Haweeney Masaari ah oo uu Qudba-siro Ku Qabay Saxafi Jamal Khashoqgi oo sir badan kashiftay

by admin | Sunday, Nov 18, 2018 | 174 Shared

Haweeney u dhalatay dalka Masar oo wareysi siisay Wargeyska The Washington Post ayaa sheegtay inuu si qarsoodi ah u guursaday Saxafigaasi, dhowr bilood ka hor inta aan la dilin.

Haweeneyda oo magaceeda ku soo koobtay H. Atr ayaa intaas ku dartay in munaasabadda Nikaaxa si qarsoodi ah loogu qabtay Washington, iyadoo aysan ka warqabin Xaaskiisa cusub ee Turkishka Khadiija Cengiz iyo xubnaha Qoyskiisa.

Wargeyska Washington ayaa soo daabacay caddaymaha Nikaaxa iyo Sawiro ay la gashay Jamaal Khashoggi xiligii ay isguursanayeen kuwaasoo haweeneysan ay soo bandhigtay.

Waxay codsatay in la siiyo xuquuqdeeda oo buuxda iyo in loo aqoonado inay tahay Xaas uu ka geeriyooday saxafigaasi la dilay.

Dhinaca kale, mid ka mid ahaa saaxiibada ku dhow dhow Jamal Khashoqji oo codsaday inaan magaciisa la shaacin ayaa u sheegay Washington Post inuu goobjoog ka ahaa Munaasabaddii uu Jamaal Khashoqgi ku mehersaday Haweeneydan Masaarida ah.

Like it? Share it!

Leave A Response