Warbixintii Guddiga Maaliyadda oo la diiday & Xubnaha Guddiga oo ku sigtay inay gacmaha isula tagaan fadhigii baarlamaanka ee maanta

by admin | Saturday, Nov 24, 2018 | 108 Shared

Qoraal ay k usaxiixan yihiin 10 ka mida 18-ka xubnood ee Guddiga oo loo diray Guddoonka Golaha Shacabka ayaa lagu caddeeyay inay cabasho ka qabaan Warbixin maaliyadeedka meel marinta qoondada miisaaniyadda 2018, iyagoo ku dooday in hab raaca loo maray meel marinta warbixinga guddiga ay aheyd mid baal marsan hab raaca xeer hoosaadka Golaha shacabka, iyadoo ku tilmaamay sharci darro qaabka loo maray.

Markii kalfadhiga Baarlamaanku furmay ayaa Xubnaha Guddiga Baarlamaanka ee Maaliyadda  isku hor qabsadeen fadhigii Baarlamaanka oo looga hadlayey warbixinta Miisaaniyadda 2018.

Xildhibaan Cali Xoosh oo ka mida xubnaha ka hor yimid warbixinta Guddiga uu ka tirsan yahay ayaa ku sheegay inay tahay warbixin siyaasadeysan oo aan ka tarjumeynin xaaladda maaliyadda, isagoo eedeyn u jeediyey xubnaha Guddiga magaciisa ku hadlay.

Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda xildhibaan Cali Cabdi Cisman ayaa difaacay warbixinta, wuxuuna sheegay in Guddiga u dhammaa warbixinta, ayna hayaan caddeymo maqal iyo muuqaal leh, iyadoo ka tashanaya warbixinta.

Xoghayaha Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur ayaa shirka ka sheegay ereyo ku weeraray xubnaha ka tirsan guddiga oo uu sheegay inay xukuumadda soo abaabushay, wuxuuna ku eedeeyay xukuumadda inay lacagaha ku takri fashay

“Baarlamaanka maanta waxa uu noqday shineemo oo kale, waliba iyadoo ay meesha fadhiyaan oo ay sacbinayaan dadkii lunsaday hantida dadka”. ayuu yiri Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur, hadalkaasi ayaa dhaliyey buuq, markii ay istaageen Xildhibaano iyo Wasiiro oo ku buuqay, waxaana markii danbe kulanka dib loo bilaabay iyadoo loo yeeray wasiirka maaliyadda.

Mar kale ayuu buuq hareeyay fadhiga Baarlamaanka, kadib markii Wasiiru dowlaha Maaliyadda Maxamuud Xayir uu sheegay in Guddiga maaliyadda ay ku jiraan rag qandaraasyo gaara laga qaaday oo dowladda dano gaara u ceebeynaya, waxaana laga dalbaday inuu raaligelin bixiyo.

Like it? Share it!

Leave A Response