Aqoonyahan Saalin Saciid,” Puntland waa inay ciqaabtooda ku qaadaa dambiilayaasha Kufsiga geysta

by admin | Tuesday, Feb 26, 2019 | 94 Shared

Dad badan ayaa eedaha kufsiga soo badanaya dusha uga tuura odayada dhaqanka ee iyagu masalaxaadda aan joojin karin denbigan la dabataagan.

Si haddii loo eego waa eed gar ah oo cadaalad daro in laga taliyaa waa wax aakhiro iyo aduun ba ku xun, si kale hadii loo eego gar maahan oo odaga dhaqanku waa sida garsooraha maxkamada waxa uu wax ku kala saaraa wixii xeer dhaqanka uu yaqaan uu ka xeerinayo xaajada ama dacwadda la horkeenay .

Haddaba maxaa asal u ah garsoorka dhaqanka ?

1. Xeer dhaqanka Soomaalida waxa uu ku dhisanyahay habka ciqaabta madanida (civil sanction) ee shaqo kuma leh ciqaabka denbiyada (criminal punishments) .Tusaale , xabsi, dil (sida badan), gacan gooyo IWM kuma jiraan xeerka ciqaabta dhaqanka. Waxaa xeer dhaqanku u yaqaan garta ciqaabta GAR CADAAWO oo dad kala guuray oo aan is bixin oo kaliya ayaa ku garrama .

2. Xeer dhaqanka Soomaalida ciqaabta waa mid wadar (collective punishment) ah oo haddii qof wax dilo , waxaa denbiga dilka dusha u rita dhammaan qof kasta oo rag ah oo reerka wax dilay ka mida . Haddii mag ama magdhaw lagu xukumo denbiilaha isaga wax lagama qaado ka badan qof ahaan waxa kaga soo aaday magta qoora tiriska lagu qaybsado. Sidoo kale magta ama magadhawga waxaa inta badan qaybsada reerka marka laga reebo qoondo kooban oo reerka la siiyo dhibta gaartay ( sia dhibta reerka dusha ugu wada rito ayaa wixii nafci ah ee yimaadana reerka dusha uga ritaa).

3. Denbiga kufsiga marka uu hdaco waxaa asal u ah xeer dhaqanka in dhibta gabadha gaartay odayada labada dhinac ka fariistaan,iyada oo aan goobta la keenin dhibanaha , waxaana jirta maahmaah oranaysa (ganbo geed ma tagto), balse waxa u hadla nin ay isxigaan oo goobta ka garrama . Haddii qolo diido oo tiraahdo sharciga aada taasi waa yasid oo waxa ay isu bedeli kartaa gacan ka hadal iyo ninkii kufsiga gaystay gacan loola tago. Ciqaabka xeer Soomaaligu u dejiyay kufsiga waxa uu ka koobanyahay laba qaybood:

A. Magdhaw loo xukumo gabadha (Puntland degmooyinka 40 neef sako ah yaa laag xukumaa ) .
B. Xaal gabadha loo soo qaado , balse xaalka waxaa inta badan qaata reerka oo gabadha wax badan kama gaaro, maadaama iyadaba haddii ay dhib gaysato reerku ka bixin lahaa.

C. Waxaa kale oo dhacda mararka qaar in ninka wax kufsaday haddii uu gayaan u yahay gabadha dhibanaha ah loo guuriyo kufsiga ka dib si ceebta gabadha loo asturo sida ay dhaqanka la tahay (balse , waa fal fool xun oo ka dhigan in kufsadaha gabadha loo baqtiiyo sida dhurwaaga neefka qaata ee marka uu la ordo looga haro haddii la ogaado in aan mindi lala gaari karin neefka oo uu mar hore baqtiistay).

Sidaas awgeed , denbiyada waawayn sida kufsiga iyo dilka haddii lagu daayo habka xeer dhaqanka oo aan la helin dawlad xoogan oo sidii dawladdii kacaanka ee Muxamed Siyaad Barre iyadu awood u leh inay soo xirto , ciqaabkana ku qaada denbiilayaasha denbiyada waawayn gala suurtagal maaha in xeerka dhaqanka laga sugo xukun aan waaafqsayn habka xeerka dhaqanka.

Haddaba oyadu eed maleh waxay fulinayaan axkaamta xeer dhaqanka oo ku dhisan ciqaab madani ah , ee dawladdu xeerarka u degsan ee ciqaabta iyadu ha fusahato , haddii kale runta ha sheegto oo xukunka iyo dawladnimada ha u dayso odayada dhaqanka.

Wadama dhaqanka ku xoog badan yahay ee dunida waxay sameeyaan habraacyo lagu xakameeyo xeer dhaqanka sida in aan uu jiro xeer mamnuucaya in odayadu galaan denbiyada waawayn sida kufsiga. Puntland xeerka kufsiga ee 2016 waxa uu mamnuucayaa in hab dhaqan lagu galo denbi kufsi ah , balse awood dawladeed si buuxda u fulisa wali ma helin

Like it? Share it!

Leave A Response