, nin qaba dharkii isboortiga oo faas iyo firimbi haysta. Way ka gudbeen. Haddii ay tageen garoonkii oo cayaar xamaasad lihi ka socoto, waxay ku arkeen in nin walba oo ciyaartoyda ka mid ihi xiran yahay Toorrey.

Labadii nin mid ka mid ah baa yiri, “Muggoo mahaan dagaal baa ka soo socdee ina keen ku laabannee magaalada.” Waa soo laabteen.
Markii ay ag marayaan ninkii faaska iyo firinbiga haystay baa yiri “Maxaa idinku dhacay iyada oo aan ciyaartii dhammaan baad ka soo tagteene.” Waxay yiraahdeen “Dadka kubbadda ciyaaraya oo toorray u xiran tahay baannu macnahooda garan weynay.” Waxa uu ku yiri. “Walaalayaal Ilaahayoow nin aan wax ogayn ha cadaabin. War heedhahaya meeshaan qabiil-qabiil baa loo ciyaaraa, nin aan shantu kaa reebinna sharci kaama reebo. Haddii dagaal ka dhaco meesha waa in hubkaagu kaa ag dhaw yahay, dadkaanuna waa dad walaalo ah wax dhib ihi ma dhex yaallaan.”
Waxay yiraahdeen “waa kasnnay” oo dhaqaaqeen. Ninkii faaska watay baa dabadeed u yeeray oo yiri, “kaalaya, aniga ma i garanaysaan.” Waxay yiraahdeen “maya.” Waxa uu ku yiri, “Garsoorihii ciyaarta baan ahay, waxaana ka socdaa qabiil kale.” Waxay yiraahdeen “waa kasnnay” oo dhaqaaqeen. Dabadeed nimankii waxay yiraahdeen “Muggoo Gaalkacyo ayaaba saan ahee Hargeysa maxaad moodaa!” Meeshaas bayna dib ugu soo laabteen Xamar.
Ayaan noolba gaas baxahayiyo Geel la kala qaadi
Guunyada la kala meersan
Iyo guutada isdhaafi
Ragga gowrac lagu jiidayee
Goob walba yaalla
Guddi belo gar wada leexsan
Iyo xaal aan go’a haynnin
Odayaal guurguuranahaya
Oo goor xun soconaaya Reer Gaalkacyood iyo sharciga Yaw garniqi doona?
Gabayga aan mirahaas ka soo qaadannay oo dheer, waxaa tiriyey Yaasiin Cusmaan Keenadiid. Waa 1946 halka uu ku tiriyeyna magaalada Hobyo baa loo badiyaa. tuducyadan gabayga ka mid ah ee reer Gaalkacyoodka taabanaya kaftan iyo xifaalo in uu ula jeeday baa la weriyaa. Haddana,

Soomaalidu waxa ay tiraahdaa: “Waayeel hadalkiisa kaftan buu ku dhammaystaa.”
Haddaba, maadaama sheegidda sooyaalku uusan ku fiicnayn in runta laga weecdo, xifaaladaas, Gaalkacyo waa ku sugan tahay. Ma qabo in cidna ka xishooto in lagu sheego dagaal iyo dabomaryo badanna looga dhaqmo—iyada oo aan waxba iska beddelin maantadan 2019.
Ilaahay mahaddi, waannu nabad tagnay. Waxaa garoonka Gaalkacyo ku sugnaa markaas madax heer gobol iyo heer degmo ah, iyo weliba saraakiil fara badan. Soo-dhaweyn kama ayna ahayne waxay rabeen, bal in wax looga sheego waxii Xamar ka socday. Waxaan ka garannay gaashaanle sare Cabdicasiis Bowbowle iyo Gaashaanle sare Mohamed Yuusuf Afrikaan.
Dadkii Garoonka ku sugnaa baa nagu soo yaacay dhowrkii qofba waxaa la istaagay tiro dad ah oo su’aalo weyddiiyay. Aad baannu u daallanayn. Aadan Faruurbuur oo aannu qaraabo dhow ahayn iyo dad kale baa la wareegay dejintii Carruurtii. Subixii markii waagu baryayna waxaan ku laabannay Mogadishu.

10 Barakicii Bulshooyinka.
Sida aan ognahay bulsho weyni waxa ay u sii kala baxdaa bulshooyin hoose, oo midba gaar wax u wadaagto sida diin, amaba dhaqan. Ama wada noolaansho u gooni ah. Halkan, waxaa isku bulsho ka dhigaynnaa intii magaalo ama tuulo wada degta, marka la yiraahdo bulshada Ceel biyo Macaane. Ardayda Dugsii wada dhigata, intii isku goob ka shaqaysa, iyana mid walba aan bulsho dhahno. Intii dan iyo nolol wadaagtaahi waa bulsho, magaca ay doonto ha yeelatee.
Haddaba, Bulshooyinkii soomaaliyeed ee wada deggenaa magaalooyinka waaweyn facyaal fog, waa ku kala miirmeen dagaallada sokeeye degaan ahaan. Waxaan oran karnaa haddii aan si kale u dhigno burburka ka muuqda magaalooyinkii bulshooyinku wada deggenaayeen waxay Astaan iyo muuqaal u tahay tafaraaruqqii ku dhacay dadweynaha wada degganaa laftigood.
Magaalada Burco waxay gu’yaal badan ahayd Xarunta xoolaha Soomaalida ka dhoofa la isugu keeno inta aan xeebaha ama marsooyinka laga dhoofiyo la gayn. Dhammaan Ganacsatada xoolaha meel kasta haka yimaadeene waxay u ahayd xarun. Facyaal iyo facyaal fog bay deggenaayeen. Guryo iyo deegaan bay ku lahaayeen. Carruurtii ay dhaleen baa Awoowe ku gaartay. Waxay ahayd meel aaney Soomaaliyi ku kala qaloon.
Waxaan daliil u soo qaadanaynnaa in ay Burco xarunta xoolaha Soomaaliyeed lagu kala iibsado ahayd samanno aan dhaweyn Gabaygii Ismaaciil Mire, “Abbaanduulihii Ciidammada Daraawiishta, uu tiriyay Jabkii daraawiishta kaddib.
Ismaaciil waxa uu Ari Bulshadii uu la noolaa wada lahaayeen u safriyay Burco. Nin dhaqanka ganacsiga yaqaannana ma ahayn. Iibkii xoolaha baa lagu khatalay.
Goortii uu ku laabtay bulshadiisii ama deegaankiisii buu waxii ku dhacay ku taleexiyey Gabayga soo socda. Meerisyada soo socda waxa uu

ku tilmaamaya in uusan waayo-aragnimo u lahayn wax-kala-iibsiga. Waxa uu raaciyey maalmihii ay kuu qaadatay in uu Burco ku gaaro.
Niman yahow awow iyo awow iyo abkaan sheegto Iyo aniga abidkay ma arag iibsi lacageed Afar waxaan u dhaxay tuuladii awrta loo raraye.
Haddana, meerisyada soo socda waxa uu ku tilmaamayaa in aan dhex wax uga dhumin ee Burco uu tegey isaga oo xoolihii u dhan yihiin. Sidii dallaaley ariga uu tuujiyeen oo isula hadlayeen buu iyana tilmaamayaa.
Albaabkii Burcaan tegey anoo aaladdii sida e Amminkiiba lay yimid sidii eegta lay yahaye Amakaagay goortay
wankii adhaxda tuujeene Intaa weeye iyo ma’ahadii la Is-ilaaqaayey
Asaraartankii baa qalbiga aad wax ii dhimaye.
Ismaaciil ma qarinayo in uu dhaqan magaalo aad uga liitey. Sidii dallaaleydu isugu baaqaysay in uusan garan buu sheegayaa. Kama xishoon in uu sheego sidii uu khashiin u ahaa. Waxa uu leeyahay:
Afka reer magaaluhu yaqaan waan ka oodnahaye
Ii-maroojihii bay khatalay
kii aan aamminaye Anigoo

arkaayaa gacmaha laygu iibsadaye Ashcaartaba rag baa iga badshee idinku weyddiiya
Ujeeddada aan u soo qaadannay gabaygu waa muujin in Burco ahayd xarunta iibka xoolaha geyiga Soomaalida.
Burco markii Dagaalku ka qarxay, bulshadii degganayd way kala guurtay. Waxay badankoodii galeen xeryo qaxooti, sida Xarshin iyo Harta Shiikh. Qaarkood meel kale oo waddanka dhexdiisa ahayd bay u qaxeen. Magaalada guryihii ku yiilna qaarkood waxaa laga fuqsaday saqafkii kore.
Intii aan dagaalku dhacin, balse xaaladdu kacsanayd baan habeen aniga iyo Sheegow u hoyannay magaalada. Waxaa hoteelka noogu yimid niman Soomaali ah oo reer Burco ahaa. Waxay yiraahdeen, “War waxaa laga yaabaa in jabhaddii ay caawa soo gashee ina keena hoteellada meelaha la beegsanayey bay ka mid yihiine.” Waannu ka cududaarannay, balse annaga oo ahayn Saaxiibbo ku dheer way naga diideen waxayna na seexsheen galbeedka magaalada.
Sidaas oo kale, Hargeysa oo ahayd magaalo-madaxda labaad ee waddanka waxay ahayd magaalo bulshooyin badan oo markii hore degganaa meelo kale u noqotay hoy. Waxaa xagaaga kulul looga soo xagaa bixi jiray Magaalooyinka kulaala xeebta Badda Cas oo ay ka mid yihiin Jabuuti iyo Berbera.
Waxaa si rasmi ah u degay shaqaale fara badan oo ka hawl geli jiray hay’adaha kala duwan ee dawladda. Waxay xarun u ahayd guutooyin ka tirsanaa ciidammada qalabka sida.
Nasiibdarro, Bulshooyinkii isku dhafnaa ee wada degganaa magaalooyinka waaweyn har cad bay kala guureen markii dawladdii dhexe fursadda ka baxday.
Aynnu halkeedii ka sii wadnee, Ku soo noqodkayagii Xamar waxaanu nimid iyada oo ayna sugayaan dad badan oo ay ka mid ahaayeen Cabdullaahi Salxaan iyo Maxamed Weheliye Sheegow. Haddii aannu damacnay in aan ka soo ambabaxno garoonka, waxaan isha ku dhuftay laba ilmood oo wiilal ah oo Garaashka diyaaradaha hortiisa marmarayay. Dhowrkii maalmood oo aan ku soo laab laabanaynay garoonka way joogeen wiilashani.

Waqtiga aannu markaas joogno waa subax hore. Waxaan weyddiiyay Cabdullaahi Salxaan waxa ay yihiin wiilashani.
Waxa uu ii sheegay in wiilashani ay dhashay gabar la yiraahdo Xaliima Sacdiya oo Shirkadda u shaqaysa, gaar ahaana ay ka tirsan tahay shaqaalaha Jikada Raashinka (Catering), oo ku taal garoonka dhexdiisa. Wiilasha aabbahoodna la la’yahay. Maalintii dagaalku qarxay si uu shaqo u aadayna aan dib loo arag. Labada ilmoodna way la soo qaxday oo garoonkay ku haysay. Cabdullaahi Salxaan baan markaas ka codsaday in aan carruurta iyo hooyadood geynno Gurigiisa. Cabdullaahi wuu ii mahad celiyay oo yiri walaal Azhari hadda ka hor bay noo ekayd, waa la daahnay fekraddan, balse Caano daatay dabadooda ayaa la qabtaa ee ina keen gabadha u tagnee.
Da’da Wiilashu hilaad (qiyaas) ahaan waxay kala ahayd shan jir iyo saddex jir. Waxaan u tagnay ayada oo fadhida Albaabka Garaashka diyaaradda geeskiisa. Farxadda ayaa ka maqnayd. Nasasho la’aan baa ka muuqatay. way ka daashay in su’aalo la weyddiiyo haddana aan wax loo qaban. Waxay ku jirtay xaalad quus oo kale ah.
Salaan kaddib waxaan iri, “Walaal Sacdiyo waan dareemaynnaa xaaladda aad ku jirto, Inshaa Allaah waxaan filaynaa in wax kasta caadi ku soo noqdaan oo carruurtu gurigoodii u hoydaan mustaqbalka, balse inta ka horreysa waxaan isku soo qaadnay in guriga Cabdullaahi Salxaan aan geynno ilmaha.” Xaliimo sidii wax hurdo ka soo kacay bay indhaha kala qaaday oo aad noo fiirisay, oo inta ilka caddaysay tiri “guriga Cabdullaahi” oo inta hakatay tiri “waad mahadsan tihiin”. Isla markiina Dhibco ilmooyin ah baa ka soo daatay. Dhibka iyo dareenka haysta ma ay rabin in ay afka ka tiraahdo balse in ay caddilnayd waxaa daliil u ahaa ilmada ay xakamayn weyday. Wiilashii baan u yeernay oo u qaadnay gurigii Cabdullaahi degganaa.
Xaliimo Sacdiyo waxay markii hore ka mid ahayd gabdhaha gargaarooyinka Rakaabka diyaaradda (Air hosts) ka shaqeeya. Waxaa Xeer Caalami ah markaa ahaan jirtey in haddii gabadha gargaartada ah guursato ama uuraysato ay dhuminayso shaqadii gargaarnimada. Sidaa darteed Xaliimo Sacdiyo markay guursatay waxaa loo wareejiyay qaybta raashinka diyaaradaha lagu cuno diyaariya.
1983 baa shaqaalaha shirkadda inta duusha, (Duuliyeyaasha, Injineerada Duula, gargaarooyinka, iyo ciidanka Nabadgalyada) waxaa isugu yeeray Madaxweyne Mohamed Siyaad Barre, waxaa shirka lagu qabtay xarunta shirkadda ee 4km. anigu weligay Mohamed Siyaad Barre lama kulmin

shir uu joogana kama qayb galin, maalintaasna si cad naloo kuma sheegin in madaxweynuhu imaanayo balse waxaa naloo sheegay in shir muhiim ah oo aan laga maqnaan karini jiro. Subixii hore baa inta naloo yeeray haddana la yiri dib baa loo dhigay shirkii ee galabta imaada oo yaan qofna maqnaan.
Sidii aan u fadhinnay qolkii shirka baa hal mar ciidan isku gadaamay dhammaan dhismihii shirkadda, madaxweynihii iyo in yar oo la socotana soo galeen hoolkii shirka. Sidii caadada ahayd waa la istaagay, waxaanu qaadnay Heeskii Guulwade Siyaad.
Guulwade Siyaad Aabbihii Garashada, Geyigayagoow. Hantiwadaagu waa habkaa barwaaqo noo horseedayee.
Bulaankaa baxaaya, nuurkaa bidhaamaya dhawaaqa isu baaqayaa. Barbaartiyo shaqaalahow isbiirsadoo, barbar taaga Tawraddooda ra’yigii ka soo baxaa.
Uu balIan qaaday haa haa
Hanti wadaagga inay badbaadiyaan.
Intaa markii ay maraysay baa waxaa soo galay Wasiir-dawlihii wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka oo shirka wax ku lahaa.
Madaxweynihii inta si caro leh u dhugtay oo nagu soo jeestay buu yiri waa Masuul daahay. Oo haddana gacanta ku taagay kursi safkiisa ka bannaanaa
oo yiri fariiso.
Dabadeed khudbaddii iyo ujeeddadii shirka uu horay ugu talogalay
buu galay. waxuu ka warramay, siyaasadda dibedda iyo tan gudaha. Sidaas oo kale waxbarashada iyo ciidammada. Waxuu sheegay in Galdogob iyo Balanbal oo gacan cadaw ku jira goor dhaw la xoreyn doono.
Waxa uu u soo dhacay waxii uu ugu yeeray Shaqaalaha shirkadda, gaar ahaan qaybta duulista, isaga oo yiri:
Badankiin waxaad wax ku barateen Carshuurtii dadka masaakiinta ah ee Soomaaliyeed laga aruurshay. Dhammaantiin ilaa dugsi sare waxaad ku dhigateen lacag la’aan, wixii ka sareeyana badankiina dawladaa idinka bixisay kharashyadii idinku baxay, waxaana ka shaqaysaan, shirqool iyo majaxaabin aad u maleegaysaan Qaranka Soomaaliyeed. Waxaad Canaasiirta iyo Mucaaradka u adeega gumaystaha u gudbisaan sirta Qaranka Soomaaliyeed.

Markii uu hadalka xubintiisa habboon saro, Sigaar buu inta cantuugo bul Hawada u siinayaa. Hadalkiisa waa u riyaaqayay, waxuu u hadlayay si xayi ah oo isku kalsooniyi ka muuqato.
Sida qaalibka ahayd, jirka iyo Boorsooyinka shaqaalaha duula lama baari jirin. Dadka mucaaradka dawladda ku ahoo dibedda jiraahi xiriir bay la lahaayeen dadka gudaha jooga. Shaqaalaha duula waxaa wax laga saarayay in ay farriimaha u kala gudbiyaan dadkaas lidka ku ahaa kacaanka. Dareen weyn baa laga qabay in uu raad ka jiray arrinta madaxweynuhu ka hadlayay. Madaxweynuhu in tuu si fiican noo canaantay buu yiri hadla oo wixii aad qabtaan sheega. Waxaanse idin leeyahay “Iimaanlaawe yuusan hadline ha iska aammuso”.
Xilligaas waxaa jiray Sicirbarar baahsan iyo qiimo dhac ku yimid Shillin Soomaaliga, waxayna madaxdu ka daashay su’aalaha iyo cabashooyinka ka imaan jiray shaqaalaha goob shaqo
oo ku aadan Mushaar kordhin.
Marka madaxweynuhu leeyahay iimaanlaawe yuusan hadlin waa
yaan laga hadlin mushaar kordhin iyo wax la mid.
Si kastaba ha ahaatee shaqaalihii waa hadleen, qofkii siddeedaad
baa waxaa noqotay gabar gargaarto ah oo la yiraahdo Khadiijo Maafiyo. Waxay tiri:
Mudane Madaxweyne. Mudo sideed sano ah baan Soomaali Airlines u shaqaynayay, gabar weynaatay baan ahay, waxaan u baahannahay nin iyo carruur. Da’daydu waa sii gurmaysaa, haddaa sidaa ku sii jirana carruur la’aan baan noqonayaa. Haddaa guursado waa la i ruqsaynayaa. Jaalle madaxweyne, nin iyo carruur baan u baahan nahaye noo oggolow in aan guursanno.
Madaxweynuhu sigaarka waa isku daba qabanayay oo markuu mid ka dhammaado mid buu shidanayay, sigaarku waxuu ahaa kii warshadda sigaarku samayn jirtay ee Faras la oran jiray. Marar baa koob biyo ah loo soo dhigayay. Inta uu xabad sigaar ah oo cusub daartay buu yiri gabadhii fariiso. Jawaabtii uu siiyay waxuu ku bilaabay. Sida la wada ogsoon yahay raggu Dumarka waa jecel yahay, dumar la’aanna ma joogi karo. Dumarkuna sidaas oo kalay ragga u jecel yihiin. rag la’aanna ma ahaan karaan oo shaki kuma

jiro. Maxaa wacay Ilaahay baa sidaas isugu Asteeyay Abuurta sidaas ah. Halkaa markuu marayo buu inta sigaarkii cantuugay oo qiiq bul kasiiye buu yiri, “Adeerrayaalow daaya gabdhuhu ha guursadeene. Gaalo iyo dhaqankeed gabdhaha Soomaaliyeed wax ugama jiraane u oggolaada guurka.”
Dumar ka socday Ururka Hooyooyinka, oo dhar cad ku labbisan oo goor ay soo galeen Shirka markii dambe la isweyddiiyay baa inta kacay qaaday heestan.
Noolow Noolow, Noolaw Siyaad Noolaw. Nabee nooma talin maskax nooga roon. Magacaa ha jiro.
Noolaw Noolaw, noolaw Siyaad Noolaw.
Waddanka markaas wareegto ayaa ka jirtay oo mar haddii madaxweynuhu arrin guddoomiyo wareegto ayaa lagu soo saari jiray, dabadeedna faafin rasmi ah iyo dhaqangelin baa lagu samayn jirey. Subixii xigeyna wareegto madaxweyne baa lagu soo saaray in gabdhaha gargaartooyinka ahi Guursan karaan. Hal sano ka dib shirkadda gabdhihii ka shaqayn jiray way saddex jibaarmeen.
Nasiib darro Xaliimo Sacdiyo Guurkeedu waa ka horreeyay Wareegtada Madaxweynaha. Kolkii aan geynnay Xaliimo iyo ilmaheedii, waxaan u jahaystay gurigii aan deggenaa oo aan uga soo tagay Yusuf Bardacad. Waxa uu ku yiil ka soo horjeedka dugsiga sare ee Banaadir. Waxaan labbisnaa dharkii u gaarka ahaa Duuliyeyaasha Somali Airlines (Shirkadda duulista Soomaaliya): Shaati cad iyo Surweel buluug ah). waxaan ka furay shaatiga garaaddihii, sidaa oo kalena ma xirnayn koofiyaddii, si aan la ii aqoonsan. Gaarigaygii oo aan shalay uga tagay guriga Cabdullaahi Salxaan baan watay. Boorso u gaar ah qalabka duullimaadka oo ay ku jiraan warqadahaygii aqoonsiga iyo khariiradado (jaantusyo(maps)) baan watay. Waxaa intaa weheshay oo ayna Luul boorsadayda ka saari jirin go’ cad oo ah kuwa Kacbada looga xarmado oo kale. Waxaan huwan jiray mararka aan ku dhaxno magaalooyinka ka baxsan Xamar.
Guriga Yuusuf Bardacad oo aan u socdo waxa uu ku dheggenaa warshadda Coca-Cola. Derbi un baa u dhexeeyey. Markii aan marayey Km

4 baan maqlay Rasaas xooggan oo ka dhacaysa dhanka jidka Tarabuunka. Haddii aan sii dhaafay Shaneemo Equatoore, oo ku taal ka soo horjeedka Aarkada Ahmed Guray, waxaa gacanta ii haadshay nin taagan jidcaddaha dhankayga midig. Waxa uu lahaa, “war ka noqo, war ka noqo meesha, dagaal baa ka socdee.” Si halhaleel ah baan ugu laabtay dhanka jidka aada Afgooye.
Dad badan baa meel ku xoonsanaa. Waxaa u warramayey wiil shaqaalaha Warshaddii Coca-Cola (kooka-Koolla) ka tirsanaa. Waxa uu lahaa meesha rasaastu ka socotay baan ka soo cararay. Waa nala soo weeraray, annaga oo joogna warshadda. Askartii iyo Waardiyihii waa la laayey.
Waxaa la weyddiiyay madaxii warshadda. Waxa uu yiri, “Asna waa la dilay.” Haddana waxaa la weyddiiyay xisaabiyihii. “Isna waa la dilay,” buu ugu jawaabay, “Madaxii shaqaalaha isna waa dhintay.” Meesha lagu waraysanayo wiilka waa waddada qarkeeda. Aniga oo gaarigayga ku jira baan maqlayay wararka la isweydaarsanayey. Gabar baa iyana jiingad bush ah oo ay ka dhisatay meeshaas shaah ku karinaysay. Waxay shaaha ka iibsanaysay dadka qaxayay. Intaa markii ay maraysay waraysigii wiilka baa gabadhii oo markaa koob dhaqaysaa inta dhaqiddii joojisay oo gacmaha biyihii ka sayrisay tiri, “Hoogaye wiilku waa isku dardarsamay.” Wiilkii baa u jawaabay gabadhii oo yiri, “Isku dardarna dhimay.”
Gurigii Cabdullaahi Ahmed Salxaan baan ku laabtay. Saddexdii duuliye iyo labadii wiil oo Xaliimo Sacdiya dhashay baan ugu tegey. Xaliimo Sacdiyo waxay ku maqnayd adeeggii qadada.
Waxaan uga warramay in dagaal xooggan ka socday aagga warshaddii Coca cola oo aan tagi kari waayay gurigii, isla markaana aanan ogayn Yusuf Bardacad iyo dhammaan dadkii ehelka ahaa oo guriga ku soo qaxay waxay ku sugan yihiin.
Markii ay timid Xaliimo Sacdiyo baa Faarax dalxiis yiri, “Aynnu soo fiirinno Duuliye sare Gaarane.” “Waxa uu degganaa xaafad meeshaan joognay aan ka fogeyn. Gaarane waxa uu ahaa Gaashaanle sare oo laga soo wareejiyay Ciidanka cirka. Diyaaraddii fokkerta baan ku wada duuli jirnay. waa nin dabeecad ahaan deggan oo aan dhicdhicin. Waa uu naga weynaa intayada markaas wada joogtay. Waxa uu nagu dhiirrin jiray in aan ubadkeenna degaan uga samayno magaalada. Cali Faarax Cilmi oo isna

ahaa duuliye aannu aad u jecelnahay baa ugu horreeyay nin taladiisii ka faa’iidaysta.
Balse qiso yar oo ka dhex dhacday baa waxay ahayd mid aannu mar walba ka sheekaynno. Gaarane waxa uu Cali Faarax u keenay nin Fuundi ah oo la oran jiray Goobbe. Goobbe nin tuur leh buu ahaa. Waxaa Cali iyo Gaarane iyo Goobbe dhammaantood isla qiyaaseen kharashka ku bixi kara guriga loo dhisayo cali oo ka kooban afar qol, fadhi, laba musqulood iyo dayd ku wareegsan. Cali fur iyo xanjo intuu isku guntay buu lacagtii lagu qiimeeyey guriga dhammaan keenay.
Goobbe waxa uu yiri, “Waxba ha isdhibin ee maalin walba inta aan u baahnahay baan lacagteeda kaa qaadayaa. Cali isna waxuu yiri, “adeer dhammaan kharashka igala wareeg anigu guri dhisan baan kaa rabaa. Goobbe ma yeeline taladii uu baxshay buu ku adkaystay.
Intii uu socday dhismihii dhagaxu baa waxaa kacay qiimihii laamiyeeriga (jiingado), Alwaaxda iyo safiitada. Cali isna meel dambe oo uu lacag ka keeno ma leh. Goobbe mar labaad buu talo baxshay oo yiri, “Macno ma leh bil iyo laba iska samir wax walba haday raqiisayaane.” Nasiibdarro meeshii cali ka sugayay raqiis, qiimihii dhismuhu waa laba jibbaarmay.
Cali waxa uu u dacwooday Gaarane. Waxa uu ku yiri, “Waryaa hee Gaarane, War Goobbe yaa ii keenay?”
“Aniga, yuu Gaarane ugu jawaabay. Haddana, cali waxuu yiri, “Waryaa hee Gaarane war Guri dhista yaa yiri?” “Aniga,” buu Gaarane ugu jawaabay. “Wagareey wagar! Dee la wareeg Goobbe iyo hawlihiisa buu cali ku soo gabagabeeyey hadalkiisii.” Gaarane nin wanaagsan buu ahaaye asaga iyo cali gurigii way dhammaystireen dabadeed. Waa adduun iyo xaalkiye cali Faarax oo aannu waayo dambe is aragnay waxuu ii sheegay in Goobbe uu gurigii uga badbaadiyay kuwa ku habsaday.
Meesheedii aan ka sii wadnee, Gaarane waxa uu noo sheegay in xaaladdii dagaalku isbeddeshay oo ay bilaabatay in dadka la laynayo, guryahana loogu gelayo. Waxa uu yiri, “Waxaa hadda la sheegayaa in saddex nin oo siyaasiyiin ah iyo madaxii Machadka SIDAM maanta la qafaashay. Waxaa la sheegayaa in rag kale oo siyaasiyiin ah iyo odayaal kale ay ku mashquulsan yihiin siiddayntooda. Afarta nin waxay kala ahaayeen:

