500 Qof oo aan Madaxtooyadda ka shaqeyn ayaa heysta Kaararka Villa Somaliya

by admin | Sunday, Dec 23, 2018 | 92 Shared

Sida ay sheegeen dad Khubaro dhanka amniga ah, In kabadan 15,000 oo Qof oo aan Dowladda u shaqeyn ayaa heysta Kaararka Dowladda’!!!

Ugu Yaraan 500 oo qof oo aan Madaxtooyadda ka shaqeyn ayaa heysta Kaararka Madaxtooyadda kuwaas oo isugu Jira Lataliyayaal iyo Shaqaale kale oo aan si rasmi ah uga shaqeyn Villa Somaliya.

Waxaa jira Shaqsiyaad Caadi ah oo heysta Kaararka Madaxtooyadda oo ay ugu Qoran tahay waa La Taliye Reysalwasaaraha, Sidoo kale Lataliye Xaafiiska Madaxweynaha, Lataliyayaal Wasiiro iyo Wasiiro ku xigeeno, Lataliyayaal Agaasime iyo Agaasime Waaxeedyo.

Waxaa sidoo kale jira Shaqsiyaad heysta Kaararka Wasaaradda Gaashaandhigga, Nabad Sugidda,iyo Booliiska oo aan ka mid aheyn ciidanka qalabka sida, amase mar hore la ruqseeyay.

Waxaas oo kaarar ah waxaa sameeya Shirkad shaqsiyaad leeyihiin oo Halkii Kaar lagu Sameeyo ugu yaraan 10 Doollar. Waxaa lagu Sameeyaa Sadex Meelood oo Kuyaal Wadada Maka Al Mukarama.

Intaas oo Shacab ah oo kaararkaas wata, waxey soomaraan wadada Sayidka halkaas ayeyna kaga soo gudbaan Baaritaanadda. Dadkaasi Kaararkaas kaliya ayey tusaan Askarta hadana Baabuurtooda lama baaro!.

Waxaas oo Qatar ah ayaa ka jira amniga caasimada, Waxaana aan muuqan wasaaradii Amniga Gudaha iyo wasiirkeeda oo ah kuwo fashilmay. Sida runtaa Taliyeyaasha ciidanku dadaal badan bay hayaan oo wax badan bay ku guulaysteen, laakiinse meesha sartu ka quruntay waa wasiirka Amniga gudaha ee xukuumada federaalka Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response