Wafti JWXO ah oo Dagmada Bookh u tagay Shaqaaqadii shalay ka dhacday degaanka Gambaray

by admin | Saturday, Nov 24, 2018 | 192 Shared

waxaa gaaray dagmada Bookh ee gobolka Doolo wafti kamida Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeniya JWXO oo uu horkacaayo Xoghayaha Golaha dhexe ee JWXO Halgame Mohamed Shariif, waftiga ayaa waxaa soo dhawayn fiican u sameeyay shacabka ku dhaqan dagamada Bookh.

Wafdiga ayaa waxa wararku sheegayaan inay u yimaadeen degaanka Bookh inay wax ka qabtaan shaqaaqo maalintii shalay ka dhacday degaanka Gambaray oo hoos yimaada degmada Bookh.

Guddoomiyaha degmada Bookh Ina Badal-gaagaale(Reer Khalaf) oo wata ciidan aad u hubaysan ayaa shalay ku waabariistay degaanka Gambaray isagoo ku amray inay Canshuur bixiyaan dadka degaanku , balse uu soo kala dhexgalay is maandhaaf , kadibna ay ciidankiisu halkaasi ku dileen nin u dhashay beesha Dhulbahante balse dhaqan ahaan ku dhex noolaa beesha Leelkase oo la odhan jiray daahir Axmed Cali xaashi, halka sidoo kale ay dhaawacmeen 2 nin oo beesha Leelkase kasoo jeeda oo kala aha: Tooyo Cabdala Gees & Cali Shire Xirsi Cali.

Ragga dhaawaca ah ayaa la soo gaarsiiyay degmada galdogob ee gobolka Mudug iyadoo halkaasi lagula tacaalayo.

Arrinta ayaan weli dhan u dhicin waxaana laga warsugayaa Wafti JWXO ee maanta soo Gaaray Dagmada Bookh.

 

Like it? Share it!

Leave A Response