1. Cabdalla Maxamed Faadil.
2. Xasan xaashi Fiqi.
3. Prof. Ibrahim Mohamud Abyan.
4. Cabdiraxmaan Shiikh Xasan (Isfiilito).
Cabdalla Faadil waxa uu ka mid ahaa Golihii sare ee kacaankii 21 Oktoobar. Waxa uu soo qabtay xilal kala duwan intii kacaanku jiray iyo ka horba. Xilalkii uu ka soo qabtay ciidammada ka sokow, waxa uu noqday wasiirka wasaaradaha kala ah Wasaaradda warshadaha iyo ganacsiga, wasaaradda Caafimaadka, wasaaradda dekedaha iyo gaadiidka Badda. Faadil iyo Maxamed Cali Samatar-ba waxay ahaayeen raggii Hoggaaminayey Dagaalkii 1977 ee Soomaaliya iyo Ethiopia dhexmaray, isla markaana waxay ahaayeen la Taliyeyaasho Maxamed Siyaad barre.
Dr. Hassan Hashi Fiqi, waxa uu ahaa siyaasi ruug caddaa ah oo xilal badan ka soo qabtay waddanka. Waxa uu toddobaatanaadkii ahaa Maareeyaha guud ee warshadda Sonkorta Jowhar. Dabadeed waxa uu noqday Maareeyaha guud ee Wakaaladdii Caymiska qaranka. Waxa uu ka mid noqday Xildhibaannaddii qaranka xilliyadii kacaanku jiray. Dhawr jeer baa kacaanku xiray, waxa uu ka mid ahaa guddigii Suluxa oo uu Maxamed Siyaad ku dhawaaqay intii dagaalku Xamar ka socday.
Prof. Ibrahim Mohamud Abyan: waxa uu ahaa aqoon yahan dhammaan goobaha waxbarashada laga qaddariyo. Waxa uu madax ka ahaa Machadka Maaraynta maamulka iyo horumarinta (SIDAM). Nin ku mashquulsan had iyo jeer waxbarashada ayuu ahaa. Ma danayn jirin siyaasadda qaddarinna uma hayn dadka siyaasadda xirfad ka dhigta. Waxa uu ahaa indheergarad mar walba dadka shacabka ah ku milan oo aan cidna ka faanin.
Dr. Cabdiraxmaan Shiikh Xasan (Isfiilito) waxa uu ahaa aqoon yahan siyaasadda ku fog oo soo qabtay xilal kala duwan. Waxa uu noqday markiisii hore xoghayaha dawladda Hoose ee Gaalkacyo xilligii xornimada la qaatay kaddib. Waxa uu ka soo shaqeeyey dhawr wasaaradood oo uu ka soo qabtay xilal sar sare. Dabadeed intii kacaanku jiray dhowr jeer baa la xiray. Wax uu ku shaqaysan jiray qareennimo, isaga oo haddana ka mid ahaa guddigii Suluxa.
Si kastaba ha ahaatee, Gaarane hadalkiisii waa sii watay. Waxa uu yiri:

sida i soo gaartay, warshadda Coca-Cola waxa ka dhacay waa bililiqo. Kooxo is-uruursaday baa boobay warshaddii. Waxaa la sheegayaa in dad ku dhinteen meesha, boobkii na weli waa socdaa. Waxay qaadan kareen way qaateen, hadda waxay ku dagaallamayaan Matoorradii warshadda oo ay rabaan in ay maartaa un ka furfurtaan. Waxaa la sheegayaa in kuwa ku sumoobeen kiimikadii warshadda oo maydadkoodii daadsan yahay warshadda iyo aaggeeda.
Warshadda Coca Cola, waxay ahayd mid si gaar ah loo leeyahay. waxay ka mid ahayd dhowr warshadood oo yar-yar oo aasaaskoodu ka horreeyay curashadii kacaanka. Gaarane waxa uu nagu waaniyay in aan socodka yaraynno oo an guryaha ku ekaanno. Intaa markii ay maraysay baa laba nin noo timid. Waxay noo sheegeen in dhimashadii Cabdalla Faadil iyo Dr. Cabdiraxmaan Isfiilito la xaqiijiyey oo meydkooda isku meel yaal. Sidaas oo kale waxaa ayana la Arkay meydka Dr. Xasan xaashi fiiqi iyo Prof. Ibrahim Mohamud Abyan.
Sheegow baa kolkaas yiri, “Inta Bililiqada warshaddu ka dhammaanayso, bal aynnu soo fiirinno Maxamed Xaaji Faarax oo aan ugu yeeri jirnay Xaaji Faarax, dabadeedna aynnu baadi goobno Yuusuf Bardacad.” Xaaji Faarax waxa uu deggenaa xaafadda Wadajir, meel loo sii maro Jidcaddaha derbiga dhismaha Cabdi Xoosh hor mara, inta aan la gaarin Godka Kaxda. Xaaji Faarax waxa uu ahaa nin bulshay ah oo aannu la kaftanno. Waxay isugu kaftan badnaayeen Cumar Shiikh Cabdi. in ay wada duulaan bay jeclaayeen. Waxaa halhays u ahayd marka uu wax qoonsado Xaajigu “Waryaa Alle yaqaan.” Waxa uu ku wanaagsanaa diinta iyo dhowridda Salaadda.
—————————————————————————————–
11 Ku-Dhuumaalaysigii Xamar
Xaaji Faarax waa na soo dhaweeyay. In yar markii aan joognay waxaa noo soo gashay Roodo oo ah xaaskiisa. Shaah iyo wax qabow bay noo keentay. waxaa daba socday curaddeedii Faadumo oo markaa saan qaad ahayd. Sidaas oo kale waxaan marmar maqlaynnay sharqanta will yar oo saddex bilood jir ahaa oo ku xigay gabadha. Haddii aan iswaraysannayba Xaajiga, waxaa naloo sheegay in Duuliye sare Qaasim Mohamed Cabdi uu ku soo qaxay xaafad aan ka fogayn guriga Xaaji Faarax.
Lug baan ku aadnay. Qaasim iyo Ibraahim Abiikar nuur waxay ka mid ahaayeen ragga ugu da’da yaraa Kooxdayadii Lufthansa Tababartay, Qaasim waxa uu na dheeraa afka Talyaaniga oo uu ku hadli jiray. Iskuul Talyaani ah buu dugsiga sare uga baxay. Waxuu noo sheegay in uu mudo ku go’doonsanaa gurigiisa oo u dhexeeyey laba ciidan. Waxay ku dagaallamayeenaagga warshaddacaanahaiyobarigaxeroRuush.Shahar iyo isagu deris bay ahaayeen. Waxuu noo sheegay in ay is-arkeen laba jeer

maalmihii hore ee dagaalka, dabadeed bal adba. Markaas kaddib waxaan isu raacnay dhammaantayo Gurigii Xaaji Faarax.
In kasta oo aannu markaas ahayn rag xilkas ah oo badankoodu xaasas iyo carruurba leh, haddana, marka aan isu nimaadno waxaan u kaftami jirnay sidii markii aan yaryarka ahayn oo aannu waxbarashada ku jirnay oo kale.
kolkii aan tukannay salaaddii Duhurka, oo aannu isniri taga baa Roodo u yeertay Xaaji Faarax oo tiri, “Qadadii waa diyaar e yeyna tagin saaxiibbodaa.” Xaaji oo aan dhag la qabto lahayn baan noo yimid oo yiri, “Dumaashidiin qado ayay idiin soo waddaa ee jooga.” Waannu cududaarannay oo u sheegnay in ay Xaliimo Sacdiyo qado noo karisay. Roodo oo dooddayada maqlaysay baa tiri, “Qadada Xaliimo Sacdiya casho ka dhigta, tanna qado ha idiin ahaato. “Guddoon dabadi guu-Guu” bay ahayd.
Galabtii baan ku laabannay gurigii aan ku ogayn Yuusuf Bardacad. Gawaaridu ma dhaafi Karin isgoyska taallada Axmed Guray oo ah meel Xamar ku taal oo aad loo yaqaan. waxii halkaas waqooyi ka xiga waxaa yaalley isbaarooyin. Sheegow iyo Faarax baan uga tagnay gaarigii aan wadannay. Waxay nagu dhowrayeen Meel u dhaw Sarta Soobbe. Aniga iyo Cabdullaahi Salxaan waannu lugaynaynay. Waxaan u tagnay ganjeelkii Guriga oo furan.
Wax dhaqaaqa oo dad ihi ma joogin. Wax alaab ah oo yaalaynna ma jirin. Derbiyada, dhan walba Rasaas baa ku taallay, balse wax dhiig ah meelna kuma aannaan arag. Ganjeelka dambe oo dhanka qorraxdu ka soo baxdo ahaa baan eegnay. Isna waa furnaa oo ballaqnaa. Meel la isku baacsaday bay u ekayd. Guryaha deriska baannu ka eeg-eegnay wax dad ah. Wax sharqan ah kama aannaan maqal. Dabadeed, inta Albbaabadii soo riix-riixnay oo labadii Ganjeel soo xirnay baannu ka baxnay albaabkii gadaale.
Waannu isdaba qoodaynaynnay. Jid caddeyaasha baan midba uga gudbaynnay mid kale jeer aan gaarnay Taaladii Axmed Guray.
Labo maalmood kaddib baa naloo sheegay in Yuusuf Bardacad uu u soo gurtay guri aan wax badan ka fogayn gurigiisii, balse ka soo xiga dhanka Isgoyska Km 4. Waxaa kale oo la noo sheegay in Duullane iyo Cartaan ay la qaxeen Abtiyaashood ilma Xaaji Muuse boqor oo ay Kismaayo aadeen.

Waxaanu u tagnay Bardacad iyo Maryan oo ay weheliyaan gaashaanle sare Ahmed Ismaaciil boqor iyo eedo Canab. Markaas waxaa ila socday Faarax dalxiis. Salaan iyo Isbariidin kaddib, waxaan iri:
Waa Ilaahay mahaddi haddii aynnu dhammaanteen nabdoonahay. Dhowrkaan beri aniga iyo saaxiibboday, in badan baan idin raadinnay. Hadda waa Casar dambe. Gees walba waxaa idinka xiga isbaarooyin ciyaal yaryari dhigteen. Qofka ay damcaan bay dilayaan. Laba gaari baa nagu dhawraya meel dhow. Waxaa nala habboon in aydnaan caawa meeshaan u hoyan.
Gaashaanle sare Ahmed Ismaaciil Boqor waxa uu ahaa Sargaal Ciidammada Millatariga ka tirsan. Waxa uu ahaa nin laga qaddariyo Ciidanka dhexdiisa, khibradda iyo dabeecadda uu lahaa awgeed. Waxa uu ahaa Quraan ruug aad diinta ugu xeel dheer. Aniga gaar ahaan waxaan u hayay qaddarin gooni ah. Markii aan iskuulka dhiganayay waxa uu igu guubaabin jiray waxbarashada. Haddii uu yimaado guriga aniga oo maqan waxa uu ku oran jiray dadka igu Salaama Cabdullaahi. Anna fartiintaas waxaan u qaadan jiray, waxbarashadaada meesheedii ka sii wad. Intii aan waxbarashada dibedda ugu maqnaa iyo in kale oo aan shaqaynayay waxa uu ku jiray xabsiga.
Waa adduun iyo gadohiise, Ahmed waxa uu yiri, “Talada aad noo keentay Cabdullaahi waa mid wanaagsan. Waxaana qabaa in ayna meesha qorraxdu noogu dhicin.” Waxaan dib ugu noqonnay aniga iyo Faarax meeshii ay joogeen Sheegow iyo Cabdullaahi Salxaan. Waa soo kaxaynnay oo gawaaridii oo keenay Aarkada Axmed guray, dabadeedna lug baan ku keenay dadkii. Gurigii aan deggenayn baan qololkiisii wadaagnay dhammaantayo. Gacal isma ciriirsho Soomaalidu aad bay u adeegsataa.
Bardacad, Hooyo Maryan iyo Eedo Canab iyana waxay igala mid ahaayeen xagga hugga oo dhar inta ay qabaan ma ahee waxii kale hadba meel baa lagu soo furtay. Anayba bili ii caano shubatay. Waxaan maqli jiray labada haragga isku haysata hooyadood waa sida gacantaas.
Cayri caymo ma diiddo e’, go’ii caddaa baan ku tuuray hooyo Maryan. Galabtaas intii aannu maqnayn baa xaafadda lagu dilay Ganacsade caan ah oo guryo iyo hanti kaleba ku lahaa xaafadda Buuloxuubay. Cabsi daran iyo walwal baa xaafadda la soo deristay. Waxaa

ku soo batay malayshiyo beeloodyo hubaysan. Waxay horay u bililiqaysteen Guryihii safaaradaha iyo Hay’adaha an dawliga ahayni degganaayeen. Guryahaas qaarkood waxay ka heleen khamri fara badan. Waxay u badnaayeen ilmo aan da’ weynayn. In badan oo ka mid ihi way cabsanayeen. Isbaarooyin bay dariiqyada qaarkood dhigteen. Dadkana siiba kuwa gawaarida wata way baarayeen.
Yeelkadeede, waxaa galabtaas naloo sheegay in Gaarane waqooyiga magaalada u wareegay laba habaynna sii maqan yahay. Waxaan isxasuusinnay dardaarankii Gaarane oo ahaa socodkiinna yareeya. Waxaan isla qirnay in dareenkiisu iyo saadaalintiisu fogayd.
Ayaamahaas waxaan gelinka hore u tagi jirnay, nin ay Saaxiib ahaayeen Sheegow oo xaafadda Buuloxuubay guri ku yaal lahaa. Gurigu aad buu u qurxoonaa. laba dabakh buu ka koobnaa, jardiinooyin ay mundullo ka dhex dhisan yihiin buu lahaa. Waxaa u hoyan jiray markaa, ninkii lahaa guriga. Wiil kuray ah oo shaqaale u ahaa iyo nin waa hore yemen ka yimid, oo aan wax ehelo ah ku lahayn magaalada. Af Soomaali badan kuma hadlin jirin. Waxaa marmar wehelin jirtay Gabar aad u qurxoonayd oo shaah iyo qaxwe noo keeni jirtay inta aan guriga ku barqanaynno.
Maalintii xigtay annaga oo xaafaddayadii ku qadaynaynna baa qaylo dhaami soo yeertay. Waxaa naloo sheegay in ninkii taajirka ahaa gurigiisii la weeraray. Waannu ku yaacnay. Waxaan tagnay ayaga oo nabad ah oo aan wax la yeelin. Markii la soo weeraray waxaa weheshay ilaa laba qof oo kale oo xaafad u dhaw degganaa.
Weerarka waxaa fashiliyey ninkii shaqaalaha u ahaa. Waxa uu haystay qori. Dabakha kore buu qoriga la saarnaa. Ilaahay amarki, waxa uu riday xabad. Dabadeed kooxdii guriga soo weerartay waxay isyiraahdeen ciidan xoog leh baa jooga meesha. Waana ka baxsadeen goobtii. Markii ay nooga warrameen waxii dhacay baa waa ibnu Aadan iyo fakhfakhdiise, intayadii Gurmadka ku timid, ku bilownay kaftan iyo Dacaayad. Waxaan lahayn adiga hebel ma baqday derbiga maad ka boodo iyo wax la mid ah.
Saannu kaftankii u haynnay baa hal mar waxaa derbiyada guriga ka soo daatay Ciidan hubaysan. Waxay u badnaayeen wiilal yaryar. Qoryo silsilado leh oo Ammaanku u furan yahay bay wateen. Qaar baa daamanka

Qaad uga buuxay, kuwo ayaa cabsanaa. Hadalka qaar baan si fiican u kari Karin. Indhahoodu way guduudnaayeen.
Waxay yiraahdeen u soo baxa daydka guriga. Gacmaha madaxa saara. Fariista. Xabadka dhulka dhiga. Amarku ma ahayn mid la diidi karo ama laga warwareegan karay. Waxay yiraahdaanba waa ku khasbanayn. Deydku waxa uu ahaa shammiito ama sibir shub ah. Waqtigu waa 2:30 pm Milicdu waxay ahayd maalintaas mid saa’id ah. Ilaahay Amarki, ninkii Yemeniga ahaa waxaa u daarnaa Sigaar Afka ugu jiray. Isaga oon gacanta ku hayn buu dhuuqaayay. Mid Malleeshiyadii ka mid ah baa ku yiri, “Keen xabad sigaar ah waryaa.” Dabadeed Yemenigii waxuu yiri, “Ma haysti.” Wiilkii baa haddana yiri, “Keen gummadka.” Yemenigii baa waxa uu ugu jawaabay, “Bax anba waa tuugay ee adna tuug noo.”
Intaa markay marayso baan intayadii kale oo ay na weheshaan burcaddii Qosolnay. Waxaan ku qosolnnay geesinimada ninka iyo si uusan u dareensanayn waxa ka imaan kara wiilka yare ee qoriga la qarqarayaa. Balse nasiib wanaag qosolkii waxa uu noo furay jawi aannu malayshiyada ku wada hadli karno. Waxaan su’aalnnay waxay naga rabaan. Waxay yiraahdeen keena ninkii xabbadda dabakha kore nooga soo riday. Weli shafka ayaan dhulka ku haynnay.
Caano uma ay kabban in ay khasnado nooga saaraan. cid xukuntay oo sidaan dhaanta tiraahda ma jirin. Qaar baana aqoon meeshii ay marayeen.
Sharqan lamafilaan ah baa dhegaha nooga soo dhacday. Dhanka jaranjarada guriga bay nala ahayd. Waxa ay ahayd gabadhii oo ka soo deganaysay jaranjarta hoose ee iridda guriga. Si Cajiib ah bay u labbisnayd. Way soo socotay iyada oo hadlaysa oo canaananaysa burcadda. Waxay lahayd war maxaa idinku dhacay oo ragga saan ugu galaysaan. War miyeydaan wax isku falayn. Burcaddii waa oogsadeen. Qaarkood qoryihii bay naga sii jeediyeen. Waxay ku dhaygageen gabadhii. Mid-mid bay inta noo kicisay tiri, “Istaaga.” Wiil yar oo qor Ak ah wata bay inta dhamanka ka tirtirtay tiri, “Eeddo ka jeedi qoriga ragga oo haddana mid kale qorigiisii gacanta intaa ku qabatay naga jeedisay. Wiilkii waxuu yiri, “Eeddo annagu waxaan doonaynnay ninkii xabbadda nagu soo riday kaliya.” “Eedo markii buu tagey oo ma joogo,” bay ku tiri. Dabadeed way naga tageen annaga oo dhididku na hooraayo.

Kacdoonkii Xamar markii hore ka bilowday hoggaan midaysan ma lahayn. Jeneraal Caydiid iyo jabhadda USC xooggeeduna ma joogin magaalada Xamar. Abaabulka ugu xooggan waxaa lagu tilmaami jiray in ay horseed u ahaayeen:
1. General Maxamed Nuur Galaal.
2. Dr. Xuseen Xaaji Bood. 3. Cusmaan Xasan Caato.
4. Iyo kuwa kale.
Waxay culayska saareen oo badanaa dagaalkoodu ku wajahnaa Madaxtooyada iyo Idaacadda Mogadishu. Ma haysan khariirad midaysan oo ay ku hantiyaan dhammaan magaalada.
Sidaas oo kale, kuma ay fekerin in iyaga oo wada dagaalka ay badbaadiyaan hantida dawladda iyo tan shacabkaba. Waxaa xabsiyada laga sii daayay dhammaan dadkii ku xirnaa iyaga oo aan la eegin dembiyadoodii hore. Dabadeed, waxaa si aan loo kala aabbeyeelin u bilaabatay boob meel walba gaaray.
Jenneraal Maxamed Faarax Caydiid markii uu soo galay magaalada Xamar, waxa uu loollan adag iyo isgarab-orod siyaasadeed kala kulmay Maanafeesto oo ayna markii hore u abaabulnayn ciidan. Balse, Jeneraalka waxaa wax walba uga darnaa oo uu culayska saaray sidii uu Maxamed Siyaad Barre xukunka uga tuuri lahaa. Waxa uu dhowr jeer la kulmay Cumar carte Qaalib iyo kooxdii Suluxa. Waxa uuna si cad ugu sheegay odayaashii Suluxa waday in uusan la hadlayn, wax gorgortan ahna cidna la galeyn inta uu Maxamed Siyaad barre joogo Madaxtooyada.

Taagnida midigta masawirka: Ibraahim Abiikar Noor, Malkowski, macallinka Saadaasha hawada iyo xarfaha Dhii-Dhaada, Mohamed Xaaji Faarax. Cumar Shiikh Cabdi. Iyo Axmed Cilmi Guure.
Fadhiga: Haus child Macallinka Sahanka iyo Qalabka Duulista. Cabdullaahi Axmed Salxaan. Faarax Axmed Mohamed Dalxiis. Cabdullaahi Axmed Cabdulle Azhari.
Duuliyeyaasha shirkadda Diyaaradaha waxa ay hayeen shaqaale isku kalsoon, isjecel, qaarkood isku dugsi sare ka wada baxeen, Germany isla tageen, haddana USA. Kalsoonida ka dhexeysay cidna ma jebin karin.
Haddana, ayaandarro baa maalmahaas socotey. Indhohayaga oo shan ahaa baa qarankii hortayada ku burburayey. Haddana, qaarkayo Xamar qax kama ahayn. Isla markaas waxa ay la murugoonayeen kuwa qaxa ahaa. qudhooduna xasillooni buuxda ma haysan.
Xaafadaha qaarkood marka nala ku joojiyo, in beelo naloo kala sooco baa mooryaan isku dayeysay. Si aan isu badbaadinno, hadba beesha meeshaas isbaarada u tiil baan wada sheeganaynnay. Waannu ku khasbanayn taas. Xaaladdaasu waxay ahayd wax laga yaqyaqsado. Qaar baa mar hore hantidoodii la bililiqaystay oo deegaanno 30 KM Xamar u jirey u lugeeyey.
Mooryaan baa awood beeleed u sheegatay. Waqti xun, goor xun iyo meel xun bay eersadeen. Dad badan baa marti u ahaa xaaladdaas oo kale.

