Saadaal hordhac ah doorashada Puntland 2019

by admin | Saturday, Dec 22, 2018 | 306 Shared

Inkastoo aan weli la gaarin saadaashii dhabta aheyd laakiin, doorashada puntland ee sanadkaan tii hore waa kaduwantahay cidda ku tartamaysa oo tartanka adag dhexmarayo waa shanta Musharax ee hoos ku qoran wiliba siday u kala horeeyaan ayay saadaashu sheegaysaa inay ugu kala dhawyihiin kursiga.

1.C/weli Gaas:- waa odayga talada hada haya waa siyaasi siyaasadiisu badanaa qarsoodi ku shaqayso waxaa lasheegay inuu meel saaray xildhibaano badan, balse layskuma haleyn karo xildhibaanadaas 100% waxaana la tuhunsan yahay in xildhibaanada badankooda ay  dawladda dhexe ee federaalku riixayso.

2. Siciid Deni:- waa ruug caddaa aan badanaa hordhiciisu muuqan, balse fagaarayaasha doorashooyinka in badan kasoo muuqday iyadoo aan laga filanayna meelo sare kagaaray, waxaa marag madoonto ah dawrka uu kulahaa soo saarida qaybo xildhibaano ah iyo saamaynta bulsho iyo taageero hanti soo uruursashadeeda oo aan ku yarayn.

3. Asad Diyaano:- waa nin aan horay loo tijaabin balse halmar la soo baxay taageero xoog leh oo muuqata, garbihiisa oo lagu arkayo dad maqaam iyo miisaan kuleh siyaasada iyo dhaqankaba, xantuna waxay sheegaysaa in C/weli Gaas ay xulufo yihiin balse lama hubo dhankiisana waxaa lagu tirinayaa inay durbaba u dhuunteen tiro xildhibaanada aan lagu dhawaaqin.

4. Khaliif Jabiye:- nin jeebkiisa lahubo waana nin ka xishoodsiiyay musharixiin badan, iyadoo bixinta lacagaha horay loogabartay in doorashooyinkii hore lasiiyo oo lagu tartamo 66da xildhibaan balse wuxuu boorsada u furay magaalooyin iyo tuulooyinba, waana mida kayaabisay dad badan uuna ku kasbaday taageero badan, waxaana wada ogsoonahay bixinta lacagaha iyo heerka ay kajoogto doorashooyinka balse cod aadan u jeedin isku halayn malahan.

5. Cali xaaji:- siyaasi bulshada taageero badan kuleh, saamayn xoogana ku lahaa doorashadii hore, isagoo ku faana inuu ahaa sababtii C/wali Gaas guusha u keentay, lacag wadashadeed sanadkaan kuma yara waxaana laga dareemayaa diyaar garoowga kaanbaynkiisa, balse dadka siyaasada casrigaa faaleeya ayaa tilmaama inuusan waqtigiisii joogin sidoo kalana maqaamkiisii ay hoos uriday tartankii fadaraalka oo uusan aad uga muuqan wax cod ahna ka helin doorashadaasi.

Like it? Share it!

Leave A Response