(VIDEO) Dhalinyarada isboortiga Puntland oo kasoo horjeestay in lagusoo dul magacaabo xiriirka kubada cagta, farriin culusna udiray madaxweyne Deni.

by admin | Saturday, Feb 2, 2019 | 85 Shared

Dhalinyarada isboortiga Puntland ee maamulayaasha ka ah kooxaha heerka koowaad ee Puntland, ayaa kasoo horjeestay qorshe ay sheegeen in lagusoo magacaabayo xiriirka kubada cagta Puntland oo horey waqtigiisa usoo qaatay, dhowr jeerna muddo kordhin ah loo sameeyay.

Dhalinyaradu waxay sheegeen inay markaan u baahan yihiin xiriir kubada cagta oo ku yimaada rabitaanka bahda isboortiga Puntland islamarkaana ay soo doortaan kooxaha kubada ee ka diiwaan gashan Puntland.

Waxay madaxweynaha udireen farriin culus, iyagoo ka codsaday inuu kala qaado wasaaradda shaqada, shaqaalaha dhalinyarada iyo ciyaaraha ama uu keenayo masuuliyiin isboortiga wax ka garanaya.

Halkaan ka daawo wareysi ay dhalinyaradu siiyeen warsidaha Puntlandi.

Like it? Share it!

Leave A Response