Xasan Sheekh, Cali Mahdi, Nuur Cadde & siyaasiyiin caan ah oo ku biiray xalinta Mooshinka Farmaajo

by admin | Tuesday, Dec 11, 2018 | 90 Shared

Qaar ka mida  siyaasiyiintii xilalka kasoo qabtay dowladihii hore ee dalka soo maray ayaa ka wadahadlay xaaladda dalka iyo xiisadda ka dhalatay mooshinka laga keenay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Xubnahan oo ku kulmay guriga Madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed, Ra’iisal wasaarihii hore Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), Guddoomiyaha Guddiga Dib u heshiisiinta Cali Mahdi Maxamed iyo xubno kale

“Waxaa maanta igu soo booqday gurigeyga siyaasiyiin waaweyn oo reer Muqdisho ah Waxaana ka wada sheegakeysannay danta guud ee dalka iyo dadka. Waan uga mahadcelinayaa dadaallada ay ugu jiraan xal u helidda mashaakilaadka maanta taagan qaarkood…” ayuu yiri Xasan Sheekh oo farriin soo dhigay baraha bulshada.

Like it? Share it!

Leave A Response