Pakistan oo soo riday labo diyaaradood ay leedahay Hindiya

by admin | Wednesday, Feb 27, 2019 | 71 Shared

+Dowlada Pakistan ayaa maanta oo Arbaca soo riday labo diyaaradood oo nooca dagaalka ah oo laga leeyahay India sida lagu sheegay qoraal saaka kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibada ee Pakistan.

Diyaaradaha India ayaa la sheegay inay gudaha usoo galeen hawada Pakistan kadibna lasoo riday, militariga Pakistan ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen qaar kamid ah duuliyayaashii diyaaradahaasi waday.

Soo ridida diyaaradahan ayaa timid kadib markii Pakistan ay duqeyn dhanka cirka ah la beegsatay dhulka India ka taliso ee gobalka Kashmir taasi oo ay uga jawaabeyso duqeyntii India la beegsatay Salaasadii shalay dhulka Pakistan.

Diyaaradaha India ayaa la sheegay inay isku dayeen inay baacsadaan kuwa Pakistan ee saaka hawadooda soo galay, balse keentay in India laga soo rido labo diyaarad oo mid kamid ah kusoo dhacday gudaha dhulka Pakistan.

Like it? Share it!

Leave A Response