Sheegow waxa uu ahaa sarkaal sare. Waxa uu yaraantiisii ku koray magaalada Baydhabo oo aabbihi ku lahaa meherado ganacsi. Waxa uu ahaa bulshay dadka oo dhammi isugu mid yahay. Nin qarsoomi kara ma ahayn. Aad baa looga yiqiin magaalada Xamar, gaar ahaan Xaafadda Buuloxuubay iyo agagaarkeedaba.
Sidii aan soo sheegnay, Gaarane waa tagay. waana noo digay. “Nin aan waxa jooga ka talin waxa soo socda kama taliyo” waa maahmaah Soomaaliyeed.
Waa hoogga dagaal sokeeye leeyahaye, waxay noqotay in aan isku dayno in Sheegow uu u wareego dhanka waqooyi ee magaalada. Go’aanka aannu gaarnay waxa uu ahaa mid tiiraanyo iyo xanuun leh. Waa mid aan ka fursan weynay oo bar madow oo aan go’ayn nagu ahaa. Waxa uu ahaa go’aan dhiirri gelinayay burburka bulshada Soomaaliyeed ee in badan wada noolaa. Waxa uu ahaa mid aan ku goynnay kuna sagootinnay qaybtayo. Tiiraanyo iyo murugo aannaan u fadhiyin bay ahayd. Dad badan baa nala mid ahaa. Meelo badan oo waddanka ka mid ahna in ay ka dhacday baa hubaal ah.
Si ay noqotayba, talada waxaan markii dambe wax ka siinnay Axmed Ismaaciil Boqor iyo Bardacad. Ahmed waa nala qaatay taladii aan soo jeedinnay oo ahayd in uu Maxamed Weheliye Sheegow u wareego dhanka waqooyi ee magaalada Xamar. Balse, Yuusuf Bardacad waxa uu yiri:
Dadku waa isku dad ee yaan la kala soocin, haddii laga fursan waayo guriga ha ina la soo dego. Waxa aad dabada ka waddaan waa waxii aad aniga dhowr meelood iiga soo qaxiseen. Dadkani haddii uu kala tago dib dambe isugu soo noqon mayo. Haddii goobaha qaar dagaal lama filaan ihi ka dhaco waa la aag beddelan karaa, si guud oo aan kalasooc lahayn. Laakiin marna in la kala miirmo oo bulshooyinkii Soomaaliyeed kala soocmaan waa talo aan maangal ahayn.
Laba daran mid dooro bay nala noqotay. Kolleyba, Sheegow badbaadintiisa waxba laguma dhaafsan karin. Waxaannu doorannay taladii iyo naqshaddii Ahmed Ismaacill Boqor. Waxa uu soo jeediyey in aan xagga Isbitaal Digfeer ka wareegno, oo marka aan gaarno aagga

Tarabuunka ka soo harno. Dabadeedna uu Iskuulka Kaasaboobbalaare ka duso. Ma aannaan hawaysanayn in aan Gaari ku baxno. Isbaaroolay (jidgooyalay) baa meel walba taagnaa. Waxa aan ka cabsi qabnnay in nala garto. Dadka lugta ah markaas aad looma xaalaynayn.
Afartayadiiba waa israacnay. Labo-labo ayaannu isu daba lugaynaynay. Markii aan maraynnay jaamacadda Caafimaadka baa rasaas nagu bilaabatay. Waxa ay ka soo dhacaysay hortayada iyo gadaashayada. Balse, badankayo si fiican uma qiyaasi Karin meesha xabbaddu ka soo dhacaysay. Faarax dalxiis baa ii yeeray oo yiri, Azhariyow adiga oo soconaya derbiga raac oo xabadda uga gabbo.” Sheegow baa ku qayliyey oo yiri:
Faaraxoow shiishku idinka ayuu idin haystaa e darbigaan imaada. Fiiriya dadka dhaawaca ah. Eega derbiga aad ku gabanaysaan waxa xabbad ku dhacaysa. Hoos u gabbada oo imaada halkan.
Sheegow waxa uu adeegsaday khibraddiisii iyo waayoaragnimadiisii ciidameed. Annaga oo tuhlaynaynnay baan gaarnay derbigii Sheegow iyo Salxaan joogeen. Laba qof baa dhiig ka daadanayay. Waxa aan hubaa in mid gacan wax ka gaareen. Midka kale dhiig un baan ku arkayay.
Cabdiqaasim Salaad Xasan oo ahaa wasiir markaas baa inta u dhexaysa Dugsiga sare ee Banaadir iyo Jaamacadda caafimaadka guri laba dabakh ah ku lahaa. Ciidan xooggan oo difaacayay baa u joogay guriga. Dhanka aan ka nimid ee aagga Digfeer baa xabbado looga soo riday. Si ay isaga caabbiyaan cidda rasaasta ku soo ridday, iyana markaas bay xabbado meel walba u rideen. Waxaan u dhaxayay labada jaha ee ay xabbadda isdhaafsanayay.
Markii xoogaa xabbaddii qabowday baan dib isaga soo laabannay. Qabatoon harraad u darnaa baannu la liidannay. Meelaha biyaha laga cabbi karo waannu ka baqaynnay. San-ku-neefle waxii na yaqaan waannu dhibsanaynnay. Annaga oo dhanqalan ah baannu nimid gurigii.
Maalintii xigtay waxaan isku daynay in aan ka wareegno waqooyiga Isbitaal Digfeer. Markii aan galbeedka isbitaalka xoogga dalka maraynnay baa xabbado teelteel ah naloo ka soo furay isbitaalka xaggiisa. Waannu isdaba qoodaynaynnay. Faarax baa iga horreeyay. Saan u

soconnay bay hal mar rasaas aan hakad lahayn nagu soo fureen. Faarax oo qaylinaya baa inta igu soo jeestay garabka bidix iiga dhacay. Waan finiinay oo dhulka ku dhacay. Waxa uu ku qaylinayey oo lahaa aar naflow god doono, aar naflow god doono. Sheegow oo dhabbacan baa isna u dhawaaqay Cabdullaahi Salxaan. “War dhac war dhac,” buu ku yiri. Anigu jiiristii Faarax baan weli la galgalanayay dhulka. In uu Faarax igu dhacay iyo in xabbadi igu dhacday baan kala garan waayey. Sheegow baa i yiri, “Azhari iska warran? Wax miyaa ku gaaray?” Jawaab aan siiyo ma garanayn. Cabdullaahi Salxaan baa yiri, “In uu fiican yahay baan filayaa,” oo haddana isaga oo guurguuranayay ii yimid, si uu u hubiyo in aan bad qabo iyo in kale. Runtiise, waxba ima gaarin. Faarax markii buu cagaha wax ka dayay oo waaba la gaari waayay.
Waxa Rasaasta nagu furay waxay ahaayeen ciidammo jooga Isbitaalka Xoogga dalka oo dhaawacyo iyo bukaan ku haya Isbitaalka dhexdiisa. Xabbadaha kolkii hore waa na dul marinayeen, markaan ka joogsan weynay bay hoos noogu dhigeen. Annaga oo midba kab qabo kabna laadlaadinaya baan xaafaddii ku soo noqonnay.
Si kastaba ha ahaatee, Sheegow oo ahaa nin aad loo jecelyahay waxaa u soo gurmaday saraakiil Soomaali oo dhan ka kooban. Habeen oo madow bay ka wadeen gurigiisii. Sidii aan horay u sheegnay waxa uu deggenaa guryaha Shirkadda diyaaradaha ee ku yaalley Buuloxuubay agteeda. Waxa ay mariyeen xeradii (gegida diyaaradaha) ee uu baryo xukumay ee Afisyoone.
Xagga xeebta ayaa laga geshay waqooyiga magaalada Xamar. Waxaase naloo sheegay in Allaa bixiyaye uu dhowr jeer sigtay. Waxa uu ka qaxayay carruurtiisii iyo xaaskiisii suu naftiisa u badbaadiyo. Waxaa uu uga tagay gurigiisii qabiil darti. Waxa uu ka soocmay saaxiibbadiis u hayay qaddarin oo iyana faraha fooddooda ugu taagan in ay goor ay noqotaba sidaas oo kale qaxaan.
Sheegow da’ ahaan intayada kale waa naga weynaa. Waxaan isbarannay markii aannu tababarka u aadnay diyaaradda Dornierta ah 1987. Sidii aan hore u sheegnay waxaa laga soo wareejiyay ciidanka Cirka. Hoggaamiye fiican buu ahaa. Waa uu nala talin jiray markii ay cakiranto. In kasta oo aannu kala jabnay oo sii kala qaybsannay, haddana in Sheegow, asaga oo bad qabo u wareego dhanka waqooyi ee magaalada waxaan u dareemaynnay guul noo soo hoyatay.

Dagaalkii gees walba ayuu u fiday. Xamar waxa ay noqotay goob dagaal. Xabbaduhu cidna ma haybsanayn. Dad badan oo aan toos loogu ridin bay nolosha u qoonsanayeen.
Waddada Afgooye (magaalo Xamar Galbeed ka xigta oo 30 KM u jirta) iyo inta badan degmada Wadajir ma ahee magaalada inteeda kale waxaa la wareegay ciidankii USC. Nin kasta ha hawl geliyo e’, badanaa Ciidammada magaca USC watay waxa ay taageersanaayeen General Maxamed Faarax Caydiid.
Maanafeesto oo haw-waajibaadkeeda siyaasadeed ku dhisnaa in siyaasad iyo kacdoon aan hubaysnayn xukunka looga tuuro Mohamed Siyaad, badankoodu waxay u riyaaqayeen in xabbaddu sidaas u socoto. Qaarkoodna si toos ah bay ugu jireen dagaalka iyo abaabulkiisa.
Sidaas oo kale, in kasta oo ayna Jenneraal Caydiid waxba isu doorin Mohamed Siyaad iyo Maanafeesto. Haddana, haddii uu garab ka helayo Maanafeesto gacansaar muuqda iyo dabac buu u muujinayay dan iyo daaradna kama lahayn dhaqdhaqaaqooda siyaasadeed.
Maanafeesto waxay isu arkayeen in ay cid walba uga dhow yihiin xukumidda waddanka haddii uu Maxamed Siyaad banneeyo Madaxtooyada. Waxay ka gaws haysteen dawlado shisheeye. Oo si muuqata aan shanta ugula jirin siyaasadda waddanka. waxay ku dhiirrin jireen Maanafeesto in siyaasad dabacsan Mohamed Siyaad looga takhaluso.
Dagaalkii waa dabo dheeraaday. Sulux quus bay soo istaagtay. Mohamed Siyaad maalin walba Idaacadda ayuu ka hadlayey, oo ku dhawaaqayey in xabbadda la joojiyo. Ninnana dheg jalaq uma siinayn Xaajigaas. Siyaasiyiinta badankoodu waxay indhaha ku hayeen ama u hanqaltaagayeen kursiga Mohamed Siyaad barre ku fadhiyo. Xafiisyadii wasaaradaha midba maalin baa la bililiqaysanayay. Wax yac oranayey ma jirin. Guryihii Degmooyinka ee markii hore la oran jiray guryaha Hanuuninta dadweynaha mooryaan baa degtay. Rugihii booliska iyo Ciidammada qalabka sida—nooc kasta ha ahaadeene badankoodii waxay noqdeen kuwa haawanayay oo cidla ah.
Intayadii qaxa ku ahayd Buuloxuubay waxaan u badnayn kacaandiid, balse labada dhinac oo loo kala qaxayey waxaan door bidaynnay ka koofureed.

Aaggayagii waa lagu soo siqay. Joogitaan ma lahayn. Talo iyo xeelba waxaa la wareegay gaashaanle sare Axmed Ismaaciil Boqor. Waxaa uu soo jeediyey in aan guurno. Waa koowaad 21,1991. Dood-hoosaad dhexdayada ah baa bilaabatay. Haddii talada qof kayaba meel ka dhuftay, waxaa Maryan soo jeedisay in cod la qaado oo meeshii loo bato la isku raaco. Bardacad laga sugi mayn in uu cidna ku raaco ha la guuro, balse waxaa codkii u batay ha la guuro.
Labo beri ka hor baa Axmed Ismaaciil soo arkay guri loo guuri karo oo ku yaalley Xaafadda Booli qaran (guryo lagu dhisay hanti bulshadu u arkaysay hanti dadweyne oo la iska qaatay xisaab la’aan). Gurigu waxa uu saaran yahay jidka Koontaroolka Afgooye ka baxa oo aada dhismaha Cabdi Xoosh. Taliyuhu waxa uu ku doortay gurigaas u-dhawaanshaha waddada Afgooye u baxda, si kolka nabagelyadu sii xumaato hore looga sii qaxo Xamar.

Qaxii 3aad
Koobane kal baa galay. kalka Geeddi baa galay. Kulayl bayna soo galay. Juuw.
12
Baabbuurtii baannu ku hilnay. Waxii aan u baahnayn baan sii kala doorannay, gaar ahaan gogol fudud iyo maacuun. Waxaan tebay firaashkii koortii-Yucub. Waxaan iri, “Hooyo Maryan meeday koortii-Yucub?” Intay qososhay bay tiri, “Koortii-Yucub waxaa lagu furtay Dagaalkii Kooka- Koolla.”
Barqo dheer baannu degnay gurigii ku yaalley Booliqaran. Aniga, Salxaan iyo Faarax, waxaan u sii gudubnay guryihii Duuliye sare Qaasim Maxamed Cabdi iyo duuliye sare Maxamed Xaaji Faarax degganaayeen. Kii Qaasim baan ku hor marnay. Waxaa naloo sheegay in uu saakay Kismaayo u bixitimay. Dabadeed, waxaan ka sii aadnay kii Xaaji Faarax. Salaan kaddib waxaan u sheegnay in aan soo qaxnay. Xaaji Faarax hadal kale nagama sugine waxa uu isdaba dhigay erayo halhays u ahaa marka uu wax ka yaabiya arko. Waxa uu yiri, “Waa koow. Waryaa Alle yaqaan haye”. Oo hadda qax baad tihiin miyaa. Dabadeed, waxaan u sheegnay in Qaasim saakay u amba baxay Kismaayo. Sidaas oo kale, waxaan u sheegnay in Gaarane iyo Sheegow iyaga oo nabdoon u wareegeen dhanka Waqooyi ee magaalada.

Xaaji Faarax sidii maalintii hore ma ahayn. Dhiillo daran baa ka muuqatay, siiba markii aan u warannay. Dareen dheeraad ah buu geliyey warkayagii. Kama uuna war hayn in Qaasim saakay baxay iyo in kale. Xaaskiisa, Roodo markaas xaraar bay ahayd. Gabar labo jir ah iyo wiil dhowr bilood jiray baa iyana u joogay. Gaari baa guriga u dhex yiil. Meesha uu degganyahay iyo taan ku soo gurannay in cabbaar ah bay isu jireen.
Haddii aannu u hollonay in aan baxno, waxa uu yiri, “War haddee anigu ma aqaan guriga aad ku soo qaxdeene ha la iska war qabo.” “Waa yahay baannu niri,” waana ka soo tagnay.
Ayaamihii dambe, siyaasaddii ur waa u bixi waayay. Qir iyo qir bay tagtay. Dhibku waxa uu ka taagnaa, siyaasiyiinta. Waxaa majaraha u hayay dad Ganacsato ah oo maal geliyey shacabka ku fooggan dagaalka. Haddii qolo tanaasusho waxaa meesha ka baxayay kuwii sida cad ugu andacoonayey in ay muruqooda iyo maalkooda geliyeen dagaalka iyo siyaasadda. Waxay rabeen macaash dhaqaale iyo mid xileedba.
Xabbaddii waa sii labo kaclaysay. Waxa ay soo gaartay kulliyaddii Gahayr. Wiiftadu nagama dheerayn maalmihii dambe. boobkii iyo bililiqadii waxay noqdeen kuwa joogto u socda.
25 Jannaayo, 1991, waxaannu haddana talo ku gaarnay in aan ka baxno Xamar. Waxaan ka walwal qabnay in ay waddada kaliya ee baabbuurta aan wadanno mari karto ee Afgooye nagu xiranto. Afar baabbuur baannu haysannay. Waxaan u qoondaynnay in aan u kala raacno sidan.
1. Bardacad, Maryan Xaaji Muuse, Eedo Canab iyo Aniga.
2. Abdullahi Salxaan, Xaliimo Sacdiyo iyo labadeedii wiil.
3. Gaashaanle sare Axmed Ismaaciil, nin askari ah iyo Darawal.
4. Faarax Axmed iyo wiil makaanig ahaa oo ay
Salxaan isyaqaanneen.
Shidaalladii aan u baahnayn oo dhan baan dhaansannay. Markii aan jeerigaannadii biyaha aan ku shuban jirnay waxaan u istimaalaynnaa in aan shidaal ku qaadanno. Beryihii dambeeto ee xeryaha qaxootiga rag isku arkay. Buu Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Sangub tiriyay tuducyadan.
Kud ka dego Qanje u guur.

Darin iyo go’ wadatadan. Jeerigaan dawarisada. Teendhada ka-dooddadan. Waaba loogu dowgalay.
Galabtaas waxaannu aadnay gurigii Xaaji Faarax, si aan ugu sheegno in aan berri subax baxaynno. Waxaana naga furay walaalki. Waxa uu noo sheegay in Xaajiga iyo xaaskiisiiba ay laba bari sii maqan yihiin. Shalaanbood in uu carruurtii geeyey buu noogu daray. Cabdullaahi Salxaan baa kolkaas yiri, “Allay lehe Xaaji Faarax waa u ekaa nin tegaya markii noogu dambaysay.
“Kolka Awrka maan soo qabsado quusashaan ahaye” waa murti laga la haray laashin caan ku ahaa gabay la yiraahdo: Quursidiid. Waa Maxamed Ayax Dhowre.
Koobane kal baa galay. kalka Geeddi baa galay. Kulayl bayna soo galay. Juuw.
Habeenkaas hurdo walaac iyo kalka geeddi ku jirto baan seexannay. In naga mid ahi maba seexan oo cawadii oo dhan way is laba rogayeen, Waxay tebayeen Xigaaladooda ka maqan oo ayna meelna ku ogayn. Qaar baa geeri loo tirinayey. Haddana, qudhayada xaaladdayadu waxay taagnayd “Naftaadu orod bay kugu aammintaa.”
Si kastaba ha ahaatee, salaaddii aroornimo baan tukannay. Axmed Ismaaciil Boqor baa siiriga ama firimbi noogu dhuftay. Waxa uu yiri:
Inta aynnu gaaraynno koontaroolka Afgooye anaa idiin hor maraya, dabadeed dhinac baan isu taagayaa inta aad idinku dhaafaysaan koontaroolka. Dabadeed, baan idinka soo dabo bixi doonaa. Sidaas oo kale, afarteenna baabbuur inta aan safarka ku jirno waa in aynu isu muuqdaan had iyo jeer.

Alle mahaddi, wax dhib ihi kama jirin koontaroolka. Biro dhaadheer iyo fuustooyin isgoyska horay u oolli jiray baa dhinacyada laamiga yiillay. kontomeeyo tillaabo hareeraha jidka waxaa ka soo jeedjeeday ciidan qoryo haystay. Waxa aad moodday in ay xalay difaac meesha u galeen. Ma aannaan hubin ciidankii ay ka tirsanaayeen. Wax shiddo ah nooma geysan.
Reer Bardacad, waxa aan horay u soo sheegnay in ay Duullane iyo Cartan la qaxeen Abtiyaashood. Sidaas oo kale, Mahad Bardacad waxaa la sheegay in uu si nabad ah Xamar uga baxay. Balse meel uu jaan iyo cirib dhigay lama yaqaan.
Maahmaah baa waxa ay oranaysaa “Bad-dhac maluu ku hurdaa.” Ninka badda ka jillaabta waxa uu galabtii soo dhigtaa shabaag. Habeenkaas waxa uu maanka ku hayaa in wax un u galeen shabaagtii. Malahaasi waxa uu keenaa in uu subixii hurdada ku daaho. Anigu qof ahaan, waxaan iska saawaynayay in ilmahaygii nabad qabaan, balse, haddana, waxaan niyadda iska leeyahay Gaalkacyo nabaddeedu ma ahan mid la isku hallayn karo. Walaacaasi, intayadii wada socotay, qofba in buu ku joogay.
Haddana, in aan naftayada maadinno baa wax walba nooga horreysay. Muraadka koowaad waxa uu ahaa badbaadinta qudhayada. Soomaalida baa tiraahda: Qofkii tiisa daryeela baa tu kale ku dara— amaba waxa ay ahayd Eebbow na faki. Meeshaan u soconno malo-awaal mooye nooma sugna xaalkeedu.
Xaliimo Sacdiyo waxa ay ahayd qofka noogu walwal badan. Raq iyo ruux meel ay ninkeedii ku sheegto ma aqoon. Xishood bay u dhalatay jabkeedana waa qarsan jirtay. Balse mararka qaar murugada waa laga dareemayay. Faker joogta ah iyo aammusnaan badan baad ka arkaysay. Raage Ugaas baa tixdan tiriyay:
Sidii inan yar oo
Hooyadeed aakhiro u hoyatay Oo aabbaheed aqal mid kale meel
ilina seexshay
Hadba waxaan la ugugoonayaa uur kutaallada e’.

Ilmuhu ma ogsoonayn dhibka ay hooyadood ku jirtey. Waa na barteen oo nala qabsadeen intayada wada qaxaysa. waan isku maaweelin jirnay la-cayaaristooda. Xaliimo meel shishe bay naga ilbaadsan jirtay. Way ilka caday jirtay iyada oo la socota hadba sida ciyaarta iyo koolkoolintoodu u socoto. Way isku hilmaami jirtay fiirintooda. Haddii ay dareento in aan ag-joogiddeeda la soconno intay hoos dhugato bay dhaqaaqi jirtay.
Gaashaanle sare Axmed Cumar Jees inta aan dagaalku ka qarxin Xamar buu soo galay Gobollada Bay iyo Bakool. Iska hor imaad buu kala kulmay degmooyinka qaarkood. iska caabbin iyo dagaal culus baa degmooyin ka tirsan gobolka Gedo uga timid. Jubbada hoose iyo tan Dhexena weli ma gaarin. Beryihii dambe waxaa la soo sheegayay in uu xagga Afgooye u soo siqayo. Cabsi weyn baan ka qabnay inta u dhexaysa Xamar iyo Afgooye, iyo inta u dhexaysa Afgooye iyo Shalaanbood. Saas oo ay ahayd, odayaasha xabsiga ku raagay dan ka ma u lahayn ee askar warma-qabto ah in ay na hesho baa noo darrayd.
Badanaa, dadka Xamar ka soo qaxay waxa ay daadsanaayeen waddada hareeraheeda. Marar badan, waxa ay dhanka Afgooye ugu soo cararayeen bal in ay ka durkaan madaafiicda iyo xabbadda wiiftada ah ee Xamar ka jira. Carruur iyo haween bay u badnaayeen. Meelaha ugu daran waxaa laga soo bilaabayay Ceelasha Biyaha. Ceelashu waxay ahaayeen ceelal laga qoday waddada hareeraheeda oo biyaha siiya dhammaan magaalada Muqdishu. Waxay lahaayeen dhowr meelood oo ah barkado kor u dhis ah. Sidaas oo kale, waxaa jiray Ceelal biyood ka qodan waddada Balcad aadda hareeraheeda.
Xilligu waa subax hore. Gaadiid badan oo laboda jiho ee laamiga u kala socdaahi ma jirin. Dadkase waxaan arkaynnay kuwa inta xalay meel ku hoyday sii lugaynayay. Waddada hareeraheeda oo uu dadku ku lugaynayo waxay ahayd bacaad Cagtu ku ruubanayso. Waxaa aagga ka baxa Geedo qodax leh sida qura ama aqab, geed garoob iyo Tiintiin. Bacaadka hadba dabayshu labo rogayso waxa uu duugayay oo qariyey qodxo halis u ah dadka lugaynaya.
Waannu sii soconnay. Balse, wax baa nagu soo kordhay. Axmed Ismaaciil baa noo seenyaaleeyay. Waxa uu shiday nalka hore ee Gaarigiisa. Waan isdabo istaagnay. Baaqiisu waxa uu ahaa anaa idiin hor maraya ee isoo daba socda. Waannu sii soconnay. Baqdinta nagu jirey, qoraa ahaan erayo uma hayo, balse Dhurwaa ama Waraabe baa baqdin wax laga

weyddiiyey. “Anigu ma baqo” wax aan ahayn baa afkiisa laga waayey. Kolkaas baa lagu yiri, “Iyada oo habeen ah miyaan hortaada Dhebed ka kicin (Dhebad waa shimbir badanaa dadka habaynkii guuraynaya ka nixisa). Kolkaas buu yiri, “Taas baqdin lama yiraahdo ee waa wadnagooyo.”
Eebbe baa qofka uu rabo badbaadshee, nabad baan ku dhaafnay Afgooye. Markii aan maraynno Xabsiga Laanta-Buuro buu istaagay Axmed Ismaaciil. Waannu dabo istaagnay. Xabsigu waxa uu ahaa meel laga guuray oo la bililiqaystay. Taariikh iyo Xusuus buu Bardacad iyo Axmed Ismaaciil noloshooda ku reebay.
Sidaas oo kale, Maryan iyada baa qof adag u dhalatay ma ahee, xabsiyada waxii ka soo maray ma ahayn wax qormo yar lagu soo koobi karo. 21kii sano oo kacaanku jiray, waxa ay iyada u ahayd cadaab adduun. Dhur iyo dhaqanba waa seegtay. Huq iyo ciil bay qabtay. Waxa ay lahayd samir iyo iimaan ay intii taqaannay u wada qireen.
Waannu soo degannay oo u tagnay Axmed Ismaaciil. Waxa uu ka sheekeeyey sidii dadka loogu caddibi jiray meeshan. Axmed in uu taariikh na xusuusinayay mooyee dan iyo shido kama ahayn. Waa uu faraxsanaa markii uu noo sheekaynayey. Askartu in ay kala fiicnaayeen buu noo sheegay. In kuwo amarro iyaga u gooni ah oo cidi la wadaagin ku shaqaynayeen buu noo sheegay. intii uu Axmed noo sheekaynayey Bardacad Gaarigiisa ayuu isaga jiray oo ma soo degin. Labaatankoo dabshid ama nur sanooyin dhiman buu meeshan iyo meelo kaloo la mid ah ku xirnaan jirey. Noloshiisa intii ugu macaanaan lahayd halkaas buu ku cadaabnaa.
Dib baan ugu laabannay gawaaridii. Waxaan tagnay Shalaambood. Durba waxa aan raadinnay Maxamed Xaaji Faarax. Waxaan ku raadinnay tilmaan uu na siiyay walaalki oo aannu shalay gurigiisii ugu tagnay. Gurigii waa helnay. Roodo, iyo carruurteedii oo reero marti ugu ah baannu u tagnay. Waxa ay noo sheegtay in uu Xaaji Faarax shalay aaday Beerta Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cusmaan, ee ku taal meel u dhexaysa Shalaambood iyo Qoryooley. Waxay noogu dartay in meeshaan aad looga cabsi qabo in ciidammo uu wato Axmed Cumar Jees soo galaan, sidaa darteed buu odayaal kale ugu raacay guriga aadan cadde. Waxaan ku niri, “Nagu salaan una sheeg in aan u qaxnay Kismaayo.”
——————————————————————————————-
14 Mundul-Baraawe Jilib
Koobane kal baa galay. kalka Geeddi baa galay. Kulayl bayna soo galay.
Juuw. Juuw.
Dhankii baabbuurta baan u dareernnay. Waxaannu soo aragnay in annaga iyo kuwa jidka ku rafaadsanba ay aad ugu baahi qabaan biyaha.

