Sarkaal ka tirsan Kooxda Daacish oo Ciidamada Hay’adda NISA gacanta ku dhigeen

by admin | Wednesday, Nov 14, 2018 | 86 Shared

 

Qoraal ay NISA soo dhigtay baraha bulsjhada ayey ku sheegatay in in Ninka lagu qabtay howlgal ay xalay ka sameeysay Magaalada Muqdisho, wuxuuna u qaabilsanaa Daacish arrimaha dhaqaalaha.

“Ciidamada Amniga ayaa fiidnimadii xalay oo ku beegan 13-ka Nofembar 2018, Magaalada Muqdisho kasoo qabtay shakhsi ururka ISIS ee Soomaaliya iyo Xagjirka wadamada kale ka jira u kala gudbin jiray dhaqaalaha. Qabashada shakhsigan ayaa dhantaalaysa marinada dhaqaale ee ISIS..” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

NISA ayaa caadiyan wax faahfaahin ah ka bixin wararka ku saabsan howlgallada lagu qabto xubnaha ka tirsan Alshabaab iyo Daacish.

Like it? Share it!

Leave A Response