Baarlamaanka oo Ansixiyay Miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2019,Xeer hoosaadka golaha shacabka & Sharciga Xaqsiinta Ciidanka

by admin | Sunday, Dec 30, 2018 | 85 Shared

Kulankii aan caadiga ahayn ee xildhibannada Baarlamaanka ayaa goor dhoweyd lagu ansixiyey miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2019.

Waxaa cod loo qaaday Miisaaniyadda 2019-ka, waxaana codkii noqday mid wada ogol ah, iyadoo 174 Xildhibaan oo kulanka Golaha Shacabka ee maanta joogtay ay dhammaantood gacanta u taageen.  Ma jirin cid diiday ama ka aamustay.

Sidoo kale Xildhibaannada Golaga shacabka ayaa ansixiyey hindise sharciyeedkii labaad ee maanta oo ahaa Hindisaha Sharciga Xaqsiinta Ciidanka.171 Xildhibaan ayaa ogolaatay, waxaa diiday 2 Xildhibaan, Xildhibaan ka aamusay ma jiro.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale cod aqlabiyad leh ugu codeeyay xeer hoosaadka golaha shacabka, waxaana ansixiyey 170 xildhibaan, waxaa diiday 1 xildhibaan, iyadoo aanu jirin cid ka aamustay.

Like it? Share it!

Leave A Response