Intii aan qaadan karnay oo biyo ah baan buuxsannay. Weelashu waxa ay u badnaayeen Caagado waaweyn.
Darin iyo go’ wadatadan. Jeerigaan dawarisada. Teendhada ka-dooddadan. Waaba loogu dowgalay.
Erayada kore ee Sangub baa xaaladdu ku bannaanayd. Axmed Ismaaciil baa siiriga noogu dhuftay oo noo hor maray. Martigaliyeyaashii ilaa aan ka libirnnay way noo gacan haadinayeen, annana waan u ducaynnay.
Mundul-Baraawe waa bar Koontarool oo waddada Jilib iyo Shalaambood u dhexaysa looga leexdo magaalada Baraawe. Meelo dadka safarka ahi wax ka cunaan iyo Dhismayaal aan badnayn baa markaas ku yaalley. Waxa ay jilib u jirtaa ku dhawaad 180km.
Haddii aan ku soo dhawaannay dhismayaashii, waxaan aragnay dad xayn-xayn u kala dhooban. Gawaari intii hore ka badan oo xawli ku dhaafaysay magaalada baan arkaynnay. Bartii koontaroolka ahayd oo shalay askari joogtay cidna nooga ma muuqan. in kolley wax un isbeddeleen baan dareernnay.
Ugu yaraan shan boqol oo mitir markii aan u jirno koontaroolkii, baa Axmed Ismaaciil baabbuurkiisii istaajiyey. Waa uu soo degay. Waxa uu yiri, “Bartiinna ha ka dhaqaaqina inta aan ka soo fiirinayo waxa koontaroolka iska beddelay. Dadkii kooxaha u kala dhoobnaa buu u tagay oo waraystay. Dabadeed, gacanta ayuu noo haadshay oo yiri, “Soo dhaqaaqa.”
Durba waxaan helnay waxii isbeddelay oo ahayd in Jeneraal Maxamed Siyaad Barre mudo aan fogayn meesha maray. Dhanka Kismaayo ayuuna u jahaysnaa.
Xaaladdu si kasta ha ahaatee, Kolleyba Maxamed Siyaad wafdi ahaan markaan meesha kuma marin. Xaruntii uu dalka uga talinayey ayuu nabad la’aan uga soo baxay.
Xalaaddii dalka cid walba waa ka dheregsanayd. Dhowr bilood oo weliba bishii u dambeysay, Jannaayo 1991 in uu xaruntiisa, ama madaxtooyada bes ku sugnaa waa lala wada socdey.

Si ay ahaydba, markaas, waxay u ekayd:
Cishaan lagugu soo bixin
Adoo cararay maantiiye Calal dhiigle iyo yahanad arag ciira galabeede.
Waa erayadii Faarax Laajeer
Arrini waa sii xumaatay, oo meeshii ay shalay joogtay waa ka sii durugtay. Annaguse awalba qax baannu ahayn. Gaariyaashii baan karaar sii siinnay. Dhanka Jilib iyo Kismaayo baan u shubnnay.
Jidku aad buu u burbursanaa. Laami hore ayuu ahaa. Meelaha qaar sida aad u socoto buu bacaad ka noqonayey. Buundooyin hoos- udhis ah buu lahaa. Gawaaridu sida ay xoog ugu socotay bay buundada ku soo baxaysay. Isla markaasna waxay u lalayeen kor, haddana dhulka bay ku soo dhacayeen. Xawaarahayaga waxa aad moodaysay sida gawaarida tartanta oo kale. Jeerkaas ka hor, anigu dhulkan hore uguma aanan safrin. Haddana, markaas, dhanka aan u safraynno, doorasho uma aannaan lahayn. “Naftaadu orod bay kugu aammintaa” bay joogtay.
Faarax dalxiis baa mar gaarigiisii jidka kala baxay. Dhowr mitir buu geedo jiiray. Ilaahay baa na badbaadshay ee waan sigannay.
Intayada qaxaysay, gaar ahaan duuliyeyaasha, aniga, Salxaan iyo Faarax, markii aan tababarka u aadnay Maraykanka, 1980-kii waxaa nala dejiyey meel gegi diyaaradeed ah (Airport), oo la yiraahdo Litchfield Airport. Waxa ay ahayd kobtii naloo ku talogalay in aan ku qaadanno tababarka iyo Aqoonta duullimaadyada. Waa ay ka fogayd magaalada weyn ee phoenix, ee Gobolka Arizona.
Dhowrkayagii qofba waxaa la siiyay gaari. Balse, Nasiibdarro, intayadii soomaalida ahayd midkayana si loo kaxeeyo gawaarida ma aqoon. Waxay noqotay in tababarkii diyaaradda dib loo dhigo oo gawaaridii laba toddobaad nala baro. Waa qaab waxbarasho oo weli aan door wanaagsan la siin ardayda ku jirta dugsiyada dhexe Iyo Sare. Waa waajibaad qof kasta oo 15 jir noqda gar u leeyahay in uu barto.
Sidaas oo kale, raggu mar walba jabkiisa ayuu ka sheekeeyaaye, markii aan ka soo baxaynnay dalka Jarmalka Galbeed,

oo aannu muddo ku qaadanaynnay duruusta duullimaadka, Safaaradda maraykanka oo ku taallay Magaalada Boon ee Caasimadda Jarmalka galbeed way noo diidday Fiisihii(dalku-galkii). Waxayna tiri, “Baasaboorradiinnu waa beenabuur.”
Waagaas, baasaboorka Soomaaliga filka qofka bes baa lagu qori jiray. Waxay ahayd oo kaliya sannadka qofku dhashay. Maalintii iyo bishii aad dhalatay kuma qornayn. Tusaale. Waxaa qornaa oo kaliya 1965, ama 1971 in qofku dhashay midkood oo kale. Waxay noqotay in wasaaradda Arrimaha dibedda laga soo caddeeyo Baasaboorrada aan wadannay, sidoo kale waxaa nalaku khasbay goortaas in aan sheeganno dhalasho cusub oo ku aadan maalinta iyo bisha qof walba dhashay, si shahaadada aan qaadanayn loogu qoro dhalasho buuxda.
Tu kale, baasaboorka markaa jiray oo lagu magacaabi jiray Madoobadheere, boggiisa u dambeeya waxaa ku yaalley, “Laguma tagi karo: Israa’iil (Israel), Koofur Africa (south Africa) iyo Naamiibiya (Namibia).
Waa waayo-waayo e’, in kasta oo duuliye ahaan aan aad u safri jirnay, safarradayadu saacado kooban bay ahaayeen. Waxaan ugu kala gooshi jirnay diyaaradihii Fokkerta iyo Dornierta magaalooyinka hoos ku qoran iyo saacadaha ku hor yaal.
1. Mogadishu > 2. Mogadishu > 3.Mogadishu > 4. Mogadishu > 5. Mogadishu > 6. Mogadishu > 7. Mogadishu >
8. Mogadishu > 9. Mogadishu > 10. Hargeysa>
Bossaso 3:05.
Ethiopia > Hargeysa Dun-ku-Qooq > Hargeysa
Garoowe
Kismaayo
Dun-ku-Qooq > Burco
Gaalkacyo
Nairobi (Keenya)
Addis Ababa
Dijabuuti 1:05
Haddaba, duullimaadyo saacado badan qaadan jirey ma aannaan duuli jirin. walow aan dib ugu laaban jirnay xarunta shirkadda oo ahayd Mogadishu, haddana, mar kasta labo duuliye baan isku raaci jirney.
2:10. 3:00.
2:10. 1:10. 2:40. 1:35. 2:45. 2:45.
31
Waxa aan barannay in noloshu shaqadeeda wadato, oo haddii aadan si wanaagsan uga hammin waxa berri imaan kara, aad noqonayso caleen dabayshu wadato. Dhowr bilood ka hor, dagaal sokeeye dad buu dhayal la ahaa. Daniba tiriye, geeddi dheer ee aannaan dooran ee burbur qaran keenay awgeed, in aan ismaaweelinno bay noqotay. Cajlado ay ku duubnaayeen heeso iyo gabayo baan anigu watay. Baaritaan baan ugu dhaqaaqay.
Haddana, in la sii kala doorto bay noqotay. khaanaddii gaariga ayaan xulay. Hadba intaan mid eego baan dib u celinayey. Kol dambe baan inta hakaday isla hadlay. Waxaa igu soo dhacday dadka kale oo gaariga kula saaran dookh ma u leeyihiin in ay gabayada iyo heesaha dhegeystaan. “Tixgelin iyo qaddarin in ay mudan yihiin” baan iskula dooday.
Kolleyba, waxaan si fiican ula socday in Maryan Muuse ayna heesaha nooc kasta oo ay yihiinba dhegaysigooda ku jacsanaan jirin. Balse, in ay aad u qaddariso murtida iyo xikmadaha kale sida gabayada iyo Sheekooyinka la xiriira taariikhda Bulshooyinka. Cajlado filim taxane ah laga fiirsado oo Carabi ku hadlaya baan keeni jiray guriga, wayna noo fasiri jirtay. waxaan ka xusuustaa qiso la oran jiray “Laa yaa Bintii Casiisa”. film dheer buu ahaa oo waagaas laga dabo dhacay. dhanka kale, Yuusuf Bardacad, wax Akhris iyo wax qorid baa hankiisu u badnaa. Buugaag buu mar walba akhrin jiray. waxay u badnaayeen Siyaasadda iyo Sharciga. Hoosta ayuu ka xarriiqi jiray meelaha uu u arko muhiimka, amaba waa uu qoran jiray meelahaas. Maryan tarmuus shaah ah bay u soo dhigi jirtay marka uu bilaabo wax akhriska. waayihii dambe, marka uusan maxbuus ahayn, waxa uu wax ku akhrisan jiray Baarka Kaalinka Shidaalka KM 4. Ee ka soo horjeeday Hotel Naasa Hablood. Waa lagu bartay meeshaas. waxaa ugu imaan jiray dad siyaasiyiin u badan. waxaa kale oo ku weheshay koox hadba isbeddasha oo nabad-sugid ah. Miiska ugu dhaw meesha uu fadhiyo bay fariisan jireen. Dhabarka ayey u jeedin jireen. Qof keli ah haddii uu yahay joornaal buu wax akhrisanaya iska dhigi jiray, dhegtuse xaggiisa ayay jirtay. Haddii ay labo yihiin sheeko gaaban bay qabsan jireen. Waxa uu marar u yeeri jiray wiilka Baarka ka shaqaynaya. Shaah ragga miiskaas fadhiya u gee buu dhihi jiray lacagtana waa u qaddimi jiray.
Dabadeed Nabad-sugiddu waa ay ku caroon jireen wiilka adeega ahaa, kaddibna waxay oran jireen “Yuusuf maxaad u bixisay

shaaha?” Waxa uu ugu jawaabi jiray “Anaa Miiska idiinka soo horreeyay dhaqan baana u leenahay in hadba qofkii miiska u soo hor fariista in uu kharashka bixiyo.” “Oo ma annagaa isku miis ahayn” bay oran jireen. “Kol haddii aan sheeko wadaag ahayn miisku waxba kuma toorna,” buu haddana oran jirey. ilaa laba jeer baa Yuusuf Bardacad laga watay Baarkaas oo la xiray isaga oo wax ku Akhrisanaya. Buugaagtii uu goorahaas Akhrisanayayna hal mar ma ahee way la tageen. Intii aan la gayn xabsiyada Baraawe iyo labaatan jirow wuu soo dalban jiray Buugaag uu akhristo, kuwa siyaasadda iyo Falsafaddii Shuuciyadda khuseeya looma oggolayn. Waxaan u gayn jirnay kuwa u badan Sharciga. In ka badan toddobaad bay haysan jireen buugga oo ay baari jireen waxa ku qoran iyo ujeeddada uu ka leeyahay akhrinta buugga.
Si kastaba ha ahaatee, hammigaas intii aan ku jiray baa Bardacad yiri, “Cajladda aad gacanta ku hayso maxaa ku duuban?” “Abti Gabaygii Sayid Maxamed Cabdille Xasan ee Dardaaran baa ku Duuban.” Maryan oo na maqlaysay baa tiri, “Bal Cabdullaahi noo shid hooyo taas.”
Haddaba, inta aynaan eegay tuducyadan gabayga Dardaaran Sayidka, aan hordhac samaynno. Sayidka aad buu afka ugu dagaallami jirey dadka uu u gabyana waa caayi jirey. Weliba, waxaa gabayadiisa ka buuxa tilmaamo xubnaha taranka ah.
Min daroof leh
Aqal daahyo weyn Dadab la heenseeyay
Dermo iyo furaash la isu dhigay Daallan iyo googgo’
Anigoo waxaan doono iyo
Darajaday haysta.
Inta hore waa ku tookhay, oo barwaaqo uu haystay buu tilmaamay. Tuducyada soo socda hantidii laga meersaday buu tilmaamayaa.
Dumbuq summuca degalkaan ka kacay Dahab waxii jiifay

Dakhal jabay waxii daar burburay Ama bukaar duugmay
Duurka iyo hawdkii
Waxii duunyo lagu dhaafay
Lo’ durdura waxii nalaga dhacay Dalawidii geela Adhi
daad masaal ah
Waxii nalaga sii daayey Diriciyo waxii Sheikh la dilay, Culummadii diinka.
Wixii duubcaddii ay wadhnayd, Bixin duleedkeeda Dooxada Garoowe ah waxuu
Haadku, dulufaaday
Dirirtii Nugaaleed waxii nalagu dooxaayey Waxii diricyadaydii kufrigu,
daabaca u qaaday Duqow
iyo dhallaan iyo waxaan dumar na loo reebin.
Sidii aan hor u soo sheegnay, Sayidku sida uu doono buu gabayga u tirin jirey. Tuducyada soo socda waxa uu daaha ka qaadayaa gaboodfal loo geystay. Ingiriisku buugaag badan buu ka qoray halgankii Sayidka. Waxa uu halgankii Sayidka ugu yeeraa “Dawladdii Wareegeysiga.”
Hase yeeshee, dhanka gaboodfalka haweenka, si baahsan ugama hadlaan. Dhab ahaanse, waa loo baahan yahay in baaritaan lagu sameeyo. Waxa aan filayaa haddii si wanaagsan loo baaro, in la soo dhaweeyo dhabta dhaqankii Sayidka iyo haddii Ingiriisku isna marar si xun ula dhaqmi jirey shacabkii dawladdii Sayidka kolka laga adkaado.
Maxajabad daboollayd waxuu gaal dukhuulaayey War

caadhkii dahaadhnaa waxuu dubuq ku siinaayey Gabdhahay dillaacsheen waxuu dhiiggu dibiqleeyey Iimey degteedii waxay Duumo nagu laysay Daltabyeysigii nagu dhecee, Duufka na cunsiiyey Dulinkii kaneecada
waxaan duudka ka cadhownnay
Diihaal waxii uu na baday Daafi cuniddiisa Dabaley
Caruusaad
Waxaan deris-xigaal moodnay
Durufley Amxaaradu
Waxay nagu dinnaahyeysay
Dullihii shareerraa waxii,
Daal na caga gooyey
Dul-ku-neefle kaan soo ag maro, duullaan ka hor geyska.

15 Jilib
Intaa markii ay maraysay baannu soo galnay daafta hore ee degmada Jilib. Saacaddu waa 12:00 duhurnimo markaas. Waxay ahayd meel ay buux dhaafsheen dadkii ka soo qaxay Caasimaddii Soomaaliya ee Xamar. Daafta hore ee waqooyiga xigta oo aannu ka galnay magaalada, waxaan ku arkaynnay deegaanno cooshado ah oo laga dhisay geedaha hoostooda. Ulo dhis ah iyo oodo baa qoys walba u dhisnaa, ama ay dhisnaayeen markaas. Baakado iyo jawaanno baa qaar dusha u saarnaa. Ciridda iyo dhaxantaba bay iska xijinayeen. Dab baa ka baxayay ama ka qiiqayey deegaannadooda.
Dad haween u badan oo xagga magaalada ka imaanayay baa xambaarsanaa Jeerigaanno biyo ku jireen. Intii aanan soo gelin aagga Magaalada ama aan ku soo dhaweyn, waxaa jidka hareerihiisa marayay Gabdho iyo Wiilal yaryar oo madaxa xaabada la shito u saaran tahay. Koox-koox iyo kali bay u socdeen. Haddii aan u sii gudubnnay dhismeyaasha deegaankii hore ee magaalada jilib intii aan lagu soo qixin, dadku waxa uu tubnaa dariiq walba. Waxaad moodaysay in dadku guryaha ka soo baxeen, balse kama soo bixine magaaladu dad bay la ciir-ciiraysay.
Sandaqado badan oo dhawaan la dhisay baa dadku ka shaahaynayay. Kuwo waa lagu Cuntaynayay kuwana waaba lagu qayilayay. Waxaa u badnaa oo ka shaqaynayay Gabdho. Baabbuur badan ayaa hareeraha jidka taagnayd. Qaar baa sidayada safar u ahaa Kismaayo. Qaar farsamo baa ku socotay. Badankood, taayirrada ama shaagagga baa laga beddelayey.
Intayadii wada socotay qaar ka mid ihi xuuraan iyo in aan war helno bay u degeen. Dadka magaalada joogay war naguma dhaamin. Maxamed Siyaad Barre iyo intii la socotay qofna ugama hakan magaalada. Xawli bay ku dhaafeen. Taleefan iyo isgaarsiin loo qaateen ihi waddanka dhammaantiis kama jirin. Degmooyinka qaarkood dagaalku aad uma saamayn waxaana shaqaynayay isgaarsiinta Booliska.

Idaacadda BBC oo aan kolley laga filan markaas faahfaahin badan baa dadku sugayey. Waxay kolkaas soo geli jirtay 5:30-ka galabnimo iyo 9-ka fiidnimo ee waqtiga Soomaaliya. Buushashka waxaa looga boodhaadhiyayay in Maxamed Siyaad Madaxweyne yahay iyo in kale. Doodo kulul baa ka dhex jiray. Kasho uma aannaan hayn, in aan waqti dheeri ah siinno dhegaysigooda.
Haddii aan ku laabtay dhankaan baabbuurta ku ogaa, waxaan la kulmay Eeddo Canab oo Boorka ka jafeysay gaarigii aan wadannay. In muraayadaha hore si ku meel gaar ah loo tirtiro ma aheen, ma aannaan hurayn Boor iyo siigo ku masaxanta dhamaan oogada Gawaarida. Waxaa sidii caadiga ahayd siiriga noogu dhuftay Kornayl Axmed Ismaaciil Boqor. Waxaan ku dhalan-dhoollay milicda qorraxda. Waa dhammaadkii Bishii Jannaayo. Jiilaal baa
lagu jirey, oo dayrtii la soo dhaafay si fiican uma di’in meelana waaba laga waayay. Dhulbarihii baa nagu dhawaa oo labo toos milicdu nooma turayn. Qorraxdu waxay jirtaa dhanka cirifka Koofureed ee dhulka. Sanguuni oo Dhulbaruhu maro bay ka tillowday bishii September 23-keedii. Waxaa la filayaa in ay haddana u soo noqoto dhanka Cirifka waqooyi bisha Marso 21keeda.
In kasta oo deeqda Alle mar kasta la filan karo, xilli-roobaadkii guga wax badan baa naga xigay. Culimmada Saadaasha Hawadu waxay ku qiyaasaan roobka Toddobka loo yaqaan oo marmar la helo in uu da’o bisha Marso 8-deeda. Balse bilowga, gugu waxa uu u diiwaansan yahay in uu da’o ugu horreyn bisha April kowdeeda ilaa 15keeda, in kasta oo uu ku soo kala hor maro geyiga Soomaalida.
Waxaan filaynnay in aan ka tillowno webiga Jubba. Buundooyinkii jiiftada loo dhisay iyana waa sii bateen, Degsiimooyinka reer guuraagu uma badnayn meelaha aan ku safraynnay. Abaar baa looga guuray. Waddadu wax badan kama foga Xeebta. Waa dhul hooseeya. Waxaa xaqiiqo ah in kala sarraynta dhulku wax ka beddesho cimilada. Meeluba meesha ay ka sarrayso bay hawadeedu ka qabowdahay meelaha jooggoodu hooseeyo.
Si kastaba ha ahaatee, baabbuurta qaxa ihi waa sii bateen. Laankuruusarro bay u badnaayeen xawli bay nagu dhaafayeen. Waxaa loo tirinayey in ay wadatay madaxdii dawladdii kacaanka. Baqo ayay ahaayeen.

Adiguba caqlaad leedahee carar maxaa dhaama. Sayid Maxamed Cabdulle Xasan oo qirtay in la jebiyey baa laga la haray. Annaguna waa ka daba shubnay. Dad qax ah oo lugaynaya ma jirin markaas ama aaggaas, balse waxaa jiray gawaari geedaha foodda kula jirtay. Dad baa ka ag muuqday. waxaan u malaynaynney in shidaalku ka go’ay. halis bay u ahaayeen dhammaan habar Dugaag iyo halaq hoose intaba.
Waxaan sii xawaaraynnaba, dhul dhoobay ah baan galnay. Boorkii iyo siigadii waa sii bateen. Xeeladi waxa ay noqotay in aan kala dambaynno ilaa boqol tillaabo, si ay siigada gawaaridu tuurayso u dhaafto ka kale ee soo dabo socda.
Markaas, dabayshu waxay ka soo dhacaysay waqooyiga oo ah dhul birri ah. Waxay ahayd Hawo qallalan (dry air), balse aan saas u xawli badnayn. Cirka wax daruur ihi ma saarnayn. Qoraxdu waxay naga haysay xagga Muraayadda Midigta ah. Waqti ku xun safarka ayuu ahaa xilligu.
Hawo qaboojiyaha Gaariga ma aannaan daaran Karin oo waxaan ka bakhaylynnay Shidaalka. Ha u baqan Bariirow sannadi waa bi loo kale e’. Ma aannaan joogsan Tuulada Sanguuni. Waxaan si nabad ah ku galnay Kismaayo. Saacaddu waxay ahayd 4 tii galabnimo.
AUN Muuse Boqor gurigiisa oo ku yaal bartamaha magaalada baan tagnay. Xaas iyo carruur baa guriga horay u deggenaa. Waxaa ku soo kordhay qaybo kale oo ka mid ah Xaajiga Xaasaskiisii iyo carruurtiisii iyo waliba ehelo kale oo qoyska ka tirsanaa. Way naga soo horreeyeen. Cid war siisayba waa naloo toog hayay. Oon iyo Daal baan dhanqalan la ahayn. Gurigu deyd weyn buu lahaa. Gawaaridii baan ku xaraysannay. Meel walba oo guriga iyo deydkiisa ahba waxaa buux dhaafshay dad.
Si kastaba ha ahaatee, Yusuf Bardacad qol baa lala wadaajiyey laba oday oo horay u joogay. Intayada gawaarida wadata tirada kuma jirin oo xilligaas ninkii gaari lehi, hooy iyo harsiimaba isaga ayaa u ahaa. Gawaaridu, nasiib wanaag, gudaha bay noogu jirtaa. Siraad oo ahayd Xaaska Xaaji Muuse Boqor baa tiri, “Maryan aniga ii daaya, dadka kalena ha looga eego meelo ku habboon deydka dhexdiisa.” Intaa markii ay afkeeda ka soo baxday baa Maryan ku tiri Aayadeed siraad, “Alla Hooyo, Xaliimo Sacdiyo iyo Wiiilasheeda,” oo farta ku taagtay wiilashii iyo hooyadood. Xaliimo markii ay dareentay in indha badan ku soo jeedaan bay hoose luqunta u laalaadisay indhaha baalashoodana ka big siisay.

Xaajiyo Siraad iyo dadka aan guriga ugu nimid qofna horay looguma sheegin dadkan martida ah waxay kala yihiin, gaar ahaan Xaliima- Sacdiya iyo carruurteeda. Hal mar baa la iswada dhugtay. Dareen iyo shucuur kacsan baa lagu eegay Carruurta iyo hooyadood. Fartaaggii Maryan kaddib, wiilashii mid baa ku soo orday Maryan. Maryan intay kor u qaaday bay dhamanka ka dhunkatay. Oo haddana sinta saartay. Kii kale oo ay hooyadi gacanta haysay baa ka soo daba orday walaalki oo lugaha isaga maray Maryan.
Xaajiyo Siraad waa Maryan aayadeede waa yaabtay. Dareenkeedii waxa uu siiyay in ay go’aan qaadato. “Geesi Alle ma xiro” waa murti Soomaaliyeede, waxa ay farta ku taagtay Xaliimo-Sacdiyo oo tiri, “Hooyo Ina keen.” Maryan inta dhugatay xaajiyaddii oo ilka caddaysay bay tiri, “Mahadsanid hooyo.”
Waxa ay dhammaantood u dillaameen xagga dhisma guriga. Dadkii goobta markaas dhoobnaa waxay bilaabeen xan iyo nuxnux ay ku ogaanayaan dadka ku soo kordhay waxa ay yihiin ama ay ka kooban yihiin, gaar ahaan Xaliimo-Sacdiyo iyo carruurteeda.
Waa adduun iyo xaalkiise, Cabdullaahi Salxaan baa hoos waxa uu ka diray wiilkii la socday oo yiri, “War heedhe naf baa na haysee meel wax laga cuni karo noo soo eeg. In cabbaar ah ayuu naga maqnaa. Haddii uu soo noqday waxa uu yiri, “Badanaa makhaayadihii waa la xiray. Mid xoogaa noo jirta, baa jirta, waxayna hayaan kalluun iyo Muufo kaliya, haddii aannaan ka gaarinna dhaqso ayaa loo xirayaa. Wiilkii waxa uu noo sheegay in uu shan casho ka soo carbuuntay. Kabaha ayaan illannay. Waxaa isna soo kacshay Yuusuf Bardacad. Waannu isdaba qoodaynnay. Saacaddu markaas waa 5:30 galabnimo.
Xilliyadaas, haddii aan gawaarida ka saarno gudaha deydka guriga, soo-noqodka meel la dhigo lama helayo, oo deydka guriga dad baa meeshii bannaanba Gogol dhiganayay. Yuusuf Bardacad uma aannaan sheegin in muufo un casho loo hayo oo aannu kolkaan muufo-doon ahayn. “Iga gawrac Geenyada Rag baa go’inna noolayne” Sayid Maxamed Cabdille baa laga hayaa, oo uu yiri kolkii ay Daraawiishi jabtay. Makhaayaddii oo aan markaas qofna cunta u fadhin balse nala sugayay baan tagnay, Muufadii baa la soo daadshay. Yuusuf inta i dhugtay buu yiri, “Cabdullaahi ma muufo ayaad dadka ugu yeeraysay? “Anigu haddee si loo jabo waa aqaannaa” buu inta qoslay ku daray.

