Maxay kawada hadleen Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku-xigeenadiisa oo shir gaara yeeshay?

by admin | Sunday, Dec 16, 2018 | 109 Shared

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu shir gaara uga socdo hotelka Pradise ee magaalada Muqdisho Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen.

Shirkan ayaa imaanaya toddobaad kadib markii uu Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh qabtay Mooshinka xil ka qaadista Madaxweynaha, kaasoo ay ka hor yimaadeen labada ku xigeen C/weli Ibraahim Muudey iyo Mahad Cabdalla Cawad.

Wararka ka imaanaya hotelka Pradise ayaa sheegaya in Gudoomiye Mursal shaacin doono in uu mooshinkii jabay. Sidoo kalena uu sheegi doono in Gudigii Maaliyada uu sidiisa u shaqeyn doono.

Like it? Share it!

Leave A Response