Isimada Maamulka Puntland oo Bayaan 4 Qodob ah kasoo saaray Doorashada Puntland

by admin | Monday, Dec 24, 2018 | 103 Shared

Issimada degaanada Puntland ayaa magaalada Garowe kasoo saaray bayaan ka kooban afar qodob oo ku saabsan doorashada Maamulkaasi ee dhowaan dhici doonta.

Waxay ssheegeen in Doorashada Puntland loo baahan yahay inay ku dhacdo si degan oo xasiloon, kuna dheehan xurmimo; isla markaana mus’uuliyada amnigu ay noqoto masuuliyad wadareed cid kasta ay ka shaqeyso, la iskana kaashado.

Isimada waxay bayaankooda ku sheegeen inay la socon doonaan xaalada Doorashada inta ay ka dhamaaneyso. Bayaanka ay Issimada Puntland waxaa warbaahinta u akhriyay Suldaan Bashiir Muuse, waxayna qodobadiisu kala ahaayeen:.

1- In la wada-qaato masuuliyad wadareed, cidkasta ay xil iska saarto sidii loo heli lahaa doorashado ku dhacda nabad iyo xasilooni.

2- In Guddiga xalinta khilaafaadka lagu aamino in ay soo ansixiyaan soona saaraan xildhibaaanadii beeluhu soo xusheen, Isimaduna saxiixeen.

3- In musharaxiinta ay yihiin masuuliyiin muwaadiniin ah, xilna ka saaran yahay la shaqeynta Guddiga doorashada iyo laamaha amniga.

4- In taliyeyaasha amniga ay masuul ka yihiin amniga guud, musharaxiintu ay u siman yihiin, ayna dhib kala kulmin xoriyadooda dhaqdhaqaaq, sida wadajir ahna loo wada

Like it? Share it!

Leave A Response