Saddex Baa hoggaamin wanaagsan ku siisa (Gar toosan,Gacan furan & Guddoon adag)

by admin | Wednesday, Dec 19, 2018 | 172 Shared

1.Islaan Ciise Islaan Maxamed.
Islaan Ciise wuxuu go’aamiyey xubnaha uu saxiixo kuwooda ugu saamaynta badan, isagoo kala siiyey beelihii uu u arkay inay xiligan mudan yihiin, dhamaan bulsho waynta deegaanku way u riyaaqeen go’aanka hufan ee Islaanku gudoomiyey.

2.Islaan Bashiir Islaan Cabdulle.
Islaan Bashiir wuxuu sidoo kale gudoomiyey xubno muhiim u ah dadka reer Puntland, runtiina lagu farxay kusoo biiristooda Golaha Baarlamaanka Puntland 2019.

3.Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin.
Beeldaaje Ismaaciil, shirar wada tashi iyo gorfayn oo muddo u socday beesha uu isinka u yahay, isagu wuxuu qaatay koobka soo xullista maadaama uu soo ansixiyey labo dhallinyaro oo ka dhex muuqda Bulshada, heerkooda aqooneedna aad u dhisan yahay, hambalyo Beeldaaje.

Saddexda Isin ee aan xusay waxay ku sifoobeen saddexa sifo ee kor ku xusan. Waana saddexda shay ee hoggaamiye wanaagsan kaa dhiga, kaana hor mariya dhiggaaga.

Sifooyinka dadka guulaysta waxaa ka mid ah in guusha ay naftooda la jecel yihiin, dadkana ay la jecel yihiin.

Xadiis Nebiga NNKH laga weriyey ayaa macnahiisu ahaa “qofkiina ma rumayn ilaa uu walaalkiis la jeclaado waxa uu naftiisa la jecel yahay”.

Maahmaah ayaa ahayd: “Qaybshaa qad ama qoora-buurraa”.

Waxaan rajaynayaa in Isimada aan magacaabay lagaga dayan doono soo xulista hufan iyo hoggaaminta hagaagsan, ay u mareen hanaanka awood qaybinta beelaha ay Saldana u hayaan, iyadoo loo turayo, lana ilaalinayo wadajirka bulshada la matalayo ee isku deegaanka ah.

Dawaco ayaa laga sheegay : {Wallee reer aan ogahay ma guuro}.

Qalinkii: Mohamed Ghelle Hagi

Like it? Share it!

Leave A Response