Waxaan u qaatay in uu u jeeday waxii uu xabsiga rafaad ka soo maray, runtiina waa ahayd. Inta kacay baan madaxa ka dhunkaday oo xagga makhalka ka sii aaday. Waxaan weyddiiyay in wax kale oo cunto ahi hartay. Waxay ii sheegeen ilaa afar casho, oo kale oo dad u ballansan in ay jiraan. Waxa ay raaciyeen in haddii inta aan cashaynaynno la waayo ay naga gadi doonaan. Nasiib wanaag waa la waayay dadkii cashadu u ballansanayd. Waxaan u geynnay cashadii Maryan Muuse iyo intii nala socotay oo ku hartay guriga.
Intii aan cashada ku maqnayn baa Maryan war bixin laga siiyay wiilasheedii iyo walaalaheedii ka soo qaxay Xamar.
Eheladii Xaaji Muuse boqor badankoodii waxay laba maalmood ka hor raaceen doon. Magaalada Mombaasa ee dalka Keenya ayay u kicitimeen. Duullane iyo Cartan haddii ay tashadeen, Duullane waxa uu yiri, “Innaga oo aan hooyo iyo aabbe meel ku ogaan ma wada tagi karno. Midkayana ma joogayo meeshaan Colaadda iyo dirirtu ka socoto ee Cartan adigu raac doonta aniguna Xamar baan ku laabanayaa.” Duullane maalinta aan Xamar ka soo baxnay buu Kismaayo ka ambabaxay, oo Xamar dib ugu u laabtay. Baadigoob war iyo wacaalo meel ay jaan iyo cirib dhigeen hooyadi iyo aabbihi buu go’aansaday in uu uga soo xulay magaalada.
In kasta oo Maryan ay kelyo-adayg u dhalatay, haddana “jirki la haye jidiin kama qoslo” waa murti Soomaaliyeed. Iyada ayaa markii hore soo ambobixisay wiilasha. Abtiyaashood bay ku soo dartay. Gacan aammin ah oo ay ku kalsoon tahay bay ku ogayd. Waxay qabaan bay la qabeen. Waxa ay uga hartay oo ay raadisay saygeedii oo dagaal ku qabsaday warshaddii kooka-Koolla. Meel ciriiri ah buu ku jiray xilligaas. Waxay soo martayba way la soo cid gashay. Waxay filaysay in ay wada kulmaan reer Bardacad oo dhan. Bad iyo birriba meel ay ku sugan yihiinba nabaddooda mugdi baa ku jira kolkaas.
Sidaa si la mid ah, Mahad Bardacad oo aan ka filaynnay Kismaayo waxaa naloo sheegay in uu mashruucii fidinta beeraha ee Afgooye joogay. Libin Bardacad oo xaas ballaaran ahayd wali warba looma hayn, iyana waxa ay ahayd tu kale oo walwalkeeda lahayd.
Waa Adduun iyo xaalkiise, Habaynkaas waxaan la seexan weynay Kaneeco iyo kulayl. Waxaa intayadii gawaarida u hoyatay u weheshay hurda xumo aannu gawaarida majaha ku fidin weynay. Waxaa kale oo dhib naga haystay xagga Musqulaha oo aan in badan saf ugu jirnay. Guriga,

ayaantaas waxaa caado u ahayd in haddii Salaadda Subax la tukado dadku Gogoshooda ka laalaabtaan. Waxaa jiray dad dhaawac ahaa oo Isbitaallada boos looga waayay. hadba labada Derbi hooskooda Subax iyo Galab midba mar baa gogosha loogu qaadayay. Daydka shaqaale ayaa nadaafaddiisa u qaabbilsanaa. Gawaarida Sideeda Subaxnimo bay ahayd in laga saaro daydka ugu dambayn. Afarta galabnimona waxii oggolaansho haysta baa soo xeroon jirtey.
Intii Maxamed Siyaad Barre uusan ka bixin madaxtooyada Xamar, waxa uu habaynkii ka hadlay Raadiyo Mogadishu. Waxa uu ka codsaday dadka dagaalka iyo kacdoonka wada in ay joojiyaan dagaalka loona turo dadka maatada ah ee guryahooda ka qaxaya. Kolkii uu hadalkaas yirina waa uu ka baxay Caasimaddii Mogadishu.
Subaxii xigey baa xubnihii USC ee dagaalka hoggaaminayey damceen in ay ka hadlaan Raadiyo Mogadishu. Waxaa la waayay ninkii hayay Furaha qolka wararka laga baahiyo (Studio Radio Mogadishu). Ninka waxaa la oran jirey Injineer Maxamuud Maxamed Jamiil “Baaldooro”. Sidaas oo kale, waxaa la raadshay Wariye Codka iyo xogta tebiya. waxaa la keenay Wariye Saciid Cali Anteena, halka isna engineer Baaldooro gurigiisii laga soo helay oo la keenay.
Kaddib, waxaa la isku qabtay oo la isku maandhaafay cidda ku hadlaysa magaca USC oo ummadda wax u sheegaysa.
Ugu dambaystii, waxaa la isku raacay in dadka soomaaliyeed loo sheego in Amnigii iyo Xukunkii dalka ay la wareegtay USC iyo Allaahu Akbar. Weriyaha ayaa la faray in uu hadalka jeediyo dabadeedka Allaahu Akbar dadka goobta joogaahi yiraahdaan.

—————————————————————————————————
16 Xaaladdii Kismaayo
Maxamed Siyaad Barre waxaa Kismaayo ku soo dhawaysay madaxdii dawladda, heer gobol iyo Heer degmo intii joogtay markaas. Cascasay Jaamac Barre oo ay ilma adeer ahaayeen ka mid buu ahaa dadka sida diirran wax uga soo dhaweeyay. Madaxa hay’addii Inji (Hay’ad dalagga soo baxa la wareegi jirtey oo qaab Hantiwadaag u dhisnayd) ee gobolka Jubbada Hoose buu ahaa. Magac dheer buu ku lahaa gobolka. Guri xagga Xeebta xiga ayuu ku hoyday Jaalle Siyaad mudo Afar bari ah. Dad badan oo bulshada noocyadeed kala duwan ka tirsan baa Buuq iyo saxmad siyaasadeed ku hayay. Intayadii wada socotay qofkayana uma dhaqaaqin.
Afar beri haddii uu ku sugnaa Kismaayo, Jannaayo 30, 1991, buu Maxamed Siyaad goor barqo ah Kismaayo ka ambabaxay. Waxa uu u jahaystay xagga gobolka Gedo.
Dad badan baa iska daba shubay oo baabuurta kooraystay. Markii uu socday ilaa 20km, buu istaajiyey gawaaridiisii oo yiri, “Anigu waxaan u

socdaa geelaygii oo daaqaya Garbahaarrey meel u dhaw ee xaggee u socotaan?” Inta badan, dadkii raacay waxay is lahaayeen Maxamed Siyaad waa isdhiibayaa oo Keenya ayuu u socdaa. waxay ku hamminayeen in ay sheegtaan in ay ka tirsanaayeen dawladdii kacaanka ee xukunka laga tuuray. kuwo waxaa lagu tirinayey in sheeganayaan qaraabadiisii. Balse waa baa ku baryey, ama qorrax baa ku soo baxday, oo markii ay xaqiiqada ogaadeen bay dib ugu soo laabteen Kismayo.
Maalintii labaad baannu Kismaayo kula kulannay Duuliye sare Qaasim Maxamed Cabdi. Haddii aan iswaraysannay waxa uu noo sheegay in ay diyaaradi galabta ka imaanayso Nairobi oo ay dad ka qaadayso Kismayo. Waxa uu noogu daray in diyaaradda uu leeyahay ganacsade Jaamac Buluug (Jama Blue), oo ah Ganacsade Soomaali-Keenyaati ah.
Bixitimintii Duuliye Sare Axmed Salxaan
Cabdullaahi Ahmed Salxaan waxa uu haystay dalku-gal (Visa) Maraykan ah, halka xaaskiisuna horay u jirtay Maraykanka. Waxaan goosannay in Cabdullaahi diyaaraddaas lagu daro. Waxaan aadnay garoonkii annaga oo galbinaynna Salxaan. Nasiibdarro waa loo diiday Cabdullaahi Salxaan in uu raaco diyaaraddii. Waxaan isu sheegnay duuliyihii. Waxaan ku uur dulucsannay in aan isaga oo kale nahay. Waajibna ay ku tahay in uu go’aan ka qaato dhibka na haystay. Waxa uu yiri, “Waxaan soo laaban doonaa berri subaxa hore. Dharkii iyo garaaddihii Duulista ha soo xirto berri, iina imaada.” Waa u mahadcilinnay oo salaan iyo bogaadin ku boobnay.
Subixii dambe, isaga oo Cabdullaahi Axmed Salxaan Duuliyaha labaad ka ah diyaaraddii buu ka dhoofay Kismaayo. intii diyaaraddu ka kacaysay waxaan sii taagnayn garoonkii indhahana kama aannaan qaadin diyaaradda ilaa ay hawada ka gashay. way noo sii muuqatay intii cabbaar ah. waannu aammusnayn qofkayana qof kale lama hadlin ilaa aan guuxeedii weynay. waxaan dareemaynnay in uu naga tagay saaxiib aan qaddarin iyo wanaag u haynnay. Midkayana ma ogayn in aan dib isu arki doonno, ama aan wadaagi doono noloshii farxadda lahayd oo kale oo ilaa iyo waxbarashadayadii aannu soo wadaagnay.
`

Waxaa dabadeed nagu maqaale ah in uusan duuliyihii Keenyaanka ahaa saas kaga harine ee uu garoonka Nairobi dhib la’aan ka saaray Cabdullaahi Salxaan. sidoo kale in Daahir Cabdiraxmaan Xaashi oo ahaa madaxa xaafiiska Somali Airline u fadhiyay Nairobi Keenya uu isna gacan weyn u fidiyay ilaa uu ka dhoofo.
Jannaayo 30, 991, oo ahayd isla maalintii Maxamed Siyaad Barre Kismaayo ka baxay, waxaa la iiga yeeray Taliska booliska Kismaayo, qaybta isgaarsiinta. Faarax dalxiis baan isu raacnay. Waxay ii sheegeen in madaxa Isgaarsiinta Booliska Gaalkacyo, Cabdullaahi Food i raadinayay. Waxay iskula hadlayeen Raadiyaha Loo yaqaan Rakaalka HF. Way isu iswaceen, sidatan baana sheekadu u socotey.
Koow labo koow labo.
Gaalkacyo ma i maqashaa?
Koow labo koow labo Kismayo
waa ku maqlaa.
Siddeedda dambe baabi’i.
Baabi’i.
Shanta hore laba ka dhig.
Ka dhig.
Koow labo koow labo.
See ii maqashaa Kismaayo hadda!
Si wanaagsan, Gaalkacyo.
Aaheey aaheey.
Cabdullaahi Azhari ma kula joogaa.?
Soo wad soo wad waa ila joogaa.
Aaheey u sheeg in shalay wiil u dhashay. Aaheey aaheey waa uu ku maqlayaa.
dabadeed waa u mahad celiyay Cabdullaahi-food iyo Saaxiibbada kale ee la joogay markaas. Waxaan haddana u sheegay in wiilka loo bixiyo Saciid. Sidoo kale waad mahadsan tihiin baan ku niri asxaabtii isgaarsiinta ee Kismaayo.
Maxamed Siyaad markii uu ka baxay magaalada Mogadishu, waxaa talada waddanka u tartamay labada kooxood ee kala ahaa Maanafeesto iyo Mustaxiil (USC iyo SPM).

29kii koowaad ee 1991, Maanafeesto waxay u magacawday madaxweyne Cali Mahdi Maxamed. Maalintii xigtay ee 30kii koowaad, waxa uu ku dhawaaqay Dawlad uu wasiirka koowaad (Ra’iisu- Wasaare) ka yahay Cumar Carte qaalib.
Sidaas oo kale, Carte waxaa booskaas u magacaabay Maxamed Siyaad isla bisha Jannaayo 7dii.
USC waxay Shir ku qabsatay Hotel Towfiiq, si loo ansixiyo dawladda cusub ee Cali Mahdi. Waxaa taladaas gacanta ku sayray Jeneraal Caydiid.
Horraantii buu diiday in uu shirka iyo xafladdaba tago. Haddana, taa beddelkeedii waxa uu soo jeediyey in la dhiso guddi Maammul oo kumeelgaar ah. Waxa uu taladaas ku daray in aan lagu degdegin dhismo dawladeed ilaa meel la isla dhigo labo arrimood.
1. In la qabto shir ay ka soo qayb galaan Ururrada hubaysan.
2. In la soo qabto ama dalka laga saaro Maxamed Siyaad Barre.
Jenneraal Caydiid waxa uu ku adkaystay, gaar ahaan in ayna suurtagal ahayn in dawlad la dhiso inta Maxamed Siyaad uu dalka meel ka mid ah joogo. Kooxdii Maanafeesto way ku gacan sayreen talada iyo soo-jeedinta Jeneraal Caydiid.
Isla markaas, Maanafeesto waxa ay taageero xooggan u muujisay in Cali Mahdi hoggaamiyo dawladda cusub.
Nimanyahaw qummaati iyo qallooc kala qiyaas roone. Waxba lama qorshee hadal rag waa la isu qeexaaye.
Haddii talo rag waa wada qabsee nin iska qoondaysto.
Oo qaydka wiil yari dhifsado qoomamaa xigiye.
Waa murti uu Abwaan Ayax Dhawre horay u yiri.
Waxaa ka dambeeyay maahmaah caan baxday oo oranaysa Ayax teg eelna reeb.
Arrin aan loo fadhiyin oo hanjab ku sameysay Soomaali baa timid. Cumar carte waxa uu ka hadlay Idaacadda Mogadishu labadii 2aad, 1991. Waxa uu ku amray ciidammada qalabka sida in ay hubka qaranka ku wareejiyaan Jabhadaha hubaysan, gaar ahaan USC, SNM, SSDF iyo SPM.

Ciidammada qalabka sida, oo ahaa tiir dhexaadka jiritaanka Qaranka iyo Midnimada ummadda Soomaaliyeed, laamahooda kala duwan waxay khibrad iyo waayo-aragnimo u lahaayeen hawlaha ay u xilsaarnaayeen. Waxay ahaayeen kuwa lagu dhaato dhammaan geyiga Soomaalidu degto. Weli, waxa ay gacanta ku hayeen hubkii qaranka. Magaalada Muqdishu waxaa jiray goobo si waddannimo ah ay uga difaaceen Bililiqaystayaashu in ay hubka gacanta ku dhigaan. Goobaha ka baxsanaa magaalada Muqdishu badankooda ciidammadu sidoodii bay u dhisnaayeen.
Ra’iisu Wasaare Cumar carte waxa uu bulshada ku lahaa sooyaal wanaagsan lamana diiddanayn. Balse, hadalkaas uu Idaacadda ka baahiyey, waxa uu noqday Nasiibdarro iyo qaranjab in badani dhibsatay isagana ku laabatay.
Si kastaba ha ahaatee, kala-diristii Ciidankii qalabka siday waxay ahayd tillaabo khaldan oo qar-iska-tuurnimo ahayd. Cid walba waa u muuqatay in aan dawladi jiri karin Ciidan la’aan. Dhawaaqa Carte waxa uu sababay in ciidammadii qaranku ka huleelaan goobihii ay ka hawl geli jireen. Hubkii, isna waxa uu gacantooda galay wax-magarato arxan daran, oo xasuuq ba’an geystay. Waxayna maalintaasi u dambaysay midnimadii Soomaaliyeed.
Ciidammada qalabka sida waxay lahaayeen shan Talis-guud oo la kala dhisay sida soo socota.
1. Xoogga dalka (Military) 12/04/1960.
2. Booliska 20/12/1943.
3. Asluubta 01/07/1960, iyada oo dibu-habayn lagu sameeyay
22/02/1970.
4. Nabad Sugidda 15/2/1970.
5. Guulwadeyaasha 18/08/1972.
Duullane Bardacad waa isagii dib u laabtay oo doonay aabbo
iyo hooyo e, waxa uu gaaray Xamar. Libin Bardacad iyo carruurteedii

buu u tagay, iyaga oo nabdoon. Dabadeed, waxaa loo sheegay in hooyadi iyo aabbihi iyaga oo bad qaba ay nabad ku tageen Kismaayo.
Neef kulul baa ka soo boodday Duullane. Ilaaha abuurtay buu u xamdi naqay. Walwalkii uu qabay iyo dhibkii safarka ka soo gaaray waxa uu ku illaaway xogta uu helay. Balse, mid kale ayaa haddana lama-huraan ahayd in uu war ka helo. Waxay ahayd walaalki Mahad Bardacad oo markii cid ugu dambaysay loogu sheegay aagga Mashruuca Fidinta beeraha Afgooye.
Maalinkaas, Libin iyo Carruurteedii waxay diyaar u ahaayeen in ay u qaxaan magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose. Waa uu la soo dillaamay. Afgooye ayey mareen waxayna kula kulmeen Mahad Bardacad. Waxa uu u sheegay in uu sii joogi doono meeshiisa inta wax si ka noqonayaan.
Ugu dambayntii, Duullane waxa uu soo galay Kismaayo Febraayo 03, 1991.
Cabdullaahi warsame Araxay oo ah nin aan in badan isnaqaannay baannu galab isku soo baxnay intii aan joogay Kismaayo. Iswaraysi kaddib, waxa uu igu yiri:
Waxaan u soconnaa Mudug. Dhaw gaari baannu nahay. Qaar baa waxay joogaan magaalada jilib qaarna kismaanyo. Waxaan raacaynnaa nin baabbuurkiisu leeyahay taargo Ethiopian ah, dhulkana kala yaqaan. Ilaa iyo shalay buu rakaabsanayey. Waa diyaar hadda.
“Oo xaggee u maraysaan mudug?” baan ku iri. Haddana, faahfaahin kale buu igu deeqay. Waxa uu yiri:
Gobolka Gedo baannu u sii dhaafaynnaa ilaa degmada Baarray, siiba magaalada Waladayo ee degaanka Soomaalida Ethiopia. Dabadeed Goday, Qabridaharre ilaa Wardheer oo aan waxba u jirin Mudug baannu sii maraynnaa, “ayuu israacshay.
Durba, waxaa isbeddel ku dhacay hammigaygii. Maankii oo aan ilaba tashan baaba go’aan sii gaaray. Waxaan ka codsaday in uu ii geeyo

ninka gaariga iska leh. Intii aan sii soconnay, waxa uu ii sheegay in isagu berri u ambabixi doono Jilib, oo uu uga soo tagay reerkiisii iyo gawaari laba ah, isla markaasna diyaar u yihiin in ay raacaan ninka dalyaqaanka ah.
Xoogaa haddii aan soconnay, waxa uu iskaaya baray ninkii dalyaqaanka ahaa oo Gaarigiisa la raaci lahaa. Magaciisa waxa uu iigu sheegay Maxamed Yuusuf (siyo). Siyo intii Cabdullaahi ii soo sheegay buu igu taabtay. Waxa aan weyddiiyay in gaariga shirkiisu bannaan yahay iyo in kale. “Boos waa kaaga heli karaa,” buu yiri. “Qiimuhu waa $ 200,” buu hadal ku xiray. “Hawraarsan,” warcelintaydii baan ku jiray. In aan diyaar soo noqdo lacagtana aan soo hor marsho baan ku kala tagnnay. Saadambe in la baxayo buu igu sii adkeeyey waana kala tagnnay.
Fiidkii baan u tagay Yuusuf Bardacad iyo hooyo Maryan. Dareenkii igu soo kordhay iyo in aan go’aankaas jeclaystay baan u sheegay. Bardacad waa ila yaabay oo yiri:
Jidkaas la iskuma hubo oo waa khatar. Baabbuur taargooyin badan lehna in uu jiri karo fili mayo. Waxaan qabaa in aad Nayroobi tagto dabadeedna Jabuuti ama Yemen. Haddana, aad halkaas doon ka soo raacdo, oo aad Boosaaso ku timaaddo.
Maryan markii ay aragtay meesha uu Yuusuf laanta ama talada ka goosanayey bay tiri, “Bal aynu hubsanno oo xog dheeraad ah raadinno” wayna naga tagtay. Waxaan dareemay in Maryan wax u qarsoon yihiin. Waayo sidii aan ku aqaannay weligeedba, haddii xaalad i khusaysaahi timaado way i garab istaagi jirtay, ama dood dheer oo faham iyo caqlicilin leh baan ku aqaannay. In ay eray inta tiraahdo iska tagto iima quurin marnaba.
Sidaas oo kale, qof dareen fog oo suurayn karta jawigan oo kale baan ku ogaa. Yuusuf Bardacad wax ma dhimin ee doc kale iyo nabadgelyada buu qiimayn ku sameeyay. Aniga baa ahaa qofka Degdeggu ku jirey.
Faarax baan isna u sheegay arrintii. waxaan weyddiiyay in asaga qudhiisu diyaar u yahay safarka iyo in kale. Waxa uu ii sheegay

in uunan meelna uga socon meeshii uu joogay markaas, ee ahayd Kismaayo. Eebbe ha u naxariistee, duuliye sare Faarax dalxiis marka aan buuggan qorayo waa mootan yahay. Waxa uu ahaa nin uruursan, deggan oo aan hadal badnayn. Muddadii aan tababarka Diyaaradaha ku jirnay ka hor, isku fasal baan ahayn ku-dhawaad saddex sano. Dugsiga sare ee Banaadir oo aan ka wada baxnay baan dhigan jirnay, haddana, waxaa aan isla marnnay tabobarkii Xalane, oo ardayda dugsiga ka baxda mari jirtey. Waxa uu ahaa nin ku fiican kubadda cagta.
Qofba meesha bugta baa balbasha e’, habaynkii oo dhan baan fekerayay. Waa isla doodayay. Khalad in aan leeyahay iyo in kale baan saawaynayay. Marar baan islahaa waxaad haysataa Fursad aadan dib dambe u arki doonin. Taargada gaariga iyo ninkan dalyaqaanka lagu sheegay baan dib isu weyddiinayay. War hooy Armaad God mugdi ah ku socotaa baan haddana islahaa.
Si kastaba ha ahaatee, subixii markii waagu bayray bay Maryan ii yeertay. Waxa ay tiri, “Haye Cabdullaahi! xalay hurdo fiican ma seexatay!” “Maya hooyo,” baan ugu jawaabay. “Waan filayay, aniga iyo Abtigaana in yar baan ka seexannay, oo xalay oo dhan dood iyo falanqayn bay noo ahayd,” bay isku dartay. Waxaan dareemay in go’aan iyo talo ay gaareen. Wax kasta oo ay gaaraan waxaan u jeclaa in la ii fasaxo oo aanan gaarigan ka harin.
Maryan waxaan isu raacnay meel uu fadhiyay Yuusuf Bardacad. Waa uu na sugayay. Markii uu arkay in aan soo soconno buu inta cuskaday ul matoobbo ah oo uu watay istaagay. Waligay wax aan ka codsado shaki igama galin, wixii uu hayana waa ii quuri jiray, hadalkayga waa uu qaddarin jiray. Markii aan yaraa waxa uu ka fakeri jiray farxaddayda iyo waxaan aan jeclahay. Haddii aan weynaadayna waa uu ila tashan jiray.
Waxa uu hadalkiisii ku bilaabay:
Cabdullaahi, waan dareemaynnaa dhibka ku haysta iyo xaaladda cakiran ee aad ku jirto. Waxa kali ah oo aan doonaynnaa waa in aan kula wadaagno talada, si aannaan u qoomamayn haddii wax ku soo

gaaraan. Hadda iyo dan, labadayaduba waxaan rabnaa bal marka hore in aan soo aragno ninka gaariga leh iyo dadka aad raacayso.”
“Waa yahay iyo hawraarsan abti,” baan ku iri. Waan israacnnay dhammaantayo, oo tagnay meeshii gaariga laga rakaabinayay. Waxaa nagu soo baxay darawalkii gaariga oo la oran jiray Garaar Faarax Geesood, oo ay Bardacad aabbihii aqoon fiican isu lahaayeen. Waxa uu ka tirsanaa aabbihi Xisbigii Gareedka ee SDU oo uu Bardacad Xoghayaha guud ka ahaan jirey.
Waxaa kale oo joogay odayaal ay isgaranayeen oo ay ka mid ahaayeen Cabdullaahi Carraburo iyo Cali Madoobe. Isla goobtii dadku joogay bay ku kulmeen ninkii gaariga lahaa, oo ay isku waraysteen. Su’aalo badan buu weyddiiyay.
Ugu dambayntii, inta uu gees ula baxay buu ku yiri, “Ogow haddii dadkan wax ku dhacaan adaa laguu haystaa.” Hadalkaasi ma ahayn mid la wada maqlayay ee iyaga ayuu gooni u ahaa. Siyo, hadalkaas kama jawaabin, balse waxa uu ahaa mid uu dhibsaday oo guntaday gadaalna aan ka ogaaday.

