Cabdixakiin Camey madaxweyne ku xigeenka Puntland : “Golihii Maamul Goboleedyada waxay iska noqdeen Haraadi”

by admin | Thursday, Nov 29, 2018 | 111 Shared

Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa sheegay in golaha iskaashiga dowlad goboleedyda aaanay dooneyn in Soomaaliya ay cagaheeda ku istaagto.

Waxa uu sheegay in markii hore ay si sharci darro ah ku abuurmeen hadana wakhtigooda uu marayo gaba gabo waxaana intaasi uu ku daray hadalkiisa in xubno kooban ay kasoo hareen golaha iskaashiga maadama ay ka baxeen buu yiri maamulada Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed.

“Maqabo in heshiis lala galo haraadiga wakhtigoodu sii dhamaanayo, waayo nin sii dhimanaaya wakhti laguma lumin karo”waxa uu sheegay in ay ka baxeen xubno badan oo ka tirsan Maamulada “shalay markii ay is magacaabayeen iyo maanta isku mid ma ahan, Hirshabeelle horay uga baxday, Shariifkii waa kii is casilay, nimanka hada ku soo haray laftigooda doorasho ayaa ku soo wajahan”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Eng Camey.

Eng.Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey madaxaweyne ku xigeenka Puntland ayaa sidoo kale tilmaamay in xiligan doorashooyin ay kusoo wajahan yihiin maamulada ku jira golaha iskaashiga dowlad goboleedyada sidaas darteedna aanay kasoo qaad lahayn wararka kasoo yeeraya golaha iskaashiga.

Hadalka Eng.Camey madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa kusoo aadaya xili golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ay shalay war kasoo saareen khilaafka kala dhexeeya dowlada dhexe iyagoona qoraalkooda kusoo dhaweeyay dadaalada golaha aqalka sare uu u galay xalinta khilaafka dowlada federaalka iyo maamul goboleedyada.

Like it? Share it!

Leave A Response