Sh. Cabdi Wali Cali Cilmi Yare iyo 11 xertiisa ah oo lagu dilay weerarkii Gaalkacyo

by admin | Monday, Nov 26, 2018 | 220 Shared

Ururka Al-Shabaab ayaa si rasmi ah u sheegtay inay iyaga fuliyeen weerar saakay lagu qaaday Xarunta uu magaalada Gaalkacyo ku lahaaa Shiikh  Cabdi Wali Cali Cilmi Yare iyo xertiisa.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay weerarkaas ku dileen Shiikh  Cabdi Wali Cali Cilmi Yare iyo 11 kamid ah ilaaladiisa.

Weli waxaa gudaha Xarunta wadaadkaan ku jiro kooxihii weerarka soo qaaday oo la sheegay inay gudaha la galeen baabuurka Cabdi Bilaha loo yaqaan iyo ciidamo badan oo saarnaa.

Weli waxaa laga dhex maqlayaa rasaas  culus oo la is waydaarsanayo, waxayna dhimashada illaa hadda mareysaa ilaa 20 qof.

Ciidnka Galmudug iyo kuwo Danab ee Milateriga federaalka ayaa dagaalka kusoo biiray welina dagaalku waa socdaa.

Like it? Share it!

Leave A Response