Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Dacwad ka dhan ah Gaas u gudbiyey Maxakmada Sare

by admin | Monday, Dec 10, 2018 | 81 Shared

Maxkamada Sarre Puntland ayaa lagu wadaa in ay berri dhagaysto dacwad u dhaxaysa Madaxwaynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa taasi oo la xiriirta khilaafka dastuuriga ah

Ilo xogogaal ah ayaa u xaqiijiyey in Madaxwayne ku xigeenku maxkamada u gudbiyey dacwad la xiriirta Gudiga xalinta khilaafaadka ee Madaxwayne ee Madaxwayne Gaas magacaabay isla markaana labada dhinac diyaarsadeen qareemadii difaaci lahaa

Khilaafka Maxda sare ee Puntland oo ah mid dastuuri ah ayaa maxkamada sare dhegaysan doonta madaama aysan Puntland lahayn maxkamadii dastuuriga ahayd ee kala saari lahayd khifaadka noocaan ah.

Gudiiga xalinta khilafaadka ayaa 20 sano ay Puntland jirtey waxaa magacabistiisa iska lahaa Madaxweynaha isagoo la tashanaya ku xigernkiisa, musharaxiinta iyo qaybaha kala duwan ee bulshada

Arintaan ayaa ku soo beegaysa iyadoo Manta Gudiga khilaafadka ee Madaxwayne Gaas magacaabay shaqadooda bilaabayaan.

Like it? Share it!

Leave A Response