Taariikh Nololeedka Marxuum Cabdirashiid Maxamed Xirsi oo Puntland Miisaan Weyn Kulahaa

by admin | Saturday, Apr 20, 2019 | 71 Shared

Waxaa saaka oo Sabti ah magaaladda Garowe ku geeriyoodey gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka dowladda Puntland, C/rashiid Maxamed Xirsi.

Allah ha u naxariistee C/rashiid ayaa xilal kala duwan kasoo qabtey labadii dowladood ee ugu dambeysay ee Puntland, iyadoo maamulkii Farole soo noqday Gudoomiyaha Baarlamaanka 2009-2013.

  • 1976 ayay aheyd markii iigu horeysay ee uu noqdo agaasimihii shaqada iyo shaqaalaha mashruucii weynaa ee mareerey.

    1980-1985 ayuu sidoo kale ahaa officer katirsan wasaarada arimaha dibada waaxda arimaha africa.

    15 sano waxuu ahaa xillibaan katirsan golaha wakiilada puntland.

    2009-2013 waxuu noqday gudoomiyaha barlamanka puntland

    2014-2017 waxuu noqday wasiirka hawlaha guud pl

    2017-2019 waxuu noqday wasiirka kalluumaysiga iyo khayraadka badda pl

Marxuumka ayaa 1952-dii ku dhashay degmada Jirriiban ee gobolka Mudug, wuxuuna waxbarashadiisa sare ku qaatay jaamacadda PSU ee Magaalada Garoowe oo uu ka dhigtay kulliyadda shareecada iyo qaanuunka, wuxuuna kamid ahaa ergooyinka aasaasay dowladda Puntland 1998-dii.

Marxuumka oo ahaa shaqsi laga jecel yahay Puntland ayaa Madaxweyne kuxigeenka Puntland ahna Kusimaha Madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan oo ay sannooyinkii u dambeeyey saaxiib ahaayeen Marxuumka geeriyooday ayaa uga tacsiyey shacabka Puntland.

Like it? Share it!

Leave A Response