Madaxweyne Deni oo safarkiisa ugu horeeya ku tagaya gobolka Bari.

by admin | Tuesday, Feb 5, 2019 | 58 Shared

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdulaahi Deni, ayaa safarkiisa ugu horeeya ku tagidoona magaalada Bosaso ee xarunta ganacsiga Puntland, halkaas oo la ciir ciiraysa ammaan darro gaartay heerkii ugu sareeyay muddo sanado ah kadib.

Madaxweyne Deni ayaa safarkiisa galaya kadib marka uu magacaabayo golihiisa wasiiradda, waxaana xusid mudan sida aan xogta ku helnay in xukuumadiisa cusub shaqada ugu horeysa ka bilaabidoonaan magaalada Bosaso.

Lama garanayo inta madaxweynuhu halkaasi ku maqnaandoono, hase yeeshee wararka waxaanu ku helnay in madaxweynuhu ahmiyad gaar ah siindoono xasilinta magaalada Bosaso uuna isbedel xoogan oo la taaban karo ku sameyndoono laamaha amniga, iyo maamulka gobolka Bari.

Waxaa kale oo madaxweynuhu isbedel ku sameyndoonaa laamaha garsoorka.

Madaxweyne Deni ololihiisa doorashada, waxaa uu balanqaaday inuu ahmiyad gaar ah siindoono gobolka Bari oo ah isha dhaqaalaha Puntland, kaasoo hadda hoy iyo gabaad unoqday kooxaha argigixisada Alshabaab iyo Daacish.

Like it? Share it!

Leave A Response