War degdeg ah: Guddoomiye Mursal oo dib u soo celiyey Guddigii Maaliyadda

by admin | Saturday, Dec 8, 2018 | 113 Shared

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa dib u soo celiyay Guddigii Maaliyada ee Baarlamaanka Soomaaliya  oo uu dhowaan kala diray Guddoomiye ku xigeenka koowaad C/weli Muudey.

Qoraal uu soo saaray Guddoomiye Mursal ayaa lagu caddeeyay in Guddiga Maaliyadda ay shaqadooda sii wataan,wuxuuna u daliishaday xeer hoosaadka Baarlamaanka, wuxuuna faray Guddiga Maaliyadda inay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo dhameystiraan xisaabxirka misaaniyaddii sanadka 2017 iyo 2018.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa dhinac kale farriin u diray Xukuumadda isagoo si cad ugu sheegay inay u hoggaansanto shaqada Guddiyaasha Golaha Shacabka ee kor joogteynta iyo la xisaabtanka hey’adaha dowladda.

Like it? Share it!

Leave A Response