Itoobiya oo Xabsiga dhigtay Jeneraal Gabre

by admin | Friday, Nov 16, 2018 | 104 Shared

Sidda ay tabinayso warbaahinta gudaha ee dalka Itoobiya, waxay ciidamada Amnigu qabteen saacado ka hor Col Gebregziabher Alemseged Abraha oo ahaa Sarkaal sare oo katirsanaa Urur Gobaleedka IGAD, si weyna saameyn ugu lahaa siyaasadda arrimaha gudaha ee Soomaaliya, waxaana Korneylkan xilkaas laga qaaday markii ay Isbedelo ka curteen gudaha dalka Itoobiya.

Gabre ayaa kamid ah 160 Jeneraalo, Saraakiil, Agaasimayaal iyo Maareeyayaal iskugu jira oo katirsanaa dawladda Itoobiya, loona haysto dambiyo ka dhan ah Xaquuqda Aadanaha, Musuqmaasuq iyo Kutakrifal awoodeed.

Korneylkan ayaa si weyn u soo shaac-baxay sannadyadii Itoobiya ay faragalinta tooska ah ku lahayd arrimaha Siyaasadda ee Soomaaliya, waxaana lagu xasuustaa u kala dab-qaadidii dhinacyada siyaasadda.

Dadka yaqaana ayaa ku sifeeyey nin saameyn badan ku dhex lahaa arrimaha gudaha, isla markaasna idan weyn ka haystay Xisbigii laga qaaday awoodda Itoobiya ee TPLF, waxaana dul-hoganaya dambiyo waaweyn.

Col, Gabre ayaa laga qabtay guri kuyaala agagaarka Hotelka Hilton ee magaaladda Addis Ababa, isagoo u muuqday in uu ka baxsanayay ciidamada Amniga ee dalka Itoobiya oo baaris xoog leh ku waday.

Col Gebregziabher Alemseged Abraha ayaa katirsanaa kooxdii TPLF ee Tigree-ga ahayd haysatayna awooda dalka Itoobiya, taas oo uu jaanis wanaagsan uga helay faragalin qaawan oo lagu sameeyey arrimaha gudaha ee Soomaalida.

Maalmihii u dambeeyey waxaa la qabtay Saraakiil sare oo maamulayay mid kamid ah Warshadaha hubka ama birta culus ee dalka Itoobiya, waxaana dambiyada lagu helay kamid ah in ay Hub u dhoofinayeen Soomaaliya & Iiraan mudo dheer kaas oo sharci darro ahaa.

Like it? Share it!

Leave A Response