17 Ka-Huleelkii Kismaayo ilaa Baardheere
Koobane kal baa galay. kalka Geeddi baa galay. Kulayl bayna soo galay.
Juuw. Juuw.
Maalintii xigtay ee Febraayo
galabteedii baa macasalaameeyay dhammaan ehelkii aannu tobaneeyo beri wada joognay guriga reer Xaaji Muuse Boqor.
5, 991,

Faarax iyo Duullane oo markaas yimid baa ii soo qaaday xaggii gaariga laga raacayey. Waxaan watay oo kaliya boorso qalabka duulistu iigu jidhay. Saamaha Eebbe ayaa wata e’, aad baan ugu riyaaqsanaa in aan foolka saaro halkii aan geeyey reerkayga.
Haddii aan damcay in aan shirka gaariga ku tuuray boorsadii ninkii gaariga lahaa baa yiri, “Bal u kaadi boorsada” oo isaga oo aan hadal kale ii celin iska dhaqaaqay. Waxaa ka dabo tagay Garaar oo ah darawalkii.
Way wada murmeen. Dad badan baa arkayay faro-isku-taaggooda. Cabdullaahi Carraburo baa u tagay. Siyo waxa uu yiri, “Ninkani gaarigayga raaci mayo.” Waayo Abtigiis baa yiri ‘haddii dadkan wax gaaraan adaa laguu qabsanayaa.’” Halkaa markii ay maraysay baa dad badani ku biireen dooddii. Garaar baa yiri, “Miyaan laguu qabsanayn haddii dadkan gaarigaagu wax gaarsiiyo. Ninkan dadka ayuu ka mid yahay, lacagtiisiina waad haysataa ee ka daa gardarrada, haddii kale waa kaas furihii gaariga ee adigu kaxayso,” inta ku soo tuuray furihii. Odayaashii baa furihii dhulka ka soo qaaday, waxayna yiraahdeen “U oggolow ninka gaariga waad gardaran tahaye.”
“Haweeney baan saakay ka kireeyey shirka, haddii uu doono ha fuulo gurada kore,” buu yiri ninkii gaariga lahaa.
Aniga, haddii la ii oggolaado in aan raaco gaariga meel kasta aan ka fuulee diyaar baan u ahaa. Cali Madoobe oo isaga oo jirran aan maalin diyaaradda uga soo qaaday Gaalkacyo baa yiri, “Waryaa Siyo lagaa yeeli mayo waxa aad sheegayso.” Waxaa kale oo soo booday Siyo xaaskiisii oo tiri, “war hooy aniga iyo xaawoley kale shirka isla geli mayno.” Siyo waa baa ku bayray waxa uuna oggolaaday meeshii loo batay.
Waannu ka dhaqaajinnay, galabnimadii hore. Labo gaari baannu safarka ku ahayn. jilib baannu ka beegsannay. Waxaa horay loo sheegay in ciidan uu wato gaashaanle sare Axmed Cumar Jees in ay subaxa berri ah ku soo fool leeyihiin Jilib. Waxa ugu badan oo ay rabaanna waa gawaari ay ku hawl galaan. Habaynkii oo dhan baan guure ahayn. Intii aan waagu baryin baannu tagnay Jilib. Labo gaari ayaa nagu sugaysay daafta hore ee loogu baxo Bu’aale. Ooggii hore markii ay ahayd bay xabbadi ka bilaabatay magaalada Jilib. Annaga oo kolonyo ah baannu qaadnay waddada Faannoole ee aadda xaggaas iyo Bu’aale. “Balaayooy nikaa doono” baan uurka iska
lahayn.

Galabnimo baan tagnay magaalada Bu’aale. Waa nala soo dhaweeyay. Nin la oran jiray Maxamuud Awmaxamed Cali Dheere baa meel aan magaalada ka baxsanayn na dejiyey. Labo rati ayuu noo qalay. Dermooyin badanna waa uu noo keenay. Dad dhowr qof ka kooban buu u keenay Tooshash. Haddana waxa uu noo shiday dab maadaama xoogaa dhaxan ah jirtey.
Waxaa na loo sheegay in aannaan Duurka u aadin, kaadi iyo saxaro toona. waxaa laga baqayey masas waaweyn oo dadka isku duuba. Isla markaasna waxaa aagga ku badnaa abeesada loo yaqaan jebisada.
Kud ka degoo qanje u guur. Darin iyo go’ wadatadan. Jeerigaan dawarisada. Teendhada ka-dooddadan. Waaba loogu dowgalay.
Subixii dambe baan ka xaabxaabsannay Bu’aale. Dhammaan dermooyinkii naloo keenay reer Bu’aale waa noogu deeqeen. Hore baana u sii qaadannay. Jidkan aan maraynno wali dad qax ah oo intaa le’eg oo maray, ama nooga horreeyay ma jirin. Dadka saaran gawaarida waxay u badnaayeen haween iyo carruur. Gaari kasta ciriiri buu ku ahaa inta saaran. Gawaarida xawligoodu ma badnayn oo way luudayeen.
Sidaas oo kale, gaariyaasha waa iskaashanayeen, oo ma kala tegayn. Tuulo la yiraahdo Saakoow ma aannaan dhaafin maalintaas. Haddana, habaynkii waa ku hoyannay. Isla sidii reer Bu’aale, reer Saakoow iyana way na soo dhaweeyeen.
Febraayo ama 2aad 8, 1991, baannu ka jarmaadnay Saakoow. Waxa aan afka saarnay waddada aadda Baardheere. Waxaa Saakoow naloo ka sheegay in ay Baardheere ka jirto jidgooyo (isbaaro) dhigan meel ka sokeysa magaalada inta aan la galin. Waxaa intaa naloo ku daray in ay halkaas kula harayaan gawaarida macnaha leh iyo hubka. Jid kale oo looga leexdo isna ma jirin oo kaas baa lagu khasbanaa in la maro.
Afarta gaari oo aan wadannay mid baa cusub, saddexda kalena wax saas ah oo loogu hawoodo, ama loogu xisho ma lahayn. Gaariga cusub waxa uu lahaa wiish. Waxaa uu kale oo uu noo anfacayay markii ay

gawaaridu meel hog ah ka dhacaan, ama bacaad galaan. Waa uu ka soo saarayay.
Sidaas oo kale, dhallinyaro gaariga saarnayd waxay haysatay qoryo dhowr ah. Nin Baardheere in muddo ah ka shaqayn jiray oo laga yaqaan magaalada baa nala socday. Gaariga hore ayuu saarnaa.
Waxaan soconnaba, waxaa nagu soo baxay jidgooyadii. Goor lagu kala tagay oo harsimo ah Qaadna soo dhacay bay ahayd. Oodda ayaa nala ka rogay. Waxaan tagnay xarun weyn oo ay leedahay Xerta Shiikh Cabdullaahi Baardheere. Shiikhu waa joogay xilligaas. Waa nala soo dhaweeyay. Guryaha Xerta oo u badnaa mundullo baana nala dejiyey. Waxa uu Shiikhii u yeeray saddex nin oo ay ka mid ahaayeen Cabdullaahi Khaliif “Carraburo” iyo Nuur nin la oran jiray. Waxaa weheshay nin kale oo aanan magaciisa hayn markan. Shiikh Baardheere waxa uu bixiyey taladan:
Afartiinna gaari waxaan idiin qalayaa afar rati. Kuruska iyo hilibka baa la isku shiilayaa. Tanuug baa lagu gurayaa. Halkan Baardheere ku cuni maysaan ee jidka baad ku maraysaan hilbaha. Saddex beri baadna joogaysaan inta Xertu hilbaha idiin diyaarinayso.
Saddexdii nin waxa uu siiyay saddex Cimaamadood iyo hal malyan oo shilin Soomaali ahaa. Waxa uu yiri:
Saddex beri muddo laga joogo baa halkan Maxamed Siyaad igu soo maray. Waxaan siiyay hal malyan oo martigalin ah iyo cimaamad, idinkuna intaas oo kale baad mudan tihiin.
Magaalada saansaan colaadeed baa laga dareemayay. Maxamed Siyaad Barre habeen buuna ku hoyday. Garbahaarrey buu uga sii gudbay. Dadkayaga tolawga (safarka) ahaa waxaa nala kula taliyay in aan dhaqdhaqaaqa yaraynno.
Injineer Yuusuf Quulle waxa uu ka mid ahaa shaqaalihii warshadda caanaha Xamar. Qaybta tayada iyo wax-soosaarka (Food security and production) ayuu madax ka ahaa. Dadkii horay ugu soo qaxay magaalada buu ka mid ahaa. Xigaaladiisii buu meeshan Baardheere isugu soo

aruurshay. In uu dhalay iyo in kale oo ka kooban walaalihi iyo waxay sii dhaleen bay ahaayeen. Waxaa wehelisay Hooyadi Xaadsan Cumar oo da’ ahayd markaas. Waxay ahaayeen dad ehelo ah oo dhiig iyo dhalyo wadaag ah. Sidaas oo kale, aniga iyo Yuusuf dhalyo ayaannu ahayn.
Yaanan war idinku daaline, Yuusuf waxaa loo sheegay in aan kolonyada qaxa ahayd la socday. Subixii dambe ayuu xeradii xerta Shiikh Cabdullaahi Baardheere iigu yimid. Xaafad ay deggenaayeen buu i geeyay. Haddii qoyskii reer Quulle iswaraystay waxay go’aan ku gaareen in ay kolonyada raacaan. Yuusuf Xaaskiisii Xalaawi iyo saddex carruur ah oo ay dhashay in Baardheere looga tago bay talo ku gaareen. Xalaawi waxay waayihii dambe ahayd xoghayntii madaxweyne Mohamed Siyaad barre. Dad 18 ah bay noqotay in gaari laandi-kuruusar ah ay raacaan. Waxaa laga saaray kuraasta gudaha, kuwa hore ma ahee.
Sidaas oo kale, waxaa loo adkeeyey sariirta gurada sare oo alaabada la saarto. Dhallinyaro rag u badan baa loo asteeyay in ay fuulaan. Waxaa la iga soo wareejiyay gaarigii Siyo. Aniga iyo Ayeeyo Xaadsan iyo Yuusuf oo Darawal ka ahaa gaariga baa shirka hore loo
qoondeeyey.

——————————————————————————————————-
18
Goor subax ah, 2aad 12, 1991, baannu u jahaysannay Garbahaarrey. Habaynkii ka horreeyay subaxaas baa Shiikh Cabdullaahi Baardheere iyo xertiisii wada ducaysannay. Cayru caymo ma diiddo e’, hilbihii oo Tanuug lagu cabbeeyay baan gurada u ridannay.
Dalka wax kala yaqaan, gaar ahaan waddada aan ku safraynnay naguma jirin. Qofkayana weligi kuma sodcaalin. Maxamed Yuusuf Siyo hadda ka hor weligi degaanka gedo cag ma dhigin. Baardheere iyo Garbahaarrey waxa aan ku imaan jirey diyaaraddii Dornierta. Labadaba rakaab baan ka qaadi jirnay ama keeni jirnay. Waxaa loo kala duuli jiray 26 daqiiqo, sida Hargeysa iyo Boorame oo iyana aan 24 daqiiqo u kala duuli jirney.
Habaynkaas dhex baannu seexannay. Wax baqdin ihi kolkaas naguma jirin, oo carrada holaca dagaalku ma soo gaarin.
Ooggii hore baan ka jafjafannay. Barqo dheer baan tagnay magaaladii Garbahaarrey. Dadkii baa guryaha ka soo baxay. Carruur iyo haween bay u badnaayeen. Waa nala ku soo yaacay. Waxay lahaayeen qaxooti baa yimid. “Alla waa qaxooti! Alla waa qaxooti.” Odayaal baa markii dambe na waraystay oo yiri, “Garoonka diyaaradda oo ku yaal galbeedka magaalada dega oo ku nasta. Ogaadana wax biyo ah magaaladu ma leh oo Bamkii baa ceelka ka jabay.” Taladoodii baan qaadannay oo tagnay goobtii ay noo ishaareen. Odayaashii deegaanku waxay noo sheegeen in Maxamed

Siyaad Barre dhowr cawo ku hoyday magaalada, dabadeedna Buurdhuubo u gudbay.
Kud ka degoo qanje u guur. Darin iyo go’ wadatadan. Jeerigaan dawarisada. Teendhada ka-dooddadan. Waaba loogu dowgalay.
Hadba waxaan meel ugu nasanaynnay. Waxay ahayd oo aan doonaynnay bal in aan helno akhbaar ku aaddan waddadii aan u mari lahayn degmada Baarray ee Degaanka Soomaalida Ethiopia iyo magaalada Waladayo.
Xilliyadii duulista, inta aan hawada ku jirno marmar baan Booliska kala soo xiriiri jirnay Raadiyaha isgaarsiinta ee Rakaalka HF. Rag dhowr ah baan hawada iska niqiin. Aniga iyo Yuusuf Quulle waxaan u kicitinnay Xerada booliska. Si caadi ah bay Askartu u joogtay rugtoodii. Iridda ayaa nala ku joojiyay. Waxaan u sheegnay in aan ka mid nahay qaxootiga magaalada yimid, oo aan doonaynno in aan la hadalnno eheladayadii oo joogta Gaalkacyo.
Si aan u malaynnay in ay na hubsanayeen bay nooga gaws qabsadeen. Cabbaar bay naga aammusnaayeen. Dabadeed, mid baa nagu soo dhaqaaqay oo yiri, “Adigu ma tahay nin aan mooday”, oo haddana yiri “Azhari ma tahay.” “Haah,” baan ugu jawaabay. Waa la iswada dhugtay. Hawshii aan u nimid waa naloo qabtay, balse Gaalkacyo ayaa hawada ka maqnayd kolkaas.
13kii 2aad, 1991, baannu u jahaysannay Buuloxaawo. Habaynkaas dhex baannu ahayn. Harsimadii dambe baannu galnay. Buuloxaawo. Waa magaalo darafka ku haysa xadka Soomaali iyo Keenya u dhexeeya. Waa lagu yaabay waxa aan ka soo raadinnay annaga oo u soconna Itoobiya. Habayn baan ku dhaxnay.
Subixii dambe baan ka huleellay waxaana 40 Km kaddib tagnay Doolow. Xilligaas, Doolow waxay ahayd magaalo burbursan. Dagaallo badan oo u dhexeeyey Soomaali iyo Itoobiyaan baa halakeeyay. Laba magaalo oo webi u dhexeeyo oo laba dawladood u kala qaybsan bay

ahayd. Waan degnay. Magaalada baana dhex galnay, si aan Khabaar u helno. Waxaa naloo sheegay in xilligan webiga qallalan yahay oo ay jirto meelo gawaaridu mari karaan.
Waxaa kale oo nala kula taliyay in aan taliyaha ciidanka Itoobiyaanka ah kala hadalno arrintayada. Maalintii dambe bay rag iyo taliyihii is-arkeen. Waxa uu codsaday lacag Afar malyan ah oo Soomaali ah, dabadeedna waan idin fasaxayaa buu yiri. Lacagtii baa la iska uruurshay dhammaanteed. Magaalada dhanka Itoobiya baan tagi jirnay. Daafi baan ka soo cuni jirnay. Saliilyo iyo basbaas kulul bay lahayd.
Diihaal waxii uu na baday Daafi cuniddiisa
Dabaley Caruusaad
Waxaan deris-xigaal moodnay Durufley Amxaaradu
Waxay nagu dinnaahyeysay
Waa qayb ka mid ah gabaygii dardaaran ee Sayid Mohamed ee aan ku soo dhegeysannay qaxii Mundul-Baraawe ilaa Jilib.
Labo beri kaddib, annaga oo weli aan wax war ah helin baa laba beelood oo deegaanka wada deggani isqabteen. dadkii deegaanku Waxay nagula taliyeen in aan magaalada gees uga baxno. Way isku bilaabeen. Dhaawac baa la soo daadshay. Dhimasho badanina waa jirtay. Askartii Itoobiya difaac bay galeen oo cidna waa u geli waysay.
Toddobaad markii aan ku sugnayn Doolow iyo aaggeeda baa Amxaarkii akhbaar noo soo diray. Waxba idiin ma hayo buu yiri ee tashada. Balse waxa uu nagula taliyey in aan xadka ka geli karno dhulka loo yaqaan Kaydka. ((Reserve Area). Dhulkaas waxaa noogu sokaysay oo webiga looga tillaabi karaa magaalada Luuq. Dadkii lacagta laga aruurshay waxay isku dayeen in wax un lagu caynsho. Laaluush celin male baa loogu jawaabay. Samir-taagwaa bay ku yiraahdeen xalaal-caleeg xariifow.
Kud ka degoo qanje u guur. Darin iyo go’ wadatadan.

Jeerigaan dawarisada. Teendhada ka-dooddadan.
Waaba loogu dowgalay
21kii 2aad baan Afka saarnay Luuq oo 70km noo jirtay. Duhur dambe baannu tagnay. Wax waddo gaari ah oo u baxay Waladayo in ayna jirin baa naloo sheegay. Waddo-lugeed ay dhowr beri ka hor qaadeen niman ka tirsan Xerta Shiikh Mohamed Rabiic (timoweyn) baa naloo sheegay.
Nin dalyaqaan ah baannu lacag afar boqol ah kula heshiinnay. Waddo-lugeedkii buu nagu hagay. Maalintaas ma aannaan nasan oo waa ka shubnay. Togag iyo dhul jeexjeexan baan hadba ku soo aadaynnay. Baabuurta badankoodu awood ay uga baxaan ma lahayn. Gaariga wiishka leh baa ka saarayay boholaha.
15km markii aan ka baxnay magaalada baan degnay meel aan ka fogayn tuulada Ceel boon. Goor ay tahay cawaysin dambe baa rag ka socday deegaanku noo yimaadeen. Waa hubaysnayeen. ciidan beeleed meesha deggan in ay yihiin bay noo sheegeen. Lacag ciidankooda la siiyo bixiya bay na yiraahdeen. Waxaan u sheegnay in aan dad qax ah nahay. Oo waxa meesha socdaahi yihiin carruur iyo maato haween u badan. Hadalkayagii Alle ma solonsiin. muddo laba saac ah bay noo qabteen.
Dhallintii qoryaha haystay baa is-uruursaday. Qori silsilado leh oo ay ku magacaabayeen dhurwaa yuurura baa ka mid ahaa. Way tijaabiyeen oo hadba jaha u rideen. Diryaan iyo guux aan aagga laga aqoon baa ka yeeray. Nasiib-wanaag nimankii deegaanku naguma soo noqon.
Aroor hore baannu ka jafjafannay. 24 saac baan dhaafi weynay 20km. Waa dhul oomasoore ah. Habaar waalid baa waagii dambe loo bixiyay jidkii. Luuq iyo Aaggeedu waa meesha Celcelis ahaan ugu kulul sannadkii geyiga Soomaalida. Dhanka kulaylka, Luuq iyo Berbera waa tii Eebbe wax kaa dheefsiiyo. Labo maalmood baan u dhexeynnay Luuq iyo xadka Itoobiya.

19 Dhex-jibaaxii Soomaalida Itoobiya
Markii ay nooga hartay 15km Waladayo baa ninkii dalyaqaannimada noola socdey nagula tashay in aan hubka meel ku qarsanno. Dadka inta lugayn kartana koox-koox magaalada lug ku gasho. Dabadeedna gawaarida iyo dadka inta jilicsan gaari-gaari u gasho magaalada. Wiilashii hubka watay inta la lugeeyeen bay soo xabaasheen qoryihii. Racii ugu horreeyay oo magaalada u lugeeyey baan ka mid ahaa. Waddada ayaan cagta saarnay. Intii aan lugaynaynay baa sheeko horay looga sameeyay nin reer Baarray ahi igu soo dhacday.
Ninka gabar wanaagsan baa loo dhisay. Muddo yar markii uu qabay buu furay. “Maxaad gabadha u furtay?” baa lagu yiri. Waxa uu ku jawaabay:
Ina aabbow saddex waxyaalood oo aan geyiga Baarray laga aqoon oo ay iila timid baan ku furay.
1. Kolkii raashinka la soo dhigo, Geesteeda un bay ka soo galin, anun baa hambo nin weyn kuu reebine i sug haddii aan irina waa diidday. 2. Kolkii sariirta la tagana wayba i galaanbin (salaaxin), haddii aan iri Anun baa godlane i sugna way diidday.
3. Ina Aabbow geyiga Baaray Macallin Muxumud baa la iiga yaqaan, xabiibi un bayba iigu yeerin.”
Kaftankaas kaddib, haddii aan u sii dhawaannay magaaladii, Ciidan baa labada docba laba buurood oo jidku kala dhex maro uga gaardiya yey.

Kob aan jeesna ool iyo
waxaan jarar ku aynfaaday.
Jawo lagu Harraadiyo
waxaan omos Jibaaxayey.
Jarmaadiyo carraabiyo
waxaan beri u sii jeeday.
Xaglo jalaqle laafyaha
waxaan jagac ka siinayay
Jiriricada oogada waxaan
jiriricoonayey. Cagta
jeerarkeediyo waxaan
boqonta jeedaashay.
Juq waxaan u soo iri dugaag, jalabutaynaaya.
Sayid Maxamed baa laga hayaa meerisyadaas. Waxayse aniga markaas iga joogtay juq waxaan u soo iri Amxaar jalabutaynaaya. Meel laga noqdo ma aannaan joogin. Waannu gudubnay iyana dan nooma galin.
Nasiib wanaag, dhammaan dadkii iyo gawaaridii nabad bay ku soo galeen. Saacado haddii aan joognay, qaybo naga mid ah baa looga yeeray xerada ciidanka. Waxa laga qoray waxaa ka mid ahaa macnaha ay u yimaadeen iyo tiradooda. Meesha ay u socdaan, hubkii iyo meesha la geeyay.
In ay odayaashu ka warwareegaan su’aalaha qaar bay damceen, sida hubka iyo meelaha la geeyay, balse Itoobiyaanku waxay sheegeen in ay hayaan xog iyo xaqiiqo. Waxaa loo badinayey in uu xogta bixiyay ninkii dalyaqaanka ahaa. Saas baana hubkii gacanta ugu galay itoobiyaankii.
Toddoba beri markii aan joognay baa nala fasaxay, iyada oo nala ku amray in aan toos u marno magaalada Goday.
Aagga hore ee magaalada Waladayo markii aan maraynno baan ugu nimid ciidan. shantii gaari bay isu qaybsheen. Baaritaan baa loogu dhaqaaqay gaari walba.
Boorsadii Duulista un baan watay. Waxaa iigu jiray dharkii duulista, aqoonsiyadii duulista, maababkii iyo khariiradihii ama jaantuskii Geyiga geeska Afrika. Baqdin baa Alle ii keenay.
Waxa aan soo xusuustay sheeko horay u dhacday. Ciidammada Itoobiyaanka magaalooyinka xadka u dhow waxay ku imaan jireen

kormeerro kadis ah. Maalin Jimce ah oo carruurtu ka nasanaysay dugsiga, baa ciyaal is-uruursaday ku heshiiyeen in ay miro duurka u doontaan. Wiil baa diiday in uu raaco. Barqadii markii ay tahay baa Ciidankii Xabashidu soo galay magaaladii. Meel walba xabbad bay u rideen. Dadkii tuulada oo dhan bay gabagabeeyeen oo meel isugu keeneen. Wiilkii baa waxa uu ku waashay, oo afkiisa waxaan ahayn laga waayay, miro doonan lahaayaa, miro doonan lahaayaa.
Boorsadu waxay lahayd lambar lagu furo waxa uu ahaa 727. Waan isla hadlayay. Si kasta waa yeelay oo waa haleeli waayay furistii boorsada. Faraha ayaan ka gariirayay. Waxaan ka fakarayay in ay halisi iiga soo socoto, khariiradaha, jaantuska iyo waliba Garaaddaha suran shaatigii aan ku duuli jiray.
Ugu dambayntii, intaan ballaqay baan askarigii ku iri, “Hidi” oo micnaheedu yahay tag. Askarigii waa uu qoslay oo gacanta mariyey boorsada gudaheeda. Hub buu baarayay. Waxaan ka fakarayayna meeshaba ma ool. Nin baa laga sheegay Laxdaanba u xog la’ahay. In kastoo kharash badani naga baxay, haddana, dil iyo kufsi lama aannaan kulmin. Saddexaad saddexdeedii 1991 baan Goday galnay. Gaari baa dhex nooga xumaaday, waxaan u soo celinnay gaarigii wiishka lahaa. Biyo ayuu u soo qaaday. Dadkii saarnaa Gaaarigaas waxay ka gateen rati geeljire meesha degganaa. Waxaa geeljiruhu codsaday in la siiyo haragga iyo haraaga ratiga beddelkeedana ay iyagu neefka qalaan hilbahana karinayaan. Markii ay bisleeyeen hilbihii oo cunid loogu jeestay bay qoryo la soo baxeen oo yiraahdeen “Waxa aad lacag haysaan keena.” Dadku waa daallan yahay. “Waraabe daalay dirirtiisaa loo tagaa” waa maahmaah Soomaaliyeed e’, qaylo ayaa yeertay. Aagga degsiimo badan iyo geelal kale baa ka dhawaa. Waa lagu soo yaacay. Dadkii oo gabogabaysan baa loo yimid. Hubka ayey u qaateen burcaddii waana ka soo samo-bixiyeen. Warar kutirikuteen ah baa naga soo gaarayey Gaalkacyo. Waxaa la warinayay in dagaal lagu hoobtay ka dhacay magaalada. cid hubanti haysayna ma jirin. Waxii jiraa Cakaara ayey imane run ku suga baa la islahaa.
Saddex cisho markii aan joognay, hilaaddii lixdii 3aad, baa oodda nala ka rogay. Goday waxa aan kala tagnay amar ah in aan marno Qabridaharre. Waddooyinka waxii Baarray ka shisheeya ma ahee inta kale ma xumayn.

