Banaanbax xoogan loogana soo horjeedo Mooshinka laga gudbiyay Madaxweyne Farmaajo oo kasocda Muqdisho

by admin | Monday, Dec 10, 2018 | 102 Shared

Banaanbax looga soo horjeedo Mooshinka laga gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Saakay waxaa uu ka soconayaa qaar ka mid ah wadooyinka waa weyn ee Magaalada Muqdisho.

Dadka Banaanbaxa ka qeyb galaya ayaa waxaa ay ku qeylinayaan Dooni meyno Mooshinka iyo erayo kale,iyadoona qaarkood ay sheegayaan in ay aad ugu xun yihiin mooshinka ay Keeneen Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Haween iyo Caruur aadu fara badan ayaa lagu arkayaa wadooyinka Magaalada Muqdisho, iyagoona dalbanaya in xildhibaanada ay ka laabtaan Mooshinka ay ka keeneen Madaxweyne Farmaajo.

Banaanbax ayaa waxaauu ku soo beegmayaa Xilli shalay gelinkii dambe ay qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ay mooshin ka gudbiyeen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xaalka magaalada Muqdisho ayaa saakay ka duwan sidii hore, iyadoona dalka uu jiro marxalad siyaasadeed, taasi oo ka dhalay Mooshinka laga keenay Madaxweyne Farmaajo.

Like it? Share it!

Leave A Response