Guddoomiye Mursal oo Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho kana soo saaray 5 qodob

by admin | Saturday, Dec 15, 2018 | 53 Shared

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh ayaa shan qodob kasoo saaray doorashada Maamulka K/Galbeed iyo Xariga Sheekh Mukhtaar Roobow Cali.

Isagoo qabtay shirkii jaraa’id ee ugu horeeyay tan iyo intii qalalaasaha ka dhacay magaalada Baydhaba, kadib xarigii ciidamada Itoobiya kula kaceen Mukhtaar Roobow ayuu dalbaday in la sii daayo Musharax Roobow, dibna loo dhigo doorashada Maamulka K/Galbeed.

Mursal ayaa ku baaqay shanta qodob ee hoos ku qoran.

• In shacabka reer Koonfur Galbeed ay is dejiyaan, nabadda adkeeyaan, sharcigana dhowraan.

• In Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed ay dib u dhigaan doorashada Madaxweynaha inta lagahelayo jawi xasiloon oo ku haboon qabashada doorasho xor iyo xalaal ah.

• In ku simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu ka shaqeeyo dejinta iyo qancinta shacabka iyo dib u soo celinta kala danbeyntii.

• In odayaasha dhaqanka ay muujiyaan kaalinta dhaqan ee ay ku leeyihiin nabbada iyo wadajirka guud ahaan ummada Soomaaliyeed gaar ahaana Shacabka Koonfur Galbeed.

• In musharaxa xiran xorayadiisa dib loogu soo celiyo sida ugu dhakhsaha badan loona ogolaado in uu degaankiisii ugu laabto si nabad ah

Like it? Share it!

Leave A Response