Madaxweynaha Eritrea oo Muqdisho soo gaaray loona galbiyay Villa Somalia

by admin | Thursday, Dec 13, 2018 | 103 Shared

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta soo gaaray dalka.

Markii Garoonka lagu soo dhaweeyay kadib waxaa loo galbiyay madaxtooyada Soomaaliya halkaasi oo uu Kula kulmi doono madaxweynaha Soomaaliya iyo masuuliyiinka kale ee dowladda Soomaaliya.

Mr Afawerki ayaa si weyn u yaqaana magaalada Muqdisho, maadaama qeyb kamid ah noloshiisa uu kusoo qaatay caasimadda Soomaaliya.

Waa markii ugu horreysay oo uu yimaado Magaalada Muqdisho madaxweyne hogaaminayo dalka Eritrea, waxaana kaga horeeyay Wasiirka Arrimaha dibadda dowladda Eritrea.

Safarkiisa ayaa ka dhigan inuu soo wanaagsanaanayo xiriirka u dhaxeeya dalalka Eritrea iyo Soomaaliya oo sanado badan uu mugdi ku jiray.

Like it? Share it!

Leave A Response