Daawo: Beesha Reer Jalaf(Sacad) oo Wacad ku maray inaysan soo wareejinayn Maxbuus itoobiyaan ah

by admin | Saturday, Dec 29, 2018 | 345 Shared

Iyadoo weli ay taagan tahay colaadii iyo dagaalkii Ka dhacay xuduuda ee Gaxandhaale, ayaa waxaa shalay halkaasi mar kale dib uga dhacay dagaal faraha looga gubtay oo aan waxba laysula harin.

Dagaalka oo u dhaxeeya beelaha Wagerdhac &  Sacad ayaa waxaa shalay maleeshiyaadka beesha Sacad ay gacanta ku dhigeen askari Itoobiyaan ah, halka 4 kalena ay ku dhinteen dagaalka.

War kasoo baxay dhanka dowladda itoobiya ayaa lagu sheegay in ciidankoodu uu halkaasi u tagay inay kala dhex galaan labada beelood ee Gaxandhaale ku dgaalamaya, iyadoo dowladda Itoobiya ay muddo 24 saac ah u qabatay in lagu soo wareejiyo askariga laga qabsaday.

Dowladda Federaalka soomaaliya ciidanka ka jooga Cadaado iyo Gaalkacyo ayaa saaka goor hore ku dhaqaaqay degaanka Bandiiradlay ee lagu hayo askariga maxbuuska ah, hase yeeshee waxay halkaasi kala kulmeen diidmo iyo iska caabin kaliftay inay dib uga noqdaan.

Dadka degan Bandiiradlay ayaa isugu soo baxay banaan bax ay ku diidan yihiin inay wareejiyaan askariga maxbuuska ah.

Hoos ka daawo

Like it? Share it!

Leave A Response