Qarax Xoogan oo goordhaw ka dhacay Muqdisho

by admin | Thursday, Mar 28, 2019 | 66 Shared

Waxaa daqiiqado yar kahor qarax aad u xoogan oo loo maleenayo in uu ka dhashay gaari Waxyaabaha qarxay laga soo buuxiyay uu ka dhacay inta u dhaxeysa Hotelka Wehliye iyo Isgooska Dabka.

Qaraxa ayaa ka dhacay maqaayada Filsan oo u dhow Hotelka Weheliye, qeybta degmada Waaberi, waxaana si weyn looga maqlay caasimadda, isagoo dhacay xilli ay goobtaasi mashquul ahayd oo dad badan ku sugnaayeen.

Burbur xoog leh ayuu geystay qaraxa iyo qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac sida ay soo sheegeen weriyeyaashii ugu horeeyay ee gaaray goobta qaraxu ka dhacay, waxaana ay arkeen ilaa 8 dhaawac ah iyo dhimashada 3 qof.

Gaadiidka Gurmada ayaa wada daabulka dadka ku waxyeeloobay qaraxa, iyadoo ciidamada ay xireen goobta qaraxu ka dhacay.

Like it? Share it!

Leave A Response