60 Sarkaal oo oo lagu xiray Itoobiya laguna eedeeyay inay Qarax u abaabulayeen Abiy Ahmed

by admin | Tuesday, Nov 13, 2018 | 79 Shared

Booliska Federaalka Itoobiya ayaa xabsiga u taxaabay 63 xubnood oo looga shakisan yahay inay  Qarax u abaabulayeen Abiy Ahmed.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Itoobiya Berhanu Tsgaye ayaa u sheegay wariyeyaasha maxaliga in xarigan uu yimid, kaddib baaritaano soo socday illaa shan bilood.

Waxaa uu sheegay in 36 ka mid ah eedeysanayaasha loo xiray falal xadgudubyo loo geystay maxaabiis loo xiray arrimo la xiriira argagixiso.

Sidoo kale waxaa uu sheegay 27 ruux lagu xiray kiis musuq maasuq ah oo faraha ay kula jireen.

Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay in dadkan maxkamad loo gudbin doono, marka la soo caddeeyo dambiyadooda.

Xarigan ayaa qeyb ka ah is bedelada ka socda dalka Itoobiya, tan iyo markii uu xilka qabtay Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, waxaa bilowday tallaabooyin looga hortagayo xadgudubyada ka dhanka ah bani’aadanimada ee ay geystaan Ciidamada

Dhinaca kale Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa sheegay in weerarkii bambaano ee 23-kii bishii June lagu weeraray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed xilli uu fagaare ku yaal Addis Ababa kula hadlayay shacabka Itoobiya ay ka dambeeyeen Saraakiil hore oo ka tirsanaa Sirdoonka Itoobiya NISS.

Like it? Share it!

Leave A Response