Murashaxa Gudoomiyaha Barlamanka Puntland 2019, Raage oo helay saxiixa Suldaan Juunle

by admin | Monday, Dec 3, 2018 | 396 Shared

Iyadoo ay dood badani ka taagneyd tartanka kursiga degmada Galdogob ee beesha Muumin Aden(Leelkase) ee doorashada xubnaha barlamaanka Puntland 2019, ayaa waxaa iska soo daba dhacaya Hambalyada ragga la sheegay inay ku guulasyteen kursigaasi.

Goor sii horaysay ayaa waxaa soo baxay warar sheegaya in kursigaasi uu helay ninka ay sida weyn ugu ololaynayaan maamulka Puntland , waa C/weli Dirir Geesood Indha-ceel oo la sheegay inuu helay saxiixa Maxamud Ugaas oo ah Inanka uu dhalay Ugaas Axmed Ugaas Maxamed C. Geesood.

Waxaa isna sidoo kale magaalada Garoowe ku sugan Xildhibaan C/risaaq Yaasiin C.Geesood oo ahaa xildhibaanka hore ugu fadhiyay kursigaan kana mid ah ragga beesha dhexdeeda looga yaqaano magaca “Ragaad”, isagoo wararku  ay sheegayaan inuu isna haysto saxiixa Cali Ugaas Maxamed C. Geesood.

Iyadoo Magacyada ragga saxiixa wata & kuwa saxiixayba ay kawada tirsan yihiin hal qoys oo ah Qoyska reer Geesood.

Hadaba Kursigaan oo Puntland ay ugu talo gashay in lagu Bahdilo beesha Leelkase oo uusan xitaa istaahilin in loo tartamo ayaa wuxuu bannaanka soo dhigay fadeexadda iyo Hoggaan xumada dul hoganaysa Issinka guud ee beesha Tanade , waa qoyska reer Ugaas Maxamed oo xurmad iyo sadano soo jireen ah ku leh beesha dhexdeeda.

Waxaa iyana dhankooda ka ordayey rag kale oo beesha ku abtirsada oo illaa 5 gaarayay, kuwaaso badankoodu isaga haray tartanka markay waayeen caddaalad & garsoor.

Waxaase isagu dhanka kale u wareegay oo ku guulaystay inuu helo saxiixa Suldaan Maxamed Jaamac Shire (Juunle) ninka u sharaxan qabashada xilka guddoonka Barlamaanka Puntland 2019 waa Raage Maxmed Maxmud Xaaji. Waxaanse la ogayn sida uu shaqayn doono saxiixa faraha badan ee xargaha goostay.

Harag sagaaro iiga kac mooyee iiga durug maleh.!! Allow iimaanka nagu sug.

Like it? Share it!

Leave A Response