Howlgal Culus oo ka bilowday magaalada Muqdisho

by admin | Saturday, Mar 30, 2019 | 66 Shared

Waxaa caawa lagu dhawaaqay in howlgal culus uu ka bilowday magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, iyadoo ciidamadu fulin doonaan dhaqdhaqaaqyo lagu sugayo amniga.

Guddoomiyaha G/Banaadir ayaa shaaciyey jiritaanka howlgalka, iyadoo maamulka G/Banaadir uu sheegay inuu diyaariyey gaadiid lagu qaado dadka liita ee ay wadooyinka ka xiran yihiin, wuxuuna dadka ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada amniga.

Howlgalka culus ee Muqdisho ka bilowday ayaa la sheegay inay gaaraan golaha wasiirada oo galabta ilaa caawa shira uga socdo magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in ciidamadu ay si joogto ah u xireen wadooyinka Muqdisho, isla markaana baaritaanno guri-guri ah laga sameyn doono magaalada.

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga sugayaa Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya oo shirkooda degdega ah looga hadlayo arrimaha amniga.

Like it? Share it!

Leave A Response