Shaqsiyaad adeegsanaya facebook oo qal-qal geliyey Dowladda Federaalka

by admin | Thursday, Apr 18, 2019 | 37 Shared

Shakhsiyaad adeegsanayo Facebook ayaa qalqal geliyey Dowladda Federaalka Soomaaliya kadib markii Social Media   laga sheegay inuu dhici rabo banaanbax loogu soo horjeedo didadka xiran ee Magaalada Muqdisho.

Inkastoo wax banaan bax ah uusan ka dhicin magaalada Muqdisho ayaa haddana waxaa maalmihii la soo dhaafay la hadal hayay, baraha bulshada laga abaabulayay dibadbax la sheegay in uu 18-ka bishan ka dhici doonaa magaalada Muqdisho, kaas oo dadka ku howlan ay shegeen inay ku dalbanayaan xal u helida dhibaatooyin ay shegeen inay heystaan shacabka ku nool gobolka Banaadir.

Like it? Share it!

Leave A Response