Rag Hubeysan Oo Ka Dhex Dagaalamaya Xarunta Wasaaradda Shaqada Iyo Shaqaalaha

by admin | Saturday, Mar 23, 2019 | 75 Shared

Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa lagu dhuftay albaabka hore ee xarunta wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha, taasi oo ku dhow isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho.

Sida ay sheegeen dad ku dhow halkaasi, rag hubeysan ayaa gudaha u galay xarunta wasaaradda, waxaana ay iska caabin kala kulmeen ciidamada ammaanka ee halkaasi ku sugnaa.

Daqiiqado kadib ayaa goobta waxaa ka dhacay qarax Labaad, waxaana qarxay sida la sheegay gaari ay kasoo degeen dableydii hubeysneyd ee gudaha u galay xarunta wasaaradda.

Waxaa jira khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac, balse weli lama hayo tirada saxda ah ee dadka waxyeelladu halkaasi kusoo gaartay.

Goobta waxaa gaaray ciidamo badan oo dowladda federaalka ah, kuwaasi oo u gurmanaya shaqaalaha wasaaradda oo howlmaalmeedkooda watay markii la weerarayey.

Gaadiidka gurmadka degdegga ah ayaa goobta kasoo qaadaya dadka ay waxyeelladu soo gaartay.

Muqdisho maalmahan dambe waxaa kusoo badanayey falalka amni darrada ah, xilli dowladda federaalka ay xoojisay ammaanka guud ee magaalada, islamarkaana waddooyinka ay taagan yihiin askar gaadiidka baarta.

Like it? Share it!

Leave A Response