Madaxweynaha France oo shacabkiisa raali gelin siiyey una ballan qaaday in Mushaarka loogu dari doono €100

by admin | Tuesday, Dec 11, 2018 | 147 Shared

Madaxweynaha faransiiska Emmanuel Macron ayaa ballan qaaday in uu mishaarka kordhin doono sidoo kalana canshuuta la dhimmi doono, taasi oo jawaab u ah khalalaasihii toddobaadyadii la soo dhaafay daashaday dalka faransiiska.

Madaxweynaha oo ka hadlayay telefishinka ayaa cambaareeyay khalalaasihii ka dhacay dalka, balse waxa uu sheegay in marka si loo eego ay ahaayeen suuragal.

“Mushaarka ayaa lagu dari doono €100 laga bilaabo sanadka 2019-ka” ayuu yiri Mr Macron.

Qorshe loogu kordhin rabay canshuurta dadka dan yarta ah ayaa la meesha laga saraay balse madaxweynaha waxa uu diiday in canshuurta sidii hore loogu soo celiyo dadka maalqabeenka ah.

Mr Macron ayaa aqbalay in dad badan aysan ku farax sanayn xaaladda ay ku noolyihiin ayna dareemeen in aan la dhagaysan cabashadooda balse Mr Macron, ayaa markii hore aad u dhaleeceeyay dibadbaxyada hareeyay waddankiisa.

Like it? Share it!

Leave A Response