Itoobiya oo Qunsulkii u joogay Somaliland kala baxday, Arrimaha Somaliland kala tacaamuli doonto Soomaaliya

by admin | Tuesday, Nov 20, 2018 | 125 Shared

Dowladda Itoobiya ayaa guud ahaan joojisay xiriirkii kala dhaxeeyay Somaliland,iyadoo Dowladda Federaalka ah ee Itoobiya Qunsulkii u joogay Somaliland ay kala baxday, taas badalkeena Arrimaha Somaliland ay kala tacaamuli doonto Soomaaliya.

Qunsulka oo lagu Magacaabo Bereha Tesfay ayaa shalay gelinkii dambey gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ka dib markii uu diyaarad ka raacay Magaalada Hargeysa, isagoo saraakiisha Somaliland shalay ku wargeliyay in ay u yeertay dowladdiisa isaga oo aan sheegin wax intaas dhaafsiisan.

Sababta ugu weyn ayaa lagu sheegay in tahay in dowladda Itoobiya ay kala noqotay Somaliland xiriirkii dublomaasiyadeed ka dib markii Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya ,Eritrea iyo Itoobiya ay isku raaceen ilaalinta Midnimadda iyo Madaxbaanida Saddexda dal.

Xiriirka Jabuuti iyo maamulka Somaliland ayaan isaguna fiicneyn kaddib markii ay Somaliland heshiis la gashay Sharikadda DPWorld ee lagu wareejiyay Berbera taas oo ay Jabuuti u aragtay tartan dhinaca dekadaha ah,waxaana ay ruqsaddii kala noqotay DPWorl oo maamuleysay Dekadda Dooraale ee Jabuuti.

Somaliland ayaa dhawaan xafiis ka shaqeeya horumarinta Xiriirka Ganacsiga ka furatay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya,wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa isna dhawaan sheegay in Dowlado badan ay weydiisteen dowladda dhexe in ay qunsuliyado ka furtaan Magaalada Hargeysa kana oggolaadeen.

 

Like it? Share it!

Leave A Response