Wasiirkii Howlaha guud ee Federaalka oo xariga roobow dartiis isu casilay

by admin | Sunday, Dec 16, 2018 | 60 Shared

Wasiirkii Howlaha Guud iyo Guryeynta ee xukuumadda Soomaaliya C/fataax Ibrahim Geesey ayaa ku dhawaaqay inuu xilka iska casilay.

Wasiirka ayaa is-casilaadiisa lagu sababeeyay kadib markii uu sheegay inuu u dulqaadan waaysey Faragelinta iyo dhibaatada ay xukuumadda ku heyso  Doorashada Koonfur Galbeed iyo dhibaatooyinka ka dhacay magaalada Baydhaba oo ay ka mid tahay xariga Sheekh Mukhtaar Roobow Cali.

Wararka ayaa sheegay in is casilaada wasiir Geesay ay qeyb ka tahay gadood ay beesha Digil iyo Mirifle ka qabto qaabka ay madaxda dowladda Soomaaliya ula dhaqmeen maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response