Murashax Raage M.M.Xaaji oo si weyn loogu soo dhaweeyay Galdogob

by admin | Wednesday, Nov 28, 2018 | 202 Shared

Murashaxa guddoomiyaha baarlamaanka Puntland 2019 , Raage Maxamed Maxamuud Xaaji ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay degmada Galdogob. Waxaana soo dhaweyntiisa ka qeybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada sida , odeyaasha dhallinyarada iyo haweenka.

Muadane Raage oo dhawaan magaalada Nayroobi kaga dhawaaqay inuu u taagan yahay xilkaani ayaa maanta soo gaaray degmada Galdogob isagoo kasoo jarmaaday dhanka magaalada Gaalkacyo.

Murashaxa ayaa ah nin dhallinayaro ah oo degaanka galdogob u dhashay waana ninkii u horeeyay ee isu soo sharaxa xilka guddoonka baarlamanka Puntland ee 2019.

Sida la ogyahay waxaa isna isla beesha ka sharaxan nwasiir C/rashiid Maxamed Xirsi oo u sharaxan xilka madaxweyne ku xigeenka Puntland 2019.

 

 

 

 

Like it? Share it!

Leave A Response