Magacyada dadkii ku dhintay weerarkii xarunta Sh.C/weli Cilmi Yare ee Gaalkacyo

by admin | Wednesday, Nov 28, 2018 | 210 Shared

 

Waxaa soo baxay magacyada qaar dadkii  ku dhintay weerarkii lagu qaaday xarun Sh. Cabdiwali Sh. Cali Cilmi Yare uu ku lahaa magaalada Galkaacyo halkaaso ay ku dhinteen ku dhawaad 20 qof oo ku sugnaa xarunta. kana mid ahaa 130 qof oo xarunta ku sugnaa waqtiga uu weerarku dhacayay.

Dadka ku dhintay weerarka waxaa kamid ah:

1. Shiikh CabdiWeli Shiikh Cali Cilmi Yare wadaadkii xarunta lahaa ee la weeraray.

2. Farxaan Garyare Cali: Wuxuu ahaa ciidanka ilaalda xaruunta.

3. Suudi Cabdi Kulane: Wuxuu ahaa ciidanka ilaalda xaruunta.

4. Ceynaanshe Shikh: Wuxuu kamid ahaa dadkii qasaa’idka qaada jiray wuxuu sidoo kale garaaci jiray qalabka.

5. Maxamed Qaliif Axmed: Qasaai’dka ayuu qaadi jiray.

6. Sayid Bakar Shiikh Cabdi:Wuxuu ahaa sawir qaade ka tirsan xirta.

7. Cabdi Mahad Cali Abshir: Durbaanka ayuu garaaci Jiray xiliyada loo baahdo.

8. Shiikh Cali Shiikh Maxamed Cismaa: Culimada u adeega Shiikha la dilay.

9. Cabdinuur Shiikh Cabdulweli Shiikh oo uu dhalay shiikha xarunta lahaa ahaana wiil , qasiidooyinka qaadi Jiray.

Dumarka Ku dhintay qaraxa

Waxay isugu jireen kuwo u adeega Shiikha Iyo kuwa qasiidooyinka wax Ka Qaadi Jiray.

1. Nasra Sh.Cabdulwali shiikh Cali

2. Xamdi xasan Sh.Axmed

3. Xaawo cabdi Kulane

4. Bilsan Shiikh

Like it? Share it!

Leave A Response