Jidka u dhexeeya Goday iyo Qabridaharre waa carrokaawo siman. Isla maalintii aan ka tagnay Goday baannu habeenkeedii u hoyannay Qabridaharre. Soo-galliinka hore ee magaalada Itoobiyaanku nama fatashi jirin. Darawalka gaariga wata baa markii uu dadka meel geeyo lug ugu tegayay. Waxa uu bixinayay xogta rakaabka uu wado. Dhammaan magaalooyinka aan soo marnay muddo baa nala ku xayirayey. Waxaan islahayn waxay talo ka sugayeen dawladda dhexe. Marka aannu baxaynno baa si aad ah naloo baarayay.
Gaari walba intii la socotay oo uu gudbiyay darawalku bay markii uu baxayo hubinayeen. Hub baa u badnaa waxay naga baarayeen. Waannu iska ogayn mararkan in kobtatadan Qabridaharre maalmo nala ku hakin doono.
Waxaa caado noo ahayd in gaari walba inta meel la dhigo dadka xaasaska ihi meeshooda wax ku karsadaan. Sahaydii aan Kismaayo kala soo tagnay waa la laystay. Mesaggo Waladayo iyo Goday laga soo gatay gabaabsi bay iyana ahayd.
Dadka waxaa ku jiray dhowr qof oo baabbuurka darafta iska soo qabsaday oo aan boggooda bog ka xigin. Way isbarteen intii safarka wada ahayd. Soomaalida waxay tiraahdaa “Ruuxa aad rabto Barashadiisa, Jid la mar, ama Jabad la Xaaro, ama Jidiin la Cun”.
Meel kaniisad hore u ahayd oo jimcaha kaliya dadka magaaladu masaajid ahaan ugu tukan jiray baa naloo furay. Gogol ma lahayn, balse sibir bay ahayd. Badankayo maalintiina waan ku cibaadaysan jirnay habaynkiina waa seexan jirnay.
“Ninba meesha bugta isaga ayey balbashaaye,” waxaa aniga markaas ii gooni ahaa walwal iga haystay dhanka Gaalkacyo. Baadigoob baan ugu jiray in aan war ka helo. Waxaa sugnaatay in dagaal ba’ani ka dhacay Gaalkacyo. Gaadiidka ama socotada Qabridaharre kaga timaadda Soomaaliya ma badnayn.
Ugu dambayntii, waxaa la ii sheegay in laba beri muddo laga joogo uu gaari ka yimid dhanka mudug. Waxaa la iigu daray in uu la socday nin la yiraahdo Xaynoosh. Bakhaar buu ku lahaa magaalada. Waa la ii tilmaamay meesha uu ku leeyahay. Waan ugu tagay. Nin aan yaraantayadii isnaqaannay buu noqday. Waa isgarannay.
Xaynoosh waxa uu ii sheegay in uu joogay markii dagaalku ka dhacay Gaalkacyo. In xasuuq aan loo kala aabbeyeelin dadka ku dhacay

buu iigu daray isla markaasna xaafad walba oo magaalada ka mid ah uu saameeyay.
Nasiibdarro, Xaynoosh carruurtayda ma aqoon warna igama siin karin. Walwal iyo walbahaar baa iiga siyaaday aragtidii Xaynoosh.
“Beryihii duulista iyo Cabdow beri-samaadkii,” Qabridaharre waxay noo ahayd meel aan u tabinno Addis Ababa goortaan dul maraynno. Waxaan u sheegi jirnay xilliga aan dul joogno iyo joogga aan ku duulaynno. (Compulsory reporting point). Waxay naga qaban jirtay baalka bidixda ah kolkaan Hargeysa u soconno.
Waa adduun iyo xaalkiise, haddii aan goobay bal in la heli karo gawaari u baxaysa Mudug iyo waxii ka sokeeya, waa lagu hungoobay. Magaalooyinkii hore oo aannu soo marnay badanaa waxaan la xiriiri jirnay ciidanka Itoobiyaanka ah. Qabridaharre waxaa xaaladdayadu u wareegtay maammulka degmada. Waxaa madaxdu u badnayd dad aan Soomaali ahayn. Muddadii way nagu dheereeyeen. akhbaar badan kama helno madaxda degmada. Dawladdii Dergiga ahayd waa sii quwad jabaysay.
Waxaan ku fakaray in aan u lugeeyo mudug. Xaynoosh baan la tashaday. Waa uu ii dayriyey. Masaafo dheer in ay tahay buu ii sheegay. Waxa uu igu adkeeyey in aanan degdegin. Erayada soo socda waxaa ku heesi jirey Axmed Mohamed Kuluc, in kasta oo aanan hubin cidii miraha lahayd.
Haddaan baalal leeyahay Berri sow ma duuleen. Sow bilic haldhaalay Barta ay ku nooshahay kuma waabberiisteen. Allahayow cid ii bixi.
Toddobaad haddii aan joognay, waxaan wax ka Abaabulay dad badan in aan ugu tagno maammulka degmada. Waa nala qaabbilay. Haddii aan u dan sheegannay ninkii madaxda ahaa, Waxa uu yiri, “Baaritaan baa idinku socda ee suga inta aan ka boganaynno baarista.”
Waxaan niri, “Magaalooyin dhowr ah baan soo marnay, mid walbana waa nalaku baaray. cid nagu soo saa’idayna ma jirto ee maxaa jira?” Sidaas oo kale waxaan u sheegnay dadka maatada u badan in ayna

haysan sahay ay ku sii joogaan meeshan. Waxa uu yiri, “Waxaa laga yaabaa in ay idinku jiraan dad dembiyo dagaal gaystay ama kuwa hub wata ay idinku dhex dhuumanayaan.” Intaa markii ay Afkiisa ka soo baxday baa nin naga mid ahaa yiri, “Ar gaaloow Tooba dheh, dadkaad sheegayso naguma jiraane.” Waa la qoslay. Qof kasta oo aan Af Soomaali ku hadlin ee Itoobiyaan ah badanaa Soomaalidu waxay u haysteen gaal. Markii loo turjumayey ninkii hadalka buu hoos dhugtay oo fakaray. Naxariis baa ka muuqatay. Waxa uu yiri, “Iska taga hadda dhawaan baad war iga helaysaan Inshaa Allaahu.” Waxaannu fahannay in uu ahaa nin muslin ah.
14kii 3aad, 1991, duhurkii baa nala fasaxay. Waxaa nala faray in aan aadno Wardheer. Dad badan oo reer Qabridaharre ah baa nagula taliyey in aannaan bixin goor galab ah. In shufto habaynkii jidgooyo dhigato bay noo sheegeen. Kama aannaan yeelin. Wax kasta waxaa nooga darrayd sii-joogidda magaaladan. In amarka degmada mid kale ka soo dabo baxo baan wadnaha farta uga haynnay. Waxaan talo ku gaaray in aannaan cag saarin Wardheer, si ayna ayaamo noogu hakin.
Meel dhexe markii aannu maraynno baan degsiimo reer miyi ah ku soo baxnay. Nin baan qori ka gadannay. Nin dalyaqaan ahaa baa isna naga raacay. Magaalada Caado la yiraahdo buu u socday. Aaskii baa madoobaaday. Gudcur aan wax la arki kari bay ahayd. Waxaa gawaaridii loo hor marshay kaayagii Laankuruusarka ahaa. Qorigiina wiil baa kor la fuulay. Dhowr jidgooyo baannu soo jiirnay. Ciddii dhigtay ma aannaan arkayn. Markii aan ku soo dhawaanno baa wiilku xabad kor u ridayey. Ninka dal yaqaanka ahna Amxaari buu ku hadlayay. “Maanow, Mindhinow Atee” (waa kuma Adiga kee tahay) baan ka xusuustaa erayadii uu lahaa. Xabbadda iyo af Amxaariga markii ay maqlaan bay cagaha wax ka deyayeen. Waan sii maqlaynnay jaba baxda geedaha ay jiirayeen iyo sharqantooda.
Markii aan magaaladii ku soo dhawaannay, buu ninkii yiri, “Waddadan leexata qaada, isna u lugeeyey magaaladii Caado. Waa ka fogaannay Wardheer. In badan bay dhanka midig naga xigtay. Mohamed Yuusuf Siyo baa horseedkii gawaarida la wareegay, oo geed-geed u kala yaqaannay aagga aan kolkaas maraynnay. Ma aannaan joogsan tuulo la yiraahdo Kurtunle. Qalloocan baannu uga sii gudubnay. Dabadeed waxaan nabad

ku tagnay magaalada Maaneed. Meelaha aan u soconnay meeshii u horreysay bay ahayd.
Waa goor subax hore ah. Dad badan oo aannu garanaynnay baa nagu soo baxay. Waa nagu soo xoomeen. Horraankiiba waxaan isha ku dhuftay Aaden Warsame Cismaan Gacamay. Aqoon fiican baan isu lahayn. In uu carruurtayda ka warqabi karana waa u idahayay (malaynayay). Gacanta ayaan qabsaday oo dadkii kala dhex baxay. Intii aanan waxba oran buu yiri, “Allaylehe waa lagaa filayay halkan.” “Haye, Aadan ii warran,” baan iri. “Cabdullaahi nabad, Carruurtaadii waxay joogaan Goodirwaahis,” buu iigu daray. Inta isku duubay oo Kor u qaaday baan iri, “Ma aragtay, see yihiin?” “Waa fiican yihiin hooyadaa iyo walaashaa baa ka soo waday Galdogob oo laga baqay in dagaalka Gaalkacyo ka dhacay ku soo fido.”
Garabka baan qabtay. Waa la lugeeyey. Waxaan fariisannay meel shaaha laga cabbo. Koobab waaweyn baa shaaha lagu shubayey. Annana waa u yeerannay shaahii. Dad baa ku boodhaadhiyayay madasha. Waxay ka hadlayeen sida dagaalku uga dhacay Gaalkacyo. Yuusuf Quulle ayaa nagu soo biiray. In aan si kadis ah ugu tagno dhammaan ehelkii baannu goosannay. Dhawr iyo labaatan kiiloomitir bay qiyaas ahaan isu jireen Maaneed iyo Goodirwaahis.

————————————————————————————————-
Goodirwaahis
Waa tuulo ka tirsan deegaanka Soomaalida Itoobiya. Hilaaddii, 22 Km bay u jirtaa magaalada Galdogob ee gobolka Mudug ee dalka Soomaaliya. Goodirwaahis waxaa deggan Soomaali soocan. Maammulka dalka Itoobiya ma soo gaaro.
Si kastaba ha ahaatee, farxad argagax (Faraxgariir) leh baan aniga iyo Luul ku kulannay. Lamafilaan buu siiba Luul ku ahaa. Waan isku soo boodnay. Carruurtiina waa soo yaaceen. Majaha ayey iskaga kay duubeen annaga oo wali isku maran hooyadood. Gabankii ay ummushay baan maro madaxa ka saarnayd ka rogay. Luul geesta ayey iga taagnayd. Safiya iyo
20

carruurta intii kale iyana way i nabdaadiyeen. Dad kale oo guriga markaas joogay ma jirin.
Waa 18 Maarso, 1991. Saddex beri kaddib qorraxdu waxa ay ka soo wareegtaa cirifka koofureed. Waxaa horraanka bisha April la filayay roobkii guga. Hawo hogo kulul leh baa durba bilaabatay. Geedihii siiba quraca oo meesha ku badnaa mankii (caleen iyo ubax) bay bixinayeen. Tuulooyinka aaggu Ceelal ma lahayn. Baraago ayaa laga cabbaa. Baraag uu horay u qoday nin walaalkay ah baa jirtay. Eebbe ha u naxariisto e’ Daahir baa la oran jiray. Iyada oo uu Sibirkii u yaal baraagta oo aan la dhisin buu dhintay. Yuusuf Quulle iyo anigu waxaan talo ku gaarnay in aan dhisno intaan roobka gugu di’in.
Sidaas oo kale, waxa aan gorfaynnay in laba qol aan u dhisno carruurta. Yuusuf nin karti badan leh oo firfircoon buu ahaa. Dhallinyaro xayn ah buu ugu yeeray in ay gacan na siiyaan. Badeellada ayaan u qaadannay. Labaatan beri in ka yar baan ku ebinay labadii mashruucba.
Deegaanku shaqo ma leh. Dadku waa xoolo-raacato. Geel, lo’ iyo Ari bay dhaqdaan. Toddobadii ama tobankii sanaba mar bay abaar ba’ani ku habsataa. Cayr iyo fara marnaan bay isku waraystaan dadka deegaanku.
In kasta oo tuulooyinka aaggu ka tirsan yihiin degaanka Soomaalidu degto ee dawladda deegaanka Itoobiya, haddana waxay iibka xoolaha iyo ganacsiga kale weligood la wadaageen Jamhuuriyadda Soomaaliya. Lacagta ka socota deegaannada Soomaalida waa shilinka Soomaaliga.
Dhammaystirkii mashruucyadii kaddib, waxaan is-iri bal soo eeg Galdogob in wax laga shaqayn karo ka jiri karaan. Gaadiid badan ma jiro, laba ama saddex maalmood markaad joogto baa laga yaabaa in gaari la helo.
Cagta ayaan maalay. Waddo toos ah baan qaaday. Toddoba saacadood baan u socday. 1982 ilaa burburkii qaranka baa magaalada Galdogob dagaal ka socday. Gebi ahaanba waa burbursanayd. Waabab bay u badnayd. Xaggii shaqada, waa la ii dayriyey.
Goodirwaahis, tuuladii aan ka imid iyo Galdogob wax isma doorin. Waxaan goobay meel timaha laga jarto. Waxaa la ii sheegay nin la yiraahdo Qaldaan in uu timaha ku jaro meel magaalada ka baxsan oo geed hooski ah. Waxaa geedka salkiisa ugu tiirsan muraayad iyo Gambar hor

yaal. Haddii aan u tagay waxa uu yiri, “Haddii aad timaha jaranayso ku fariiso gambarka.” “Hawraarsan,” warcelintaydii baa ahayd.
Qaldaan waxa uu ka mid ahaa dadkii ka soo qaxay magaalada Gaalkacyo. Si fiican buu xirfaddiisa u yaqaannay. Annaga oo aan timo jarkii bogan yaa nin lo’ ku soo hortay Geedkii. Waa uu na maagay oo yiri, “Maxaad timaha ugu jaraysaan geedka aan lo’da ku horanno?” Qaldaan bay wada kaftameen oo hadallo isku celcesheen. Waxaan weyddiiyay in lo’diisa wax ka dhalayaan gugan iyo in kale. Dhowr sac buu ii sheegay in ay dhalayaan, oo haddana farta ku fiiqay qaar ka mid ah. Waxaan weyddiiyay in uu wax ka iibinayo iyo in kale. “Labo baa iib ah ee haddii aad iib qabto kala bax,” buu yiri. Labo ka mid ah baan farta ku fiiqay kuna iri, “Labadan haddii aad hubto in ay gugan dhalayaan iga iibi.” Waxa uu yiri, “Waan hubaa in ay guga dhalayaan, waliba Sacaan bil baa u hartay, halka ka kalena ku dabo jiro.” Beecii gacanta ayaan ka ridnay. Markhaatina waxaa ka noqday timojarihii Qaldaan.
Ninka lo’da leh waxa uu magaciisa iigu sheegay Afjar Shaaribbocase. Lacagtiisii baan farta ka saaray. Waxaan ku heshiinnay in uu lo’da ii hayo inta gugu ka da’ayo. Gugii waa da’ay, baraagihiina waa buuxsameen. Waxaa la ii sheegay in labadii sac midkood dhalay. Waa ka soo kaxaystay. Sac madi ah oo caano badan buu noqday. Xayluud baan u baxshay. Kii kale maalintii uu Afjar yiri waa uu dhalayaa buu barkadii yimid isaga oo uu la socdo dibi. Nin Baddal Nuux Fiqi la yiraahdo oo lo’da wax ka yiqiin baan ku iri, “Baddal dibiga beryahan ka hari waayay Sacaan maxay tahay micnihiisu?” Baddal waxa uu ii sheegay in uu Sacu orgaysan yahay. Waxaa intaa ka sii darnaa Sacu duq buu ahaa.
In kasta oo aan miyi ku dhashay, aniga oo yar baa la iga waday. Dhaqan miyi wax qumman kama xusuusnayn. Qoyskayaguna lo’leey ma ahayn ee geellay buu ahaa. markii aan saca gadanayey filkiisa ma qiyaasi karin.
Si kastaba ha ahaatee, bacdamaa labada sac kala weynaayeen, qaalintii waxay bilowday in ayna marar soo hoyan oo saca ka weyn la dhaxdo habaynkii. Barqadii, markii ay caano isla-hayn weyso ama biyo u baahato bay imaan jirtey. Saca weyn, inta badan isna waa soo raaci jirey. Aan kaftan yar halkaan ku daree, duuliye sare Welly waxa uu ahaa macalinkaygii tababarka Diyaaradda. Habayn-habayn buu dhihi jiray xaaskiisa, aniga iyo Cabdullaahi casho noo samee. Laba Mukulaalood baa

guriga u joogay, raashin baannu uga soo gadi jirnay Dukaanka soo socodkayaga. Inta afadu ama xaasku cashada diyaarinayso waxa uu la sheekaysan jiray mukulaalaha. Cuntada buu u qaybin jiray. Wax islama cuni jirin mukulaaluhu. Midba Saxan bay lahayd. Afadu jikada iyada oo joogta bay ii baaqi jirtay. Waxay i dareensiin jirtay in odaygeedu uu ku waalan yahay mukulaalaha.
Sidaas oo kale, maalin baa qaalintii carruurta loo lisi jiray habaynkii dhaxday. goortay timid subixii baan sidii welly ula hadlay. Waxa aan iri, “Haye, Xayluud, saacaddaan baad socotaa miyaa?! Carruurtii iyo wayshiiba waa qadeen xalay. iga soo bax xerada meeshaad biyo u raadsanayso adaa yaqaane.” In cidi i maqlaysay lama socon ugumana talogelin in la i maqlo. Balse, illeen labo nin oo markaas tuulada soo gelaysay baa sheekadayda iyo Xayluud maqlaysay. Makhaayad magaalada ku taal oo nin aan qaraabo nahay leeyahay bay tageen. Waxay u sheegeen in uu magaalada ku soo biiray nin xayawaanka la hadla oo waliba canaanta.
Waxaa dadkii goobta joogay qaadaadhigeen in dhaqan cusub oo dadka qaxootigaahi keeneen jiro. Saciid Awmaxamed oo lahaa makhaayadda baa dareemay in ninka ay sheegayaan uu aniga yahay. Saciid waa ii yimid. Waxa uu yiri, “Adeer xalay ma lo’dii baa dhaxday?” “Haah,” baan iri. “Adeer lo’du ma hadasho sida dadka oo kale ma ogtahay!” “Waa ogahay,” baan iri. Waan ogaaday in Saciid wax loo tebiyey. Dabadeedna waxaan uga sheekeeyey Macallin welly iyo mukulaalahiisii.
Waa Adduun iyo xaalkiise, waxaa lo’laydii igula talisay in aan iibsado sac dhalay oo kale, si ay isu soo raacaan labada ubadka leh. Taladaas waa qaatay, waxayna noqotay mid lagu guulaytay. Sacii weynaa oo markaa rimmanaa waxa uu helay oo ku biiray lo’dii uu horay uga tirsanaa ee Afjar Shaaribbocase.
Bishii Juun ee 1991, bay weylihii iyo lo’dii iska heleen geesta tuulada. Waxaa jirta murti Soomaaliyeed oo tiraahda: Dibi weyli uma xirna. Ilmo ka maqan oo uu guriga u soo aado in aysan jirin baa loola jeedaa. Haddaba, maadaama lo’dii irmaanayd ay weylaheedii wadatay, waxba kama duwanayn “Dibi weyli uma xirna.” Sidaas daraaddeed, lo’dii waa isla goosatay.

Deegaanku waa ciid-guduud. xagaa ba’an ma ahayn, Oo guga naqiisii baa la sii daaqayey, dayrtiina dhowr bilood oo kale baa naga xigey. Caws baa carrada ka muuqday caleentuna waa sii daadanaysay. Diyaarad guuxeed haddii aan maqlo xusuus baa igu soo dhici jirtey, haddana waa anigaas raacdada lo’da ku jirey. Gadaha nolosha bay ka mid ahayd.
Adduun hawli kama dhammaatee, baadigoob aanan waxba ka hagran baan jaha walba u kala baxshay. Dhowr tuulo baan ka baafiyey. Gees walba baan deegaanka guud u xulay. Habaynno baan ku dhaxay raadintooda. Aniga oo aan wali quusan oo maalin waddo baabbuurmareen ah goonaya baa waxaa igu soo baxay gaariga noociisa loo yaqaan xaajiyadda. Hal mar baan milicsaday. Dan iyo daarad toona kama lahayn ciddii saarnayd. Dantayda baan la walaacsanaa. Nin reer miyi ah oo xoolo ka baxsadeen baan ahaa.
Aniga oo uurka ka haaraamayay lo’dii, oo weliba aan sac gaar ah u naqsanayey baan jidka dhinac uga istaagay, si baabbuurku ii dhaafo. Markii ay i dhaafeen baan jaantii sii rogey. Kaaga sii darane, intii aan baabbuurku i soo gaarin, kab baa iga go’day. Iyada oo ul suran bay garabka iiga laalaadday, halka tii kale ii illanayd. Sidii qof dhutinaya baan u qudhubsanayey. Buraashad baa iyana ii wehelisay saabaanka aan baadigoobka u kaashanayey. Hase ahaatee, markaas waa marnayd. Xoogaa biyo ahaa oo iigu jiray hor baan uga fuuqsaday. Maradu waxa ay ii joogtay dhudhummada.
Cid lug ahayd iyo mid gaari ku xiimeysayba, dhowr tillaabo markii aan soconnay, baa baabbuurkii istaagay. Gadaal-gadaal buu haddana u soo kaxeeyay xaajiyaddii. Gabar iyo nin baa gaariga wada baa saarnaa. Waa ii gacan haatiyeen. Markii aan ku soo dhawaaday, bay gabadhii muraayaddii xaajiyadda hoos u dejisay. Waxay tiri, “Walaalow ma tahay nin aan mooday?” “Waa kuma,” baan iri. “Cabdullaahi Azhari nin la yiraahdo oo Soomaali Airlines ka shaqayn jiray, oo duuliye ahaa ma tahay?”
Inta culayskii kabta iyo buraashadda ka soo qaaday garabka oo iyaga oo wali ushii suran tahay dhulka dhigay baan ugu jawaabay, “Waa isagii ee adigu tee baad ahayd?”
Sida dhibcaha roobka bay ilmo uga soo daadatay gabadhii. Garbasaartii bay Afka iyo indhaha ku qabatay. In cabbaar ah fursad uma ayna helin in ay ii jawaabto. Iyada oo ooyeysay welina maradii indhaha iyo

afka ku haysay bay tiri, “Qaali baan ahay, Qaali nuur dirir. Gabadhii aad ninkeeda Xamar ka soo qaadi jirtay oo aad Boosaaso keeni jirtay intii qaranku jiray baan ahay.”
Feker iyo xusuus baan dib isugu noqday. Qalab baa la igu soo yiri. Maankii meel buu wax ka soo dhuftay.
Habayn baan gurigayga Xamar hortiisa baabbuur yaal ugu imid. Goor fiid ah oo aan magaalada ka soo laabtay bay ahayd. Markii aan gurigii gal is-iri, waxaa gaarigii ka soo degay nin iyo gabar. Say iyo afo bay isu ahaayeen. Gabadha ama xaasku waa ii qaraabo sheegatay. Waxay i bartay ninkeedii. Doon in ay Boosaaso maalin kaddib uga imaanayso Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta bay ii sheegtay. In uu boos ka la’yahay Duullimaadyada jira ee ayaamaha soo socda bay iigu dartay. diyaarad u kireysan Hay’ad shidaalka baarta ee la yiraahdo Conoco in aan ku daro berri bay iga codsatay. Nasiib wanaag anaaba ku qornaa duullimaadka maalinkaas. Qaali odaygeedii waa aan qaaday.
Intii xusuustu igu baaranaysay bay soo degtay. Gacanta ayey i qabatay. Hoosta baan ka laacay kabtii go’nayd iyo buraashaddii. Waxay iila dhaqaaqday geed qurac ah oo waddada geesteeda ku yaalley harki. Waan daba qudhubleeyay. Haddii aad kab keli ah ku socoto, socodku waa dhutin maadaama caguhu aysan si siman dhulka u qabanayn. Qaali way fariisatay. Anna waxaan isku tiirshay geedka salkiisii. Daalkii aan la liitay darti, haddii aan fariisto Kicidda in aan dhibsado hadhow baan maanka ku hayey.
Qaali Nuur Dirir yare waa ii warrantay. Hooyadeed oo deggan tuulo la yiraahdo Caliyaalo in ay u socoto bay ii sheegtay, halka carruurteedu joogaan Boosaaso.
Intaa markii ay tiri bay inta hoos luqunta u laalaadisay aammustay. Waxaa ku xigay ilmo tii hore ka badan. Tuhun baa igu dhashay ahaa in aysan la ooyeyn oo keli ah rafaadka iga muuqday. Garbasaarta bay dacal ka soo qaadday oo isaga tirtiray ilmada. Hammigii ahaa maxaa kale oo ay kuu sheegi doontaa igama bixin qudhuna in ay degdeg wax u ogaato bay rabtay.
Wax daqiiqado ah baan markaas wada joognay. Iyada oo wali ilmadii qubanayso bay ii sheegtay in ninkeedii Mohamed Saciid Nuur lagu dilay Xamar. Waxa uu ka mid ahaa ganacsatadii bakhaarradooda lagu hor dilay, hantidoodiina la dhacay. Wax badan oo waano iyo caqlicilin ah oo dhankayga ka tagey kaddib, way istaagtay. Waxa ay u dhaqaaqday dhankii

gaarigu yiil. Bac iyo Jeerigaan biyo ku jiraan bay ka soo bixisay. Way ii timid haddana. Buskud iyo timir bay i siisay, biyana waxay iigu shubtay buraashaddii. Afkaan dhigay raashinkii. Nafta baa i soo gashay. Qabatoonkii qaar baa iga haray. Waxay i siisay Macawis qurux badan iyo kabo dacas ah. Dabadeedna waa ismacsalaamaynnay.
Wanaagga qaran leeyahay cidda uu ka dumay baa si wanaagsan u garan kartee, goobistii lo’da baan sii watay. Raq iyo ruux, Ceel iyo carshinba waa laga waayay aaggii loo idahayay.
Ugu dambaystii, waxay xoolo-yaqaankii deegaanku isku raaceen in lo’daas la xaday oo loo gudbiyay deegaanno ka fog nawaaxigan.
Dawladdii Kacaanka iyo Waddamada derisku xiriir iyo iskaashi derisnimo ma lahayn. Jabuuti ka gooni bay ahayd maadaama ay ka mid tahay shanta Soomaaliyeed. Dadka qaxayay waxay u irkadeen dadka soomaaliyeed oo ay deegaankoodu ka tirsan yahay dawladahaas. Walow ay jireen meelo badan oo ay wax-ma-garato ka geysatay dhac iyo kufsi, haddana waxaa hubaal ah in dadka qaxayay loo fidiyay gargaar in kasta ha le’ekaadee.
Dhammaan deegaannada Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo goobaha loo qaxay ee deegaannada dawladaha deriska ah, waxaa saabtay macaluul iyo gaajo, cudur, colaadduna waa u dheerayd. Hay’adaha gargaarka Caalamiga ahna uma soo degdegin. In badan bay isha ka fiirsanayeen. Meelana weligood kamaba hawl galin.
Dhakhaatiirtu waxay ahaayeen kuwa aqoontooda loo irkaday. Xooggooda iyo xirfaddooda ayay ugu shaqaynayeen bukaan-socotada. Saas oo ay ahayd bayna arxan-laaweyaasha mooryaantu badbaadinayn. Waxay ahaayeen kuwa safka hore uga jiray inta dhibaatada loo geysanayey. Biri-ma-Geydada gumaadka ka badbaadday macaluul iyo Cudurro bay la il darnaayeen.
Waa adduun iyo xaalkiye, xagaagii, Luulyo ee 1991, waxaa tuuladii aan ku soo qaxay, waa Goodirwaahis e’ iyo nawaaxigeedii ku baahay Cudurrada duumada (malaria) iyo indhacaseeyaha ama cagaarshow.
Qoyskaygii ayaa ka mid ahaa kuwii ay ku hor bilaabantay. Xaaskayga Luul Xaaji baa ka koow ahayd. Dabadeed qofba mar buu soo ritay cudurku. Tuulada iyo aaggeedu ma lahayn Dhakhtar ama Farmashiye midna. Galdogob baa marmar qandhojabiye iyo kaniiniga Duumada dad

ka keenayeen. Lama hubin daawadu in ay dhacday iyo kale. Balse waa la iska hambanayay.
In muddo ah haddii dhulyaal loo ahaa, Axmed oo waxaan dhalay u weynaa baa goor barqo ah naftu deysay. Saddex beri kaddibna Sagal oo ka yarayd baan galab aasnay. Murugo badan baa reerka u soo hoyatay, haddana badankayo bukaan liita baannu ahayn.
Ugu dambaystii, Saciid oo ahaa wiilkii ay Luul uurka isaga oo ku jira la soo qaxday baan meel la siman qabriyadii walaalihi ku aasnay. Qofkii ugu dambeeyay oo ay soo ridato duumadu baan ahaa. Inta qoyska ka hartay qofna qof uma gargaari Karin. Faa’iso oo waxaan dhalnnay ka hartay markaas, indhocaseeye ayay la tiil. Gacmaha iyo caloosha ayaa laga gubay, waxse uma tarin.
Rugta lagu Abaarsaday Raranka iyo uumiga haddaan reerka laga rarin Xoolahaa ku riiqmee.
In kasta oo ka xumahay in aan tilmaamo ciddii miraha lahayd, meerisyada aan soo aragnnay waxaa ka xalladin jirey Maxamed Saleebaan Tubeec.

