Ciidamada amaanka oo la sheegay inay Xasan Daahir kala wareegeen Mobile-kii uu wax kusoo duubi jiray

by admin | Monday, Dec 24, 2018 | 72 Shared

Ciidamada amaanka ee dowladda Somalia ayaa la sheegay inay agab isgaarsiineed kala wareegeen Xassan Daahir Aweys oo baraha bulshada dhowr muuqaal soo dhigay jeer uu xiran yahay.

Sh.Xasan Daahir Aways oo gacanta dowladda ku jira tan iyo markii uu kasoo baxsaday Al Shabaab oo uu mar madaxda sare kamid ahaa, balse ay markii dambe fikrad ahaan is fahmi waayeen, ayaa beryihii dambe  la arkay isagoo muuqaallo soo dhigaya baraha bulshada.

Ciidamada amaanka ee DF ayaa la sheegay inay la wareegeen mobile nooca smart ah iyo qalab kale oo isgaarsiineed, waxaana la sheegay inay tahay markii 3-aad. Aways ayaa dhaliiley qaar ka mid ah go’aannada dowladda sida xiritaankii Rooboow.

Like it? Share it!

Leave A Response