Buhari oo markii 2aad ku guuleystay Doorashada Dalka Nigeria

by admin | Wednesday, Feb 27, 2019 | 102 Shared

Madaxweynaha Nigeria ee xilka haya Mahamadu Buhari ayaa markii labaad ku guuleystay Doorashada Madaxweynaha ee Sabtidii lasoo dhaafay, isagoo helay in ka badan 56% cododka.

Guddiga Doorashada ayaa saaka oo Arbaca ah ku dhawaaqay Natiijada Doorashada, Buhari oo 76 sano jir ayaa afarta sano ee soo socota hogaamin doona dalka ugu shacabka badan qaarada Afrika.

Codbixintii dhacday 23kii bishan Feberaayo ayaa la sheegay in Madaxweynaha xilka haya uu helay codod gaaraya 15.2 milyan iyadoo ay murashaxiin gaaraya 70 u tartameen xilka Madaxweynaha.

Murashaxa labaad ee loolanka adag la galay Buhari oo lagu magacaabo Atiku Abubakar ee xisbiga PDP ayaa helay codod gaaraya 11.3 milyan oo u dhiganta 41% cododka.

Xisbiga Mucaaridka ee PDP ayaa iyagu sheegay inay weli diidan yihiin natiijada lagu dhawaaqay, iyagoo sheegay inuu dhacay musuq maasuq baaxadleh.

Xiligii ay dhaceysay doorashada ayaa waxaa jiray rabshado ka dhacay magaalooyinka waaweyn oo la sheegay inay ku dhinteen ugu yaraan 39 qof.

Like it? Share it!

Leave A Response