—————————————————————————–
21
Ka-haajiriddii Goodirwaahis
Waxaan goostay in qoyska inta ka hartay uunan ku raagin Goodirwaahis. Yuusuf Quulle oo gaarigii wata baa ii yimid. “Iga dhaqaaji,” baan iri. Ilaa ay iga qarsoontay, Goodirwaahis dib uma eegin xaggeeda.

Xusuus wanaagsan uma aannaan hayn ee Eebbihii naga waday baan mahad u celinnay. Dhulku waxba nooma dhimin, balse reerkaygu xusuus fiican ugama tegin.
Waxaan abbaarnay Galdogob oo markaas magaalo u ahayd Goodirwaahis iyo aaggeeda. Barqo dheer baan reerka ku furay.
Kud ka degoo qanje u guur. Darin iyo go’ wadatadan.
Jeerigaan dawarisada.
Teendhada ka-dooddadan. Waaba loogu dowgalay.
Laba dhakhtar, dhowr kaaliye-caafimaad iyo ummulisooyin, kuwa dhaqanka (ummuliso-dhaqameed) u badan baa joogay degmada. Sidaas oo kale, dhowr Farmashiye bay lahayd. Dr. Jaamac Cabdulle Suleemaan “Calaacalaweyne” Aun oo aan horay u aqiin baa subax iyo galab kasta noo imaanayay. Irbado ayuu u adeegsaday in uu kula diriro xanuunkii iyo xummadihii ba’naa ee na haystay. Si tartiib-tartiib ah baannu jirrooyinkii nagu habsaday uga biskoonnay.
Aniga oo aan weli diiftii ka soo kaban baan ku tallamay in aan u haajiro magaalo fursado shaqo laga heli karo. Gaalkacyo goob dagaal bay ahayd. Garoowe ama Boosaaso baan mid walba maanka ku hayay. “Ragga socodka waa u door haddii mowdku daayo e’,” Luul baan u bandhigay fakarkaygii, waana igu raacday. Gaadiid si joogta ah loogu tallami karey kolkaas ma jirin. Gawaari marmar xoolaha Boosaaso u qaadda ayaa la heli jiray.
Galab baa la ii sheegay gaari Boosaaso u baxayay. Gaylan nin la yiraahdo in uu wato baa la iigu daray. Meel ka baxsan magaalada buu xoolaha ka raranayay. Ari baa xooluhu ahaayeen. Waxaan ka codsaday in uu i geeyo Garoowe. Waa iga yeelay, balse waxa uu ii sheegay in uusan shirku bannaanayn. Nimanka xoolaha lahaa oo saddex qof ka koobnaa in ay horay iyo gadaalba isku kiraysteen buu ii sheegay. Bagaalyada kore in aan aniga iyo kirishboygu (dabokafuul) fuulno buu igula taliyey. Waan ku khasbanaa taladaas. Luul iyo Carruurtii baan ku laabtay. Waa soo macasalaameeyay.

Guudka ayaan jaray gaarigii. Go’aygii baan inta saldhaystay bagaalyadii fariistay. Fiid hore ayaannu ambabaxnay. Siisow labo raaran, ama labo- raar ah buu gaarigu ahaa. 140 neef wax baa dheeraa ariga. Wiilka kirishboyga ahaa, waxaa shaqo laga siiyay xoolaha gaariga saaran. Xaraas buu ka noqday. Haddii uu arigu dusha iska fuulo, ama isku marmaan, waa uu kala qaadayay. Shaqo sahlan ma ahayn. Marmar baan gacan siinayay. Nin yar oo firfircoon, oo shaqo badan buu ahaa. Waxa uu magaciisii iigu sheegay “Khasaaro,” naynaas uu caan ku yahay bay ahayd. Saq dhexe baannu laamiga ka fuulnay aagga degsiimada Abaaray. Xawligii socodka gaarigu waa batay. Dabayl xooggan yaa horay nooga soo dhacday. Go’ii baan is-iri ka huwo. Qudhiisiiba waan waayay. Khasaaro haddii aan weyddiiyeyna “Ma arag” baa warcelin noqotay. Waa uu ila raadshay. Goor dambe buu inta qoslay yiri, “Alla waa kan. Sagxadda gaariga ayuu ku dhacay.” Haddana, waxa uu raaciyey “Kani waa tuuris.” Kaadidii iyo saxaradii ariga baa ka meel waayey. Wax la huwan karo ma ahayn. Cimaamad madaxa uga duubnayd buu ii soo tuuray. Luqunta ayaan isaga maray.
Waxaan tagnay, magaalada Bacaadweyn oo Gaalkacyo u jirta 48 Km. Shaah baa loo degay. Anigu kobtii aan fadhiyay kama kicin. Meeshaydii ayaan yuururay. intii uu maqnaa Khasaaro marmar baan ariga kala saarayay. Wanan iyo orgi bay isugu jireen. Orgidu waxa ay korka uga dhacaysay wananka. Orgida qaar baa qaylinayey. Wananku ju’ ma lahayn. Wananku waa ka shiddo iyo dhib yaraayeen orgida. Haddii uu soo noqday khasaaro wuxuu yiri, “Maxaad u soo degi waysay oo noola soo shaahi waysay?” Waxaan ugu jawaabo baan waayay gaarigiina waa dhaqaaqay. Qabow iyo dabayl aan la xammili Karin baa soo saa’iday. Aniga oo silicsan baan tagnay magaalada Burtinle. 120km bay Gaalkacyo u jirtay iyana. Makhaayado aan la dhaafin oo safarku ka cunteeyo baa ku yaallay. Dhammaantayo waa degnay. Waxaan ku leexday Musqusha makhaayadda, dabadeedna ku soo laabtay gaariga.
Khasaaro ayaa iigu yimid. Dib buu u laabtay haddiibana, waxa uu u tagay rakaabkii gaariga saarnaa oo isku miis wax ku cunayey. Waxa uuna u sheegay in aan xanuunsanahay, wax oomati ahna aanan kam siin tan iyo intii laga soo tagay Galdogob. Sidaa oo kale, waxa uu u sheegan go’ii aan dhaxanta ka huwan lahaa in uu saqxadda gaariga ku dhacay oo arigu halleeyey.

Dadkii hal mar buu iswada fiirshay oo la isweyddiiyey, bal horta ninkan waxa uu yahay. Waxaa la ogaaday in aan ka mid ahaa dadka qaxootiga ee Xamar ka yimid. Waxaa laga faallooday xirfaddaydii hore iyo shaqadii aan ka hayay Shirkadda diyaaradaha ee Soomaaliya. Waxaa warbixin laga baxshay waxii iga qabsaday Goodirwaahis. Waxay go’aan ku qaateen in la iga soo wareejiyo meeshii aan ka saarnaa gaariga. Nin dhallinyaro ah baa la igu beddelay.
Goor subax hore ah baan tagnay Garoowe. Hotel Nugaal oo aannu dagaalka ka hor ku dhixi jirnay baan markii aan gaariga ka degay u leexday. Cabdikhadar oo ka mid ahaa shaqaalaha duulista iyo saadaasha hawada baan iska helnay hoteelka hortiisa.
Hore ayaan ugu gudubnay qolkii soo-dhaweynta. Qol labo sariirood leh oo nin kale markaas hurday baa la i geeyay. Sariirtu ma goglanayn. Labo go’ oo mid ku fidsan yahay midna kor saaran yahay baa kor yaalley. Alaabo baco ku jirta baa saarnaa koobadiinka korkiisa. Go’ii kor saarnaa baan intaan madaxa iyo majaha ku duubtay seexday. Waxaan caado u leeyahay khuuro. Marka aan daallanahay bay iigu sii badan tahay. Nasiib-wanaag, xaaskaygu waa qabatintay, oo waayihii dambe nolosheeda bay qayb ka noqotay.
Inta aanan imaan hoteelka baa waxaa dacwooday ninkii aan qolka isaga oo hurda ugu imid. Waxa uu dhibsaday nin kale oo sariirta kale seexanayey. Khuuro badni buu uga cawday. Goor dambe oo habaynkii ah baa laga wareejiyay. Alaabta koobadiinka saarnaydna isaga ayaa lahaa.
Habaynkii dambe, Fiidkii hore baa labadii nin waxay ku wada kulmeen barxadda biibitada hoteelka. Dad aan badnayn baa ku cawaynayey. waxaan fadhiyay meel aan wax badan ka durugsanayn. Midka qolka ila deggan baan garanayay. Midkoodna ima aqoon. Kii qolka hortay laga saaray baa yiri, “Haye waa adigii i cayriyaye ma iga raysatay?”. Kii kale baa markaas yiri, “Waar war ma qabtide iska aammus. Adigu marmar baad kala joojinaysay khuurada. War midka la ii keenay afba ma isku darayo.”
Dad kale ayaa maqlay dooddii nimanka. Waa ku biireen oo u tageen labadii nin. Muddo baa hadba dhan loo sifaynayay sidii iyo qaabkii aan u khuurinaayay. Dan iyo daarad toona kama yeelan.

22
Kulankii Duuliyeyaasha ee Conoco Garoowe
Waxaa Soomaaliya shidaal ka baari jirtey shirkad la yiraahdo Conoco. Labo ceel bay qodiddooda ka bilowday deegaanka Holhol oo Sool ku taal, iyo Garoowe meel waqooyi-bari uga beegan. 42 km bay u jirtaa Magaalada Garoowe. Conoco waxa ay qandaraas-kiro la lahayd shirkaddii Diyaaradaha ee Soomaaliya (Somali Airlines). Raymond nin la oran jirey baa madax u ahaa Shirkadda shidaalka, Conoco faraceeda Soomaaliya.
Qalab iyo qudaar baan Xamar uga keeni jirnnay. Waxaan ceelka ka qaadi jirnay Ciid. Kartoommo ayay ku cabbaysnaan jirtey ciiddu. Kartoon walba waxaa ku qornaan jirey dhererka ama joogga laga soo saaray ciidda ku jirta. Conoco waxay na siin jirtay intayada u duusha lacag dhiirrigelin ah. Saddexdii biloodba mar bay bixin jirtay lacagta. Magac weyn iyo qaddarin baan ku lahayn shirkadda Conoco faraceeda Soomaaliya.
Conoco iyada oo aan ceelkii Garoowe qodistiisii soo af jarin baa qarankii burburay. Ciidan nabadgelyada u qaabbilsanaa shirkadda baa sidiisii u joogay, oo ilaalinayay Ceelka iyo Agabkaba. Nin gaashaanle ahaa oo Cilmi la oran jirey baa taliye u ahaa. Islaan Maxamed Islaan Muuse oo ahaa hoggaamiye-dhaqameedkii ugu caansanaa Nugaal baa haddana kormeere kale uu sii ahaa.
Subixii dambe baan hoteelka isku aragnay Gaashaanle Cilmi. Waxa uu ii sheegay in uu Raymond imaan doono maalinka berri ah. Kormeerkiisa shaqo kaddibna in uu isla diyaaradda ku laaban doono buu iigu daray. Gaashaanle Cilmi waxa uu ahaa nin dabeecad wanaagsan oo dadwad leh. Intii ceelka Holhol qodistiisu socotay buu gaashaanta qaatay. Xamar baa la iiga soo dhiibay Garaaddaha iyo koofiyadda oo aan ugu keenay ceelka. Koofiyadda ayaa ka weynaatay. Xamar baan ku celiyay oo u soo qaaday beddelkeedii.
Waxaan ka codsaday Cilmi in uu i qaado berri, si aan ula kulmo Raymond. Waxa uu ii sheegay in ay jirto gaadiid la’aan. Odayaal uu ka mid yahay Islaan Mohamed in uu qaadi doono buu iigu daray. Waxa uu igula taliyey in aan raaco gaari adeeg u soo doonayay ciidanka maanta, habeenka soo socdana aan la hoydo ciidanka. “Hawraarsan,” baan iri.

Salaadda duhur kaddib baannu ka baxnay Garoowe. Waxaan u tagnay ciidankii oo la gashay heeggan ama difaac. Dhufaysyo ayay ku jireen. Aagag kala durugsan oo ku xayndaaban Ceelka baa madaxyadoodu ka muuqdeen. Isuma aannaan tillaabayn. Meesha laga qoday ceelka silig ama derbi toona kuma wareegsanayn. Xoolaha iyo dadku meel kasta ayey kaga imaan kareen. Balse, degsiimooyin miyi ama kuwa magaalo aagga kama dhawayn.
Xilliyadii ceelka qodistiisu socotay, marmar baan ku dhixi jirnay meesha ceelka laga qodayey. Koontaynnaro qaboojiyeyaal (air condition) leh baan seexan jirnay. Wiishashkii Ceelka lagu qodi jiray oo la furfuray iyo dhammaan agabkii wax lagu qodi jiray baa lagu xareeyey Koontaynarradii. Meel ka bannaan ma lahayn. Kob masaajid ciidanka u ahayd oo dhagxaan ku wareegsan yihiin baa dan ahaan la igula taliyey in aan ku baryo habaynkaas. Kobtu shammiito ma ahayn ee ciid bay ahayd. Darin iyo baakado baa yaalley.
Galabtii oo dhan baan kuududay. Salaadihii casarka iyo makhribka ayaan ku tukaday. Markii aasku madoobaaday baa dabayl yal qabow lihi soo dhacday. Meeshu waa Nugaal. habardugaag aagga uma kala maqnayn waana baahnaayeen. Arrintaasi, nin dayacan oo aan qalab wadan halis bay u ahayd. Abeesada iyo halaqa ama masasku waa shan qabo oo shan siiddaa. Waa dhooddi carradu. Boor iyo siigo ayaa meel walba saabatay. Dab lama shidan karin. Toosh wax lagu ifsado lama oggolayn. difaac baa lagu jirey.
Wax huwasho ii ahaa oo aan korka iska saaro oo aan Cimaamaddii Khasaaro (wiilkii xaraaska ka ahaa gaarigii iga soo qaaday Galdogob) ahayn ma jirin. Cishihii baan durba isdhaafshay. Baakadihii baan gogladay. Derintiina oogada ayaan isaga duubay oo huwaday. Hurdada barkin la’aanta leh intii aan qaxa ku jiray baan qabatimay. Soomaalida baa tiraahda: Dani waa seeto, ama danta baa kuu talisa. Waxaa kale oo ay tiraahdaa: Nin tuur lihi isagaa yaqaan sida uu u seexdo.
Barqo hore baa Cilmi iyo odayaashii yimaadeen. Diyaaraddii iyana waa soo guuxday. Korkayaga bay martay. Xagga waqooyiga ayey nooga gudubtay. Waxaan arkay in ay diyaaradda ku xardhantahay Summaddii Shirkadda Diyaaradaha ee Soomaaliya (Somali Airlines). Waxay lahayd Taargo (Registration number) sidatan u qoran. 60-SCE. Waa ayadii. Waa lafteedii. Waa tii aan ku duuli jiray. Waa ay soo degtay. Meeshii ay

baarkinka dhigan lahayd, ama ku xiran lahayd baan inta istaagay u seenyaaleeyay (gacmaha ayaan uga baaqay).
Nolosha ku soo marta qayb ay adag tahay in aad ka sheegayso baa jirta. Waxa aan qabay Macawis, shaar/shaati duruf ahaa oo aan bilic qumman lahayn iyo Cimaamad madaxa iigu duubnayd. Waa tii Khasaaro igu deeqay. Kabuhu, tayo ahaan waa liiteen. Ushii ganaha lahayd oo aan lo’da ku raaci jirayna baa watay.
In kasta oo Dir Xayluud (lo’dii iga dhuntay intii aan Goodirwaahis deggenaa) loo badinayo in ay xero nin kale ku jirtay, haddana faroqabsi bay ushu waayadii dambeba ii ahayd.
Jirka Diif iyo Rafaad daran baa ka muuqday. Aad baa la iiga dareemayay duumadii aan dhawaan ka soo daahay.
Hase yeeshee, waa noolaa, oo weli hawo adduun baa igu weynayd.
Si kastaba ha ahaatee, sidii ugu habboonayd baan diyaaraddii ugu hagay halkii ay dhigan lahayd. Duuliyeyaashii iyana waa u qaadan waayeen kolkii loo fiirsho qaabkii aan la hor taagnaa iyo xirfaddii aan ku hagay diyaaradda. Haba yaraatee, anigu diyaarad iyo Duuliyeyaal aan garan karo marna meesha kama filayn. Iyana waxa ay dabadeed ii sheegeen in aysan meesha iga fileyn in kastaba ha le’ekaatee.
Waa adduun iyo xaalkiise, markii ay ii muuqatay, oo aan gartay in ay tahay middii aan ku duuli jiray, lexojeclo gaar ah baa iga qabatay. Ilmo aan isla hayn waayay baa iga soo qubatay.
Haddana, duuliyeyaashii waxa ay noqdeen saaxiibboday aan isla duuli jirney, gaar ahaan Ibraahim Abiikar. Waxa aan isla soo qaadannay tababarkii duuliyenimada. Isku Macallin ama bare baa na wada tabobaray. Ibraahim Af-hayeen buu u ahaa kooxdayada Intii aan wax ku baranaynnay gobolka Arizona ee dalka Maraykanka.
Sidaas oo kale, kolkii hore oo aan joognay Germany, aniga ayaa af- hayeen u ahaa kooxda. Dugsiga sare ee Banaadir ee magaalada Xamar baan ka wada baxnay.
Diyaaraddu, Xamar bay saaka ka soo duushay oo saaxiibboday ka yimaadeen. Iyagu Xamar nabad bay ugu noolaayeen. Isla markaas, kuma aysan faraxsanayn waxii ka socday. Balse, weli iyagu waa duulayeen. Waxaan hubaa in ay ku faraxsanaan lahaayeen innaga oo wada duulaynna.

Haddii aan Xamar u raaco, saaxiibboday ima badbaadin karin. Qudhooda baa halis geli lahayd, amaba waa nala wada khaarajin lahaa.
Aniga oo weli taagan meeshii aan diyaaradda ugu baaqayey in ay ku xirato, bay soo degeen labadii duuliye. Waa wada hadlayeen. Ibraahim iyo Shahar bay ahaayeen. Way igu soo socdeen. Shahar baa inta istaagay yiri, “Ma ahan ninku Azhari!” Intaa markii aan maqlay baan xaggooda u dhaqaaqay. Ibraahim baa ku qayliyey waa Azhari! Waa asagii! Inta igu soo booday buu kor ii qaaday. Shahar baa dabadeed yiri, “Ar heey waa Azhariye day! Eebbow Azhari ii waran,” oo labadayadiiba isku duubay.
Ibraahim waa uu baroortay markii uu arkay rafaadkii iyo dacdarraddii iga meel weyday. Shaagga hore ee diyaaradda buu laad ama haraati la dhacay. Waa ku soo orodnay oo isniri ka qabta. Dabadeed, waxa uu madaxa la dhacay qaybta hore ee diyaaradda. Waan isku duubay oo ka qabtay waxaana soo gaaray Abuukar Waasuge oo diyaaradda ula socday ilaalinta nabadgelyada diyaaradda iyo rakaabka, oo horay isna uga tirsanaa Shaqaalaha shirkadda.
Dhammaantayo waxaan u dillaannay diyaaradda gudaheeda. Waxaa ugu tagnay gabar gargaarto ah. Quraac iyo cabbitaan bay noo keentay. Waxaa na soo gaaray Raymond iyo wafdigiisii oo ka soo laabtay Ceelkii. Waxa uu noogu yimid diyaaradda gudaheedii. Inta istaagay baan salaamay. si shaki ku jiro buu ii gartay, Waxaan ka dareemayay in muuqaalkayga darti iyo isbeddelka jirkayga ku dhacay uu u qaadan waayay in aan ka mid ahaa Duuliyeyaashii shirkadda soomaaliyeed oo uu horay u yaqaannay.
Noloshu marar bay kugu soortaa door aad u liita e’, hawshii aan ka rabay baan u sheegtay. Waxa uu ii sheegay in ayna hadda wax shaqo ahi ka qabanayn ceelka, oo ayna jirin fursado shaqo. Wax badan oo nolosha macaankeeda ah oo i soo maray baan markaas horay uga soo quustay.
Haddana, waxaa jirey kuwo ila mid ahaa oo mar hore ifka ka tegey iyo kuwo silic kayga ka daran ku sugnaa maadaama aan caafimaad qabay markaas.
Markaan fursadaha shaqo ee ceelka Conoco waxaa iiga laxaw (laxow) badnaa sidii aan mar labaad ugu duuli lahaa 60-SCE, oo aan ugu biiri lahaa Saaxiibboday.

Feker iyo isla-hadal aanan u fadhiyin baa iiga kordhay imaatinkii saaxiibboday. Waxaan la yaabbanaa Shirkaddii Diyaaradaha Soomaaliya oo weli shaqaynaysay, oo aanan ka mid ahayn shaqaalaheeda.
Marar baan islahaa Cabdullaahi waa aad riyoonaysaa. Balse, maalin cad oo indhahaygu shan yihiin bay ahayd. Waxaa naga hor taagnaa shaqadayadii kuwa arxan daran oo isbaaro Cir iyo dhulba dhigtay. Markaas waxayba la baxeen magacyo aan horay bulshadu u aqoon, sida Hoggaamiye-kooxeed ama hoggaamiye-beeleed iyo Qabqable dagaal. Kuwo ka mid ihi waxay u haysteen in loogu yeerayo magac fiican, waxaase in badani u arkaysay wax aad u xun oo aan qof damiir leh loogu yeeri karin.
Wax Soomaali midayn kara kuma cuslayn, ama ma wadin. Kolba qaabkii Soomaali isugu imaan lahayd kuma socon.
Waa adduun iyo xaalkiise, waan isaga soo degay Diyaaraddii. Ibraahim baa kolkan kursiga bidix ee duuliyaha koowaad fariistay. Gees baan uga istaagay dhabbihii diyaaraddu ku xawaarayn lahayd. waxay u dhaqaaqeen dhabbaha cirifkiisa waqooyi, say ugu kacaan dhanka koofureed oo ay dabayshu ka soo dhacaysay. Gacanta ayay ii haatiyeen, waxay shideen oo ka bigbig siiyeen nalalka baalasha iyo kuwa horeba. Waxay ka wadeen salaan iyo nabad galyayn. Niyadda ayaan kala akhrinayay Liiska hubinta (check list) oo ah liis marxalad kasta uu akhriyo duuliyaha aan markaas duulayn.
Waa soo Karaar qaateen. Hadba waxaa igu soo dhacayay waayowaayo iyo sidii noloshaydu ay ahaan jirtay. Isha ayaan ku hayay. Marna kama libiqsan. Mashquul baan ahaa. Diyaaraddii waa kacday. Lugihii bay laabatay in yar kaddib. Cirka daruur baa saarnaa. Maalintu Cadar bay ahayd. Way iga libiqday, balse guuxeeda ayaan dhowr ilbiriqsi sii maqlayay. Cabbaar baan kobtii taagnaa. Waan u dhuceeyay saaxiibboday in Ilaahay nabad yeelo.
—————————————————————————————————————-

Like it? Share it!

Leave A Response