Wasiir Siciid Ciid oo Garoowe u Jooga sidii dawladda faderaalku saameyn ugu yeelan lahayd doorashada Puntland

by admin | Friday, Nov 16, 2018 | 120 Shared

Wafdi ka socda Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya iyo Guddiga Doorashooyinka 2021-ka ee Soomaaliya ayaa hadda ku sugan magaalada Garoowe, iyagoo joogay sadexdii maalmood ee lasoo dhaafay, waxayna kulamo kala gedisan la yeesheen madaxda ugu sareysa Puntland oo ay kala hadleen arrrimo kala duwan.

Wafdigaan ayaa waxaa hogaaminaya Siciid Xuseen Ciid oo ah Wasiirka Beeraha xukuumada  Fedaraalka isagoo 3-tii maalmood ee lasoo dhaafay kusugnaa magaalada Garoowe, wuxuuna shirar kala duwan la yeeshay qaar kamid ah musharaxiinta u taagan xilka madaxtinimada  Puntland.

Siciid Ciid oo galaangal siyaasadeed oo xoog leh yeeshay labadii sanno ee lasoo dhaafay ayaa hadda kamid ah saaxiibada ugu dhaw ee Madaxweyne Farmaajo & Ra`iisulwasaare Kheyre, waxaana uu ka mid yahay shaqsiyaadka qeybta ugu badan ka qaadanaya sidii dawladda faderaalku saameyn ugu yeelan lahayd doorashada Puntland ee dhacaysa 2019-ka.

Wasiir Ciid ayaa garwadeen ka ah qorshaha taageerida dawladda Faderaalka Soomaaliya ee musharaxiinta madaxtinimada qaarkood, sidaas oo kalena Madaxda Puntland ayuu kala hadlayaa sidii loo dhameyn lahaa khilaafka u dhaxeeya Puntland iyo dawladda Faderaalka.

Sidaas oo kale Gudoomiyaha guddiga Doorashooyinka madaxa banaan ee Soomaaliya Xaliimo Yareey iyo xubno ay hogaaminayso ayaa kusugan magaalada Garoowe, waxayna kulan la yeesheen Madaxda ugu sareysa Puntland oo ay kala hadleen hanaanka taabagalinta doorashooyinka Soomaaliya iyo sidii loo furi lahaa xarunta guddiga ee magaalada Garoowe.

Guddiga Doorashooyinka ayaa doonaya in ay xarumihii guddiga ka hirgalayaan gobalada Soomaaliya oo dhan, gaar ahaana casumaadaha dawlad gobaleedyada, waxaana ay kala hadleen Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas sidii u ogolaan lahaa in la furo xaruntan, taas oo ay hadda dhinacyada oo dhan ka shaqeynayaan.

Puntland ayaa horey u hakisay wada shaqeynta ay la leedahay dawladda Faderaalka Soomaaliya, markii ay Kismaayo iskugu tageen hoggaamiyaashii madasha Wadatashiga kahor intii aysan madasha ku soo harin sadex Hoggaamiye oo kaliya, waxaana muuqata in ay hadda kala irdhooben madashu oo ay koox kasta danteeda gaarka ah wajahayso.

Like it? Share it!

Leave A Response