Madaxweyne Dani oo baaq u diray dowladda Sweden

by admin | Sunday, Feb 24, 2019 | 59 Shared

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay Danjiraha Dalka Sweden u fadhiya Soomaaliya Ambassador Andreas Von Vexkull iyo wefti ballraan oo uu hogaaminayey.

Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa kulanka ku wehelinaayey Wasiiru dowlaha Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdiraxmaan Caydiid Ibraahim, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada ee Arrimaha Dastuurka Saalax Xabiib Jaamac iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Kulankan uu Madaxweynaha Puntland laqaatay Danjiraha wadanka Sweden u fadhiya Soomaaliya, oo ay qayb ka ahaayeen madax ka socotay Hay’adda Diakonia oo uu hogaaminayey Xog-hayaha Guud ee Diakonia Mr. Georg Andren iyo Madaxa Africa ee Diakonia Johan Romera ayaa looga hadlay mashaaricda ay ka fuliso Dowladda Sweden Puntland oo ay fududeeyaan Hay’addaha Qaramada Midoobey, sida barnaamijyada caafimaadka, horumarinta haweenka iyo Horumarinta Ganacsiga.

Madaxweynaha Puntland iyo Safiirka Sweden ee Soomaaliya ayaa kulan gaar ah oo ay yeesheen kadib shir jaraa’iidka oo ay qabteen kaga hadlay arrimaha muhiim ka ah ee ay ka wadahadleen,

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani ayaa dalka Sweden iyo hay’adda Diakonia uga mahadnaqay garab is taagga ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Puntland, waxaana uu Madaxweynuhu balan qaaday inuu si dhaw ula shaqaydoono safiirka iyo saraakiishan hay’adda Diakonia.

“Waxaan uga mahadcelinayaa madaxda Diakonia iyo Dalka Sweden mudadii dheereyd ee dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan Puntland ay garab taagnaayeen, waxaana u balan qaadaynaa in aan si dhow ula shaqayn doono, marxaladda soo socotana waxaan ka fileynaa dalka Sweden in aysan ku ekaan dhinaca gargaarka oo keliya ee ay ganacsatada iyo shirkadaha dalka Sweden ay u yimaadaan maalgashi dalka”. ayuu yiri Madxweyne Deni

Like it? Share it!

Leave A Response